Home » Warar »

Sheikh Shariif oo Degmooyin Cusub u Magacaabay Degaanno ka tirsan Gobollada Galgaduud

Madaxweynaha Dawladda FKMG ee xilkeedii ku ekaa Agoosto 20, 2012 ayaa wareegtooyin uu soo saaray September 5, 2012 iyo September 2, 2012 waxa uu degmooyin ugu magacaabay Docoleey, Godinlabe, Waxbo iyo Derri oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud.

Digreeto September 5, 2012 uu soo saaray Sheikh Shariif ayaa waxa uu dagmooyin ugu aqoonsaday deegaanka Docoleey oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxana uu wareegtada ku xusay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmada cusub ee uu magacaabay.

Sidoo kale Sheikh Shariif waxa uu dagmo u aqoonsaday deegaanka Godinlabe oo ka tirsan isla Gobolka Galgaduud, waxana uu digreetada ku sheegay in dib loo habeynayo soodimaha ay leedahay dagmadaasi.

Sidoo kale, Digreeto September 2, 2012 uu soo saaray Sh. Shariif ayuu dagmo ugu aqoonsaday deegaanka Waxbo oo ka tirsan gobolka Galgaduud, taas oo uu sheegay in demanimadeedu ka soo bilaabanayso taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012.

Wareegto kale ayuu dagmo ugu aqoonsaday deegaanka Derri oo hoos imaata isla gobolka Galgaduud, taas oo degmonimadeedu usoo bilaabanayso taariikhdu markii ay aheyd 16/7/2012.


Agoosto 20, 2012: Sheikh Shariif oo Degmooyin Cusub u Magacaabay Degaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan

Halka Golaha Wasiiradu sheegeen “laga soo bilaabo 01 July 2011 ilaa 31 August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.” Magacaabidda degmooyinka cusub waxay khilaaf ka dhex dhallisay DFKMG ee xilligeedu ku egyahay Agoosto 20, 2012….

  • Maanta oo ah Agoosto 20, 2012 ayaa waxaa ku ekaa xilliga xukuumadda FKMG ee uu madaxaweynaha ka ahaa Sh. Shariif, waxaana qorshaha maanta ahaa in la doorto madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya sida ku cad Roadmapka, waxaana la qorshaynayaa in la dhaariyo xildhibaanadda ilaa hadda la soo xulay oo tiradoodu gaarayso in ka badan 200 xildhibaan….

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha DFKMG oo la faafiyey Agoosto 20, 2012 ayaa tibaaxday in dagmooyin loogu aqoonsaday deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Digreetada ayaa waxaa degmo loogu aqoonsaday deegaanka Jameeca Jilyaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe laga bilaabo 16-kii Febraayo 2012.

Waxaa sidoo kale dagmo loo aqoondasay deegaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe laga bilaabo taariikhdu marka ay aheyd 30-kii June 2012.

Sidoo kale waxaa degmo loo aqoonsaday deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan laga bilaabo taariikhda marka ay aheyd 30-kii June 2012.

Wareegtadan ayaa daba socota Wareegtooyin hore oo Sheikh Shariif uu ku magacaabay degmooyin cusub arrintaas oo ay ka horyimaadeen Golaha Wasiirada DFKMG iy ra’iisul wasaaraha DFKMG oo Dicreeto uu soo saaray 15-kii Agoosto 2012 ku sheegay “wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo iyo Demooyin cusub iyo dalacsiin Saraakiil Dawladeed ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin”.

Dicreetada C/weli Gaas waxaa ku cad sidan: “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo tixraacaya qodobada kor ku xusan iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 13kii August 2012, wuxuu halkan ku caddaynayaa in wareegtooyinka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee ku saabsan magacaabidda Gobolo iyo Demooyin cusub, dalacsiin Saraakiil Dawladeed iyo wixii lamid ah ee aan soo marin habka sharcigu qeexayo in ay sharciga dawliga ah ka hor imaanayaan lana dhaqangalin karin sida kucad qodobka 3aad ee axdiga (Sarraynta Sharciga) Farqadiisa 2aad oo qeexaya “Sharci kasta oo aan la soo marin ama ka hor imanaya Axdiga Dawladda wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan.”

Arrintan ayaa daba socota kaddib shirkii golaha wasiirada ee Aug 13, 2012 in lagu go’aamiyey “Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo dowladda.”

Waxaa taas ka horeeyey Shirkii ay yeesheen golaha wasiirada DFKMG maalintii Khamiista Agoosto 9, 2012 ayey ku go’aamiyeen “in magacaabista Degmooyinka cusub ee aan Golaha la horkeenin aysan waafaqsanayn nidaamka dowliga ah, sidaas darteedna laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.”

Taas waxaa garab socdey laba wareegto oo la faafiyey Khamiistii 9 Agoosto 2012, oo uu soo saaray madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif, oo qeexaya in laga soo bilaabo taariikhda 22 july 2012 in degmooyin loo aqoonsaday Buula Jadiid oo ka tirsan gobolka Bokool iyo Dolondoole oo ka tirsan gobolka Bay. (Akhri wareegtooyinkaas)

Laakiin sida ku cad wareegtada rasmiga ah ee golaha wasiirada (Ref: XRW/OM/PR 00226/07/12) “laga soo bilaabo 01, July 2011 ilaa 31, August 2012 wixii dagmo ah oo la magacaabay ay yihiin sharci darro.” Taariikhdaasi waxaa soo hoos geleya xilliga uu madaxweynaha DFKMG sheegay in uu magacaabay degmooyinka cusub.


In Somalia, Presidential Election With Few Voters
Somali leaders are on the verge of naming a new parliament that is supposed to elect a president by Monday, but it’s hard to find any ordinary Somalis excited by the political changes: They don’t have the right to vote.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.