C/risaq maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac: Qormadaan waxaa ay ka koobnaan doontaa laba qaybood. Qaybta kowaad oo aan halkaan kusoo bandhigi doono waxaa aan kaga faaloon doonaa maamulka iyo maareynta wanaagsan. Waxaan si gaar ah u eegi doonaa qaabka si wanaagsan loogu hogaamin karo; shirkad yar, mid weyn ama hayàd dowli ah. Waxaan soo qaadan doonaa taariikh gaaban oo ku saabsan heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray nidaamka maamulka iyo maareynta. Taasoo aan garab dhigi doono taariikhda islaamka iyo waxa ay ka qortay maamulka iyo maareynta fiican. Dadka soomaalida ah oo lagu tiriyo dad aad ugu fir-fircoon dhinaca ganacsiga ayaa waxaa lagama maarmaan ah iney wax badan ka ogaadaan qaabka ama nidaamka wanaagsan ee loo maamuli karo shirkad ama hayàd dowli ah. Shirkadu waxaa ay noqon kartaa mid yar oo ay ka shaqeeyaan laba qof ama mid aad u weyn oo ay ka shaqeeyaan dad badan
Taaiikhda maamulka iyo maareynta oo kooban
Haddii aynu dib u raacno qaabkii ay wadamada reer galbeedku shirkadaha u maareyn jireen, waxaa inoo soo baxaysa taariikh ay ku dheehan tahay keligii talis iyo qof jeclaysi. Muddo haatan laga joogo boqol ilaa laba boqol oo sano, waxaa shirkad walba u talin jirey qofka ama dhowrka qof ee iska leh. Shirkada iyo shaqaalaheedaba waxaa loo maamuli jirey sidii badeecad qofku iska leeyahay. Shaqaalaha shirkada ama wersheduna waxaa ay ku khasbanaayeen iney si hargar laàan an u fuliyaan amarka madaxda.Qofka shaqaalaha ah oo dhiibta fikirkiisa ama dhaleeceeya madaxa shirkada, waxaa markiiba laga cayrin jirey shaqada. Madaxda shirkaduhu waxaa ay dhiibi jireen awaamiir aad u qalafsan oo aan mararka qaarkood la fulin karin. Shaki badan ayey ka qabeen in shaqaaluhu hayshooda gudan karaan haddii aan lagu hayn ilaalin joogto ah. Taas waxaa caddeyn u ah qaab-maamulkii uu dejiyey ninkii mareykanka ahaa ee la oran jirey: fredrick Winslow Taylor. Ninkaas waxaa uu aad uga hadli jirey wax badana ka qoray qaabka shirkadaha iyo wershedaha loo maamulo. Taylor waxaa uu aaminsanaa in haddii aan shaqaalaha la ilaalin, lana siin amaro qeexan aaney si habsami ah u gudaneynin hawshii loo diray. Taylor waxaa uu qabey in Baniàadamku kolka uu shaqo gudanaayo la yimaado calaamadahaan.
Qish dabiici ah: Taas oo macnaheedu yahay qofka shaqeynaaya oo aan is dhibin, balse hadba taako qaada oo shaqada qabta hadba inta uu ka gaaro. Qofka shaqaalaha ahi isma saaro wax dhib ah oo culus.
Qish qorsheysan: Shaqaalaha ama qof kasta oo bani àadam ahi waa xisaabtamaa. Mana jiro qof isa saaraaya masuuliyad iyo shaqo dheeraad ah. Qofku waxaa uu marwalba eegayaa waxii isaga naftiisa dani ugu jirto.
Taylor isagoo cuskanaaya labada qodob ee aan soo sheegnay ayuu waxaa uu soo saaray aalad-maamul oo lagaga hortago dhibaatada ay keeni karaan qodobadaas. Taylor waxaa uu leeyahay haddii aan dadka shaqeynaaya la ilaalin lana howl gelin ma aha kuwo kasoo baxaaya howshooda. Waxaa uu dejiyey qaab-maamul oo salka ku haya ilaalin iyo amar. Waxaa ka mid ahaa in lala socdo qofku kolka uu shaqada soo galo iyo kolka uu ka baxo. Waxaa taylor shirkada u kala qaybiyey unugyo iyo waaxyo si ay u sahlanaado maamulku. Waax walbana waxaa uu u sameeyey qof horjooge ah. Halkaas waxaa kaaga cad in maamulka shirkada iyo hayàdaha uu soo maray heerar kala duwan.Ugu dameyna uu soo gaaray halka uu maanta maraayo. Iyadoo ay maanta wadamada horay u maray ay qoreen buugaagta maamulka iyo maareynta intooda badan, ayna ku faanaan iney meel fiican ka gaareen maamulka wanaagsan. Walow muddo boqol sano ka hor ah ay u dhaqmi jireen sida aan kor ku soo xusnay.
Islaamka iyo maamul wanaaga
Kolka aad dib u eegto taariikhda islaamka,kitaabka quraanka iyo sunnadii rasuulkeena ( csw) waxaa kuu muuqanaya in maamul wanaagu ka mid yahay waxyaalaha la faray qofka dad madax u noqonaaya. Madaxnimadu waxaa ay noqon kartaa mid wadan, gobol, degmo, xaafad, waax, ama shirkad. Muddo ka badan kun iyo afar boqol oo sano ayaa islaamku ka hadlay maamul wanaaga iyo hogaaminta suuban. Waxyaalaha maanta ay hogaamiyayaasha shirkadaha reer galbeedku cuskadaan, Sida: Hogaamin toosan ( good leadership), wada tashi (Consultation and Joint Planning) iyo wada shaqeynta ( teamwork), waxaa uu islaamku ka hadlay muddo ka badan 1400 oo sano. Tusaale ahaan ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa uu quraanka kariimka ku yiri: Waxaa laydin farayaa inaad kolka aad wax qabaneysaan wada tashataan ( shuurah). Waxaa kaloo uu islaamku meelo badan kaga hadlay muhimada ay leedahay in dadku iskaashado ( teamwork). Ummada islaamka oo dhana waxaa lagu sheegay iney yihiin hal jir oo isku mid ah. Rasuulka (csw) waxaa uu ahaa mid aad u dhegeysta oo qiimeeya qof walba, ha yaraado ama ha weynaado.
Haddaba maanta waxaa nasiib daro ah in maamulkii fiicnaa ee aan reer galbeedka kaga horeyney aan inagu ka tagnay oo qaadanay kii keligii taliska ku saleysnaa ee ay iyagu ka tageen. Taasoo keentay in maamul kasta oo fiican la yiraa waxaa iska leh oo keenay reer galbeedka, walow ay xaqiiqdu tahay in maamul wanaaga uu asalkiisii ka soo jeedo diinta islaamka.
MAHADSANIDIN
La soco qaybta labaad oo ku saabsan: shuruudaha iyo astaamaha laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan..
Qore: Cabdirisaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna,Sweden
Master degree in economics
habdirisak@hotmail.com
Faafin : SomaliTalk.com | July 16, 2009
asc wr wbr runtii c/risaaq maqaalkani wa loo baahna walaale wa artikel wacan ,tank u so mach , bra artikel
Asc Illaah Baa Mahad Leh
Runtii A/risak waxbadan ayaan ka faa’iday haddii aan shakhsi ahaantay ka waramo Maqaaladiisuna waa kuwo wax ku ool ah waxaana Leeyahay A/risak wuxu na siiyey qayb kamida wakhtigiisa qaaliga waxaana leeyahay illeehay ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin ha kaa siiyo
ILLAAH BAA MAHAD LEH
Maasha Allaah mark HORE RAMADANU KARIIM ,KA DIB cIID MUBARAAK DHAMAANTIIN
C/RISAQ AAD BAA UGU MAHADSAN TAHAY MAQAALADA IYO WACYI GELINTA AAD U GUDBISID,WAXAYNA KA MID TAHAY MAQAALADAADA MACRUUFOOYINKA ALLE FARAY UMADDA MUSLIMIINTA INAY IS FARAAN BEDEL KHAYR QABA ALLE HA KUGU BEDELO WAQTIGAAGA AAD GELISAY MIDA KALE QOLOYINKA KUGU RIIXAYAA MAAD MAQAAWAMADA IYO XISBUL ISLAAM MAAD KA QORTID KUWAAS HADALKOODA KA JEESO EE WANAAGAGA KA RAAC YAYSAN KU FITNAYN
axmed Deeq
Salaam all
This is a great article/topic, I particularly liked your interpretation of the Islamic concept toward of a Business leadership/management , I also think how is important to this topic to our society because without good leadership/management no nation/ indivutual can success, by that I mean taking the time to be with your people and letting and sharing knowledge with your people or people around you know how important is this topic.
Leadership requires many things, and your article covers many of them,
Abdirasaq – thank you it was a good read!!! please keep posting such imperasive articles.
asalaamu calaykum
salaan.dhamaantiin
ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa qoraaga maqaalkan, ahna runtii qoraa diyaariya maqaalo aad iyo aad faaiido u leh.waxaan leeyahay mahadsanid,ilaahayna wakhtiga aad gelisey ajar iyo xasanaad hakaa siiyo.siina wad maqaalada qiimaha leh.bahda somalitalk waxaan uga mahad celinayaa daabacaada aan hargashada lahayn ee aad noogu soo gudbisaan maqaalada cabdirisaq iyo kuwa kaleba. halkaas ka wada. mahadsanidin.
sacdiya