Home » Faallo »

DARDAARAN IYO DIGNIIN KU SOCOTA GABDHAHEENA QAALIGA AH!

GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariiisina Nabigeenna Muxammad ah Korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, Aqristoow waxaan wada ognahay nasiib darro! In waalidka Soomaaliyeed intooda badani aaneey la noqon ilmahooda saaxiibo dhow oo waxkasta eey ka wada sheekeeysankaraan, wixii noloshooda kusoo kordhana eey kala hadli karaan. Wiilasha iyo gabdhaha wada dhasheyna waxyaalaha qaar in eey kawada hadlaan aad ayeyba uga kala xishoodaan. Waalid badan oo jeclaan lahaa in eey si dhab ah nolosha ilmahooda ugu jiraanna nasiibdarro! Waxaa u diidey duruufaha nololeed iyo faqriga heeysta, taasoo keeneeysa in waalidiinta Soomaaliyeed intooda badani eeyba ka rooraan waayaan la xarbinta wixii la cuni lahaa, la cabi lagaa, la isku daweyn lahaa, waxlagu baran lahaa, iyo meeshii lagu hoyan lahaa. Taasi waxeey beeylah ka dhigtey in badan oo ilmaheena ka mid ah sidaana xabsiyada aduunka  ugu wada jira oo uga buuxa,  in badanna waxeey kali la noqdeen qaadashada go’aanno halis ah, oo dibna aan loo rogi karin (irreversible), hadii dardaaran, waano iyo wacyigalin joogta ahna eey ka heli lahaayeena waalid iyo walaal saaxiibo dhow oo hoose la ah, waxbadan ayey kaga badbaadi lahaayeen. Anagoo xanuunkaa dareemeeyna, ayaan waxaan is niri bal in badan uga faa’ideeya, ugu yaraan qoraal ahaan ha ugu sii gudbiyeen, laga yaabe in wax badan eey inoogu wada hagaagaan’e. Waxaan jecleeysaney in fariintan qiimaha badan aan dhamaan gabdhaheena u wada diro. Waa fariin walaalaha isjecel eey isku leeyihiin. Waa fariin cidkastaahi aaney kusiineyn, waa fariin dhaxal gal ah oo mustaqbalkiina waxweyn  laga yaabe in eey u qabato, insha Allaah. Waa hubaal hadii aad tahay waalid  dhalay ama walaal eey la dhalatey gabar in aad si heersare ah uga maqsuudi doonto. Waxaan Allaah ka rajeeyneeynaa in gabdho badan uu ku anfaco, intii qortey, intii soo daabacdey, iyo intii sii faafiseyna uu Ajar iyo Xasanaad aan lasoo koobi karin uu inaga wada siiyo. Gabdhaha inala dhashey iyo kuwa aan dhalney ama aan mustaqbalka dhalidoonana, haduu alle idmo uu Allaah ku wada Xafido. Waa tan qormadii ee kusoo dhawaada.

Walaasheey malaha waxaan tahay gabar da’yar, qurxoon. Waxaad tahay gabar ku jirta dumar waqtiga eey ugu halis badan yihiin (Between14-30). Waxaad ku dhexjirtaa qabdho nuuckastaba isugu jiri kara. Waxaan rabaa marka in aan wiilkii walaalkaa ahaa ee kaa weeynaa booskiisa kuu galo, kulana dardaarmo, waliba si daacad (honest) iyo waliba qayaxnaan (openness) ah

1-Ogoow waxa lagaa wada sugayaahi waa in aad  diintaada, sharaftaada, gabarnimadaada, dadnimadaada, mustaqbalkaada, iyo tan qoyskaadaba ilaaliso

2-Ogoow marka aadan guur u diyaar aheyn iyo in aad reer yeelato, jaceylka la jilaahi Ragu “Ula jeedooyin kale” ayey u jilaane. Sida: Isku baashaalid, iska Zineeysasho, meelo isku dhuuq-dhuuqid. Walaasheey qofka eey waxkasta uga wada qasaarayaan ogoow in eey adiga tahay.

3-Ogoow nin mustaqbal kaa raba jirkaada maba taabto, iska daa ZINO in uu ku weydiiyo’e, ama kuguba sameeyo’e, hadaanu dayuus aheyn’e. Datuuskuna janno ma galo.

4-Ogoowna gabar qiimo badan iskadaa Zino’e,  jirkeeda in nin Ajnabi ka ah in uu taabto marnaba ma ogolaato. Nin qiimo badanna gabar qiimo badan ayuu uun rabaa. Kan dumar ku dheelka ahna, wax uu bilaash ku helo, kuna cayaaro intii uga suurtagasha’e ayuu her iyo habeen raadiyaa.

5-Ogoow nin mar jirkaada aad u fududeeysey ee aad u rakhiisisey, kaana Zineeystey aanu mustaqbal iyo reer toona kugu aamini doonin,-Ragu dumarka uun ayey arkaan oo iyagu Zaani isuma arkaan Psychology ahaan- Ileyn wuxuu isleeyahay sida aad uga Zineeysatey bal malee inta uga soo Zineeysatey, waa hadii markaa aadan gabar aheyne, hadii uu isaga xaaraan kugu bilaabeyna, wuxuu isleeyahay bal malee inta sidan fudud oo kale uga zineeysandoonta mustaqbalka soo socda, waloow isaguba uu waxkasta kula wadaagey, tahayna in uu sidaa isba isu arko, nasiibdarro! ma dhacdo taa. Hadii uu ku guursadana waa hubaal “Biyo-kama-dhibcaan” ah in aanu sharaf iyo qiimo kugu dareemi doonin, maxaa yeeley waxaan looga sheekeeneeynin qofka uu horeyba usoo arkey in aad tahay, Diin ahaan, Dadnimo ahaan, iyo Damiir ahaan intba.

6-Ogoow inta ugu badan ragga, iyo Ninkasta oo qiimo leh Ugubna ah ee raba in uu reer yeesho, wuxuu ku hamiyaa in xaaskiisa mustaqbalka ay noqoto, “Gabar!” dhowrsan oo isa soo ilaalisey, dhibkastaba ha usoo marto’e, hadii eey sidaa noqonweysana iyadoon guur xalaal ah oo la wada ogyahay aan soo marin, wuxuu gudaha qalbigiisa isaga arkayaa nin guurkii uu ka hallaabey, oo uu ka khasaarey. Adigana gabaryahay qoyskii iyo noloshii farxada laheyd ee aad ku hamineeysey, ogoow halkaas ayey taallaaye.

7-Ogoow raga waxa eey baashaalka ugu soo dugaalaan/gambadaan/dhuuntaan waa Jaceyl jilid iyo xiriir’e. Raga qaarna waa Jilaayaal aad u xirfad sareeya “Professional Actors” oo beenta waxeey gaarsiiyaan, ilaa eey isu Ooysiiyaan si loo rumeeysto. Qaar lacag ayey isticmaalaan, qaar hadal iyo habhab badan, qaar kalana dumar kale ayey kuusoo isticmaalaan si laguu dabo, haagaanna lagaaga tuuro taasoo waligaa aad ka shalleeyso. Waxkastaba ha isticmaalaane; maalinta gabar eey nin xaaraan ah dharka isaga dhigto, oo uu lugaheeda dhexfariisto, dantii laga lahaa waa laga gaarey. Hadii eey qaladkaa kusii socotana waxkastaa lagu sameeyaa, sida: In Uur xaaraan ah loo yeelo, Sawiro anshax-darro halis ah in laga qaado, Video-yo faaxisho ah laga duubo, iyadoo waxaa oo dhan loogu sameeynayo si sir ah oo eeysan fahmikarin, ama i aamin iyo wax la mid ahba ha lagu qanciyee, iyadoo looga faa’iideeysanayo aaminaad iyo xiriir jaceeyl been ah. Kadibna marka la isku xumaado, ama lakala tago qofkasta sababta ha u ahaadee, waxaa lagu faafiyaa Aalada iInternet-yada si loo fadeexeeyo, Jiilalka mustaqbalka fogna eey u arkaan una daawadaan. Ogoow waa sharaftaadii, tii intii ku dhashey, iyo intii kula dhalatey, ama riximba kuu ah’e waxa sidaa aad u wada haligtey’e.

8-Qasaarada ugu weyn iyo qiimala’aanta ugu daran,ee gabarba ku dhaca waa marka nin aaney reerkeeda si sharaf leh inta ugu soo gogol fariistey, oo si sharaf leh loogu bixiyey, si sharaf lehna u aroosey maahane nin kale, ay si xaaraan ah, oo raqiis ah, is bahdilid ah, uu jirkeeda ugu raaxeeysto, oo uu uga caqli badiyo, sidaana aduun iyo aakhiraba eey uga shallaayso.

9-Waxaa hubaal ah in badanaa Dumarka da’da yara aaneey helin walaal si dhab ah ula taliya, isaga oo aan waxba ka xishoon, oo sidii laba wiil ama laba gabar oo saaxiibo caadi ah oo aan kala xishoon waxkasta si hufan oo qayaxan ugu sheega, maadaama uu rag isaga yahayna, sida raga u fikiraan uu kala taliya sirqaha ragu dumarka da’da yar u maleegaan, iyo maadaama dumarku inta badan sheekooyinka raga ku shukaansadaan iska aaminaan, iyadoo looga faa’ideysanayao, in iyagaba yihiin dad da’yar, cunaya oo cabaya,  caafimaadqaba, dareen Jinsina  laga yaabe in uu hayo, sidaana looga faa’ideeysto in lagu marsiiyo in eey is dhiibto, iyadoo la iloowsiinayo cawaaqib xumida iyo in iyada meeshaas ay ku khasaareeyso Aduun iyo Aakhiraba.

10-Ogoow in aad tahay walaasheen wanaageeda uu waxkasta inagala qiimo badan yahay, inta gabar sharaf iyo qiimo badan lagu kalsoonaan karana aan kugu wada kalsoonahay. Fariintanna eey tahay oo kaliya waano, dardaaran, u digid iyo taxadar galin, waxa aan kuugu soo direeyno fariintanna tahay in walaasheen halisyo farabadan ay inooga badbaado oo kaliya.

GUNAANAD

Ugu dambeyna,  Ogoow hadii aad dardaarankan ka faa’iideeysatana aad wanaageeda maali doonto, hadii aad iska iloowdana, shalaaydeeda Aduun iyo Aakhiraba eey ku heeysandoonto, xumaan iyo samaanba aad fariintan dib usoo xasuusandoonto. Ugu yaraan waxaan nahay walaal qiimahaada dareensan, waqti iyo fikirna galiyey in ay kula dardaarmaan, kuna dareensiiyaan, in eey jiraan walaalo aad qiimahaa weyn agtooda ku leedahay, kaana fikiraya,  ku jecel, oo qiimahaa iyo muhiimadaaba aad agtooda ka leeedahay. -Allahuma Ballaqtu.

boqor3

C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”

Maamulaha Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Barena ka ah isla qeeybtaa

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com. Sawirrada: AminArts iyo Google images search

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DARDAARAN IYO DIGNIIN KU SOCOTA GABDHAHEENA QAALIGA AH! "

  1. muqdishaawi says:

    S/c ugaas waa dadaashay aadna waad uGu mahadsantahay sida hufan ee aad gabdhaha wallaalaheena uGu sharaxday habka loo dabo iyo callool furnaanta aad ula talisay ayna tahay inay ka dhoowrsoodaan.laakiin dunidan waa imtixaan shaydaana wuu nala joogaa oo aan camal kale heeyn marka aniga taan qabo waxaa wanaagsanaada qofkuu alle hagaajiyey,dhulkaan qalaad ee aan ku kornay oo aan deganahay filimkaas waa fudeeyd oo iskuulki illaa tvgi xitaa cartoonka aa lagu abaabiyaa cayaalka,aniga anoo 13 jir ah ayan imid hada gabadheeyda ayaa 7 ku socoto intaan koraayeyna wax badan oo arimahas ah waa soo arkay laakiin runtu waa wadnaha ama nafta waa in aad ka adkaan kartid taas oo ah mid aad uGu adag qof aan eebe ku xirneeyn oo iimaankiisa xooganeeyn hadaba waxaa dhacaya gabadhaha markay korayaan ayaa waxeey daawanayaan disney princess sofia ,Cinderella,Belle, Snow White,Aurora,Ariel,Rapunzel iyo kuwa la mid ah halkaas ayeey ka bilaabataa prince ayaa imaanaya faras cad wata gabdhihii ayagoo yar yar baa caashaq lagu beeraa ka dib teen marka ay noqdaan waaba xargo goosad ,ilmaha sadax sheey ayaa koriya waa 1,waalidka 2,bulshada iyo iskuulka waa meelaha uGu badan oo uu joogo daily marka bulshadi waa gaalo iyo xaafadi play ground ka ayaaba uGu daran iskuulki waa la mid gurigi tv ayeey daawanayaan iyo cartoonki aan ka soo sheekeenay marka dhul halag aha ayan joognaa cidiyaha ayaan ku dagalamaynaa laakiin ma sahlana oo waa dagal adag allaha nala garb galee marka sida uGu fudud wa in aan hogeeni oo ah dhulkeeni hooyo aan nabad uGu helnaa coz waxa ceebtaaada ah waa ceebtey,halkaas ayaa noogu sokeeysa gabdhaeena oo taagero ka hela bulshada iyo deegaankla ay la korayaan.mahadsanid.

  2. mohame says:

    JZ Allah kheyr waa baraarujin fiican siiba gadhaha reer galbeedka la nool in kastooy waxbarasho ku mashquulsantahyhaddana waxaa ii joogta labaatan jir aan waligey kala hadlin arrimahaa waana ballan in aan anna gaarsiiyo Mahadsanid walaal.