Home » Warar »

Baaq Nabadeed ee Jaaliyada beesha Cali Ibraahim ee UK

Baaq Nabadeed ee Jaaliyada beesha Cali Ibraahim

(Reer Bicid yahan) – UK.

Ku: Dowladda Puntland

Ku: Bulshada degan Mudug

Ku: Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed

Ujeedo: Baaq nabadeed

A.C.W.W-tuhu, salaam kadib

Waxay mahad dhamaanteed u sugnaatay Allaha Caadilka ah, Allaha dhulmiga neceb, kan la dulmiyana garabkiisa jooga, waxaa nabad galyo iyo naxariis Alle u waydiinaynaa Rasuulkiisa, Suubane Maxamed Bin Cabdullahi(S.C_Wasalam).

Ka dib kulan iyo wadatashi dheer ay yeesheen waxgaradka iyo aqoonyahanadda beesha Cali Ibraahim(Reer Bicidyahan) ee London(UK), iyaga oo wada tashigaa kala qaateen wax garadka beesha ee degen daafaha caalamka, gaar ahaan kuwa ku sugan Puntland waxay goosteen inay soo jeediyaan baaqaan:

* Waxa aan tacsi u diraynaa dhammaan bulshada, Dowladda Puntland iyo eheladii iyo qraabadii uu ka geeriyooday Ex- Wasiirkii Warfaafinta Murxuum Warsame Cabdi Shirwaci, Alle Janatul Firdowso ha galiyo, kaas oo gacan ka xaq daran ay shalay meel fagaare ah si waxshinimo ah ay dil ugu geysteen.

* Waxay ay beeshu talo iyo go’aan ku qaadatay in maadaama Wasiirku uu ahaa nin lagu dilay isaga oo gudanaya xilkiisii qaran, uuna ahaa nin qaran in loo daayo Dowladda Puntland si ay waqti iyo fursad ugu hesho inay jawaab ku haboon arintaas ka qaadato, iyada oo aan ka sugayno in sharciga la hor keeno dadkii ka danbeeyey dilkaan qorsheeysan iyo kuwii falka geystay.

* Waxaan ku baaqaynaa in beelaha Mudug degan ay ka wada tashadaan siday uga qayb qaadan lahaayeen sugidda amaanka iyo xasiloonida Gobolka, oo aad xiliyadaan dambe uga soo darayey.

* Waxa ay beeshu diyaar u tahay in ay Dowladda Puntland kala qayb qaadato sugidda amaanka iyo xal raadinata dhacdadaan.

Wa Billahi Towfiiq

Afhayeenka Gudiga Jaaliyada Beesha Cali Ibraahim – London

Eng. Abdullahi Abdilkadir Ali(Faatoxo)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Baaq Nabadeed ee Jaaliyada beesha Cali Ibraahim ee UK "

  1. waxaan halkan tacsi uga diranaynaa dhamaan umada cali ibrahim in ilaahay kasiiyo samir iyo iimaan ex:warsame cabdi shirwac oo lagu dilay galkacyo.
    waxana ilahay ugabaryeynaa in asagana janadii fardawsa geeyo beeshana waxan usoo jeedinaynaa in aan arinkas lagu deg degin oo lagamaro dhinnaca ay ugu haboontahay.
    wabilahi tawfiiq.

  2. asc wr wb.

    ugu horeyn waxaan tacsi u dirayaa shacabka dawlada puntland, mujtamaca qaraabada iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum warsame cabdi shirwac anigoo ilaahy uga baryaya inuu janadii fardoawsa ahayd ka waraabiyo isaga iyo waaridkiisna u dembi dhaafo.

    mida kale waxaan hadal bogaadin iyo gacaltooyo walaaltinimo u soo jeedinayaa walaalahayga beesha cali ibraahim (reer bicidyahan ee ku dhaqan magaalada london, UK iyo dhamaan waxgaradka kale ee baaqaan nabadeed soo saaray, anigoo aamin san in qabiilku uusan wax xun aheyn hadiiba loo adeegsado sida rabi uu sheegay ee ah:
    in qabiilka laisku aqoonsado eebe agtiisana uu ugu karaamo badan yahay ruuxa ugu taqwada wanaagsan,, balse arinta dhibaatada lehi ay tahay qabyaalada.

    waxaan dawlada hoose ee magaalada gaalkacyo ee gobalka mudug iyo hawlwadeenada dawlda puntland aanu usoo jeedinaynaa iney si hobaan baaritaan xoog leh ugu samayso dilkii xaqdarada ah ee loo gaystay masuulkaasi islamarkaasina lagu soo cadeeyo natiijo baaritano oo muuqda (transparent investigation results) hadaynu nahay shacabka soomaaliyeed gaar ahaana reer puntland.

    ilaahyna waxaan uga baryaynayaa inuu arintaasi idanku garab galo.

    ammaanka gobalka mudugna waa in laga wada fariistaa iyadoo arintaasi laga soo qayb galinayo dhinacyada ku nool gobalka mudug sida maamulada puntland iyo walaalaheena galmudug si loo xaqiijiyo nabad galyada dadka walaaha ee kuwada nool deegaanadaasi.

    rabi ha sugo amaanka dalkoo idil.

    Abdiqafar Axmed

  3. C/llahi Cabas Jama says:

    Sc WR Wb

    Wallaal Waxaan Jecelah hadaad reer magaciis qoreysid inaad qorto magac yada dadku isla yaqaan , oo aadan nabarin magac cusub

    qabiil khaati baanu kataaganahay

    fadlan qolyihiina webside da qoraan katiliya samaha iyo isu soodhawaan shaha dadka
    wabillaahi tawfiiq

  4. marka hore waxan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxumka warsame cabdi shirwac ,
    marka labad waxan aad uga xumahay dilka loo gaystay masuulkas oo lagu dilay meel fagaare ah ayna u gaysteen dad ka xaq daran ilaahay waxan baryaynaa inu u naxaristo,waxana ka rajaynaynaa maamulka iyo cdii kale oo ya u khusayso in dadka dambiilayaasha ah sida ugu dhaqsaha badan loo horkeeno sharciga lagu qaado nadambiga ay galeen,