Home » Siyaasad »

Ma adigaa Saxafi ah!?|Zaki

Qof waliba wuxuu doonayaa ugu yaraan inay jecelyihiin dadka ku nool hareerihiisa, markaad tahay saxafi waxaad doonaysaa inaad bulshada usoo gubdinaysaa warar iyo qoraallo iyo maqaallo xiisa galiya akhristaha.

Wariyuhu mahan qof ka shaqeeya Xafiis Xariir Caalamiga (علاقات العامة ) sidaa awgeed maahan qof mar walba udhoola caddeeya bulshada ku xeeran ama xariirka la leh qoraaladiisa, waxaan ku tilaami karaa Askari Taraafik (Traffic Police) , askarigu gaadiidka ku xadgudba sharciga socodka wadooyin ayuu ganaax u jaraa asagoon u aaba yeelin cidda iska leh (shucuubta Dalalkooda Qadariya )

Saxafiga naftiisa qadarinaya wuxuu dagaal furan kula jiraa dadka maamulka haya oo wuxuu qalinka u qaatay inuu khaladka ay samaynayaan uu bulshada hor keeno isagoo eegaya danta guud, laakin su’aashu waa : Yuu matalaa wariyuhu ?

Wuxuu matalaa Naftiisa oo kaliya, hor ilaahay ayuu wax u qorayaa oo wuxuu maskaxda ku hayaa in waxa uu qoray Ilaahay maalinta Qiyaamaha kala xisaabtami doono sida uu ilaahay u xisaabin doono ugana abaal marin doono qof walba wuxuu gaystay, haddii aad qolo gaar ah niyadda ku haysto inay raali galiyaan qoraaladaada oo aad xaqiiqada iska yara dhaga marisid Ogoow maalinka xisaabta waxba kuu qaban mayaan oo qof waliba tiisii ayaa la cuslaanaysa.

Ma sahlana inaad noqotid Saxafi laakiin waad sheegan kartaa maxaa yeelay wariyaha dhabta ah waxaa ku imaanaysa marxalad uu iska indha tirayo rabitaankiisa gaarka ah, waa marxalad aad ka caraysiinaysid kuwa dadka kuugu xiga guud ahaanna waxaad dagaal furan kula jirtaa Madaxda.

Ma ahan wariyiuhu qof loo waxyoodo wuxuu gudbiyaa xaqiiqada uu ogaaday kana dheertahay mala awaal iyo isjeclaysiin wuxuu xanbaarsan yahay Amaano ubaahan dhawrid.

Ma ahan wax sahlan inuu wariyaha dhabta ah noqdo qof la jecelyahay, dad badan ayaa doonaya inuu wariyuhu noqdo qof dadka ka qosliya cidda sidaas doonaysa waxay ka heli karaan maadadaas Shaneemada iyo masraxyada, way jiraan Wafridiyeen doonaya inay ka farxiyaan Mas’uuliyiinta iskana indha tira dhibaatada shacabka.

Wariyaha dhabta ah waa qofka ugu jira hawsha warbaahinta inuu xaqiiqada soo bandhigo ee ma ahan qofka doonaya inuu mushaar ku helo , isku day inaad noqotid qofka soo bandhiga xaqiiqo run ah.

Waa Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ma adigaa Saxafi ah!?|Zaki "

  1. faraj says:

    zaki qormadaada aad baay uqurux badan tahay waana wax lagu faano in aay jiraan dhalinyaro saxayso ama udigayso adeegayaasha bulshada si bulshadan farxada & naxdintaba ka sugo saxafiga aay u noqdaan wararka soo gaarayo kuwa saxan zaki waxaad tahay mustaqbalka umada waxa aan ku rajo gelino nafteena marka aan arko dhalinyaro soo jeedinayso fakir qurxoon sidaada ookale aad ayaan ufarxaa oo waxaan rajeeyaa in farajku dhawyahay umadana aaysan wada xumayn halka dadka aan uhaysano mashaa iqdeena & dadka lagu sheego wax garad aay nagu qaadaan danbi wayn kaa soo ah quusasho{ya is}iyadoo ilaah nooga digay inlaga quusto raxmadiisa hadane markii aad aragto sheeq ku leh umada hanoo samirto awalba waay la an jirtaye isagoo seefta uhaysto muslim kale isla markaana aan hadaf sax ah lahayn maxaad rajayn karta ? khayr ka wuxuu ku danbeeyaa shabaabka illah ha xifdiyee amiiiin ……..waxaan ahay gabar aan nasiib uyeelan in aay aragto nidaam &nabad galyo waxaana u welwal qabaa ubadka aan rajaynayo & kuwa lamidka ah marka dhalin warooy gabdho& wiilaloow markan aan anaga u istaagno inta ka hartay nolasheena & nolasha ubadka bariiga ah ee aan rajenaayno wa bilaahi towfiiq,…..zaki waxaan rajay nayaa in aad laba laabto dadaalkaaga waxaan kaa sugnaba waa qodobo muhjjm ah sida midkan….bay dhalin yaro balanteenu waa sidaas yaan lagu shaqeenin fekirka dadka gaboobay ee aan aduunka karaja qabin una eg in aaysan illah agtiisa qayr ka rajeenayn ee xaalkoodu u egyahay galaafo waxaad galaafan karto take acare dadku markay gaboobaan hadi aaysan xarig ale haysan manaxariistaan e waxaay u dhaqmaan hadaadba naar galayso tunbo…..khayrku wuxuu ku jiraa dhalinyarada ilaah ha xifdiyee….