Somlitalk: Macallinka Bulshada.
1999-kii ayaa dhidibadda loo taagay Web-ka sida weyn u caanbaxay ee Somalitalk oo ahaa web-kii ugu horeeyey ee Soomaalidu ka daalacan jirtay wixii macluumaad ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxa uuna indhaha u furay Soomaali badan oo baahi weyn u qabay in ay helaan Web af Soomaali wax ku qora ummadana u dhexeeya layskuna haleyn karo xogta kala duwan ee uu ka soo uruuriyo qaybaha kala gedisan ee Deegaanada Soomaalida iyo waliba Aaraada dhinacyada kala duwan ee Bulshada.
Somalitalk, waxay Shabakada Internet-ka ka soo dhex muuqatay xili ay yaraayeen Bogagga afka Soomaaliga ku hadla ee ka jiray Caalamka, waxayna markaa kadib noqotay mid si weyn ay ugu xiranyihiin bulshada Soomaaliyeed ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisaba, waxa uuna Somalitalk macallin u noqday dad badan oo mugdi kaga jiray waxa ka socda daafaha Caalamka, waxa uuna leeyahay qaybo la mid ah Dugsiyadda wax lagu barto halkaas oo ay ka faa’iideysan jireen dad fara badan oo Soomaaliyeed.
Somalitalk waxaa kale oo uu isku taagay sidii uu meel u gaarsiin lahaa codka dadka tabaaleysan waliba kuwooda aan wax looga qaban Karin dalka gudihiisa, kuwaas oo maanta in badan oo iyaga mid ah aasaagooda wax la qaybsaday markii ay heleen Caafimaad buuxa, waxaa kale oo uu qayb ka ahaa Somalitalk isku soo dhawaanshaha bulshada Soomaaliyeed, waayo webku ma uusan qori jirin wararka xaasaasiyadda keena ee bulshada kala geeya, waxa uu u dhabageli jiray welina ku taagan yahay sidii laysugu keeni lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Webka waxaa kale oo uu bulshada u soo bandhigaa casharada la xiriira arrimaha Diinta Islaamka, waxaana ku taxan dad fara badan oo halkaasi ka helay aqoon la xiriirta dhinaca diinta Islaamka, waxa uuna ahaa web si weyn u difaaca Diinta Islaamka.
Somalitalka waxaa kale oo uu soo bandhigi jiray xadgudubyada ka dhaca gudaha dalka iyo dibaddaba si ay keyd u noqdaan si loo xisaabtamo ciddii gaysatay marka uu waqtigu saamaxo.
Somalitalka, waxaa kale oo ay u tafaxaydatay shaac ka qaadista heshiiskii Badda ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna webku daaha ka rogay in uu Bulshada u soo bandhigo waxa ka imaan kara heshiiskaasi taas oo u ku helay mudnaanta koowaad, waana midda soo dedejisay in Baarlamaanka Soomaaliya uu gebi ahaanba diido heshiiskaasi.
Webka waxaa kale oo lagu xasuustaa soo bandhigii Shaqsiyaad iyo Hay’addo ka dambeeyey in Badda Soomaaliya lagu shubo Haraadiga Sunta halista ah.
Isku soo wada duuboo, Somalitalk waxaan ku biiray qorayaashiisa February 2004, waxaana aad u soo dhaweeynayaa naqshadda cusub ee webka laguna soo beegay sanadguurada 10-aad ee ka soo wareegtay markii dhibadda loo taagay Somalitalk, waxaana leeyahay (Waa naqshad aad u wanaagsan oo ay iska kaashadeen rag Injineero ah, taas oo sii fududeyn karta in bulshada ku taxan si waafi uga dhergaan macluumaadka uu xambaarsan yahay, waxaana leeyahay 10-guuro wanaagsan, insha allaah sanadaha soo socda horumar intaa ka wanaagsan.)
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
as.wr
dhaman bahda somalitalk waan salaamay salaan kadib sanad guuro wanaagsan(hanbalyo). webka somalitalk aad iyo aad ayan uga helay aniga balse waxan ku boorinayaa walalayaalow nala shaqeeya oo nagala shaqeeya sidi dhallin yara somaliyeed loomideen lahaa. taasna waxaan idinka codsanaa odyaal, siyaasi iyo wadad waa aragnay halka fursad oo inoo harsan waa dhallin yarada iyo aqoonyahanada somaliyeed. marka aan isku kaashano sidi labadaas loo mideen lahaa. somaliya waa -20( no way to run ).