Home » Siyaasad »

Xalku Maanta Muxuu noqon karaa|Odowaa

Date: Agost 2, 2009

Ku: Cidda ay Khuseyso:

Mushkiladda Soomaaliya?

Hordhac

Xalka maanta muxuu noqon karaa?

Inta aynaan xalka iyo meesha uu naga jiro tilmaamin, bal aynu xoogaa dib u fiirino:

1. Sababihii keenay burburkii ku yimid dowladihii jirey 1960-1991?; jawaab gaaban haddii aan ka bixino (maamul xumo, ku saleysan – caddaalad darro iyo qabiil u adeegsi qarankii)
2. Sababihii fashiliyey – dowladihii ku meelgaarka ahaa – 1991 – 2009? Jawaabgaaban- waa inta ku xusan lambarka koowaad oo lagu daray faro gelino shisheeye, kuwaasoo aan laheyn faham dhab ah mushkilada Soomaaliya ama hadey fahmeen ka waayey danahood;
* Sidaas darteed, maanta waxaa dhab ah in aragtidii laga qabay Soomaaliya (gudaha iyo dibadaba) isu badashay, si waafaqsan danaha Soomaaliya oo ah: (In ummada Soomaaliya lagu taageero markii ugu horreysay – nabad, deggenaan, midnimo iyo dowlad wanaag, dowladaasoo ixtiraamta dadkeeda rabtaankiisa, kulana dhaqanta adduunka nabad kuwada noolaansho, istixgelin, gaar ahaan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

BAAQ

* Sixidda iyo ka fogaanshaha khaladaadkii hore ee keenay burburka iyo sida maanta la yahay,
* Faham iyo garasho xaqiiqo ah isbeddelka iijaabiga ah eek u yimid hoggaamiyeyaasha mujtamaca adduunka si waafaqsan danaha Soomaaliya markii ugu horreysay (AU, EU Jaamacada Carabta, Golaha Islaamka Adduunka UNka) dano loo dhan yahay.
* Fursaddan, oo looga faa’iideysto si waafaqsan – maslaxada Soomaaliya iyo tan adduunkaba, haddii kale dayacno fursadan qaaliga ah ee nala soo gudboonaatay maanta wixii aan sugnaaba wuxuu noqon karaa oo keliya – halaag loo dhan yahay Ilaahey maqaddaree.
* Baahida Soomaaliya ma aha kooxo ama shaqsiyaad la baxa magacyo qurxan, oo ka maran xalinta mushkilada Soomaaliya (Nabad, degenaan, amni iyo is aamin).
* Golahan mabaadii’diisa ka mid ma aha burburinta wax jira, ee eber ka soo billaaw, ee wuxuu aaminsan yahay wax jira in lagu kaalmeeyo waxa ka maqan.
* Sii wadida arrimaha dib-u-heshiisiinta.
* Hagaajinta xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka deriska iyo caalamkaba.
* Taageeradii beesha caalamka oo si deg deg ah looga dhabeeyo hadii kale ballanqaad aan fulin laheyn wax faa’ido uu soo kordhin kara ma jiro.
* Soomaalida weligood ma iloobayaan hay’adihii iyo dowladihii gacan ka geystay sidii ay Soomaaliya beesha caalamka ugu soo noqon laheyd, nabadna loogu soo dabaali lahaa. Waxaana u gudbineynaa mahad ballaaran.
* Soomaaliya oo noqota meel ka caaggan falalka ka soo horjeeda: sharciga, akhlaakh wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha sida: (dilka, dhaca, argagixisada, afduubka iwm).
* Soomaaliya oo laga hirgeliyo si dhab ah – sharciga isla xisaabtanka iyo xuquuqul insaanka.
* Ku dhaqanka sharciga dhab ahaan: (Good Governance – Dowlad wanaag)
* Hubka oo ku hara gacanta dowlada kana baxa dhammaan gacan kasta oon aheyn tan ciidamada qaranka.

GEBOGEBO

Sidaa waa sida keli ah oo lagu sixi karo khaladaadkii iyo gefefkii hore ee Soomaaliya baday sida ay maanta tahay. Ilaah baa mahad leh.

Waxaa soo diyaariyey qoraalkan indheergarad Soomaaliyeed, oo ka danqaday dhibaatada Soomaaliya ee dhowr iyo labaatanka sano jirtay xal la’aan.

1. Suldaan Maxamed Khaliif Ibraahim (Guddoomiye) 0721 686905
2. Suldaan C/casiis Cumar Daad (Xiriiriye) 0722 381489
3. Dr. C/raxmaan Xuseen Samatar 0728 351309
4. Dr. Axmed Sheekh Cali Buraale 0721 206685
5. Prof. Ibraahim Sheekh Xasan 0728 447484
6. Suldaan Maxamed Madobe Cali 0720 655633
7. Suldaan Ibraahim Cismaan Faarax 0726 644349
8. Ugaas Xersi Jaamac Cigaal 0721 759902
9. Suldaan Boodhle Kheyre 0717 345702
10. Cabdi Cismaan Ciid 0720 389125
11. Boqor Mohamud Mohamed Barbar 0722 828121
12. Ugaas Cismaan Ugaas Cabdille 0722 271632
13. Cali Maxamed Cali 0713 474660
14. Axmed Ugaas Faarax 0729 865416
15. Yuusuf Xersi Cilmi 0727 020608
16. Maxamuud Cali Ugaas 0712 961274
17. Xasan Xersi Cali 0713 608418
18. Cali Ibraahim Maxamed 0726 255139
19. Caaqil Guduudow Garaad Calasow 0721 222879
20. Suldaan Xasan Sheekh Isaaq 0723 472447
21. Suldaan Confaar
22. Suldaan Maxamed Cali Geedi 0722 43948
23. Suldaan C/naasir Jaamac Seed 0723 131608
24. Axmed Ugas Faarax 0729 865416
25. Yuusuf Xaaji Cilmi 0727 020608
26. Ugaas Maxamuud Cali 0712 961274
27. Ugaas Cismaan Ugaas Cabdulle 0722 271632
28. Ugaas Maxamed Saalax 0722 770294
29. Eng. Iraad Xasan Warsame 0721 622843
30. Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulle 0729 997506
31. Suldaan Siciid Maxamed Cali 0729 997506
32. Maxamuud Cali Dhuux 0721 103869

C/raxmaan Samarat

1)xiwaar2007@hotmail.com

2) abdibayle@yahoo.com

POB 96264-00622

3) odowa40@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xalku Maanta Muxuu noqon karaa|Odowaa "

  1. Ali shabelle says:

    Somalida way ku kala aragti duwantahay burburkii ku dhacay dalka sababta iyo ciddii ka danbaysay . Shariifka aad ayuu u nasiib badanyahay , sababtoo ah wuxuu la kowsaday dowladda Obama oo diyaar u ah in somalida ay wax la qabato haddii laga faa iidaysanaayo .
    Nabadda somaliya waa in laga soo bilaabo gunta hoose, nabdaynta beelaha wada dega .