Home » Warar »

Cabdi Faarax Shirdoon oo loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha DFS

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta Sabti October 6, 2012 waxa uu ra’iisul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codayn doona ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub, Shirdoon oo haddii baarlamaanku ansixiyo ay tahay in uu soo dhiso golaha wasiirada ay yeelanayso xukuumadda cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka cusub u doorteen madaxweynaha DFS 10-kii September 2012. Waxana uu magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub kaga dhawaaqay xarunta Villa Somalia ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda lagu magacaabay Shirdoon waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka prof. Jawaari iyo xildhibaano kale.

Warsaxaafadeed ay faafisay DFS ayey ku sheegtay in “Shirdoon uu ka baxay Jaamacada Ummadda sanadka markuu ahaa 1983-dii, halkaas oo uu ka qaatay takhasus dhaqaalaha ah. Wuxuu soo qabtay howlo qaran ka hor inta uusan bilaabin xirfadiisa ah ganacsiga ee sanadka 1986.”

Shirdoon waxa uu sannadkii 1958-kii kudhashay magaalada Dhuusamareeb. Waxana uu 20-kii sano ee ugu dambeeyay ku noolaa dalka Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.