Home » Warar »

Wasiirka Warfaafinta PL oo ladilay

Wasiirka Warfaafinta maamul gobaleedka Putlanda oo goor dhow kooxo hubeysani ku dileen gudaha magaalada Galgacyo ee xaruta gobalka Mudug.

Wasiirkii Warfaafinta ee maamul gobaleedka Putlanda Warsame Cabdi Cali (Seefta Banaanka) oo goor dhaweyd ay koox dabley ku toogteen waqooyiga magaalada Galkacyo.

Wasiirka ayaa duhurnimadii maanta si gaadma ah loogu tootay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug xili uu ka soo baxay maqaayad uu ka cunteynayay.

Wasiirka warfaafinta ee maamul gobaleedka Putlanda ayaa kooxo hueysani oo tiradooda lagu sheegay 6-nin ku dilee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Warka wuxuu intaasi ku daraayaa in xilliga la dilayay sida caadada u aheyd in aan wax ilaalo ah ula socon waxa kaloo sidoo kale la sheegay rasaasta ay fureen dableydii in uu san geysan qasaare kale marka laga reebo toogashada Wasiirka.

Goobta uu toogashada ka dhacday ayaa soo gaaray ciidamadii amaanka ee maamul gobaleedka Puntalnda kuwaasoo ka bilaabay baarintaano guri guri waxana hakad galay isu socodkii dadka iyo gaadiidka iyadoona ciidamadaasi ay irdaha isugu dhufteen dhamaa dhaqdhaqaaqyadii halkaasi ka jiray.

Waxana ay iminka ay tahay magaalada Galkacyo mid aad u kacsan isla markaasina dadka deegaaadaasi ku abuurtay cabsi iyo wal wal la xariira dilka ka dhacay, wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Galkacyo wuxuua ka waday howlo uu ku heshiisiinayay beelo halkaasi ku dagaalamay.

Mana jiraan wax ka hadlay dilka ee maamul gobaleedka Putlanada balse waxa la filayaa inay sacadaha ugu dambeysa ka hadlaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Wasiirka Warfaafinta PL oo ladilay "

  1. saciid cali yusuf says:

    ilaaheey ha u naxariisto Warsame waxuu haa in aan aad isu naqaan waxaan isbaraney 1980
    waxuu ahaa nin bashaash ah oo furfuran sheeko badan deeqsi ah . inkastoo aan isarag in mudo ah hadna ragii aan isla asxaabta aheyn waxay ii sheegeen in uu weli sidii ahaa. janadii alle ha waraabiyo.

  2. Bulugbash Jeberti Bin AQIIL says:

    Allah u naxariisto wasiirku. arrintan ma ahayn mid loo fadhiyey. aaway nabadii Pantland.Galkacayo waa halbowlayasha uugu weyn jirtaanka Puntland sidee ay ku dhacay falkan oo lagu dilay wasiirku iyo in si sahal ah loo yirahoo lama garanayo cidii dishay heybtoda. away ciidankii ilaalada u ahaa wasirka iyo ciidankii gobolka mudug oo martida loo ahaa. madax badan oo lagu dilay Galkacayo oo cida dishaa heybtooda aan la garanayn waa wax lala yaabo . waxaan madaxweynaha dowlad puntland ka codsanayaa in uu talabo adag ka qaado amaan darida ka jirta magalada galkacayo.

  3. Bossaso says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, ilaahay how naxariisto masuul ka la dilay
    Dowlada iyo shacab kana waxan lee yahay cidi ka dambeysay fal kan foosha xun wada jir haloogu istaago in sharciga la keeno, soomaali waa beel beele, besha uu ka dhashay marxuum kana waxan lee yahay alle ku sabra oo suga inta dambiilaha gacanta lagu soo dhigayo hana ku fekerina mid ka cawaaqibnimo xun inaad noo soo jiidaan, hadii masuulada iyo wax garadka labartilmaansado waa dhib iyo halaag, reer Galkacayoodow dhib ka nagadaaya oo nabada ka shaqeeya sida reer bariga

  4. mohamed says:

    waxan kula talinaya maamulka putlanda in ay san noqon waxa ka dhacaya mogadishu iyaga oo adeegsanaya sida aad wada ogtihiinba niman caalamka raba inay dumiyaan