Home » Maqaallo, Siyaasad »

Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon ee QM

Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon Ee Hay’adaha QM ee Al-shabab Dalka Ka Eryeen.

W/Q: C/nuur Maxamed Axmed

Qaybta 1aad:

Hordhac:

Magaca  Eebe wayne ayaan ku billaabay.  Allaha adoomihiisa si guud ugu naxariista  Mu’miniintana si gaar ah.

Shabakadaha warbaahineed ee Somalida ayaa faafiyay war abuuraya dareen laba dhinacle ah. Waxay daaha ka rogeen in dhaqdhaqaaqa  Mujaahidiinta Alshabaab ay albaabada isugu dhufteen dhawr Hay’adood oo hoostaga Qaramada Midoobay. Haya’dahaa waxay kala yihiin UNDP, UNDSS, iyo UNPOS. Dhawrkan hay’adood waxaa wehliya kuwa  iyagana horay  loo mamnuucay. Xiritaankooda waxaa ka xumaaday dad aad u badan halka kuwa kale u mashxaradeen shaqa ka joojintooda.

Hadaba waxaan rabaa qormadan inaan ku qaadaa dhigo waxa ay yihiin hay’adahan iyo sida aan u arko xiritaankooda aniga oo ku salaynaayo waxyaabaha ay sheegaan  inay ka qabtaan dalka iyo waxa ay ka qabteen mudadii burburka, dagaalada sokeeye, iyo isbarbaryaaca ka jiray dalka Somalia.

Qormadaan oo labo qaybood ka kooban waxaan qaybta hore idinkugu soo gudbinayaa shaqooyinka la isla ogyahay ee ay qabtaan aniga oo raacaayo waxa ugu qoran barahooda internetkaa. Qaybta 2aad waxaan idinkugu soo gudbin doonaa danaha daahsoon ee ay dalka ka wadaan waxa loogu yeero hay’ado samafal aniga oo xooga saari doona hay’ada ay sida goonida ah dharbaaxada ugu dhaxday ee UNDP oo ah mid ka baaxad wayn labada kale ee ku wehliya eryideeda.

Maxay sheegtaan inay ka qabtaan Hay’adahan Somalia ?

Hayadahan sadexda ah laba unbaa caan ah oo dadka wada garanayaan waana UNDP iyo UNPOS, halka tan kale ay tahay mid aan sidaa u magac dheerayn. Waxaan booqday baraha internetka ee ay  sida gaarka ah ay uleeyihiin sadexdan hay’adood waxaana ka soo ururiyay macluumad ifinaayo habka ay u shaqeeyaan iyo waxa ay qabtaan.  Haduu alle idmo dhawrka tuduc ee hoose ayaan ku bayaanin doona waxa ay qabtaan iyo wax ay yihiin qawlaysatadan isugu yeerta samafalayaasha.

UNDP:

UNDP waxaa laga soo gaabiyay United Nations Development Program.  Sida ku qoran barteeda internetka waa hay’ad ka shaqaysa 166 dal oo daafaha dunida oo dhan ah. Waa hay’ad u ololasaya isku xirka dunida iyada oo u maraysa taya galinta waxbarashada si dadyowga u dhistaan hab nololeed ka wanaagsan kan ay hada kujiraan.

Ujeedooyinka ay higsanayso UNDP waxa ay yihiin sidan:

ü      Isku maamulida Dimuqraadiyada.

ü      Yaraynta Faqriga ka jira aduunyada.

ü      Ka hortagida xasaradaha iyo ka soo kabsashadooda.

ü      Hagaajinta  deegaanka iyo tamarta iyo

ü      Ka hortagida faafida cudurka HIV/AIDS.

Waxaa kaloo intaa dheer in UNDP ay tahay sida ay sheegato hay’ad samafal oo ka caawisa wadamada soo koraayo inay si wacan u isticmaalaan kaalmooyinka ay helaan. Hay’adan waxa kale oo ay dhiiri galisaa ilaalinta xuquuql insaanka,  sinaanta jisiga (ragga iyo dumarka), iyo awoodsiinta haweenka.

UNPOS:

United Nations political office of Somalia oo loo soo gaabiyo UNPOS  waxaa la unkay 15kii April 1995. Waxaa loo aasaasay sida ay sheegato inay hormariso nabada iyo dib uheshiisiinta Somalida iyada oo loo maraayo hogaanka dalka, ururada wadaniyiinta ah, iyo wadamada ay khuseyso xaalada dalkan bariga Africa dhaca. Waa xafiis siyaasadeed oo hoos taga waaxda arimaha siyaasada (Department of Political Affiars ) ee Qaramada midoobay.

Xafiiskan oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu sheeganayaa inuu wax ka qabtay dib uheshiisiinta qaybaha Somalida. Waxaa kale oo uu ku andacoonayaa inuu dhisay sadex dawladood oo dibad joog ah markii danbena dalka dib loogu raray sida TNG-dii C/qaasim, TFG-dii C/laahi Yuusuf, iyo tan hada Djibouti laga keenay ee saldhigeedu Muqdisho yahay.

Xafiiska ninka ugu sareeya xilligan waa Ahmedou Walad Abdalla  oo reer Mauritania ah waxa uuna si toos ah u hoos tagaa X/hayaha guud ee QM Ban-Ki-Moon.

UNDSS:

United Nations Department of Safety and Security oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano UNDSS waa xafiis hoos taga QM kaasoo hawshiisu tahay inuu talo bixin siiyo dhamaaan shaqaalaha QM iyo hay’adaha kale ee samafalka wada. Saldhigiisu waa Nairobi sababo la xiriira amni xumada kaa jirta dalka Somalia.

Hay’adan waxaa la aasaasay bishii January ee 2005ta. Waxaa aasaaskeeda looga gol lahaa inay u fududeyso dhamaan hay’adaha QM ee ka hawl galaa daafaha dunida in ay helaan macluumad ay ku ogaanayaan xaaladaha amni ee la xiriira goobaha ay ka hawl galayaan.

Waxa uu unkideeda yimid kadib qaraarkii ay qaateen wadamada hoos yimaada QM bishii December ee sanadkii 2004ta ee tirsigiisu ahaa 59/276.

Hadaba hay’adan  waaxdeeda Somalia qaabilsan waxay ku hawlantahay qodobadan hoose:

  • Kaa hortagida khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaara shaqaalaha QM.
  • Ilaalintaa hantida iyo khayraadka ay QM leedahay ee Somalia yaala.
  • Samaynta qorshayaal badal u noqon kara hadii qalalaaaso amni darro oo degdeg ah ka dhaco Somalia
  • In la siiyo xog rasmi ah oo la xiriirta Somalia dhamaaan hay’adaha QM hoos yimaada iyo kuwa kale ee samafalayaaasha ah iyo in looga digo goobaha khataraha uga imaan karaan.
  • In la siiyo shaqaalaha QM iyo hay’ahada aan dawliga ahayn talo bixin amni marka ay u baahdaan.
  • In la siiyo tababaro la xiriira amniga iyo badbaadinta si loogu qaboojiye hadii ay xaasarado kaacaan.

cnuur1Waxyaabahaa aan kor ku xusay oo idil waxay qeexayaan danaha daahirka ah ee ay qowlaysatadan wadaan iyaga oo qarinaayo mabaadii’da aasaasiga ah ee u qoran

Hadaba la soco qaybta 2aad ee qormadan…………..

W/Q: C/nuur Maxamed Axmed

C/nuur Maxmed Axmed waa Wariye katirsan bahda  Idaacada STAR FM. Wixii talo bixin  ah waxaad ugu diri kartaa cinwaankiisa oo ah  nobleman254@hotmail.com ama starfm@journalist.com.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hawlaha Muuqda iyo Kuwa Daahsoon ee QM "

  1. soomaali jecel says:

    asc wiilyahaw waad mahadsantahay waxaad kamid tahay dad fara ku tiris ah oo fahamsan waaqaca jira ilaahay haku barakeeyo