Home » alshabaab »

Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa|abdibashir

Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa?

Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh. Naxariis iyo Nabadgelyo ha u sugnaadeen Nebi Maxamed (scw) iyo intii isaga raacday. Aamiin.

Muran badan ayaa ka dhashay calanka madow ee ururada islaamiga ahi ay ka taagaan goobaha ay joogaan. Dad badan ayaa ka qarracma marka ay arkaan calankaas oo babanaya. Laakiin qaar kale ayaa ku farxa oo ilaahay weyneeya, ayaga oo leh ”Allaahu akbar”. Qaar ayaa dejiya haddii ay awood u yeeshaan. Qaar kale ayaa dhaleeceeya oo cay iyo dacaayad isugu dara. Waxa aan dhawaan daawaday khudbad uu jeedinayo Cabdiraxmaan Janaqow oo ay ku jirto faallo ku saabsan calanka madow iyo calanka Soomaaliya ee buluugga ah Daawo Janaqow waxa uu calanka madow ku tilmaamayaa:

* Mid aan la garanayn cidda leh.
* Mid fool xumo badan
* Calan ay isticmaasho Alqaacido

Dhinaca kale waxa uu amaanay calanka buluugga ah ee Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey dadka in la ixtiraamo oo aayaheenna lagu ilaaliyo. Dabadeedna waxa uu ku heesay heestii calanka ee “qolaba calankeedu waa cayn”. Dadku waa ay istaageen oo heestii ayey la qaadeen. Heestuna waxa ay ku dhammaatay ereyga “caashaqa” oo ah dhiirrigelin in si xad-dhaaf ah loo jeclaado calanka buluugga ah. Xukunka ay ka qabto shareecada islaamku in la isu taago calanka iwm waxa aan u daynayaa culimada. Kollay anigu waxa aan ku qanacsanahay in ay tahay xaaraan iyo dembi in calan weynayntii la isu taago maadama la diiday in la isu taago xiitaa dadka bina aadanka ah ee Alle karaameeyey . Sidoo kale xukunka ay leedahay in dadka lagu boorriyo jacaylka wax Alle ka sokeeya ama Alle dartii wixii aan ahayn, iyadana culimada ayaan u daynayaa ee bal dib ha loo baadho. Haseyeeshee waxa aan u banbaxayaa calankan madow iyo xagga uu ka soo jeedo.

Maadama oo islaamiyiinta lagu yaqaanno “asalraacnimo” iyo ku ad adkaanta dhaqangelinta shareecada islaamka, xaggee ayey calankan madow ka keeneen? Ma quraanka ayaa sheegay calan madow? Mise Nebi Maxamed (scw) ayaa qaadan jiray calan madow? Mise waa dhaqankii khulafadii Nebiga scw? Mise dawladihii islaamka ee hore ayaa calan madow lahaan jiray? Qof waliba waa in uu marka hore su´aalahaas is weydiiyo inta aanu bad gelin. Marka uu su´aalahaas jawaabtooda helo, markaas ha taageero ama ha ka soo horjeesto isaga oo aqoon cad ku dul sugan.

Anigu markii aan dabagal iyo baadhitaan ku sameeyey waxa aan ogaaday in uu Nebigeenii Muxammed (scw) lahaan jiray calan madow oo afar gees ah oo dhexda uu kaga qoranyahay tawxiidku. Si aad uga dheregto faahfaahinta warkaas, isweydii su´aalaha soo socda, aniguna aan jawaabta kuu raaciyo!
Nebigu Calan ma lahaan jiray?

Haa Nebigu (scw) wuu lahaan jiray calan. Dagaalkii Beder wuxu calanka u dhiibay Xamza Binu Cabdi-Muddalib. Sidoo kale waxa calanka Nebiga sidi jiray Sayid Cali. Calankii Ansaartana waxa Nebiga u sidi jiray Sacad Binu Cubaadah, intii aan lagu wareejin wiilkiisii Qays binu Sacad. Dagaalkii khaybar, markii la is mari waayey, ayuu Nebigu (scw) yidhi: “waxa aan berri calanka u dhiibi doonaa nin Ilaahay jecelyahay oo gacmihiisa lagu furto”. Markaa ninkii calanka loo dhiibay wuxu noqday Sayid Cali Binu Abii Daalib oo khaybar sidaas ku furtay. Dagaalkii “Mu´ta” ayuu Nebigu (scw) uga warramay asaxaabta. Wuxu yidhi: “calankii waxa qaaday Zayd binu Xaaritha ilaa laga dilay. Haddana waxa calankii qaaday Jacfar ilaa laga dilay haddana waxa qaaday Cabdillaahi Binu Rawaaxa ilaa laga dilay”

Marka aad wararkaas oo dhan iyo qaar kaleba isu geyso, waxa kuu caddaanaya in uu Nebigu (scw) lahaan jiray calan iyo in ay calan qaadashadu ka mid ahayd dhaqankii asaxaabta.
Sidee ayuu u ekaa calankii Nebigu (scw)?

Haddaba sidee u ekaa Calankii Nebigu (scw)? Jawaabbta waxa bixiyey asaxaabtii Nebigeena ee khayrka badnaa. Waxa ku qoran kitaabada kala ah, Tarmadi, Abu Daa´uud, musnadka Axmed iyo Ibnu Maajah xadiis “XASAN” ah oo laga wariyey Baraa binu Caazib, wuxu yidhi: “Wuxu ahaa calankii Nebigu mid madow oo afar gees ah oo ka samaysan maro suuf ah”.

Sidoo kale waxa ku qoran kitaabka Mucjamu-saqiir ee uu Qoray Dabaraani, xadiis laga wariyey Jaabir binu Cabdillaahi oo uu yidhi: “calankii Nebigu wuxu ahaa mid madow”.
Maxaa ku qornaa calankii Nebi “Scw)?

Calanka Nebiga waxa ku qornaan jiray kelmadda tawxiidka oo isku dhan. Xaafid ibnu Xajar wuxu xusay in uu Ibnu Cabbaas yidhi: ”Waxa calanka Nebiga ku qornaa:

” لا إله إلا الله مُحمد رسول الله” Sidaas ayaa meelo kalena loogu xusay in calanka dagaalka ee Nebigu aha amid madow, calanka goobtuna aha amid cad, dhexdana ay kaga qornayd kelmadda tawxiidku.

Markaa waa calan madoow oo ay dhexda kaga qorantahay kelmadda tawxiidka oo caddaan ah. Ama calan cad oo ay dhexda kaga qorantahay kelmadda tawxiidka oo madow ah.
Maxaa la gudboon dadka muslimiinta ah xagga calan samaysiga?

Waxa la gudboon dadka muslimiinta ah in ay ku daydaan sunnihii iyo dhaqankii nabigooda intii karaankood ah. Waxa uu ku qoray sheekh Shaybaani kitaabkiisa ”Siyaru-alkabiir” hadalkan: ” Waxa habboon in calamada goobta ee muslmiintu ay noqdaan kuwo caddaan ah, halka calamada dagaalku ay ahaanayaan kuwo madmadow, sidaas ayaa la soo wariyey”.
Wax bushaarooyin ah ma laga sheegay qaadashada calanka madow?

Haa, waxa sugnaaday in Mahdiga khayrka badan ee la sugayo ee soo bixi doona qiyaamaha hortii, uu sidan doono calan madow. Waxa uu ka iman doonaa dhinaca bari ee caalamka islaamka, waxaanu geli doonaa baytul-maqdis. Waxa la socon doona dad calamo madmadow sita. Wuxu Nebigu (scw) dadka ku adkeeyey in bayco lala galo Mahdigaas xiitaa gurguurasho ha loogu tagee. Xadiis sidaas tilmaamaya waxa soo saaray ibnu Maajah, waxaana Nebiga ka soo weriyey asaxaabigii la odhan jiray Thawbaan. Waa xadiis saxeex ah oo culimadii hore iyo kuwa dambeba isku raaceen, xiitaa Albaani.

Waxa uu yidhi Ibnu Kathiir isaga oo ka hadlaya Mahdiga iyo calanka madow: ”Wuxu Alle ku xoojinayaa dad reer bari ah, kuwaas oo u hiilin doona, oo boqortooyadiisa dhisi doona oo adkayn doona tiirarkiisa. Calamadoodu waxa ay ahaanayaan qaar madmadow waana astaanta haybadda maxaa yeelay calankii Nebiga (SCW) ayaa madoobaa oo waxa la odhan jiray Cuqaab”.
Ma la dagaalannaa calanka madow mise waynu doorannnaa?

Marka hore waa in aynu hubsanno sunnaha Nebiga (scw). Haddii ay inoo caddaato in uu calanka madowi ahaan jiray sunnihii iyo dhaqankii Nebiga (scw), markaa waxa waajib ah:

1. In aynu is dhiibno oo aynaan la daggaallamin
2. In aynu jeclaanno oo aynaan nicin
3. In aynu qaadanno oo aynaan diidin

Ujeeddo waa haddii muslin la yahay. Nebigu wuxu yidhi (scw): “ فمن رغب عن سنتي فليس مني“ oo macneheedu yahay: ”Qofkii sunnahayga nacaa iga mid ma aha”. Allaah-na waxa uu yidhi:

“لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ وَالْيَوْمَ الآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيرًا “ oo macneheedu yahay: “waxa idiinku sugan Nebi Muxammed (scw) ku dayasho wanaagsan, waa qofkii rajo ka qaba Alle iyo maalinta aakhiro ee si aad ah u xusa Eebe”
Gunaanad:

Calankii Nebi Muxammed (scw) wuxu ahaa calan madow oo tawxiidku ku qoranyahay.

* Kooxdii ama dawladdii calankeeda ka dhigata sida kii Nebiga oo kale iyaga oo uga jeeda ku dayashada Nebiga (scw) iyo jacaylkiisa, waxa ay sameeyeen sunne khayr ah oo xasanaadleh.
* Kooxdii ama dawladdii la dagaallanta dhaqan sugnaaday oo rasuulku (scw) lahaa , iyaga oo ogsoon balse ka san-taagaya oo necbaanaya, kuwaas xaalkoodu waa “Alle ha u sahlo”
* Kooxdii ama dawladdii calan ka dhigata mid aan ahayn kii Nebiga (scw), iyaga oo aan la dagaallansanayn dhaqankii Nebiga (scw), kuma dambaabayaan calankoodaas.

Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)

abdibashir@hotmail.com

2009-08-02

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " Calankii Nabigeenu (scw) caynkee buu u ekaa|abdibashir "

  1. Asalaama calayku waraxmatulahi.
    ummada musilimiinta ah waxaan leeyahay aniga oo soo gaabinaya hadalkayga islaamka yaan looga cararin shaqsi muslim ah ama urur muslim ah nacaybkiis,gaalana yaan loo raacin nacayb aad shaqsi muslim ah ama urur muslim ah nacdid.

  2. abdi weli axmed says:

    ummada somaliyeed illaah ha u naxariisto. aniga waxan leeyahay yaanan ladurin calanka islaamka oo nabigeena ka sugnaaday (scw).qofki wata waa diidi kartaa lakin calanka kaama laha, calanka waa wada leenahay, kaadana waa heysan kartaa labadana waa qimeysan kartaa waayo isdiidi maayan. diinta yaan nin ama group yaan loo nicin ee cidi qaldan waa lala xisaabtamaa ee mabaadiidaada loogama cararo/loogama fuqo. somaliyana diinta slamka mooyee wax kale oo wax ka badali kara malahan marka diinta slamka aan ku sugnaano illaah asagaa mumin iyo munaafaq kala saari doonee.

  3. osman hersi says:

    waxaawacan horta qofka in uu fahmo waxaa uu ka hadlaayo marka hore shacaarka islaamka ama astaanta islaamka ayaa ah towxiidka ah in alle mooyee alle kaleeto in uusan jirin ..ama mid cad ku qoro ama mid madaw ama mid cagaaran ..waliba astaantu ma,aha oo kaliya astaane ee waa in qofku hadana ictiqaadaa kuna camal falaa ..shacaka soomaaliyeedna waa wada muslim ..waxa maanta ka taagan-na waa fitno ee jihaad maahan ..waxa dabada kawadana waa shayaadiin umada losoo diray ee mahaan kuwo lagu tilmaami karo muslimiin ..waayo fitnada dadka ka wadaa soomaaliya ma,ahan kuwo dhaqan islaam leh .diintuna waa nasteexo qolyahan calankan madoow soo qaatey horta ma hayaan jidkii iyo sunnihii nabiga ?!!jawaabta waa maya ..yaa ubaneeyey dhiiga muslimka?! tusaale ahaan kuwii shalay maxkamado ahaa maanta waa ay kala baxeen iyagoo qaarba qaarka kale gaaleysiiyey ..dueba hadana kuwii mujaahidiinta sheeganaayey ..waa kuwaa hadana kala baxay oo qaarba qaarka kale gaaleysiinaaya ..hadafkooduna waa u iska cad-yahay waa xukun doon >.waxey ku tun-teen magacii islaamka ..karaamadii muslimiinta ..waxaan filaayaa dhamaan axaadiithta kusoo aroortey astaanta islaamku eee towxiidka ..horta waxaa ka horeysa in lafahmo towxiidka micnahiisa oo labartaa markaas kadib dadka labaraa astanta islaamka taa micnaheedu maahan in aan islaamku sameysan karin qof kastaa ama qoom kastaa astaan u,gaar ah ama gobolkastaa astaan u,gaar ah waayo in isku wadan ah ayaa hadana kala astaan duwanaan kara ..laakiin yaan loo qiil dayin in dhiiga umadda lagu baneysto calab madoow dadkana lagu gaaleysiiyo qofkaan fikirkaas qaadan iyadoo lagu raadinaayo manfac aduunyo iyo kursi iyadoo waliba lagu tumanaayo maslaxadda guud micno kale diintu shacaar(astaan)maahan ee waa ictiqaad iyo rumeyn alle la rumeeyaa lagana baqaa .waayo qofkii qof muslim ah dilaa ilaah baa ucaroon ..hadana lacnad baa kusoo dagan..hadana ilaah waa uu cadaabi ..hadana jahanamaa lagu waarin intaas baa isudaba galeysa qofkii fitnadaas ilah ka bad-baadiyaana maanta liibaaney ..dhalinyaradaan habowga diinta ka ahna ..waxaa haboon in wax labaraa ee maahan in qori loo dhiibaa ama fitno loo horboodo ..allow soomaalida jidka toosan ku hanuuni aamiin!!

  4. Aways says:

    ALLAHA nagu hanuuniyo wadada toosan waxaan aqriyay inta jawaabaha ay kabixiyeen dadka qoraalada kusaasanaa sida aad daliilada diiniga cadcad oga baxisay calanka madow.laakin dhamatood waa ay diideen ama suaal bay ka keeneen dhib ma malaha calanka buluuga ah waxa uu noqday dhaaquut yacni wax lacaabuda. Dadka Alla hasoo hanuuniyo. Wabillahi towfiq

  5. Saaxiib says:

    Walaal waxaan qoraalkaagan kale ee aadku ugu eg kii bilaal iyo abdibashir oo aan aniga aaminsanahay in uu yahay isku qof magacii uun bedelay waxaa qoraalkaagan kale ku jiray hadalkan:

    “Kooxdii ama dawladdii calan ka dhigata mid aan ahayn kii Nebiga (scw), iyaga oo aan la dagaallansanayn dhaqankii Nebiga (scw), kuma dambaabayaan calankoodaas.”

    Hadaba walaal hadiiba aad sidaas ogtahay maxaa idin ku taagay calanka buluuga ah ee xidigta cad leh anaga oo ka dhiganay oo kaliya astaantii Qaranka Soomaaliyeed calankaas kale iyo kuwa kale oo jiri jiray oo ay lahaayeen xisbiyo ama hadaba leh calamo xisbiyeed laguma haysto wayna sheegtaan ee maxaa idinka idin tusay calankan Soomaaliyeed oo meeshii uu surnaa uga dajiseen una saarateen kiinan ama keenan kale ee kheyrka badan ee daliilada loo hayo maxaa bir kale loogu taagi waayay ama meel kale loo suri waayay

    Waxaa ii muuqda in calankaas uu la dagaalsan yahay calanka buluuga ah oo uusan ogoleyn in uu Soomaaliya ka taagnaado ama ka wada taagnaadaan markaas waxbaa ku hoos jira ee walaal bilaal/abdibashir cadee siyaasada qarsoon

    mahadsanid inta fahamta

  6. atoo says:

    waa idin salamay waxaana jeclaa inaan idin weeydiiyo maxaa looga jawabi waay in calanka rag iyo dumar loo istaago loo heeso iyo codkooda iyo jeclaantooda aad layaabeyso oo waliba qofka qudbadda soo jedinayay uu shacireynayay asaga oo dhahayo sharci ayaan idin weydiiyay dalalka an soo maray hadhoow markaa sharciga heshaane Somaliya ayaad imaneysaan kaddib anaa igu jana tageysaan

  7. Abdullahi Af-macaane says:

    as. Alloow na toosi oo na hanuuni hana na baadiyeeyn.Walaal cabdi bashiir waxaad is oo xasuusisay waa aan jaamacad dhigan jirnay oo mid ardada ka mid ah macalinkii weydiiyay suaal qaanuuni ah, ardaygiiina isku dayay inuu ka jawaabo suaashii asagoo jawaabtii ku qaatay hal saac oo kaamil ah, yacni hadlaayay hal saac si uu jawaab waafi ah u bixiyo. markii uu ardaygii dhameeyay ayuu macalinkii yiri ” hebeloow cilmi waa kaa buuxaa laakiin qaanuunka caalamiga ahi waa wax aan ahayn wax aad sheegtay ee kaa buuxa” walaaloow layskuma haysto rasuulkii scw iyo axsaabtii inay calamo lahaayeen, sunadana in la raacaa waajib tahay,laakiin sheyga iyo shaqsiga yaa weyn…calanka oo mara ah towxiidna lagu qoro la madoobeeyo ama la cadeeyo iyo camalka ninka sida kee xoog badan….kolkii asxaabtii jihaadka geli jireen calanka rag adag ayaa loo dhiibi jiray, ilaaliya inuusan dhicin gacmaha marka la jarana qoorta ku celin jiray laakiin aa weligood dhabarka jeedin , aan weligood dhiig muslim u xaydan aan weligood sunaha garab marin.
    marka walaaloo abdibashir cilmi waa kaa buuxaa waxna waa qori taqaan ee dhanka arinku ka biya daadinayo noo ifi .

  8. Ahmed yare says:

    Walaal waxaan akhriyay siirada intii aan arkayna halmar ayaan arkay inuu nabiga ciidan uu dirayay u xiray calan madow balse intii badnayd ee dagaala ee uu nabiga iyo asaxaabtiisa galeen inta badan waxay siteen caln cad

  9. Abdoow says:

    Yaa Sheekh wax badan baad is hoos gelisay. Calanka MAdoow wuxuu ka soo jeedaa Calaamadii ay lahayd Qureysh. Magaca Al-Cuqaab macnaheedu waa uun Calankii Qaranka(National Falag) ee maaha magac uu Calanku leeyahay. Suubanauhu(sallalahu Aleihi wassalam) wuxuu qaatay Calaamadii Qureyshta kamana dhigin in Iyada oo kaleiya la isticmaalo. Waxaanu ognahay in marka duulaamada loo bixi jirey la qaadan jirey Calamo kala noocnooc ah sida: Calan Madoow, Mid Cas, Huruud(Jaale)Mid Cad, Mid Cagaaran iyo Mid Sida Zebraha oo kale ah. Calamadaas waxaa la odhan jirey Al-Rayaa. Markaa ha nagu bogaadin in Xizbul_Islaam la raaco,loona hogaansamo adigoo Diin kusoo gabanaya. Meel ay kusoo aroortay haddii Calan Madow la qaadan waayo wa la gaaloobayaa ma hayno ee haddii Sunnaha la raacayo kasoo dhaadhici in Qoladan jaahwareersan ay raacaan sunnaha!

  10. Togane says:

    Waa run ninka maqaalka qoroow ma waxaad na leedahay ku daba feyla oo beyco lagala alshabaab iyo xisbul islaam adigoo sabab uga dhigayo calanka madoow oo ay sitaan?! hadii warkada kaas yahay wax kasoo qaad ma lihid, habow iyo hiilo aaan loo joogin!

    Dhanka kale, calanka madow ee towxiidka ku qoran yahay mesha uu kasoo jeedo iyo waxa uu u taagan yahay cidna muqdi ugama jiro..

    Waxa la isku heystaa waxay tahay : calanka maanta yaa sito?! war kuwa maanta sitaa calanka ma sharaf iyo wanaag ayay u hayaan diinta islaamka? mase ixtiraamaan ujeedooyinkkii Nabigeena Suuban MUXAMED (scw) loo soo saaray?

    Marka, sxbow ninka maqaalkaan soo diyaariyayoooow waxba hana soo hoosgalin fitno iyo baalayo…… adigooo kheyr ku hoosduugayo sharr!

    ILAAHOOW AMAANADAA…

  11. Sharif Harun says:

    Asalaamu caleikum dhamaantiin,
    walaal tusaalaha iyo waliba daliilaha aad umada usoo bandhigtay ilaah hakaa ajar siiyo. Laakiin waxaan ku weeydiin lahaa ma waxaad ula jeedaa qoraalkaagan in nimankan la baxay shabaab iyo xisbul?????? la taageero mise waxaad ula jeedaa inaan calanka madoow qalad loo arkin isla markaasna aan la nicin? wabillahi toowfiiq