Home » Abdirisak-Xusen »

Faallo: Waxyaalaha fashiliyey dowlada sheekh shariif

Faallo: Waxyaalaha fashiliyey dowlada sheekh shariif

Hordhac:

Kolkii dowladii uu madaxda ka ahaa C/lahi yusuf ahmed lagala wareegey maamulka soomaaliya, waxaa ay dad badani ku rajo weynaayeen in la heli doono isbedel iyo horumar nabadeed oo la taaban karo. Dadku waxaa ay rajadooda ku saleynayeen afar qodob.

– Ciidamadii Itoobiya oo dalka ka baxay
– Hogaanka dalka oo ay qabteen rag dhalinyaro ah
– Madaxweynaha oo kasoo jeeda deegaanada koonfureed
– Khibradii laga dhexlay maamulkii maxkamadaha.

Balse rajadaasi waxaa ay noqotay mid lagu hungoobey.Qodobada aan kor kusoo sheegnayna ee la is lahaa waa caawin doonaan dowladana waxaaba ay noqdeen kuwo iyagii caqabad ku noqday dowladii . Siyaabaha ay caqabada u noqdeen iyo waxyaabaha qaldamay ayaan qormadaan kaga faaloon doonaa.

Itoobiya oo bedeshay qaabkii ciidankeedu uga howl geli jirey soomaaliya

Qodobka ugu weyn ee intii aanu sheekh shariif madaxweynaha noqon uu ku cel-celin jirey lana shir tegi jirey waxaa uu ahaa: dalkii waa lagu soo duuley. Waxaa kusoo duuley cadow waana in lala dagaalamaa cadowgaas oo dalka laga xoreeyaa. Kolkii uu bilaamay wadahalkii jabuuti ee sheekh shariif arkay in rajadiisa inuu madaxweyne noqdaa ay fiican tahayna waxaa shariifku ku cel-celin jirey waxaa naga goàn in ciidamada Itoobiya aan dalka ka saarno. Si nabad gelyo ah ayeyna dalka uga baxayaan. Dad badan oo soomaaliyeed baa arinkaas aad ugu riyaaqay, waxayna dadku wakhti walba odhan jireen, haddii sheekh shariif ku guuleysto in ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan cidina kolkaas kuma haysato madaxtinimada dalka.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh shariif waxaa loo doortay madaxweynaha dalka soomaaliya, ciidamadii Itoobiyana dalka waa ka baxeen. Balse maxaa xigey?

Dowlada Itoobiya waxaa iyadoo kalsooni ka haysata dowlada sheekh shariif ay bedelatay qaabkii dagaalka. Waxaana ay markaan bilowday iney soo hubeyso ciidamo kala duwan oo ay hadba magaca ay doonto u bixiso. Waxaa ay bilowday iney dib u howl geliso hogaamiye kooxeedyadii hore iyo ragii shicibka dhibta ku hayey muddada 20-ka sano ah. Sheekh shariif waxaa uu iska xaadiriyey AddisAbeba si uu kulan wada tashi ah ula qaato madaxweynaha Itoobiya, Meles Senawi. Ka dib kolkii dagaalada xamar ee u dhexeeya dowlada sheekh shariif iyo ururada Islaamiyiinta ay kululaadeen. Dowladana lagu soo koobay xaafado tirsan, waxaa ay madaxda dowladu bilaabeen qaylo dhaan ay leeyihiin waa in naloosoo gurmadaa oo ciidan naloo keenaa. Itoobiya iyo cidwalba oo na caawineysa waan soo dhoweyneynaa ayey yiraahdeen madaxda dowladu. Arintani waxaa ay noqotay mida ugu horeysa ee fashilisay dowlada sheekh shariif. Waa mida kaliftay in shicibka soomaaliyeed badankiis uu isweydiiyo:

Waa maxay farqiga u dhexeeya dowlada shariif iyo tii ka horeysey. Ma dowlada Itoobiya iyo ciidamadeeda uu shariifku shalay lahaa waa in lagu jihaadaa ayaa hadda gurmad la weydiisanayaa? Maxaa isbedley?

Khibrad xumo siyaasadeed

Labada nin ee ugu sareeya hogaanka dalka; waa madaxweyne sheekh shariif iyo Raysul wasaare sharmaake, waa rag aan lahayn khibrad siyaasadeed oo dheer.Waa rag ay aad ugu adag tahay iney fahmaan jahwareerka iyo aasaaska dhibaatada soomaaliya. Shariifku waxaa uu fagaaraha siyaasada soo galay wakhtigii maxkamadaha. Maxkamaduhuna waxaa ay lahaayeen maamul balaaran oo ay ka mid ahaayeen kuwa maanta shariifka la diriraaya.

Waxaa muuqata in aan shariifku ahayn dejiyayaashii qaab siyaasadeedkii maxkamadaha ee muqdisho lagu xasiliyey.Wasiirka kowaadna waxaa uu ahaa nin dibada ka joogey siyaasada soomaaliya oo aan wax sidaas ah kala socon. Madaxweyne shariif kolka uu kulamada sameynaayo dal iyo dibadba ama kolka uu hadal jeedinaayo, waxaa ka muuqata waayo aragnimo laàan siyaasadeed. Waaya aragnima laàantaas siyaasadeed waa middii dhalisay in heshiis ku wajahan badda soomaaliya lala galo dowlada Kenya. Waa heshiis aan wax dan ah haba yaraatee soomaaliya ugu jirin. Ilaa hadda waxaa xeel dheerayaasha cilmiga baddu ay isweydiinayaan sababta keentay in la galo heshiis aan dadka iyo dalka soomaaliyeed wax dan ahi ugu jirin.

Dhaqanka noocaas ah ee ay dowladu muujisay iyo weliba sidii heshiiskaas loo sharaxay waxaa ay shacabka soomaaliyeed ku dhalisay niyad jab iyo wel-wel siyaasadeed. Waxaa kaloo dadweynaha niyad jab kale kusii dhaliyey isku xirnaan la àanta qaybaha kala duwan ee dowlada. Qaabka shaqo ee xubnaha dowlada ayaa u eg mid wasiir walbaa uu doonaayo inuu helo waxuun isaga u dan ah. Madaxweynaha iyo wasiirkiisa kowaadba ma aha kuwo codkar ah oo mowqifkooda siyaasadeed dadka u sharaxi kara. Waxaa la yaab igu noqotay jawaab uu bixiyey sheekh shariif mar ay bbc-du waraysi la yeelatay. Waxaa la weydiiyey shariifka suàashaan: Qasnada dowlada lacag masoo gashay maadaama aad balanqaadyo badan hesheen? Bal akhristow si fiican u dhuux oo ka feker jawaabta uu bixiyey shariifku?

Wuxuu yiri: Aad baan uga xumahay inaad dooneysid inaad ogaatid waxa ku jira qasnada dowlada. Suàasha sheekha la weydiiyey iyo jawaabtu ma yihiin kuwa isleh. Haddii shariifku uu khibrad siyaasadeed wadan lahaa, waxaa uu bixin lahaa jawaab taas ka duwan.

Waxaa kaloo khibrad xumada siyaasadeed ee dowlada shariif banaanka u soo baxday ka dib kolkii maalin cad laga fara maroorsaday khuburadii milateri ee faransiiska ahaa dowladana martida u ahaa.

Degaanka madaxweynuhu kasoo jeedo

abdirsaqMadaxweynihii hore ee soomaaliya C/lahi yusuf ahmed waxaa uu ahaa mid laga taageersan yahay gobolada uu kasoo jeedo. Madaxweyne sheekh shariif dhibaato weyn ayaa ka haysata degaanadii uu kasoo jeedey.Aad iyo aad ayeyna u yar tahay taageerada looga hayo deegaanadiisa. Magaalooyinka gobolka shabeelada dhexe ee jowhar, mahadaay iyo tuulooyinka ku xeeran oo ahna deegaanka uu shariifku kasoo jeedo ayaa ah meelo aanu haba yaraatee cag dhigi karin wakhtigan xaadirka ah. Magaalada muqdisho oo ay ku badan yihiin beesha uu kasoo jeedo shariifku ayaa inteedii badnayd waxaa ay gacanta u gashay xoogaga mucaaradka. Waxaa haddaba isweydiin leh kol haddii shariifku ku guuleysan waayey inuu helo tareerada goboladii uu kasoo jeedey sidee ay suurto gal u tahay inuu helo taageerada gobolada kale. Taageera iyo saldhig laàanta shariifka waxaa ay ka mid tahay waxyaalaha keeney fashilka ku yimid dowlada ku meel gaarka ah.

Adeegsiga ereyga argagixiso iyo alqaacida

Ereyada ay aad u adeegsato dowlada shariifka waxaa ka mid ah ; argagixiso, alqaacida iyo dad ajnebi ah baa dalkayaga qabsaday. Walow aaney dowladu weli soo bandhigin qof ajnebi ah oo ay qabteen ama ay dileen. Dhamaan meydadkii ay soo bandhigeen oo ay ku shegeen ajnebi waxaa ay noqdeen muwaadiniin soomaali ah. Aragaxiso ayaa dalkayaga joogta waa dariiqadii ay adeegsan jireen jabhadii afganistaan ka jirtey ee mareykanka ka dhinac dagaalami jirtey ee la oran jiren “The north alliance” ama xulafadii waqooyi.
Ka dib kolkii taalibaan ka adkaadeen ayey xulafada waqooyigu waxaa ay rabeen in dagaalka mareykan soo galo oo iyaga kaalmeeyo. Sidaas darteed ayey maalin walba oran jireen argagixiso ayaa dalkayaga haysata. Taasi waa tan dhalisay in boqolaal qof oo reer afganistaan ahi ay dhintaan, bolaal qaxaan, welina dalkii dagaal ku jiro. Wax natiijo ah oo aan burbur ahayna la gaarin. Haddaba ma taas oo kale ayaa sheekh shariif raadinayaa. In shicibka soomaaliyee inta ka hartay la burburiyo, dalka soomaaliyeedna lagu garaacol hub culus oo sun ah oo aynaan horay u arag. Haddii taasi dhacdo; dalkee iyo dadkee ayaa la xukumayaa.
Adeesiga alqaacida iyo argagixiso baa dalkayaga joogta macnaheedu waxaa weeye reer galbeedow kaalaya oo dalkayaga kusoo duula. Arinkani waxaa weeyaan mid kale oo ka mid ah arimaha fashiyey dowlada shariifka kalifayna in dad badani taageeraan ururada islaamiyiinta ah. Adeegsiga ereyga argagixiso waxaa uu noqday mashruuc la adeegsado oo lagu beer laxowsado reer galbeedka bal in laga helo waxuun dhaqaale ah.

Kolkii la eego arimaha aan kor kaga soo faalooday iyo kuwo kale waxaa dowlada uu sheekh shariif madaxda ka yahay noqoneysaa midii ugu kartida liidatey ee abid soo marta wadanka soomaaliya. Hamigii dowladnimo markale ayaa lagu hungoobey. Bal aan eegno dowlada xigi doonta.

Mahadsanidin

C/risaq Maxamed xuseen
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna,Sweden

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Faallo: Waxyaalaha fashiliyey dowlada sheekh shariif "

  1. Xassan says:

    Madaxweynaha Shekh Shariif inkastoo uusan khibrad siyaasaded lahayn waa madaxweyne daacad ah oo aan tuug ahayn, laakiin far kaligeed fool ma dhaqdo ee waxa kawada ag dhow baa ah tuugo, qabiliste khayaanoole iyo waxii la mid a, waxa xun oo la sameeyana ayagaa sameynaya kaddibna asaga madaxa u saaraya, kii yimaadana sidaas oo kale ayeey u galayaan waana huibaal.

  2. hirre says:

    war waxanba layaabanah ninkan umaleyo mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka umada somaliyeed inuu ku jiro dowlad wax lagasheegaa ma laga hor imado saaxib waxan kuleyahay dowladaa waa dowlad somaliyed heesatana taageeraha umada somaliyeed iyo kan calamka hadey ahaan laheed dowladaha musliminta iyo kuwa gaaladaba waxan kuu sheegayaa mesha hada aadjoogto galo iyo musliminba dowladan ayey ladhacsan yihiin marka waxad kufikirtaa in aytahay midii umada somaliyeed eyku nasan lahayeen adiga hadii adku noshahay Eskilsatuna dad aya kunol buush aan dhaxan iyo roob kacelinin marna ha’isku dayin inaad dowladaan afkaaga aad kucarqaladeeso ninman kaa afdhadher kaana gacmo dhadher oo garneeladooda garbaha kuwata ayaa wax kaqadi la waa shababe waxadna maqlidoontaa shabaab aya jiri jiray madaxweye sheikh shariif sheikh Axmad siyaasad waa hada tuu ku yimid filla somaliya dagal na waa tuu ku sifeday hogamiye koxed Adiga waxaa tahay marka lagu eego wajigaaga nin qabyaaliste ah oo aan aqoonin dantisa iyo danta umada somaliyee waxaa waxlala yaaba ah in adookale uu siyaasad kahadlo ama uu isbarbar dhigo siyaasadaha madaxdii dalka somartay Aniga dhab ahantii waan kaaga furfuranahay siyaasada somaliya waxana kuu sheegaya ninyahow afkafurtow in madaxweynaha deegana uu kasojedo uu yahay mid aadlooga taageersanyahay lakin mujin majirto maxayelay waxa heesta cadaw aan arxan laheen somaliya oo dhan ayaa laga taagersanyahay lakin shacabka waxey uujin karaanmarkii cadawga laga dulqaado hadii waxey ogyihiin shacabka in faruuryaha ayku tagereen madaxweynaha laga jar jarayo maxa yelay waxaa hesta Al shabaab Alshababna mayaqaninn sadax arimod mida 1/mucarad in lamucaradi karo inkasto aduunku uuka jiro mel waliba mucarad mida 2/aduunka in uu madax weyne yeelankaro wax madax layirahdo oo aan ahey amiir ma aqoonsana ayana mida 3/waxa layirahdo askari adan kisa askar kanoqda ma aqon sana taa sina waa taasina waa siyaasada dulleysan ee ay ku maamulan somaliya ugu dabbentii waxan kudhahayaa kasohadal siyasada Al shabab ay isticmalaan hadii aad tahay siyasada in wax kaqori yaqana w/c

  3. Ilyaas_ says:

    somalia waa dal dhan oo ay dadbadan wada dagaanwaxaan nasiib leh ninkii ay umadda oo dhan ay u sacbatumaan waxaa wax lalayaabo ah oo inaad is barbar dhigto labo nin oo aan waligeedna isu qalmin adigoo adeegsanayo fikir aad u yar kana liito dhinaca arfgatida siyaasada hase ahaatee waxaa kaloo meesha aadan kasaarin sida muqato oo aad ugu dhagantahay hanaanka aad caanka ku tahay ee ah hab beeleedka iyo qabiiliistinimada.Marka hore isku day inaad wax ka ogaataa isbadbadelka siyaasada una kuurgal si xeel dheer wadciga jiro maanta adigoon eegin nin jecleeysi iyo beesheeyda haddii aad ku wareerto siyaasada maahan sida dhaqaalaha ee waxaa kugu filan inta aad dadka lasoo horistaagto ogow Sh/Shariif waa madaxweeynahay umadda somaaliyeed waa ninka heesto taageerda ugu badan shacabka soomaaliyeed waana ninki ugu horeeyay ee meel fagaara ah lagu doorto dharaar cad aragtiyda is diidan ee kaa heesato aqoon la’aanta siyaada ku ekeey fagaaraha Eskilstuna iyo dadka aan wax galka ahey.

  4. abdirisak says:

    as/c walalkeen aad ayuu u mahadsan yahay arintana hada ayeeyba ka sii dartay marka loo fiiriyo maamuladii hore ee dalka ka jiray laakin waxa is weydiin mudan qoraaga maxuu uga hadli wayay labadan xisbi ee lakala yiraahdo alshabaab iyo xisbul islaam ee ilaa hada aan la fahamsaneyn waxa eey ku dagalamayan iyo waxa eey dadka soomaliyeed u hayaan arintaas ayaana rabaa qoraal uu kaga hadlayo in aan aragno hadii ale idmo

  5. kowsar says:

    ilaah kheyr ha ku siyo cimaanknada sad u cabirtay ee wanga badan waa run in hadan omli nahay aan aad u daneeno inaan wax dhaliilno sida qoragan oo kale waxana in badan aan tagernaa is dhax yaca iyo habosananta qoragan waxa uu ka mid yahay dadaka an daneyo qoraladooda lakin waxa laga yaba inuu sanbiriiroxoday waxana ka codsanaya in uu oo qoro bal waxa ay iyagana ku khalan yihiin shabab iyo xisbul islaam iyo wxa fashiliyey qudhooda

  6. farxaan cali cabdule says:

    asc
    walaalkeen c/risaaq maqalkisa waa sax waa midka kaliya ee ka runsheegaya arimaha dhacaaya ee dowlada sharifka
    runtii dowlada sharifka taarikh mugdiya ayey gashay ayada oo dhowrbilood jirsan ayey ku dhaqaaqday qiyaamo qaran
    waxay kaloo qiyaantay dalka dadka diinta intaba waa qiyaantay
    hadaba maxaa nala gudboon hadaa nahay dalka dadka somaliyed waxaa nala gudboon si kasta oo aan uga hortagi karno in aan sameyno oo wanaag kujiro dowladaaan inta aysan sunta nuclearka dadka u adeegsan ilee wax kale oo ay ureebatay majiraane
    wabilaahi towfiiq

  7. Cismaankanada says:

    Waxn ka xumahay dadka waxa si lumhnayana ah dadka qoraladoda ku lifaqaya tagerida dadan dan no ahayn iyo niyad jabka dowlad islami ah ha firin dhawr qodob o ay ku khaldanan karto dawlade firi kuwa ka si lita iyada haduse sharifka yiri argagixso iyagag isaga maxay dhehen intusanba hadlin wa gal murtad ya daran labada eray ha noqonin qalin ku dhigle hadan somali nahay aqonyahan iyo camaba waxan tagerna wilna u naqana kan dagalama e wax laya kasa ka sharaf badan dhalisha waxay agtena ka tahay wax an xiseno wa sabta bur burka kentay mudo dher