Home » Warar »

Taliyayaashii Ciidamadii Somaliya oo gaarey USA

Taliyayaashii hore ee Ciidamadii Qalabka sidey ee Soomaaliya oo ku sugan Washington, DC…

WAR-SAXAAFADEED 023/2009

Nayroobi: 31 July 2009 – Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa u qabanaya kulan aqoon iswaydaarsi ah taliyayaashii hore ee Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliyeed, waxaana shirka lagu marti gelinayaa magaca Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliyeed. Shirka waxaa lagu qabanayaa Washington DC inta u dhaxaysa 1-5 Agoosto 2009.

Shirkan aqoon iswaydaarsiga ah waxa uu la xiriiraa shir hor-udhac ahaa ee laqabtay bishii Juun 2009. Waxaana shirkan hadda dhacaya ka soo qaybgalaaya taliyayaashii hore ee ciidamaddii qalabka siday- haddii ay ahaan lahaayeen militari, Poliis, Asluubta, iyo kuwii Nabad Sugiduba. Waxayna wada hadal qoto dheer ka yeelanayaan qaab-dhismeedkii hore ee ciidamada sida uu ahaan jiray (taariikh ahaan) iyo sida hadda loo dhisikaro loona xoojin karo awoodda Hayadaha Nabad-gelyadda u qaabilsan Ummadda Soomaaliyeed.

Shirkan waxa uu fursad u siinayaa taliyayaashii hore ee ciidamadda Qalabka siday in ay wixii aqoon iyo waayo aragnimo ah ee ay horay u lahaayeen ugu gudbiyaan ama la wadaagaan madaxda hadda jirta. Natiijadda laga filaayo shirka kuma koobnaandoonto kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta ciidamada ee waxaa la filayaa in ay door ka ciyaarto sidii horay loogu marin lahaa isafgarad buuxana looga gaari lahaa habka lagu hagaajinayo Hayadaha Nabadgeliyadda u Qaabilsan Soomaaliya.

“ Iyadoo maanka lagu hayo nuxurkii Geedi socodkii Jibuuti, ayuu aqoon iswaydaarsigan fursad siinayaa madaxdii hore ee ciidamaddi Soomaaliyeed si ay uga qaybqaataan dib udhiska wadankooda”, ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah, Ergaygga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay.

Mudada uu shirkan socdo, ka qaybgalayaasha shirka waxa ay soo saari doonaan qoraal qeexaya habkii wax looga qaban lahaa dhibaatada ama Caqabadaha hadda jira ama wakhtiha dhowba iyo siddii kor loogu qaadi lahaa awoodda wax qabad ee hayaddaha Nabadgelyadda Qaabilsan mudada fog.

“Taariikhdu waxbadan baan ka baran doonaa haddi aan doonayno in aan ka faaidaysano wixii horay u dhacay- ha ahaadeen wixii guul ama khasaaro ah ee jiray. Saraakiishan sar-sare waxay heestaan fursad ay wax ugu biirin karaan dib-udhiska wadankood,” ayuu yiri Ould Abdallah.

Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir: Susannah Price / Donna Cusumano, Public Information Officers
UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya)
Tel: +254 20 762 7132 / 7133 or +254 733902020 / 737400133
Fadlan booqo: www.UN-Somalia.org

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Taliyayaashii Ciidamadii Somaliya oo gaarey USA "

  1. A/C AAD BAAN UGU HAMBALYAYNAYAA WAXQABADKA WEYN EE AY SOO BANDHIGEEN SIDII SUNTII IYO IIBKII AMA SHAKIGII LA GALIYAY BADEENII WALOOW MAQAALO AAN HAYO KU SAABSAN AQOONTA AAN U LEEYAHAY HADII AAD II SAAMAXDAAN

  2. am says:

    asc wr wb
    aad baad u mahadsan tihiin bahda solaitalk. Dedaalkii aad ka gasheen difaaca badda soomaaliya & xogihii cilmi baarista ahaa ee aad soo bandhigten waxa ay ahaayeen kuwo aad loogu farxo, ilaahay ha idnka abaal mariyo…aamiin
    Laakiin waxa aan idin xasuusinayaa mawduuc kale oo aan u arko in uu muhiim yahay, aniga oo ka tirsan bahda waxbarashada gudaha, mawduucaas oo ah in aad website-ka ku darsataan MANHAJ WAXBARASHO ee DUGSIYADA H/DHEXE & SARE si ay uga faa,iidaystaan Macallimiinta & Ardayda Soomaaliyeed oo badankoodu aan haysan wax raadraac ah si ay wax u baraan Jiilka cusub ee soo koraya !!!
    Aada baan ugu farxi lahayn haddii aad webka soo gelisaan Manhaj dhammays tiran, kuna diyaarsan luqadda Soomaaliga (ama carabi ama english). Waxaan ku soo koobayaa ilaahay ha idinku guuleeyo wixii wanaagsan ee aad ummaddiina u qabanaysaan aamiin … !!!

  3. AbuGaaloEri says:

    ASC.
    Kii noo hanaadee noqo loo han weynyahay.
    Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa saxaafadda Soomaaliyeed ee badankeedu ku jirta xaaladda halaqyo qaadku in ay ku dayato Somalitalkoo ilaa xad la oron karo waxay si mas’uuliyad leh isaga xil-saartay soo bandhigidda xogaha dhabta ah ee ku saabsan dalkeenna hooyo.

    Kadib, aniga designku waa igala fiican yahay kii hore oo waa ka sahlan yahay. Mar walba oo uu sahladaana waa kasii wanaagsan tahay.

  4. Yusuf dahir moalim says:

    Hambalyo hambalyo. Dhaman somalitalk media & it’s staff, 4 it’s 10th aniversasy. waxad tihin daljire an ku faanno intena waxgaradka ah. Gaar ahan the { diaspora }Hadaysan somalitalk ahan lahayn waxba lagama ogaden siraha & sunta ay no maleegan kuwa dalkoda & dadkoda ku ibsada sunuud an badnayn, bakhti cunayaasha. Waxad { somalitalk } kasbaten kalsonida dhaman somalida wadaniga ah e ka nadiifka ah qabyaalada,gobolaysi, &kuwa magacena ku qaraabta e hadana naqaribay. Mar kale congrats’ we’re all proud of U. Guys keep up the good work

  5. jAAjUUmOOw says:

    ok soomalitalk ii baashaala..

    waa fican tihiin (maya waa iska fiican tihiin)… haa heey waa raaysiin, mayoo waa faylantiin….

    SHAQADA CABA….. ANIGA WAXAN IDIN SHEGAYAA QAABKII HORE AA ILA FIICAN DESIGNKA….

    CILADA AAN ISLEEYAHAY DESIGNKAAN WAA QABAA WAXAY TAHAY IYADOO KUN QEYB UU LEEYAHAY…..

    IISOO BARIYA YAAAH…

  6. Ismail A Barkhadle says:

    Waxaan idiinku hambalyeey-nayaa 10ka sano ee aad jirsateen. waxaana idin leeyahay waxaad umadda soomaaliyeed u qabataan shaqo fiicaan idinkoo dadka soomaaliyeed iyo caalamkaba u soo gudbisaan qoraalo ku dhisan aqoon waxaana dhihi lahaa Somalitalk inuu yahay DAL_JIRE oo shaqo wadanino qabta dharaar iyo habeena u taaagan danta dalka iyo dadka aana ku shaqaynin arimaha soomalidda qarribay ee qabyaaladda Goboleysiga ee Soomaalida halkaa dhigay.
    waxaadna qabateen shaqadii ugu fiicneed sida:
    (1) Heshiiskii is afgarad ee dhexmaray Sheekh shariif iyo Dowlada kenya.

    (2) Suntii Cali Mahdi UU ku shubay badda Soomaaliya.
    iyo in badan oo aan halkan aan ku soo koobi karin waxaana idinku-la talin lahaa inaad dadaalkiina halkaa ka sii wadaan una shaqayaan umadiina soomaaliyeed.

  7. Xuseen says:

    AAD BAAN UGU HAMBALYEYNAYAA SOMALITALK.COM OO 10 SANO JIRSATAY IYADOO INTII AY JIRTAY SOO GUDBINAYSAY WARAR RUN AH, MAQAALO,RA’YIYO IYO XOGO KU QOTOMA XAQIIQO IYO RAAD RAAC. AGAIN CONGURATULATIONS TO SOMALITALK MEDIA AND ITS TEAM.