Home » Warar »

Faroole oo la kulmey shirkadaha shidaalka

Madaxweyne Farole oo la kulmey shirkadaha shidaalka

Sawirada Halkan ka daawo (GUJI)

Madaxweynaha DGPL Mud.Cabdiraxman Farole ayaa 22 July,2009 la kulmey saraakiil ka socota shirkada Range Resources iyo Africa Oil kaas oo ka dhacey Hotelka uu ka dagan yahay Sharjah ee wadanka Imaaraadka Carabta.

Kulankaan ayaa salka ku haysay dib-eegis maamulka cusub ku sameynayo heshiisyadii Xukuumadii Cadde Muse la gashay shirkadaha shidaalka kaasoo ay ka qayb galeen Waasirada ka tirsan waftiga Madaxweynaha iyo Agaasimaha hay’ada Batroolka Ciise Maxamud Dholawaa.

Wadahadaladaan oo socday maalin dhan ayaa la filayaa iney sii socdaan maalmaha soo socda iyada dowlada Puntland dib-u-eegista heshiisyadaan u adeegsatey qareeno ka madax banaan shirkadaha kuwaasoo talo bixin ka baxshay qaabka wax laga badalayo heshiisyadii lala galey shirkadahaan iyada oo la eegayo danta shacabka Puntland ugu jirta habka qaybsiga dakhliga kasoo baxa hadii lasoo saaro shidaal ama macaadin.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Madaxweynhii hore ee Puntland Gen.Cadde Muse taasoo Madaxweynaha Farole kaga dhageystey warbixino ka ku saabsan heshiisyadii horey loola galey shirkadahaan.

Dhinaca kale waxaa 21 July,2009 magaalada Sharjah ka dhacey kulan balaaran oo jaaliyada ku nool wadanka UAE ku soo dhoweyneysay waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad farole kaasoo lagu qabtey Hotelka Radison.

Xafladaan oo aad loo soo agaasimey ayaa waxaa hadalo ka jeediyey xubno ka tirsan dadweynaha, Wasiiro, ganacsato iyo Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole kaasoo lagu kala warqaatey iyada shacabka ku nool UAE aad u soo dhoweeyeen qaabka cusub ee dowladda Puntland ku shaqeyneyso.

Waxaa dhinaca kale xafladaan goob-joog ahaa Madaxweynahii hore ee Puntland Mud.Cadde Muse.

Madaxweynaha DGPL ayaa soo gaba-gabeyn doona safarkiisa maalmaha soo socda isaga oo ku soo fool leh Puntland.

Xafiiska Warfaafinta ee Madaxweynaha Puntland

Sawirada Daawo

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Faroole oo la kulmey shirkadaha shidaalka "

  1. cabdullahi says:

    asc waxaan idin waydiinayaa walaalayaal arimaha diinta anaka boqolkiba boqol muslim ayaanahay walal ku soodara arimaha diin ta waa na iga codsi walal