Home » Faallo »

Maxaa Dumiyey Ciidankii XDS| Gendisch

Faalo: Maxaa Dumiyey ciidankii XDS !

. “ Marka ciidan uu aado siyaasad , siyaaaduna waxaa u timaadaa ciidanka “

Waxaa dhawaan shir uga biloowday washigton saraakiil soomaliyeed oo lasoo xulay , sidii ay uga talo keeni lahaayeen ciidan somaliyeed oo dib loo yagleelo. kuwo lagu tuhmayo in ay wax ku kordhin karaan ama wax ka og yihiin markii hore loo dhisay , wixii dhacay iyo sidii ciindankeenii u dumay , waxaa bilaabatay xog rurin xogta dhabta ah ee jirta , wixii dhacay 60 kii sano ee la soo dhaafay ee sababay in ciidankii somalida kala tago, keentayana in qarankii loo igmaday in ay ka difaacaan uu la dumo. Inkasta oo sharakiishaas intooda badan ay yihiin dad daacad ah oo Somali ah waxaan marna laga maarmi Karin in la iftiimiyo wixii dumiyey libaaxyadii geeska , ciidankii uu dagaalkii labaad. Ka fajiciyey hogaamadii ciidamada reer galbeedka ee ka dagaalamay , liibiya, erateriya , somaliya.

General Rodolfo Graziani (Filettino, 11 agosto 1882 – Roma, 11 gennaio 1955 yiri , ciidanka somalida ah waa ciidan aad moodo in marka horeba loo diyaariyey askari . caato aan hilib badaneyn u fudud sidii shabeelka , isagoo sifeeynaya waxaa yiri , waxaan bartay anigoo sarkaal yar ah oo jooga liibiya marna ma barbar dhigi karno kuwa erateriya iyo liibiya , waxaan la simay markaan imid somaliya ciidanka talyaaniga , waa marki ugu horeeysay joojiyey in ay salaam u taagaan askari talyaani ah hadii garado ka hooseeyo. waaa ciidan dagaal yahano ah, u dulqaata , dhibta cimilada kuleeyl iyo qaboow , haraadka biya la’aanta iyo cunto laanta. Waxaa uu ku tilmaamay in ciidamada somalida hadii la tababaro lagu qabsan karo qaarada afrika oo dhan . Burburkii ciidankii qaranka soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa arimo badan oo si biirsaday waxaana cadaynayaa inaan halkaan ku bayaaniyo si dib aan loogu dhicin qaladaadkii u hore loo sameeyey kuwaan oo aan filayo in kuwii qalday , ay wixii ay qaldeen sheegaan , somali taas ma laga filayaa oo ay maanta in ay saxaan wixii qalad dhacay.. hadab amaxaa subab u ahaa burburkii ciidanka somaliyeed.

Ciidanka iyo siyaasada : markii uu dhashay kacaankii octoober oo ay , ciidamdii ay la wareegeen hogaankii qaranka somaliyeed waxaa markiiba biloowday in saraakiishii cidamada oo shaqadoodu ahayd in wadanka ka difaacaan cadowga dibada iyo gudaha ay noqdaan siyaasiyyin faraha la galay meel kasta oo shacab uu ka shaqeeyn jiray, waxaa ay noqdeen maamuladii gobolada iyo degmooyinka , waxaa ay madax ka noqdeen, ha’ydii Qaranka min agaasime ilaa ambassador. Taasi waxaa ay keentay inuu halkaas ku lumo askarigii qaranka iyo waxa ay shaqadoodu tahay. Tasoo keentay in ay u hanqal taagaan arimo dhaqaale , siyaasad ciidankiina oo ku dhoco morale hoose kadib markii saraaakiishii ugu fiicneeyn xagga aqaoonta noqdeen holwdeeeno siyasadeed. Dhinacna kalana kala boobkii ummada lagu hayey dhaqaalaheeda ayey ku milmeen, sharcigeeda iyo maamulii intba waxaa noqdeen ma ogtahay askari , ayaan amar ka qaataahe, . Waxaa jirta in askarigu aanu shaqo ku laheen arimo shacabl iyo maamulkood . oo laga rabo inuu xerada ciidanka ku sinaado oo ka shaqeeyo ( Military barricades ) , hadii uu siyaasad galayana uu ciidanka si toos ah uga baxo. “ Marka ciidan uu aado politics , siyaaaduna waxaa u timaadaa ciidanka “ , markaa waxaa imaaneeysa in askartii la rabay in siyaasada laga fogeeyo danta qaranka dartii aan laga fogeeyn Karin maadaama ay yihiin kuwa gaaraya go’aanada qaranka. Taasi waxaa ay keentaaa in militarigu markaa faraha la galaan arimihii ay dowlada ka doonan jireen ama civilka sidii murshaarka iyo dalacsiinta in iyaggu fushadaan oo garaado iyo lacag qiimo sare leh isa siiyaan. Halkaas waxaa ka yimimaada qaybsnaanta ciidanka dhexdooda ay oo u kale qaybsama iyo kooxeeysi siyaasadeed , qabiil iyo degaan. ( Political divisons into groups , with ethnic and regions).

Ciidanka iyo Eexda –Kadib markii ciidankii somaliyeed faraha la galeen siyaasada, waxaa dhashay , in maamulkiisu noqdo mid eex yo qabileeysi, salka ku haya, waxaa markiiba biloowda in loo dalacsiiyo, hab beeleed iyadoo aan la tixgeln aqoonta iyo kartida sarkaalka, in lagu qoro ama waxbarasho loogu diro hab qabiil taasi waxaa ay noqotay biloowggii ciidan qabiil oo somaliyeed oo ilaa maanta aan dabada hayno . maleeshiyo beeleed lagu hugiyey magaca ciidan qaran oo ka shaqeeya danaha qabiilka marka hore tan qaranka ay ku xiran tahay sida wax loo siiyo qabiilkiisa amaa beesha ninka hogaamiyaha u ah.. waxaa halkaas ku baaba’ dhismaha ciidan qaran leeyahay waxaan wax laga naxo ah in ilaa maanta aan joogno uu qaranak somaliyeed rabo inuu difaaco ciidan beeleed. Oo isula socda beel beel iyo laf laf , wax lagu siiiyo hub loogu qaybiyo kuna dagaal gala magac beeleed . taasoo dhibka ay keeni karto uu aad uga badan yahay faaidada laga heli doono mustaqbalka.

Ciidanka iyo Daryeeel La’aanta : arinta sedexaad ee asaas u noqotay burburkii ciidanka somaliyeed waxaa ay noqotay daryeel la’aantii ciidanka ku dhacday, taasoo mid dhaqaale , raashin, dress, daawo, iyo mid ku timid in aan waxba laga qaban markii uu dhaawacmo , naafoobo,amaba uu dhinto intaba oo wax daryeel ah haysan . waxaa jira oo kale arimo kale oo sadexdaan arimood ka sii dhashay iyo kuwo kale waxaanse hubaa in saldhig u yihiin baabi ciidanka soomaliyeed , maanta oo la doonayo fakir ku saabsan ciidan soomaliyeed loo dhisi lahaa waxaa loo baahan ayahay in aan uga taxadarno arimihii hore loogu hungoobay oo na dhaxal siisay burburqarankii somaliyeed oo dhan. Ciidanka somaliyeed ee la unkayo waa inuu ka fogaado in hab qabiil lagu qoro ama la dhiso , ama la yiraahdo halagu qaybsado 4.5 , cudurka ugu horeeyaa midaas ayuu noqwon doonaa in maanka lagu hayo isku dheeli tirka beelaha ma xuma laakiin wax sharci ah in laga dhigo ma ahan cudurka 4.5 oo xaqna ahayn xariifnimona ka fog.

Waxaa kale oo muuqata in ciidanka ka soo horejeeda ee dawlada intiisa badan heestaan in ay sedexda arimodd ee aan kor ku soo sheegnay ka caafimaad qabaan, qabiil iyo eex, waa marka hore waxaa loo tababary dagaal ay ku jiraan qaf yahay oo jano lagu kasbanayo kana madaxbanaan yahay siyaasada iyo qabiilka , waxaa ay heestaan cadaalad dhexdooda ah, daryeelkooduna waxaa uu gaaraa meesha ugu sareeysa ee ay gaari karaan dhaqaale ahaan. Hadii ay kuwa ay la dagaalami doonaan ee alshbaab sidaas u dhisan yihiin Somali waxaa ay baahan tahay rag ka tayo sareeya alshabaab . ama waxaa ay noqon doonaan kuwo marba meel loo ceeyrsado. Maxaa u diiday dowlada in ay ciidankeeda u sheegto in qaranka somaliyeed difaacayaan , janana lagu galayo difaaca dadkaaga iyo dalkaaga Waxaa aaminsanahay in ragga shirkaas Washington ka qaybgalay ay ka buuxaan rag soomaliyeed oo qaada musuuliyad somalinimo, meeelna iska dhigay. Wixii dumiyey ciidanka soomaliyeed ay fikirkooda ku biiriyaan dowladan u ooman in ciidan somaliyeed oo caafimaad qaba la helo kaasoo saldhig u noqon doonto in qarankii dib loo dhiso , somalina dowladnimo ku soo noqoto. Dad badan ayaa aad u dhaliilisan tayada askari duqoobay oo somaliyeed waxa uu qaban karo laakiin waxaa ila tahay inaanay ka fiirin oo kaliya kuwii dumiyeyy miyaa dhisi kara, balse ka eegaan aqoontooda ciidan iyo waayaragnimo ay u yeesheen waxa ay tahay qaran laa’aan ninkii yiraahda ciidankii soomaliyeed ciidan mahaayn , in jawaabteedu tahay wax dhaamana wali lama arag. Alaaha guuleeyo inta daacada ka ah in somalinimo dib loo soo nooleeyo.

Dhamaad

Hussein Abdikarim Ahmed-Gendisch

Rolesville , NC., USA

Gendisch@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Maxaa Dumiyey Ciidankii XDS| Gendisch "

  1. DHOOMBE says:

    ASC.

    Salaanta Islaamka ka bacdi, waxaan halkan si xushmad iyo niyad ah u salaamayaa dhamaan Bulshada Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan.

    Sidoo kale waxaan halkan Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa Wargeyska Somalitalk oo dhowaan u dabaal degay sannad-guuradii 10aad intii uu jiray, waxaan Wariyeyaasha iyo dhamaam Maamulka Somalitalk leeyahay Hambalyo Hambalyo ! waxaad tihiin runtii Wargeys u dooda xuquuqda Dadlkeena iyo waliba Dadkiisa (Allaah ha idinka ajir siiyo howsha iyo is-xilqaankiina), Waxaan idin leeyahay halkaa ka sii wada shaqadiina iyo afkaartiina ku dhisan difaaca Dalka iyo waliba hufnaanta ku dhisan Wadaniyadda.

    Midda kale waxaan jeclahay inaad Idaacadiina sii balaarisaan, waad ku mahadsan tihiin horumarinta aad ku sameyseen Boggiina oo runtii inoo saamaxdey inaan fikirkeena ka dhiibano qoraaladiina iyo guud ahaan akhbaarta quseysa qadiyadda Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyntii wuu mahadsan yahay qoraaga sida wanaagsan ee uu kala dhigay burburkii Ciidanka Xaagga Dalka Soomaaliyeed.. XDS markii uu burburayna sida aan wada ognahay waxaa burburey karaamaddii iyo Qarankii Soomaaliyeed.

    Waad mahadsan tihiin.

  2. waxan aad ula dhacay sida uu u soo dharaandhiriyay caqabadhii iyo wixii gundhiga u aha duminta iyo isku soo laabasho la,anta cidankii qaran, iyo waliba mudan waqtiga uu siiyay inuu soo bandhigo, mida inuu ku daro waa tahay oo ah inuusan xadidin mr gendish wada kasta oo lagu keni karo naabd is raacda xita hal beel wax uun ha sameyaa kadibna qaran is raacay halaga dhigo