Home » Warar »

Baaq: Dagaalka kasocda Ufayn,Puntladn

WAR-MURTIYEED

Ku: Dawladda Puntland Garoowe

Ku: Issimada iyo Nabadoonada Gobolada Puntland

Ku: Culamaa’uddiinka Gobolada Puntland

Ujeeddo: Baaq Nabadeed

Jaaliyadda Beelaha Cali Saleebaan ee Imaaraatka Carabta waxay dhowaanahan u fadhidey shirar is-daba joog ah oo xaasaasi ah laguna gorfeeynayey xaaladaha colaadeed ee ka taagan deegaanka Ufeyn ee gobolka Bari una dhexeeya labada beelood ee isir-wadaaga ah oo walaalaha ah ee wada dega gobolka Bari.

Shirarkaas waxaa goob jooge ka ahaa Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cadulaahi, waxaana intii shirku socdey laga arrinsanayey sida ugu macquulsan ee lagu qaboojin karo xiisadda colaadeed ee u dhexeysa labada beelood ee walaalaha ah.

Haddaba ugu dameeyntii waxay Beelaha Cali saleebaan soo saareen War-murtiyeedkan iyadoo la isku afgartey go’aanna lagu gaarey qodobadan hoos ku xusan:

1. Waxaa loogu baaqayaa labada beelood in ay si shuruud la’aan ah oo deg-deg ah ku joojiyaan dhamaan colaadda nasiib darrada ah.
2. Waxaa loogu baaqayaa Dawlada Puntland in ay si deg deg ah ciidan u kala dhex dhigaan labada beelood ee walaalaha ah.
3. Waxaa loogu baaqayaa dhamaan Isimada, Nabadoonada, Culamaa’uddiinka iyo inta nabadda jecel ee gobolka Bari in ay kaalinta kaga aaddan colaadaha taagan ka qaataan soona afjaraan dagaaladaas macna darrada ah.
4. Waa in labada beelood ee walaalaha ah ay si shuruud la’aan ah u soo wada fariistaan miiska wada-hadalka.
5. Waa in Dawladda, Issimada, iyo culamaa’uddinku ay meel uga soo wada jeestaan in ciddii nabadda diida si wada-jir ah talaabo looga qaado.
6. Waa in Dawladdu baaritaan ku samayso dhamaan dhinacyada ku lugta leh isla markaana hurinaya dagaaladan loona keeno caddaaladda horteeda si loogu ciqaabo danbiyada foosha xun ee ay galeen.
7. Ugu damayntiina Jaaliyadda Beelaha Cali Saleebaan ee Imaaraatka waxay muujinyasaa sida Niyada-jabka ah ee ay uga xuntahay dagaaladan soo noq-noqonaya, waxayna geed dheere iyo mid gaaban u fuulaysaa in ay hubiso in aan dagaaladaasi sii socon mar danbena aysan dhicin guuldaradaas oo kale.

Waxaannu Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa ka rajaynaynaa in uu inaka qaboojiyo xiisadahaas, labada beeloodna ilaahay u ku hanuuniyo waddada xaqa ah.

Wabailaahi Tawfiiq

Waxaa War-Murtiyeedkan Soo saarey:

1. Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi
2. Dr. Bashiir Maxamuud Cali Yare
3. Dr. Shire Haji Faarax
4. Dr. Bashir Maxamed Cismaan (Uunlaaye)
5. Ibraahim Xaaji Cabdulaahi
6. Captain Ciise Xaaji Faarax
7. Nabadoon Cumar Xaaji Faarax
8. Shiikh Ismaaciil Aw Siciid (Kutub)
9. Siciid Cali Garoon
10. Cabdulaahi Yuusuf Deri
11. Nabadoon Maxamed Yusuf Cali (Dheere)
12. Daahir Aw siciid
13. Mr. Ahmed Yusuf Maxamed
14. Siciid Maxamuud Shire (Daramadoow)
15. Yusuf Cabdulaahi Saalax Deer
16. Dr. Ahmed Osman H. Farah
17. Dr. Mohamed Cabduqaadir Maxamuud
18. Shiikh Bashiir Shiikh Maxamuud (Faay)
19. Cumar Siciid Weeraro
20. Faarax Xirsi Cali (Goobe)
21. Siciid Maxamuud Yuusuf (Taako)
22. Siciid Maxamed Salaax (Dube)
23. Cumar maro-guduud
24. Xaaji Mahad Xayir Ibrahim

Ahmed Shino

axmedshiino1984@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baaq: Dagaalka kasocda Ufayn,Puntladn "

  1. prof:Qalawe says:

    as wr wb
    bacdasalaan waxaa markahore mahad ucelinayaa webka somalitalk
    kadib waxaan leeyahay 2beelod ee walaalahaa in ladhex galo lana keeno shareecada islaamka sidiimarkii horeba lagu kala saaray mar2aad kuwii wax soo cusboonaysiiyana isku meel loogasoo wada jeensado inkastoo hadda qolada dhibaatadu kataagan tahay iska cadahay

  2. Faarax Maxamuud saalax says:

    A/C aad baan ugu faraxsanahay baaqa ay soo saareen jaaliyada imaaraadka ee joogta Dubai waxaan kaloo jeclaan lahaa sida qolada cali saleebaan baaqaa usoo saaratay inay qurba joogta cali jibraahiilna kaa mid lamida qoraan insha alaah labadaa qolana ilaahay baaqyada lanabada uga dhigo dhexdoodana ay walaaloobaan siday horayba walaalaa u ahaayen ilaah waxaan kabaryeynaa inaan cid dambe kuna dhiman kuna dhaawacmin ilaah waxaa kabaryaynaa in bogooda burcad ala isu mariyo ilaah waxaan kabaryeynaa inay nabad kuwada soomaan ilaah waxaan kabaryeynaa inay nabad kuwada afuraan ilaah waxaan kabaryeynaa in ilaahay quluubtooda usu soo dumo ilaah waxaan kabaryeynaa in aan ilaahay caradiisu inagu dhicin. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
    WABILAAHI TOWFIIQ