CAMBAARAYN, TACSI IYO CALOOLXUMO!
Ilaahay wuxuu Kitaabkiisa ku yiri (( Ruuxii u Dila Mu’min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oo u ku waaro dhexdeeda, Wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Lacnadi wuxuuna u darbi Cadaab wayn)).
Falka xasuuqaa ee foosha xun ee lala beegsaday Saaka 12/8 Salaaddii fajar ka hor magaalada Gaalkacayo Culimo ducaada oo martiya oo u dhalatay walaaleheen Muslimiinta Baakistaan, waa fal cadawtinimo oo aan Soomalida Muslinkaa isir iyo raad toona ku lahayn. Waa fal ay ka dambeeyaan Cadaw Ilaahay, oo diinta iyo ehelkeeda, iyo Ummadda Soomaaliyeedba hagardaamo la doonaya, iyo damiir laawayaal Soomaalinima ku gabbanaya oo u adeega, Waajibna ay tahay Beelaha Soomaaliyeed iney Bari ka noqdaan ficilkooda iyo sheegashadoodaba.
Qabiilooyinkii carbeed oo nimankii Saxaabada, Ducaadda, oo Safarka ahaa laayey nebigu Calayhi salaatu wasalaam bil ayuu habaarayey Ricil, Thukwaan iyo Cussaya, oo Ilaahay iyo Rasuulkiisa caasiyey, Jilibyadaas reer bani Sulaim ahaa, Makala Reebin Nebigu Calayhi Salaatu Wasaalaam, waxaa haddaba la gudboon Soomaalida Muslimkaa iney Masaajida ka qunuuddo oo habaarto dadkaas iyo Cidda ay ka dhasheen ee dabada marsata oo aan caddaaladda horkeenin oo Bari kanoqon.
Warka ay soo tebisey Somalimirror waxaa ku jirey in dadka Masjidka joogey ee garanayeen ragga falka sameeyey qaarkood, 20 ku dhuwaadna ay ahaayeen, arrinkaasu wuxuu tilmaamayaa inuu ahaa ciidan dhan iyo fal qorshaysan oo loola dan leeyahay in fitna weyn lagu kiciyo, Eheludiinka iyo Masaajiddana dadka la haalyay yo, Muslimka kalana Soomaali lagu diro, Dalkana Dal bahala galena oo wuxuushi deggantahay loo sawiro. Waxa ficilada sidaasa yeelayaa wexey ku gabbanayaan oo dhex joogaan Beela Soomaaliyeed, waxaana waajib ku ah Beelaha Soomaaliyeed ee Muslimkaa iney falalkaa cadawtinimada Islaam ku jirto iney Bari ka Noqdaan, dadka falayaana haddeey iyaga ku abtirsadaan iney iska fogeeyaan oo aaney dhexdooda ku gabban Karin.
Culimada Ducaaddaa ee Martida ahayd ee Goobtaa ku dhimatay Allaha u naxariistu, waxaan Ilaahay uga baryeynaa sidii Saxaabadii la laayey in Ilaahay Raalli ka noqdo iyana ay Raali noqdeen. Eheladoodii iyo Axbaabtoodiina Ilaahay Samir iyo iimaan haka siiyo. Dadku waa wada dhintaaye, Meel fiican iyo Waqti fiican ayey geeridoodu dhacday, Ilaahay Shuhado ha ka dhigo, Jannana haka waraabiyo.
Waxaa Munaasabadan Xusid mudan mar kale, oo calooshu ila rogmaneysaa, oo aanan qarsan karayn, in la xusuusiyo Ummadda Soomaaliyeed Guud ahaan, gaar ahaanna Ururada Islaamiyiinta ee isku haya Siyaasadda Wadanka ee ku dagaalamaya Maamulada, iyo inta kala taageersan, iney Ilaahay ka baqaan, Rabbigood u Toobad Keenaan, Fitanta iyo Caaqiba xumada ay Naftooda iyo Ummadda Islaamkaa usoo jiidayaanna ka waantoobaan.
Dalkaan haduu Maanta Maamulka ugu xun oo ugu daciifsan laakiin mid qudha ah lahaan lahaa, oo ay isu deyn lahaayeen, waxaan shaki ku jirin, in fitnadu intan ka yaraan lahayd, tuugada iyo gacan ku dhiig layaashana si sahlan loo arki kari lahaa, xabbadi meesheey kasoo dhacdana la ogaan kari lahaa, cadaw Islaam meesha uu soo galo ee ku dhex dhuumanayana si sahlan lagu ogaan lahaa, xisaabta wixii dhacana hal qolo iyo hal maamul lagala xisaabtami lahaa, daciif iyo camiil iyo doqon wuxuu ahaadaba, laakiin fursadda ugu fiican Cadawga Ilaahay waxaa siiyey maanta waa Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliyeed oo Siyaasadda isku haya oo Mid walbaa hal (1) km yiri Dawlad iyo Calan ayaa iiga taagan. Wadankana albaabadiisu u furan yihiin Sheydaan Kasta, iyo Cadaw Islaam kasta, iyo Maafiyo kasta oo dooneysa iney ka dhex adeegato, boorsooyin inta lacag ku soo qaadato. Waxaan shaki ku jirin Kooxahaas Islaamiyiinta ah iyo madaxdoodu iney qaadayaan masuuliyadda ugu weyn ee dhiigga Muslimiinta ee sidan u daadanaya iyo Silica iyo Saxariirka haysta Ummadda Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay, Walaalayaalow: Ilaahay ka baqa, Ilaahay ka xishooda, Diintiinna iyo Ummaddiina u Naxa, Muranka iyo Dagaalka Joojiya, Cadawgeeni na qabsey, Cadawgeen nakala gadey, Cadawgeen Na qaybsey, Cadawgeen Suu doono naga yeel, Sababta ugu weynina waa innaga oo Fursaddaas dahabkaa siinay, gacanteenana isku dileyna, dalkeenna dumineyna. Walaalayaalow: Ninkii Xukun iyo Kursi Rabaa jaanis wuu heli doonaa, Adduunku hal maalin maaha, kii xoola rabaana wadooyin badan ayaa lagu heli karaa, Walaalayaalow Ummaddan yey idin eersan..
Waxaan Ilaahay uga Markhaati dhiganayaa, inaan Wadaadan dhinacyada kala ah ee loolankoodu fitanta ugu weyn albaabada u furay, ee is dilaya, is bannaysanaya, is diidan, waxba isu ogolayn, isu tanaasulayn, cidna dhegeysanayn, wada hadal ogolayn, mid walba tiisu u dhoobantahay, Culimo gacanta ka taagtey oo ka quusatey, Waxaan Ilaahay u Markhaati gashanayaa inaanan Midna Taageerayn, Camalkooda Nacay, Ficilkooda Inkiray, wexey faraha kula jiraan ee xun bari ka ahay. Anoo ku hal qabsanaya Nebigii suubanaa Luud Calayhi Salaam ee qawmkiisa yiri:
((إني لعملكم من القالين .. رب نجني وأهلي مما يعملون ))
Muxamad Idris Axmed
Makkah Al Mukkaramah 21/8/1430 ( 12/8/2009
hayaan@gmail.com
Salaan ka dib, SomaliTalk waad ku mahadsan tihiin sida aad usoo bandhigteen wacdiga wanaagsan ee sheekha iyo afkaaraha akhristayaashaba. Mahadsanidin
war sheekha afka haku taagina, ilaahay inkaar idin ku ridye, shekhu ma wuxu idin dhahaa alshab ba saxan mise dowlada halaysu kii gubtee, maxaad fidnada ula dooneynsan sheekha, qof ka caqliga saliim ka ah ku fekeraya sidey doo kale, ha ignore gareeyo labadaba, kii soo adkaada hasugo, alshaab ban saxneyd, dowlad ban sax nayn , mida kale, waxa Galkacayo ka dhacay waa wax fool xun, mid nacasa oo soo qorey may wasaarada diinta ka so qaatan amar ,war kaasoo kala iska jira, ilaahay shuhado haka dhigo, yaan wadaadada xaq darada ku dhintey hadeer dhaliil loo jeedin hadad caqli saliima lee diihiin umad yahay waalani
Jazaakalaah sheikh muxamed idris waad tiri waadna asiibtay laakiin shiiqow ducaadda(somalida) soo lama dhihi karo waxbaa ka qaldan oo sidii salafka wax uma caddeynayaan maadaama XAQ iyo BAADIL aysan sinneyn maxaad u dhihi la,dihiin xaqqi waa kaa wixi kasoo horjeedana waa baadil ee ka leexda,mida kale koox gaaladi ayey la heshiisay,muslimiinti ayey col la yihiin,muslimki ayey gaala u qafaalayaan,dhulki islaamka ayaa ka beec ah,xaaraan iyo xalaal uma kala soocna oo shacabka hantidiisi ayey cunayaan,gaalada ayaa wali u ah muslimiintana bari ayey ka yihiin,gaalada ayey raali galiyaan,muslimiintana cadow ayey ku yihiin.kooxna kuwaas hore ayey liddi ku yihiin oo waxay raali ku yihiin waxa uu allaah ku raali noqonaayo haba lagu naco hana lagu gooyee marka shiiqow qolodaan qalad wey yeelan karaan miyeynan ahayn in qaladkooda loo sheego lagana saxo,loona nasteexeeyo. Miyaanaan qiyaamaha la is weydiineynin maxaad xaqa u sheegi weyday haba qaraaraadee.
Dowlad dal dibadda ah lagu soo dhiso dowlad ma’ahan wadan caalamka yeelayna ma jiro. Maxaa dadka loo sanduleynayaa maa arrimahooda faraha looga qaado. Dowladda waa in dadka guduha ku jiraahi dhisaan. Ralli galin amxaaro lama yeeli karo.
Qofkii waqtigan Soomaaliya u soo doontay in Janno gallo, waa in uu ku tallo gallaan in u dhimanayo. Qof aan Soomaali ahayn sidee buu ugu dhiiraday in dalka oo caalamka ogyaha in uu iskaga degto meel aan sharci ka jirin. Waxaa maanta dhimanaya dad Rayid ah oo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, waa in dadkaasi loo gubtaa oo arrimahooda laga hadlaa, qof kastaba in u Gar soo deysto, oo juuq cad soo qaato yuusan ku soo ganban Diinta, dalka dowlad ayaa ka jirta Diintana Wasaarad u qaabilsan ayaa jirta, qofkii doonnayo in uu Diin dalka ku faafiyo waa in uu Fasax ka haystaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Waxaan filayaa Wadaadada iska dhigaya in ay diin wax ka ogyihiin waa in ay sidaa ula socdaan.
Wabillaahi Towfiiq
A.Abanur
Ani waxaa ila quman inay culumada qurba joogta ah ay iskaga aamusaan Arimaha Somalia,ayna sii wadaan dacwada iyo mutumarada khayr ah ay isku xilqaameen, sababtoo ah khatar ayay naftooda galinayaan haday dhahaan gaalada hala iska celiyo iyo wax lamid ah, ma arkaysid wadaad sifiican ufasiri kara Aayad ama Xadith kahadlaaya Jihaaad oo qurba joog ah, maanta dhan way ku rafanayaan.
Culumadaas ayuu kamid yahay sheekh Mohamed Idriis. Wadaad kuna khayr Allah hasiiyee markii hore warfiican buu kahadlay, culumadii tabliiqa laxasuuqay iyo dadka deegaanka wax lagudboon,lakiin arintan uudaba dhigay ee lasimayo nin difaacayo dalkiisa iyo qolyo rabaan inay gaalo noogacan galiyaan mais laha,.
See laisku garab dhigaa nin gaal gacanta ku salaamay oo aaminsan umada maslaxadeeda xataa macsiyo in loosii mari karo “Subxaanalaah”
Midakale Maraykan iyo gaalo may wadankooda joogaan oo difaac kagalaan markii lasoo weeraro waba haday dhacdee, maxaa meel walba safka hore geeyay??! Walaalayaalow yaan indhaha lais tirin meesha waxa kasocda waaloojeedaye.
wabilaahi towfiiq.
salam all
war hedhe wadaadadan dadka iska edaya waa maxay.
warka waa cadyahay cida nabada hortaagan waan naqanaa ee halala hadlo.
cida aan dan somali wadin dad nool iyo ku dhintaba dulminaya waan naqanaa ee fartana ku fiqa,mise waxaa laga xishonayaa wilashi aan shalay wax barnay oon adeegsan jirnay inaan farta ku fiiqno.
Ragi lahaa diinta islaamka somaliya haday dhaway soo gartayoow waxaad naso garsisen waa sidane naga qabta.
shacabkana waxana ushegayaa inay goaan adag ka qataan raga xubin kasta jaraya.
thanks all
ASCWW:
Allaha Weyn Kheyr ha siiyo Sheekh Idris siduu u abaaray MUSHKILADA CAALAMIGA oo ka dhacday maanta Soomaaliya. Arrinta waxay ku ekayd muddo badan Soomaaliya iyo Soomaali dhib loo geysanay. Maanta waxay gaartay inaan dhib u geysanay Dunida oo idil. Marka maxaa nala gudboon waa labo masalo:-
1. Waa in ficil iyo habaar loo cuskado kuwii xasuuqa wadaada ka geystay Degmada Gaalkacayo.
2. Haddii ay qoonka QABILIGA ah ay ka dhasheyn Dambiilayaasha gurada la marsado sidii ay yeelayeyn inta uu ka alooseyn Gumaadka Shacbiga Soomaaliya iyo fidnada Soomaaliya waa in la jahaadka iyo habaarka lala wadaajiyo kuwa garabka siinayo Dambiilayaasha Caalamiga. Waxaan rajeenayaa inuusan jirin Qabiil Soomaali ama Qoon wada xun, waa in loo soo bandhigo Magacyada iyo Heybaha Dambiilayaasha, oo Soomaaliyeed Illaah baan idiinku dhaariyee ka bari noqda, qofkii xaraf yar ka qariyo Dulmiga walee Adduunka ayuu Jaasada kuugu Qabsan, tan AAKHIRO daayee!!! Waa iiga nasteex Waa iiga Nasteex…..Arrinta Qabiil Qabiil waa ka weyn tahay….Habaarka Habaarka Holaciisa Waan hubaa inuu ku soo hoori doono Goor Dhaw kuwii dulmiga Soomaaliya ku hayey, maanta dunida oo idil u soo dhigtay. Rabiga na uumow adigaa Dulmiga iyo Xaq darada Cawaanka waa u jeedaa!!!!
aswrwb
waad mahadsantihiin dhamaantiin laakiin waxaa muuqata arinta meesha ay kusocoto ee walaalayaal idinkoo tacasub iyo rag iska dhici aysan idinku jirin bal arintaa sifiican ubaara indho iyo caqli degana ku fiiriya caalamka waxa ka socda oo arimo ah
waxaan idin rajayn inaad akhrisaan maqaalaadka iyo baaritaanada ay ka qoreen mu’asasaadka caalamiga ah ee uhawlan ka shaqaynta arimaha muslimiinta…waxaa kaloo muhiim ah inaad wax ka waydiisaan khgubarada u dhuun daloola siyaasada caalamiga ah.
wadaadeena waxaan kula talin lahaa inaysan galin fan aan fankooda ahayn hadii aysan ulahayn aragti iyo takhasus dheeraad ah sidaas ayay ugu jirtaa sharaftooda iyo in la qaato diinka ay xambaarsanyihiin
waad mahadsantihiin dhamaantiin
Aniga mid baan hubaa waxa qoriga wato dowlad ha isku sheegaan ama wadaad/mujaahid ha isku tilmaamo waa = Mooryaan iyo dhal mooryaan. Ficil kooda markii aan eegay ayaa ii soo baxday aragtidaas.
TO: AADAN
SAAXIIBKIIS, HADII UU JIRO SOOMALI KA DHACSAN XAALADA SOOMALIYA OO HABOW AH IN UU YAHAY ADIGA OO AADAN AH IYO INTA KULA MIDKA AH…
SO FAR, WADAAD SOOMAALIYEED OO WADAADKAAN KA NIYAD WANAAGSAN KA RUN SHEEG BADAN WAA II DHIMAN YAHAY (WALOOW WADAAD OO DHAN AAN SHAKI WEYN KA QABO)HADDANA SHEEKH IDRIIS, WUXUU IGA DAYADAY IN AAN DIB U JALEECO WARKA WADAAD SOOMAALI SHEEGO!
MUHIIM AH OO AAN MARKHAATI KA AHAY:IN NIN SOOMAALI AH UUSAN U DHIMANEYN KOR AHAANSHAHA DIINTA ILLAAHEY!
jaaabta aan siinayo walaal adan waxaa weeye walaal nimaka aad leedahay waxay hortaganyihiin cadow ayaagaa umada cadowga u jilba jabinaya hadii ay ogolaaan in dowlad ladhiso oo ay ka qayb qaabtaan waxa nahaysta naguma dhacayaan ahdii alle idmo laakin inta ay ka amar qaadanayaa buuraha toora boora waxba ma hagaagayaan
walaal aadanow ilaah ka baqa, jihaadna ha ku tilmaamin waxa umada muslimiinta ku dhex dagaalamaya oo aan dhiiga muslimiinta u ilaalinayn sidii ay diintu u ilaalisay.
sheekha walaahay waan ku raacsanahay wuxuu yidhi oo amba beri baan ka ahay dagaalada ay dadkaasi wadaan ee aan dhamaadka lahayn. qof walba ilaah buu u imanayaa: wa kulluhum aatiihi yawmal-qiyaamati fardaa.
asalamu aalikum
sheekah waxaan filayaa inuu wax badan ka dhacsanyahay waayo waxa uu isku mid ka dhigay mujaahdiinta iyo cumalada mooryaanta dadkii iyo dalkii iyo diintiiba iibsatay…waxaan rajayn inuu wadaadka uusan ka tagin cadaalada ee uu garta siiyo qofka xaqa uleh..
sheekh maxamad waxaan filayaa wax badan inay wali kuu dhimanyihiin xaqiiqdooda inaad raadiso..wadankaan soomalaiyana hawsha laga leeyahay waxaa ay ubaahantahay inaad fahanto ee ma aha inaad ku gaaf wareegto walaalaha xarakaadka islaamiga ee jihaadka wada oo ah kuwa kaliya ee maanta hortaagan qorshaha wayn ee ay gaaladu kaleedahay wado badan oo ka mid ah dunida muslimiinta.
waad mahadsantihiin waxaan rajayn inaad soo daabacdaan tacliiqaan
wasalamu alaikum