Home » Siyaasad »

Waxay ila tahay|Cumar Bille

Maxamuud Cumar Bille oo ka hadlay isbedelka Puntland.

Maxamuud Cumar Bille, oo ka tirsan dhalinyarada reer Puntland, oo ahaan jiray wariye caan ah isla markaasna ahaa nin aad uga faalooda arimaha gudaha ee Puntland markii gaar ahaan uu ka tirsanaa mucaaradka ayaa ka hadlay isbedelka Puntland.

Maxamuud oo ka baxay bahda Saxaafada iyo waliba Siyaasada ayaan mudo lagu arag Internetka iyo shaashada siyaasada ama fadhi ku dirirka, ka dib markii uu iska dhaafay oo danihiisa ka raacday, hadaba Maxamuud oo ka hadlay shaqsiyadiisa wixii uu u halgamayey iyo wuxuu iska dhaafay arimihii ayaa wuxuu yiri.

Waxaan u halgamayey isbedel ka dhaca Puntland oo ku salaysan cadaalad, horumar, nabad iyo umada oo u siman fursadaha ka jira Puntland, dhan kasta.

Hadaan ka war bixiyo isbedelka ka dhacay Puntland , runtii waa mid muuqda oo qofkasta oo reer Puntland ah, oo aan iska indho tirayn ama daacada ka tagayn uusan in kiri Karin.

Waxaanu helnay nabad-gelyo buuxda(Al-Xamdulilaah) oo aanu waligayo helin.

Anigu runtaan sheegaa, shaqsi iyo shaqsiyaadtoonana ka ma baqo, rabigii I abuurtay un baan ka baqaa, wixii jirana in aan sheego ayaan xaq u leeyahay, inkastoo aan iska dhaafay siyaasadii iyo saxaafadii labadaba, aana ku talo jirin in aan ku soo laabto, hadana waxay ila noqotay in aan jawaab bixiyo waxa isbedelay, waayo dad badan baa is weydiinaya su-aashaas muhiimka ah.

Arki maysid qof shacab ah oo hubaysan amaba askari aan shaqadiisii gudanayn oo qori sita. Waxaa shaqeeyey qallinkii oo waxaa madaxweyne C.raxmaan soo dhaweeyey aqoonyahanada reer Puntland,oo aan awal la qiimeyn jirin, haday yihiin kuwa gudaha ku sugan iyo kuwa dibadaba iyo sidoo kale doorka culumada, maadaama umaddu tahay Muslim.

Dhinaca fursadaha shaqooyinka waxaad moodaa wali in aysan wax weyn isbedelin oo hab looga baxay garabayshinkii iyo baaga-muudadii baahda uusan muuqan.

Shaqaalihii iyo ciidamadii waxay heleen mushahaarkoodii oo joogto ah.

Sidoo kale, waxaad moodaa in dowladaan aysan ka dhex muuqan dhalinyaradii, gaar ahaan golyaasha dowlada, sida golaha wasiirada oo dowladii hore siisay wasiirka Ganacsiga iyo ku xigeeno amaba agaasimayaal guud, iwm.

Sida aynu wada ognahay waxaa calankaan u soo halgamay oo xoriyadaan aynu maanta ku joogno Soomaali ahaan keenay waa dhalinyaro.

Xaq bayna u leeyihiin in la xuso, oo lagu daro maamulkasata oo cusub.

Doorkii Nabadoonada dadku waxay moodeen in meesha laga saaray balse anigu sidaas uma arko, waayo hadii la yiraahdo, Nabadoonku shaqadiisa dhaqanka , ha ku ekaado maahan , ha iska tago bay ila tahay.

Waxaan hubaa sidoo kale in dhalinyarada iyo aqoonyahanka aan midkoodna dan ugu jirin door weyn oo nabadoonadu ku yeeshaan siyaasada waayo waxay wataan dad aan wax haba yaraatee aqoon ah lahayn.

Isimada, Puntland waxaa dhisay waxay ahaayeen Isimo, ma laga maarmo sina in ay door ku yeesahaan siyaasada , siday aniga ila tahay.

maxamuud cumarbile

mcbille@hotmail.com

W.BILAAHI TOWFIIQ

Shiikh-M.CUMAR BILLE.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Waxay ila tahay|Cumar Bille "

  1. Ahmed Diiko says:

    Waa hadal fiican.. Siyaasadda iyo dhaqankaba ismadu waa inay door ku yeeshaan hadii kale maamulkii iyo ismadii ma wada shaqayn karaan.. Waan ka soo horjeedaa dadka qaba in Isimadu shaqadoodu tahay dhaqanka, waxaa soo hoos gelaya waa Siyaasada, Isimadu maadama ay Puntland dhiseen, ayna yihiin dad aad loo qiimeeyo Gobolada Puntland dhexdooda waa hay’adda ugu saraysa waana marjaca u sareeya oo loo noqnayo hadii tafaraaruq yimaado, Iyadoo ixtiraam iyo ahmiyad gaar ah la siinayo sharciga kala danbaynta u yaala Dawladda Puntland ..

    Tan kale oo ah Dhalinyarada in aysan ka muuqan Maamulka Puntland ma qabo taas , Maamulka waxa ku jira Dhalanyaro haween aqoonyahan. Talo:Dhalanyaradu xukunka yeysan jeclaan halaga hor mariyo qalinka dalku wuxuu u baahanyahay in la dhiso, la maalgeliyo , la tabcado oo la shaqaysto, si markaa huru’umar lagu gaadho. Wxaana aan ku darsanayaa dadka baahan ee goboladeena ku nool ama martida ku ah hala la socdo oo hala kaalmeeeyo..!

    Ahmed M Shire
    SWEDEN- Stockholm