Home » Warar »

Jaamacada Kismaayo, Tiirka Ilbaxnimada (Warbixin)

Halbeega heerka ilbaxnimada ummad kasta oo degen meel aduunka ka mid ah waa illaa heerka ay ka gaaraan aqoonta, halka ugu saraysa ee aqoontuna waa jaamacadaha.

Jaamacadu waa riyada ugu weyn ee uu lahaa in uu gaaro qof kasta oo aduunkani cagaha soo dhiga 5tii boqol ee sanno ee ugu dambeeysey, ummada Soomaaliyeed dhexdeeda Jaamacadu wali waxay ka tahay heer dadka gaaraa ay dhif iyo naadir yihiin, Soomaalidu kalaba ahe, kuwooda gobolada degen xittaa maba ka fikiri Karin in wax jaamacad ah uu gobolkooda yeeshu meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

Gobolada Jubooyinka oo ay xarun u tahay magaalada Kismaayo oo ah caasimada sedaxaad ee dalka kama duwanayn gobolada kale ee dalka tan iyo xoriyadii oo waxay ka sinaayeen Jaamacad la’aanta, eedaasi oo dabcan aysan lahayn dadka ku dhaqan balse ah eed u tiiley maamuleyaashii xukunka isaga dambeeyey tan iyo lixdankii.

Halkan waxaan ku hayaa oo aan idiinku soo bandhigayaa raadraaca Hami nin oo tolkiisa Soomaaliweyn u sahmiyey halkii uu reerka kasoo dhaansan lahaa, isku daalin meeyno wax badan wadooyinkii uu sahanka u maray ee waxaan ka hadlaynaa anfaca uu soo hoyiyey ee laga macaashayo.

DrMohd

Ninkani waa kan asaasay Jaamacadii ugu horeysey ee ebed inta taariikhda lagu hayo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, laga yaabee in aadan wax badan ka aqoonin ninkani, laakiin haddiiba ay wax tarayso taariikh rag qoraa, wuxuu diiwaanka baalka dahabka kaga galay ahaanshaha ninkii xambaaray kana mirro dhaliyey hamiga in Jubbooyinka ay yeeshaan Jaamacad heerkeedu sareeyo

Magaciisu waa DR Sheekh Maxamed Abdi Aadan (Dr. Sheekh Maxamedwali ), dhawaan socdaal uu ku yimid dalka K/Afrika oo uu kusoo bandhigayay waxqabadka jaamacada, ayaan waxaan kula kulmey 3 jeer oo labbo ka mid ah ahaayeen kulamo gaar ah oo aan anigu codsaday, marka laga yimaado hadalada xikmada leh ee aan lasoo koobi Karin ee uu ii sheegey, eegmadiisa kaliya ayaa ah mid xambaarsan fariimo ku deeqaya.

Indhahani waa kuwo uu illaahay galiyey aragtida baaxada weyn ee ka dhashay tacabka dhaxalgalka ah ee hoos ku faahfaahsan.

Jaamacada Kismaayo waxaa la asaasay 1 dii bishii Sebtember sanadii 2005 tii, muddo 4 sanno hadda laga joogo, sanad dugisyeedkan 2009-2010 waxaa ka qalin jabinaya dufcadii ugu horeysay labbada kulyadood ee kala ah Dhaqaalaha iyo Waxbarashada.

Jaamacadu waxay ka koobantahay 3 kulyadood, 1- Kulyada Dhaqaalaha, 2-Kulyada waxbarashada 3- Kulyada Shareecada diinta iyo waliba machad tdaraasaadk a iyo hormarinta , waqti xaadirkan waxaa ka xaadira inka badan 200 arday Jaamacadeed ah, waxay leedahay 2 dhisme (Campus) oo waaweyn oo Kismaayo ku yaala.

Mid ka mid ah dhismayaasha dhawaan ayaa farta laga qaaday, wuxuu ka koobanyahay 2 dabaq oo isku wareeg ah, wuxuu ku dhexyaalaa boos weyn oo ay jaamacadu leedahay oo baaxadiisu dhantahay 200m* 500m oo ku yaala inta u dhaxaysa Madaxtooyada iyo xaruntii Dalxiiska halkaas oo 1kiilo mitir waqooyiga ka xigta magaalada, qudha halkii uu ahaan jirey garoonkii dayuuradaha ee hore ee magaalada.

Waa dhisme eegaya xeebta, oo leerta ay kugu maraysa halkaas oo aad qayaasi karto deegaan ahaan sida ay ugu habontahay maskax waxbaraysa oo u baahan degenaansho iyo jawi macaan, iminka waxaa gacanta lagu hayaa dhamaystirka tasiilaadkii kale ee xaruntani cusub sida darjiinooyinkii, maktabadii akhriska buugaagta oo lagu qalabayn doono aalado casri ah, loona dhamaystiri doono waxyaalaha ey u baahantahay intooda badan oo qaadaya 100,000 (boqol kun) oo buug sida lagu faafiyey barta Jaamacada ee www.kismaayouniversity.com

Waa isla dhismahani cusub kan ay tahay uu dhawaan qaado 7 kulyadood oo ay jaamacadu yeelan doonto mustqablaka fooda inagu soo haya oo ay ugu horeysa kulyada Caafimaadka oo barnaamijkeedu diyaar yahay, taasoo yeelan doonta Isbitaal weyn oo si wacan u qalabaysan oo labba siyaabood looga faa’iideysto, mid waa in bulshada loogu qidmeeyo adeega caafimaad ee ay u baahanyihiin, tan kalana waa in ardayda caafimaadka ay tabobar ku qaataan, waxaa diyaar ah dhaqaatiirtii iyo howlwadeenadii caafimaad ee ka howlgali lahaa.

Kulyadahani cusub waxay soo jiidan doonan arday fara badan oo gobolka dugsiyada sare kaga baxday oo taqasusaad kale u aadi lahayd jaamacado kale, hadda waxay jaamacadu taagantahay bartilmaameed soo jiidanaya ardayda kasoo qalinjabisa dusgiyada sare ee Kismaayo, Afmadow, Jillib iyo Bu’aale iyo waliba gobolada koonfureed intooda badan sida Gedo, Bay iyo Bakool iyo Shabeelada Hoose gaar ahaan magaalooyinka ay ka jirto waxbarashada illaa heerka dugsiga sare.

Jaamacada Kismaayo waxaa si joogta ah wax uga dhiga 20 bare oo aqoontoodu ay heersarayso, waxay jaamacada u qidmeeysaa dadka waaweyn, gaar ahaan ganacsatada oo machadka daraasaadka iyo hormarinta ka barta maadooyin ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo maamulka ku saabsan kuwaasoo ay ku dabaraan shaqooyinkooda maalinlaha ah, iyadoo sidoo kale ardayda aanan fursada u helin dugsiyada sare in ay dhamaystaan balse leh aqoonta la siinayo daraasad diyaarain ah oo ah muddo hal sanno ah kadibna uu gali karro kulyadii uu doono iyadopo la eegayo natiijadiisa imtixaamka iyo sida uu ugu qalmo heer jaamacadeed.

Jaamacada waxay xariir dhow la leedahay jaamacado kale oo aduunka ku yaala sida wadamada Kenya, Sudan, Sacuudiga iyo Masar, waxayna hiigsanaysaa in ay xariiro kale la samayso jaamacado kale oo wadamo kale ku yaala

Waxaa jirra qorshooyin ah in jaamacadu laamo ka furato magaalooyin kale oo dalka ka mid ah, gaar ahaan caasimada dalka ee Xamar oo hadaba uu ku yaalo dugsi hoose dhexe iyo sare oo ay jaamacadu maamusho, laakiin Sheekh Maxamed Wali wuxuu I xasuusiyey “inagu waan biloowney, oo meel ayaan gaarsiiney, heerar kale oo ka sareeyana waan gaarsiinaynaa, laakiin jiilalka naga dambeeya ayay tahay in ay halkaasi kasii wadaan hormarka aan ku taloowsanahay, waxaan hiigsanaynaa gaariska qaayo ah in aan dhisno mushtamac aqooneed oo ficilkooda iyo afkaarahooda ku saleeya aqoonta ay leeyihiin, aduunkana ka gala kaalin tartan meel muuqata”.

Sida uu waraysiga gaarka ah iigu sheegey Dr. Sheekh Maxamed Wali waxaa miiska saaran oo diyaar ah mashruuc dusgiyo sare looga dhisayo 4 magaalo oo ku yaala gobolada Jubooyinka oo kala ah Bu’aale, Jillib, Afmadow iyo Kismaayo.

4 sanno kadib Jaamacada Kismaayo waxay ku taagantahay dariiqii isku filnaansho kaligeed ah, run ahaantiina waa astaanta kaliya ee maanta ka jirta Jubooyinka oo hormarka ah, waxaana si saraaxad leh loogu doodi karaa in ay tahay tiirka ilbaxnimada dadka Jubooyinka oo kaalin muhiim ah oo mug weyn kaga jira Soomaaliweyn.

Intii ay jaamacadu dhismeyn waxaa Kismaayo isku badalay maamulo kala duwan, laga soo bilaabo maamulkii Barre Hiiraale oo isagaba dhagax dhigey illaa kan haatan jirra, wuxuu ii sheegey Dr. Sh. MaxamedWali in mararka qaar xiligii uu socdey dhismaha cusub in ay jiiri jireen illaa 6 ama 9 isbaaro oo ku bilqanaa inta u dhaxaysa magaalada iyo madaxtooyada oo hal kiilo mitir ah, biyaha dhismaha loo isticmaalay waxay ahaayeen kuwo macaan oo booyad looga keeni jirrey wabiga Jubba ee badda kaga dara Goobweyn, inta u dhaxaysa jaamacada iyo halkaasi waxaa yiiley 9 isbaaro oo mid kasta lacag looga qaadi jirrey booyada, shaqaalaha dhismaha waxaa gaari looga soo daabuli jirrey magaalada oo waxay soo mari jirrey 6 isbaaro oo mid kasta lacag lagu bixin jirrey,.

Barre Hiiraale oo dhagag dhigaya Jaamacada Kismaayo

Markii ay magaalada qabsadeen ciidamadii xabashida waxay degeen illinka hore ee Jaamacad, hase yeeshee meeysan galin gudaha dhismaya oo markaasi qabyo ahaa, waayo waxaa illinka ku yiiley boor weyn oo ku qoran magaca jaamacada, sidaasi darteed waa ay xushmeeyeen. Waxaad jalkaasi ka garan karyaa xaaladihgii ay jaamacada kusoo shaqaysay marnana aanan laga tiirdhigin ka gun gaaristeeda

Jaamacada waxay leedahay hoolal waaweyn oo ku haboon isu imaatinada, muddadii 4ta sanno ahayd waxaa halkaasi lagu qabtay isu imaatino aad u badan oo dadweyne oo siminaaro iyo muxaadarooyin laga jeediyey, cid kasta oo dooneysa in ay isu imaatin qabato waxay kireysataa hoolka jaamacada oo sidoo kale u fududeeysa tasiilaadka kale oo loo baahanyahay

Waxaa jira cilmi baarisyo ay jaamacadu samayso iyo qoraalo dhaxalgal ah.

Dhamaan hormarkani iyo howlqabadkani Jaamacada waa durdurka kasoo maaxday maskaxda Dr. Sheekh Maxamed Wali oo dhamaanteed na galiyey qab iyo kalsooni aanan nagu jiri lahayn, dabcana waxaa wanaaga la wadaaga dhamaan intii suurogalisey ka mirro dhalinta Jaamacada Kismaayo oo 1da September 2009 u dabaaldegeysa sanad guuradeedii koowaad.

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo), Johannesburg, South Africa

Email: Saxansoxo1@hotmail.com , Tell: 2776059384

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jaamacada Kismaayo, Tiirka Ilbaxnimada (Warbixin) "

  1. Igo says:

    waxay utahay dareen farxadeed,leh mug weeyn mid kasta oo aaminsanaa in guuldaradeenu tahay mirihii ka dhashay jahliga!

    Ninkaa{dr mohamed}wuxuu ku yeeshay laabteena oolimaad.xusuustiisuna waxay ku noqondoontaa laxmad sadrigeena.ilaahay haku abaal mariyo wanaag.

  2. Cabdale says:

    waad salaamantihiin,

    Walahi aad baan ugu farxaa dadka wakhtigooda, cilmigooda iyo hantidooda ku bixinaya waxbaridda shacabka. Aqoonyahamiintaas jaamacadaha aasaasaya ayaa – walahi – aad uga qiimo badan kuwa ku diriraya kursi iyo maamul. Markaa waxaa leenahay ilaahay ha idin la garab galo hawsha qaaliga ah ee aad umada soomaaliyeed u qabanaysaan.
    jazakumullahu khayran

    waad mahadsantihiin