Home » Warar »

Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya

Wareegii 3aad ee doorashada markii la tiriyey codadkii waxaa ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 190 cod, halka Sh. Shariif Axmed helay 79 cod, sidaas waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Jawaari, oo sheegay in tirada guud ee codka dhiibtay ay ahaayeen 269 xildhibaan.

Sidaasna waxaa madaxweynaha Soomaaliya ay xildhibaanadu u doorteen Xasan Sheikh Maxamuud, oo noqonaya madaxweynaha cusub.

Waxaa markaas Kitaabka lagu dhaariyey madaxweynaha cusub, oo dhaarta kaddib xildhibaanada khudbad u jeediyey.

Xasan Sheikh da’diisu waa 56 jir.

Hawsha ugu horaysa ee sugaysa madaxweynaha cusub waa in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare, isla markaasna ay baarlamaanku u codeeyaan ansixinta ra’iisul wasaarahaas cusub.

Taariikh Kooban Xasan Sh. Maxamuud, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo la doortay Sept 10, 2012:

1981 ayuu ka qalin jebiyey Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed.

1988 ayuu shahaadada Master ah ka soo qaaday Jaamacad ku taal dalka India (University of Bhopal)

1993 waxa uu ka mid noqday saraakiisha hay’adda Qarammad Midoobey ee UNICEF. Xilkaas oo uu hayey ilaa markii Ciidamadii UNISOM ka baxayeen dalka 1995.

1999 waxa uu ka mid ahaa abaabulayaashii sidii dhidibada markale loogu taagi lahaa machadka SIDAM ee muqdisho.

2011 waxa uu kamid ahaa asaasyaashii Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta oo uu Guddoomiye ka noqday.

September 10, 2012 ayaa xildhibaanada baarlamaanku u doorteen madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sh Maxamuud

WAREEGII 3aad:

Waxaa isugu soo haray Xasan Sh. Maxamuud iyo Sh. Shariif.

Waxaa socota tirinta codadka, taas oo ilaa hadda Xasan Sheikh Maxamud ayaa ku horeeya, kana horeeya Sheikh Shariif.

 

C/weli Gaas oo tanaasuley, iyo Wareegii 3aad ee Doorashada oo Bilowday

Waxaa wareegii labaad tanaasulay C/weli Gaas iyo Cosoble, sidaas ayaa waxaa loogu gudbey wareegii 3aad oo ay isu soo hareen Xasan Sheikh Maxamud iyo Shariif Sheikh Axmed. Codbixintii wareegga saddexaadna ku bilaabatay.

WAREEG: 2aad

Wareegii 2aad ee Doorashada:

Waxaa wareegii labaad u gudbey Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh maxamud, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Cabdiqaadir Cosoble.

WAREEG: 1aad:

Natiijada Wareegii Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya:

Waxaa soo gabagaboobay tirintii codadka ee wareegii koowaad, afarta musharax ee ugu codadka badan ilaa hadda Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh maxamud, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo Cabdiqaadir Cosoble.

Waxaa tartama 22 musharax, waxaana codad helay musharaxiinta kala ah:

  1. Shariif Sheekh Axmed (64)
  2. Xasan Sheikh Maxamuud (60)
  3. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (30)
  4. Cabdiqaadir Cosoble (26)
  5. Cabdullaahi Axmed Cadoow (22)
  6. Cabdiraxmaan Baadiyoow (21)
  7. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo (14)
  8. Axmed Ismaaciil Samatar (8)
  9. Yuusuf Garaad Cumar (8)
  10. Maxamed CabdiWeli Sheikh Yuusuf (3)
  11. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex (3)
  12. Cumar Salaad Cilmi (2)
  13. Xaaji Maxamed Yaasiin (2)
  14. Maxamed Cabdullaahi Oomaar (1)
  15. Cismaan Maxamed Gacal (1)
  16. Saciid Ciise Maxamuud (1)
  17. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi (1)
Qorshaha doorashada ayaa ah haddii aan musharax ku guulaysan 1/3 in afarta musharax ee ugu codka badan ay u gudbaan wareegga 2aad ee cod bixinta.

Warbixinadii hore:

Maxamed Jawaari oo Codkii ugu horeeyey Dhiibtey

Wareeggii Koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabagaboobay….

Gaari ay wateen Taaageerayaasha Shiikh Shariif oo lagu weerarey Yaaqshiid

Waxaa Saacadu markii ay ahayd 9-ki Galabnimo Dugsiga Sare ee Booliiska ka bilowdey Dorashadii Madaxnimo ee Soomaaliya waxaa Codkii ugu horeyey Bixiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyadoo ay ka qaybgalayaan 22 Musharax waana Wareegii Kowaad….

Xildhibaanada ayaa codkooda dhiibtey wareegii koowaad ee tartanka doorashada.

Waxaa intii aan wareegga 1aad bilaaban Musharaxnimadii ka Tanasulay Musharaxiin ay ka mid yihiin Bashiir Nuur Bidaar,Xuseen Khaliif Jaamac iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hore isagu tartankaas uga tanasulay.

Wareegga koowaad musharaxii hela 1/3 ayaa ku guulaysanaya doorashada, haddii kale afarta musharax ee ugu codka badan ayaa u gudbaya wareegga labaad:Dhinaca kale Intiisa ay Bilaaban Doorashada ayaa waxaa Dhacdo Qarax Bam ka dhacday Xaafadda Yaaqshiid ka dib markii lala beegsaday Gaari ay Saarnaayeen Taageerayaasha Musharaxa Shariif Shiikh Axmed, waxana halkaa ku dhintey laba ruux Saddex kalena waa ku dhaawacmeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Baarlamaanka oo si buuq ku jiro ku ansixiyey xubnihii ay Hore u diideen Guddigii Xullida Xildhibaandu

20 Xildhibaan oo lagu daray Baarlamaanka wax yar ka hor doorashada madaxweynaha, taas oo keentay in xildhibaano ka baxaan kulanka…..

Maanta (Isniin Sept 10, 2012) xilli la sugayey in ay bilaabato doorashada madaxweynaah Soomaaliya ayaa waxaa baarlamaanka la horkeenay arrin buuq dhalisay oo ahayd in si gacan taag ah loogu codeeyo xubnihii hore baarlamaanka loogu diidey, ee lagu eedeynayey in ay ahaan jireen qabqablayaal dagaal, waxaana tiradoodu tahay 20.

Markii codkii gacan taagga ahaa la triyey, si xubnahaasi ay uga mid noqdaan baarlamaanka, waxa natiijadii noqotay in:

  • 98 ogolaadeen
  • 85 ay diideen
  • 50 ka aamusay

Waxaa markaas guddoonka baarlamaanku durbadiiba ku dhawaaqay in xubnahaasi ay ka mid yihiin baarlamaanka, waana la dhaariyey markiiba,  taas oo fursad u siinaysa in ay ka qayb galaan dorashada madaxweynaha oo saacado yari ka dhimanaayeen.

Arrintasi waxay keentay buuq dhalliyey in qaar kamid ah xildhibaanada barlamaanku ka carrodeen kana baxeen kulanka.

Dhanka kale, Musharaxiinta ilaa hadda ka tanaasuley doorashada waxaa ka mid ah: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Bashiir Nuur Bidaar iyo Xuseen Khaliif Jaamac.

Waxaa sidaas doorashada uga qayb gelaya 22 musharax. Qaabka doorasha madaxweynahu u dhacayso waa qarsoodi.

Wareegga koowaad ee doorashada haddii musharax helo codadka saddex meelood oo meel (1/3) waxa uu ku guulaysan doonaaa doorashada.

Haddii aysan taasi dhicin waxaa wareegga labaad ee tartanka doorashada u gudbaya afarta (4) mushaarax ee ugu codka badnaada wareegga hore. Mana dheceyso in mushax codadkii uu helay ugu shubo musharax kale.

22-ka Musharax ee doorashada wareegeeda koowaad ka qayb galaya waa:

  1. Axmed Ismaaciil Samatar
  2. Cabdilaahi Axmed Cadoow
  3. Cabdiqaadir Cosoble
  4. Cabdiraxmaan Baadiyoow
  5. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
  6. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
  7. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  8. Cismaan Maxamed Gacal
  9. Cumar Salaad Cilmi
  10. Ibraahim Cali Xuseen
  11. Maslax Maxamed Siyaad
  12. Maxamed Axmed Saalax
  13. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
  14. Maxamed Cabdilaahi Oomaar
  15. Maxamed CabdiWeli sheikh Yuusuf
  16. Saciid Ciise Maxamuud
  17. Salaad Cali Jeele
  18. Shariif Sheekh Axmed
  19. Xaaji Maxamed Yaasiin
  20. Xasan Sheekh Maxamuud
  21. Yuusuf Garaad Cumar
  22. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

VIDEO Khudbadii uu Baarlamaanka ka jeediyey Musharax Xasan Sh. Maxamuud

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Xasan Sheikh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya "

  1. September-10-2012
    TAHNIYAD KAL IYO LAAB AH
    Aniga oo Adam Maxamad Ciise “GAADAALE, Somali-Canadian and former candidate for Puntland Leadership 2008” Waxaan TAHNIYAD kal iyo laab ah u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane: Prof. Xasan Sheekh Maxamuud. Sidaan rumaysanahay waa nin isku darsaday; tacliin sare, khibrad, da’da ugu miisaanka weyn ee aadanuhu gaaro, iyo hoggaamin maamul wacan. Waxaan ugu bishaaraynayaa anigu in aan la garab taagnahay hiil iyo hooba, dadka igu xiranina sidoo kale bay u garab taagan yihiin iyo guud ahaan wax garadka iyo mutacallimiinta Soomaaliyeed oo sidaas iyo si la mid ah u garab taagan madax weynaha cusub ee Soomaaliya. Ilaahayna waxaan uga bary ayaa in uu ku guuleeysto masuuliyadda uu u qaaday ummadda Soomaaliyeed. (Aamiin Allahayow waa ammaanadaadee)

  2. kahin nuur says:

    GUUL IYO GALLAD EEBE, WAA II FARXAD IYO REYN-REYN MAR HADII LA DOORTAY SHAKHSI NADIIF AH OO SOOMAALI FAYOOW AH, ILAAHAYOOW XILKA U FUDUDEE OO KA YEEL KII SOOMAALI ISU KEENI LAHAA OO WALAALO IS JECEL KA DHIGI LAHAA, ILAAHAYOOW WAXAADAN DOONIN MA DOONAADAAN EE RABOOW MUDANE XASAN SHEEKH MAXAMUUD NOOGA YEEL KII AANU KU LIIBAANI LAHEYN OO NOO HAGI LAHAA CADAALAD IYO HORUMARA. AAMIIN YAA RABI. ILAAHAYOOW NOO XAFID WALAALKEEN XASAN SHEEKH MAXAMUUD KUNA SUG TAWFIIQDAADA IYO RAALI AHAANSHAHAAGA. AAMIIN YAA RABI.

  3. Axmed says:

    TO:banadir state
    SXB WAA KUGU RAACSANAHAY TALLADA AAD U SOO JEEDISAY XASAN SH MAXAMUD,,WAANA JIDKA KALIYA AY SOMALIA NABAD, BARWAAQO, CAAFIMAAD IYO HURUMAR KU GAARI KARTA.

  4. waabaa baryay oo bilicsan arooryo baxsan maalin boqorran madaxweynaha cusuib waxaan kula talinayaa inuu shaqsiyaadla dambiyadda halista ah galay ka reebo in wax xil ah loo dhiibo gaar ahaan laba shariif gaas cali geeddi salaad jeelle qanyare xasan abshir juriile maslax m siyaad iyo wixii la mid ah

  5. Asalam alaykum wr wb

    waxaa maanta noo farxad ah in ay noorumoobeyso riyadeenii hadaanu nahey dhalinyarada soomaaliyeed waxaana aad oogu faraxsanahey in ay maanta somalia cagaheeda isku taagaan sidaas darteed waxaan talo usoo jeedin lahaa madaxweynaheena cusub in

    in aad baabi’so qabyaalada kuharaagoowdey somalia oo aan waxtarna ulahaheyn dhamaan umada soomaaliyeed

    aad kashaqeyso midnimada umada soomaaliyeed sidii aad isugu keeni laheydna kataliso inkastoo ay tahey arin culus hadana ad adeygeeda waad leedahey mudane madaxweyne

    waxaan kaloo kuu dhaafey in aad gasho sidii ciidamada dalka ee noocyada badan in aad tayo wax ku ool ah ku meel marisaan si aynaan oogu baahan ciidamo shisheeye kuwan hada dalkii kusugana aad kasaarto dil ma ahanee wax kale mayaqaanaan.

    Wbilahi towfiq wslm alykm wr wb

  6. WAXAAN TALO U SOO JEEDINAA MADAXWEYNAHA CUSUB IN UU:

    # IN UU CIIDAMADA SHISHEEYE KA SAARO WADANKA UU XOOGA SAARO
    # IN UU MUCAARADAK LA HESHIIYO DIINTANA KU DHAQMO
    # IN FEDERAALKA LA TIRTIRO OO WAA QABYAALADA SUUD IYO JAAKAD LOO GELIYEY OO DAD BAA RABA IN AY WAX AYSAN XAQ U LAHEYN KU QAATAAN