Home » Siyaasad »

Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon ee QM|Q-2-aad

Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon Ee Hay’adaha QM ee Al-shabaab Dalka Ka Eryeen.

W/Q: C/nuur Maxamed Axmed

Qaybta 2aad:

Kadibkadib burbur

Kadib burburkii baahsanaa ee dalka ka dhacay horaantii 1991dii ka soo saameeyay hab nololeedkii dalka ka jiray oo idil, waxaa soo if baxay xirfado badan oo ay dadka ku raadiyaan inay maal ku tabcadaan.

Waxaa xirfadahaa kamid ah waxa afka qalaad lagu yiraahdo NGO (Non-governmental Organization), afka Soomaaligana lagu macneeyo hay’adaha aan dawliga ahayn. Waa hay’adho u baahan qalabayn yar qandaraasna kusoo qaata boqolaal kun oo dollar hadaysanba malaayiin ahayn. Intooda badan waxaa saldhig u ah Muqdisho, halka kuwa kalena ay dhex dangiigaan Hudheello Nairobi ku yaallo iyaga oo ku macneeya joogitaankooda halkaa amni xumo ka jirto gudaha Soomaaliya.

Maalkaa tirada badan oo magac Soomaaliyeed lagu soo qaato wuxuu ku dhacaa jeebkooda, waxqabadkooduna waa qawda maqashii oo kaliya. Waxaa majaraha u hayo da’yar aan garanayn qiimaha wadaniyada iyo waxqabadka dadkooda uga baahanyahay. Luqada kaliya e ay fahmaan waa waxa jeebkooda ku dhaca.

Ereyga NGO waxa uu ka noqday Soomaalida dhexdeeda erey cay ah oo lagu bahdilo qaybo kamid ah bulshada. Waxaa dhagaheena ku badan in la yiraahdo hebel waxa uu ka dhigay wasaarad hebel, ama xafiis hebel meel NGO ah taasoo loola jeedo in ninka hebel ah u joogo halkaa inuu lacag fara badan ka xareeyo meeshaa uu masuulka ka yahay.

Hay’adahan intooda badan ma jirto cid kormeerta wax qabadkooda. Ma jirto cid ogaata xadiga dhaqaalaha ay helaan, halka ay ku bixiyaan, iyo sida ay uga gun gaaraan ahdaafta ay sheegtaan inay ka mira dhalinayaan. Intooda badan ma soo saaran warbixino usbuucle, bille, ama sanadle ah oo ay uga hadlayaan waxqabadkoodii xilligii tagay.

UNDP oo ah halka laga arimiyo lugooyada iyo shirqoolka loo maleego Soomaaliya, maal gallina ku sameeysa kooxahan magaca NGO-ga ku qaraabata albaabada ayaa la isgu dhuftay bishii tagtay bartameheeda. Uma maleynaayo in hay’adan iyo labada kale ee ku wehliya xayiraada ay wax wanaag ah oo ay dadka u hayeen kala tagteen dalka kadib eryidooda.

Qabytii 1aad ee qormadan waxaan ku qaadaa dhigay qodoba dhawr ah oo ay UNDP ku qeexday barteeda Internet-ka. 5ta qodob ee ugu waawayn, salna u ah waxqabadkeda waxaa kamid ah inay u ololeysa isku maamulida Dimoqraadiyada, yaraynta faqriga, ka hortagida xasaradaha, hagaajinta deegaanka iyo tamarta, iyo ka hortagida faafida cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

20kii sano ee is barbaryaaca hal qodob oo kamid ah shantaa ma aysan ka qaban dalka. Hadaba hadaysan hawshii lo unkay dalka ka qabanin mudadaa ku dhaw rubuc qarniga maxay tahay sababta hay’adan ay balaayiinta dollar ugu qaybiso calooshood u shaqaystayaal sheegta inay samafal ka wadaan Soomaliya.

Qiiq isku qarinta UNDP waxaa banaanka soo dhigay Alshabab oo dabagal mudo dheer kadib go’aamiyay in hay’adan iyo jawaasiisteeda dalka ka carraabaan casar dheer. UNDP oo ku magacaaban inay tahay hay’ad ka shaqeysa barnamaijyada horumarinta kama aysan qaban hal mashruuc oo raalli galiya dadka Soomaaliyeed. Hadii macnaheedu yahay in Hudheello Nairobi ku yaallo lagu cuno qarashaadka madaxa dadka Soomaaliyeed lagu soo qaato waxaan filayaa inay riyadoodii loo rumeeyay. Dadka Soomaaliyeed waxaa ka fuqi doonto oodintii ay UNDP ku reebtay waxaana soo gabagaboobay hawlaheedii daahsoonaa ee ay ugu horeyso in warbixino xaqiida ka foq dalka laga gudbiyo iyo in la faafiiyo Masiixiyada si qaybo kamid ah bulshada Soomaaliyeed loo gaaleeyo.

Waxaa intaa dheer jawaasiista reer Galbeedka ee dalka timaada waxay ay wataan shaati ku magacaaban QM. Dhamaan waxa ay u xusul duubayaan inay xog lagu hagardaameeyo dalka Soomaaliyeed laga uruuriyo iyada oo loo kaashanaayo gacan yarayaal sheegta inay maamulaan NGO-yo. Hadii waxa samafalka sameynaayo ay UNDP tahay ama ay horumar la doonayso Soomaaliya , dadka Soomaliyeed ayaa taa diiday oo ku baraarugay hawlaheeda guracan.

Qaybta ugu danbaysa waxaan rabaa inaan waxyar kaga taabto xafiiska 2aad ee ay saamaysay xayiraadan. UNPOS oo ah xafiiska uu madaxa ka yahay Ahmedou Ould Abdalla ma jirin wax xafiis ah oo uuku leeyahay gudaha Soomaaliya. Waxa ay ku cilleeyaan sababaha diiday inay dalka tagaan xaalado amni darro oo ka jira Soomaaliya. Marmarsiyadan waa wax lagu yaqaano qowlaysatada oo dhan.

Xafiiska laga hago siyaasada Soomaaliya, UNPOS, waxa uu ku caan baxay kala qaybinta Soomaalida. Waxaa xafiis QM u xilsaartay hadba sidii wadada saxda ah uga leexin lahaa siyasada damacada ku dhisan ee Qabqablayaasha horboodi jireen hadana wadaadada la xil wareegeen iyaga oo dhawr shaati oo kala duwan wata. Waxaa uu xawaarihiisa sii laba kacleeyay kadib markuu ku guulaystay kala qaybinta wadaado ku midaysnaa ha dallad (ARS), cadawgana iksu si ula dagaalamaayay. Dagaalka maanta ka jira dalka waa mid hurintiisa UNPOS loo wakiishay.

Gunaanad:

Waxaan isla aragnay waxa u qoron ee ay sheegtaan inay dalka ka qabtaan iyo waxaay hada ka wadaan. UNDP iyo UNPOS hal maalin oo qura ma hagaajin Soomaaliya umana qalab qaadan inay dadka Soomaaliyeed caawiyaan. QM oo wakiilanaysa xafiisyada aan kor kusoo xusay waxay bilowday olole lagu xidida siibaayo Soomaaliya si looga dhigo wadan aan hana qaadin, dawlidnimada aan mudada sugaynana aysan ka dhalan.

Somaalida waa inay ku baraarugtaa in xalkeeda kaliya imaanaayo marka ay ayagu tashadaan . NGO iyo dawlad reer Galbeed wax u meerinaayo waxba lagu noqon maayo, ninka xalka Soomaaliya ka raadinaayo reer Galbeedkana waa mid marin habawsan.

Ilaah waxaan ka baryaynaa in dalkeena ka dhigo meel amaan ah, Soomaalidana ka dhigo bulsho nabada kaashata halkii qalaalaaso la weheshan lahaa.

Fursadan waxaan uga faa’iidaysanayaa inaan canbaareeyo falkii lagu laayay culimadii Tabliiqa ee Galkacyo lagu laayay. Hadaan nahay bulshada Soomaaliyeed ee reer Pakistan xanuun gaar ah iyo uur ku taallo aan go’ay ayuu falkaa nagu reebay waana in la horkeenaa cadaalada kuwii falkan ka danbeeyay.

W/Q: C/nuur Maxamed Axmed

C/nuur Maxmed Axmed waa Wariye katirsan bahda Idaacada STAR FM. Wixii talo bixin ah waxaad ugu diri kartaa cinwaankiisa oo ah nobleman254@hotmail.com ama starfm@journalist.com.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon ee QM|Q-2-aad "

  1. sadiqulamiin says:

    a/c?
    ramadan kariim waxan kamid ahay akhristayasha somalitalk page marka waxan dhaman qoraysaha pagekan uga wada mahadcelinaya sida ay soo ban dhigan xaqiiqda bulsho q/ted ka indho la’dahay marka wan kaga mahad naqaya xaqiqada ad soo ban dhigtey thanks. wana kasugayna kuwas oo kale ishalah waxana bulshada somaliyed kuwargalin laha in ay lasocdan waxa dalkooda kadhacay siiba pagekan xaqiiqoyinkan aysoo ban dhigayso.