Waxaa ceeb wayn ku ah af soomaaliga in erayga feker uu yahay eray carabi ah oo aan afkeena hooyo ku jirin, malaha in erayga feker aan ka soo amaahano af carabiga waxaa nagu qasbaya in aynu nahay umad aan fakerin ee hadba wixii loo dhiibto meelaha la wareega, waa dood wayn oo u baahan in cilmi baaris gaar ah lagu sameeyo sababta afkeena hooyo looga waayay magac u dhigma erayga carabiga ah ee feker, balse maqaalkan kooban wuxuu u dabaal dagayaa wadaad had iyo goor ka fakara sidii soomaliya xal loogu heli lahaa!
Marka loo kuur galo sida aan u nool nahay, wadaadadu waa dadka ugu liita marka ay timaato in laga fakaro xalka dhibaatada soomaliya, in sidaas wadaadada loo eedeeyo waxaa sababaya hab dhaqankooda wixii ka danbeeyay bur burkii dalka, wadaadada waxay caan ku noqdeen in markii ay is qabtaan bulshada inteeda kale in ay ku dhawaaqaan in diintii laga horyimid oo ay waajib tahay in ay jihaadaan, markasta oo ay xanaaqaan ama xukun ay raadinayaan waxay ku dhawaaqaan jihaad balaaran oo la mid ah midkii lagu qaaday abuu jahal!
Intii an ku guda jiray aqriska qoraalada iyo buugaagta ay qoreen soomalida ma aanan arag qoraalo dhaxal gal ah oo ay qoreen wadaadada soomaaliyeed marka laga reebo maqaalada Sheikh MAXAMED IDIRIS oo had iyo jeer soo bandhiga qormooyin ay ku farxaan qalbiyada jecel in dhibaatada soomaliya lagu xaliyo feker cuskan wadaninimo, wadaadadu waxay ku mashquuleen in had iyo jeer ay cajalado ku duubaan casharo diini ah oo u badan waxa af carabiga lagu yiraahdo laqbo ama fasiraad. Way yar yihiin wadaadada isku hawla in ay cilmi baaris sameeyaan oo dadkooda u soo bandhigaan xal laga soo dhiraadhirayay feker gaar ah oo la jaan qaadi kara dhibaatada soomaliya.
Wixii ka danbeeyay sanadii 2005 waxaan il gaar ah ku hayay qoraalda Sh. Maxamed Idiris, oo aan si joogto ah u aqrin jiray, maqaalkiisi ugu danbeeyay ee ahaa “HANTIILAYAASHA CAYDHA AH” wuxuu xanbaarsanaa cilmi baaris qoto dheer iyo barashada qayraadka wadankeena hooyo, fariinta ugu muga wayn ee maqaalku xanbarsanaa ayaa ahayd in aan nahay hantiilayaal marka la eego qayraadka wadankeena dhex ceegaaga, basle shiikhu wuxuu si wayn ugu nuux nuuxsaday in aan nahay Caydh ka fara maran hantida ugu qaalisan ee ilma Aadan ay ku kala hormareen, waana hantida laga dhaxlo maskaxda shaqaynaysa, caqli ku hawlan in uu curiyo aragtidii lagu xalin lahaa dhibaato markaas taagan ayaa ah hantida ugu qaalisan ee aynu ceedha ka nahay!
Dad badan oo garasho ahaan liita ayaa waxay ku doodaan in caqliga aan loo baahnayn, doodaas waxay u cuskadaan in diinta iyo caqliga ay iska hor imaanayaan, sidaa daraadeedna ay qasab tahay in caqliga la xabiso , marka la xabiso caqliga waxaa la adeeegsanayaa caadifad cuskan caaqnimo, doodaas caatada ah waxaa lagaga gaashaaman karaa in la helo culumo bulshada u cadeeya in diinta iyo caqliga aysan iska hor imaanayn sida ku cad diinteena islaamka, in la helo culumadaas ayaa ah rajo adag waayo waxaa nagu badan wadaado wareersan oo wadankii dhan walba ka soo weeraray ayagoo xukun iyo nolol doon ah.
Markasta oo caqliga la xabiso nolosha waxay gashaa ciriiri sida ku cad taxanaha taariikhda ilma Aadan , iska hor imaadyadii iyo dagaaladii ka dhacay guud ahaan dunida waxaa sabab u ahaa adeegsiga caadifada iyo ka fogaanta caqliga, sida aan ognahay qabiilada soomalida waxay isku xasuuqeen si nacasnimo ah, ilaa hada lama sheegi karo sabab maan gal ah oo ay soomaalida isku xasuuqeen, inta sababta u raadisa dagaalada soomalida waxaa ugu liita kuwa sheegta wadaadada oo ku sababeeya dhibaatada soomaliya in ay tahay caradii rabi oo dalka ku dhacday.
Dhibaatada soomalida ma ahan caro rabi oo ku dhacday, mana ahan cadaalad daro, sidoo kale ma ahan cadow na soo weeraray, dhibaatada na haysata waa mid aad u fudud fahankeeda umana baahna falsafad iyo dood lagu xuurtoodo, dhibaatadeena waa in aynaan fahmin Nolosha,, fahamka nolosha uma baahna wacdi iyo sharaxaad dheer, fahamka nolosha waa in aad dantaada garatid, in aad dantaada garatidna waxay ku xiran tahay sida aad uga qaan gaartay garashada.
Fahamka nolosha ma ahan in maalin walba laga qayb galo shir ceebeed lagu qabto dalalka dariska ah, fahamka nolosha ma ahan in laga tuugsado shirarka caalamka iyo in laga dawarsado wadamo shisheeye, sidoo kale fahamka nolosha ma ahan in inta cimaamad gaduudan la qaato in af carabi caato ah lagu gaaleesiiyo umad dhan oo islaam soo ahayd qarniyo badan, sidoo kale fahamka nolosha ma ahan in lagu dhax macluulo wadan qayraadka ku jira ay ku filan yihiin 145 malyan oo qof sida Sh. Maxamed idiris ku xusay maqaalkiisa.
Dooda ah in aynaan wali fahmin sirta fudud ee nolosha waxay nagu dhiiri galin kartaa in aynu xalka ka baadi goobno jihooyin cusub oo aan ka ahayn gawaanka cidlada ah ee aan ku hungownay. Dhamaan inta ku hawlan xal u helida dhibaatada soomaliya waa in ay ka duulaan aragtida ah in aynaan wali nolosha fahmin oo ay qasab nagu tahay marka hore in aan si guud u wada qirno sida qaldan ee aan nolosha u qaadanay.
Umadaha kale ee islaamka ah waxay leeyihiin culimo ama wadaado fakaraya oo ku howlan sidii ay umadooda u bad baadin lahaayeen aakhiro iyo aduunba, waxay had iyo jeer isku howlaan sidii ay dadkooda ugu sharixi lahaayeen danahooda gaarka ah iyo mida guud ee muslimiinta, hadii aan nahay qawmiyada ku silicsan geeska afrika waxaynu u baahanahay culimo sidaas oo kale ah waxaan u baahanahnay culimo wax qorta ee aan cajalado duubin, waxaan u baahanahay culumaa u diin la hadla caqliga ee aan caadifadeena ka faa’idaysan, waxaana aaminsanahay in Sh. Maxamed Idiris uu ka mid yahay culimada aan sida wayn ugu baahanahay maraxaladan adag!
W/Q Sociologist: Abdulaahi M Adam
exmurux@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Aad baad u mahadsan tahay Abdullahi M. Adan, qoraalkaaga waxaad saldhig uga dhig tay ” Isma diidayaan caqliga iyo diintuye, caqliga yaan la xabisin” aad iyo aad baan kuugu taageersanahay waana fikrad sax ah.Bal ila eeg markhaatiga aan kuu hayo ee aan waydiiyay laba wadaad oo midna sidii cajalad wax lagu shubay oo aan fekeri karin iila hadlay(Caqli Maxbuus), midna si cilmi ku dhisan iigu jawaabay. Ogow labada wadaad waxaan waydiiyay su’aal isku mid ah oo ah ” Boqolkii sano ee u dambeeyay uun bay ahayd marka la hindisay Gawaadhida ama baabuurta. Baabuurtii waxay u baahan yihiin dariiq loo hagaajiyay oo ay iyagu uun maraan (Laami, Jid-cadde iwm). haddii laga qaado gaadiidka lacag (bille, lix-biloodle, ama sannadba)iyadoo loo eegayo xajmiga, taayirrada, culayska(tonnage) iwm oo ujeeddadu tahay in loogu hagaajiyo dariiqyadaas ay gaarka u maraan sax ma tahay? Caqli-maxbuus wuxuu iigu jawaabay si kooban “Cashuurtu waa xaaraan”. maba uu ka bogan waxaan waydiiyay. Ninkii fekerayay wuxuu ii sheegay arrintaasi ka hor iman mayso sharciga islaamka wuxuuna ii sheegay tusaalahan dhexmaray Rasuulkeenii Muxammad SCW iyo saxaabadii “Niman carbeed oo isku tallaalaya laba geed oo timir ah ayuu arkay rasuulku SCW wuu ka joojiyay, dabadeed timirtii baa dhali wayday midho sannadkaas. Sannadkii dambe ayuu Rasuulku SCW u fasaxay oo uu ku yidhi “Antum aclamu dunyaakum”. Bal u fiirso arrinta Caqliga oo laga shaqaysiiyo ayaynu u baahannahay, weliba si gaar ah WADAADDADU.
Qoraalkani wuxuu ka mid yahay qoraallada fara ku tirska ah ee soomaalida ee lagu tilmaami karo dhaxal-gal. qoraaguna waa ku mahadsanyahay aragti dheeridiisa.
Waxay ila tahay in wadaaddada soomaalida loo baahanyahay inay dhuuntaan!! inay cimaadahooda isku dedaan oo aan dib dambe loo maqal iyagoo ka hadlaya mustaqbal umadeed.
Wadaaddadu waxay waddanka gaarsiiyeen meel aysan gaarsiin qab-qablayaashii xamar, waxay keeneen rajo la’aan cusub. waxay ku hor kufeen bulshada!!
kuwooda fara ku tiriska ah ee wanaagsan waxaa shiiqiyey kuwo qaylo dheer oo balaayada ka ganacsada dhiiggana ka dhex jillaabta..
ciddii isku dayda inay hab-dhaqankooda naqdiso waxay ku sheegaan qof islaam-diid ah ama diin ka bax ah!! xaqiiqdu waxay tahay in Islaamku beri ka yahay dhaqanxumida ay la yimaadaan!