Home » Faallo »

Warbixin: Muqdisho iyo Sameynta Doorashada

  • “Koox ku lebisan Direyska Ciidamada Qalabka-sida oo wata dhowr Kaartoon oo ay ka buuxaan Sawiro iyo Funaanado  mid ka mid  ah Musharixiinta ay taageersan yihiin oo joojinaya Gaadiidka Waddooyinka maraya isla markaana ka fiiqaya Sawirkii hore ugu Dheganaa kuna Dhejinaya Sawirka Musharaxa ay taageersan yihiin, iyadoo Wadaha Gaarigana (Dareewallada) Dhegta loogu sheegayo haddii uu  Sawirkaas Fujiyo inuu leeyahay Shan Xabbadood….”
  • Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM kuwaasoo la kala saftay Musharaxiinta Soomaaliya … “Maxaad u Taageeri weydyay Musharaxa Taageersan Madaxweyna heena Musaveni”

Warbixin ku saabsan Tartanka Musharaxiinta Doorashada iyo Saameynta Bulshada, gaar ahaan Magaalada Muqdisho…

Iyadoo Fooda nagu soo hayso Doorahashada Madaxtinimada Soomaaliya iyo ka gudubka Marxaladdii ku meel gaarnimada Soomaaliya ayaa waxaa haatan magaalada Muqdisho laga dareemaya Guux xooggan oo la xiriira Doorashadaasi, waxaana halkan aan ku faahfaahineynaa Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Saameynta ay ku yeelatay Doorashadaasi, taasoo ay dadku ku tilmaameen in ay tahay Doorashadii ugu adkeyd ee dhacda tan iyo  intii ay dhaceen Dagaaladii Ahliga ahaa ee Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qul qulay dad aad u fara badan kaddib markii loo sheegay in Magaaladu ay nabad tahay, Nabaddaas oo ay bar bar socoto falal Amnidarra ah oo dadka qaar aad u saameysey, haddii aad tagto goobaha Fadhi ku Dirirada waxaa la isku haystaa labo labo oo koox waliba waxa ay taageereysaa Musharaxa ay taageersan tahay taasoo keenta in mararka qarkood gacanta la isula tago.

Sheekadii ugu yaabka badneyd waxay ahayd markii aan arkay Koox ku lebisan Direyska Ciidamada Qalabka-sida oo wata dhowr Kaartoon oo ay ka buuxaan Sawiro iyo Funaanado  mid ka mid  ah Musharixiinta ay taageersan yihiin kuwaasoo joojinayay Gaadiidka Waddooyinka maraya isla markaana ka fiiqaya Sawirkii hore ugu Dheganaa kuna Dhejinaya Sawirka Musharaxa ay taageersan yihiin iyadoo Wadaha Gaarigana (Dareewallada) Dhegta loogu sheegayo haddii uu  Sawirkaas Fujiyo inuu leeyahay Shan Xabbadood.

Taasi waxa ka sii daran oo Yaabka Yaabkiisa ah Wiil Dhalinyaro ah oo Gashan  Funaanad uu ku Sawiran yahay Musharax uu Taageersan yahay ayaa  markii uu u yimid kooxdii Qasab wax ku raadiney-sey  in si Nasteexeyn ah loogu sheegayo inuu iska bixiyo Funaanadda ugu jirta lana siinayo mid kale oo ka qurux badan tuu gashan yahay. Isagoona ku jawaabaya maadaama uusan ku qanacsanayn in laga bixiyo Funaanadda uu ku sawiran yahay Musharaxa  uu Taageerayo ayuu yiri ” War waa maxay Mooryaanimadaan sida Xooga ah Taageerada lagu raadinayo ii kaadiya inta aan Guriga ka tegayo oo keliya ayaan Gashanaanayaaye” iyadoona loogu jawaabayo Ok Saaxiib intaasaa nagaga filan.

Qoys keliya ayaa la arkay oo kala taageeraya illaa Shan Musharax, Odeyga, Habarta, Gabadha Wiilka iyo Wiilasha kaleba taasoo xubin kasta oo qoyska ka mid ah uu taageerayo Musharax gooni ah taasoo Qoyskii ku keentay Cadaawad dhex marta iyo loollan dhexdooda ka bilowda iyadoo xitaa lagu kala qaybsamay Raashiinkii Saxanka keliya lagu wada cunayay iyadoo mararka qaarna ay dhacdaba in gacanta la isula tago kaddib marka mid ka mid ah Qoyska Sawir uu taageerayay oo gidaarka  u surnaa laga fujiyo.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay saameyn weyn ay ku yeelatay Gaadiidka Dadweynaha ee B.L.ka loo yaqaano iyadoo rakaabka qaarkood aysan raaceyn Gaari uu ku dheggan yahay Musharax uusan taageersanayn taasina ay keento ruuxan Rakaabka ah inuu wadada taagnaado maanta oo dhan illaa uu ka arkayo Gaari uu ku dheggan yahay Musharixii uu taageerayay.

Saameynta kale ee ay arrintani keentay waxaa ugu cad cad dhinaca Qabiilka oo aad arkayso in Taageerayaal badan shakhsiga ay ay taageerayaan oo ay ku raacayaan heybta uu yahay iyagoona u arkaya ruuxii aan taageerin midka ay taageerayaan inuu cadow u yahay colaad aan lala ogeyna u qaada inta kale  ee aan taageereyn shakhsiga ay Taageerayaan

Saameynta Arrintan ayaa waxaa sidoo kale ay saameysey Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM kuwaasoo la kala saftay Musharaxiinta Soomaaliya, waxaana dhacday in qaar ka mid ah Ciidamada Ugandha oo degaankoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga in ay gacan isula tageen “maxaad kaas u Taageertay iyo maxaad kaas u Taageertay oo u Taageeri weydyay Musharaxa Taageersan Madaxweyna heena Musaveni” taasina ay keentay in gacmaha la is la galo halkaasan ay Ciidamadii isku fara saaraan, waxayna Ciidamada Saraakiishooda ee ee Fadhi ku Dirirkaan soo dhex galey  ay ku gaabsadeen in ay taageerayaan cidda uu Taageero Madaxweyne Musaveni.

Ma yara Saameenta faraha badan oo ay arrintan la timid kuwa ugu yaabka badana waxa ka mid ah Saameeynta ay ku yeelatay Dhaqankii Soomaalida ee soo jireenka ahaa oo Odoyaashii Dhaqanka, Malaaqyadii, Sulddaanadii, Wabaradii, Islowyadii, Ugaasyadii iyo dadkii Dhaqanka lagu  tixgelin jiray oo maanta Qalabka Warbaahinta la isu marsiiyo Aflagaaddo Ixtiraam la’aan  iyo meel ka dhac loo gaysnayo Duubabkii Soomaalida taasoo inta badan loo aaneynayo in ay ka soo shaqeeyeen soona abaabuleen Quwado Shisheeye.

Tartanka Doorashhada waxaa kale uu saameyn ku yeeshey Hotelada Magaalada Muqdisho waxaana Hotelada ka socda Shirar iyo Kulumo looga arisanayo Xaaladda Kala  Guurka , waxaa iigu yaab badnaa markii  Hal Hotel hal mar uu ka dhacayey ilaa Shan Kulan , waxaana mararka qaar aad Maqleysaa Daryanka iyo Sawaxanka ee ka soo baxaya Kulamadaas oo la isku qabsadey qaabkii loo qaybsan lahaa Xildhibaanada , sidoo kale waxaa uu saameyn ku yeeshey  Sarifka lacaga qalaad waxaa Magaalada Muqdisho aad ka dareymeysaa lacagahaasi oo qaar lagu bixinayo Arimo Siyaasadeed iyo waliba Tartanka Doorashada Ololihiisa welina Sariifka ma Dhaqdhaqaaqin oo meeshii  Lix bilood uu joogey ayuu joogaa.

Sameynta kale ee Ololaha Doorashada waxaa ka mid ah waxaa Ciriiri ah  Xarumaha Daabacaada waxaana marara qaar aad arkeysaa in aadan heli Kari  Dabacaad oo shaqaalaha ka shaqeynaya ayaa kuu sheegaya in  tan iyo markii uu bilowdey tartanka ay si aad u laba jibaarmeen  Xayeysiinta ay isku sameynayaan Musharaxiinta Doorashada sidoo kale waxa Xarumaha Daabacaada ku soo batey Qoraalada Dacwadaha u badan ee is haysiga Beelaha ee loo gudbinayo Guddiyada Xalinta Khilaafaadka.

Raga u Sharax Doorashada oo aan helney Magacyadooda waxaa ka mid ah

  • 1-Shiikh Shariif Shiikh Axmed
  • 2- Shariif Xasan Shiikh Aadan
  • 3 -Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
  • 4 -Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
  • 5- Cabdulaahi Axmed Caddow
  • 6- Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur
  • 7- Axmed Ismaaciil Samater
  • 8- Xasan Shiikh Maxamuud
  • 9- Saciid Ciise Maxamuud
  • 10- Maxamed Maxauud Guuleed Gacmadheere
  • 11- Cabdiraxmaan Macali Baadiyow
  • 12-Yaasiin Maaxi Maxamed
  • 13-Cabdulaahi Shiikh Xasan
  • 14- Xasan Abshir Faarax
  • 15-Cabdi Nuur Darmaan
  • 16- Cali Maxamed Geedi
  • 17- Ing Maxamed Axmed Saalax
  • 18-Salaad Cali Jeelle
  • 19 Cumar Salaad Cilmi
  • 20- Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex
  • 21-Xaaji Maxamed Yaasiin
  • 22- Cali Cabdulle Guure
  • 23-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
  • 24-Ibraahim Cali Xuseen
  • 25- Maxamed Cabdiweli Shiikh Yuusuf Direed
  • 26- Gen Maxamed Nuur Galaal
  • 27- Xuseen Khaliif Xaaji
  • 28- Maxamed Axmed Cali
  • 29- Yuusuf Colow Axmed
  • 30- Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

Isku soo wada duuboo Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wadnaha Farta kaga haya halka ay  i sugu biyo shuban doonto Xasaraddan haatan oogan iyo Madaxweynaha ka soo bixi doona Musharixiintan kor u dhaafaya Boqolka  Musharax oo u wada Tafa Xeydan inay qabtaan Xilkaas, waxaana jira in qaar ka mid ah Musharixiintaas ay ku hanjabeen haddii aysan helin Jagadaas inay fadqalaladeyn doonaan  ama ay Calwin doonaan Siyaasadda Soomaalida, halka qaar kalena ay ku doodeen in maadaama Kursigan laga soo maray dhibaatooyin fara badan in ay haboonaan lahayd in la geeyo meel ka baxsan Soomaaliya halkaasna lagu Caleemo saaro kii ku guulasyta, Su’aashuse waxa ay tahay Bulshada Muqdisha iyo Maanta maxay ka dhowrayaan Tartamayaashan is bar bar yaacaya.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


BUKHAARI,
Volume 9, Book 89, Number 263

Narrated Abu Musa.

Two men from my tribe and I entered upon the Prophet (SCW). One of the two men said to the Prophet, “O Allah’s Apostle! Appoint me as a governor,” and so did the second. The Prophet said, “We do not assign the authority of ruling to those who ask for it, nor to those who are keen to have it.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Warbixin: Muqdisho iyo Sameynta Doorashada "

  1. C/qadar says:

    Asc wan salamaya bahda somalitalk.com sida runta eh wan kahela qoralada wepkan hadi ey maqal ahan laheyd ama casharada diniga eh masha alah wan kafa iday siirada nabika scw tarikhda saxabada wam ugu hambal yena mamulka iyo shaqalaha intaba siiwada ayan idin lenahay allaha idin garab gale amiinkhasaro sxb waxa tahay howl gar wane jecelahay maqalada sii wad tanks bro

  2. Wa wax lala yaabo tagerada farabadan kentay musharax badan lkn ugandha army maxay wadan

  3. Is eryadka aan macnaha ku dhisnayn ee caasimada hareyay waxan u kala qaadaya sadax magac oo ay mudanyihin loogu yeero waxayna kala yihin. 1. aan ku xulee xoolo mahaysataa oo an ula jeedo oday dhaqameedyada dhaqankoodu halabay kuna sifobay xaaran cunis aan loo meeldayin waxad maqlaysaa ama la.arkayba oday ugaas beel dhan u ah oo inta mid xildhiban ku qoray oo xogaagii afka logu riday inta u masuugay qoraalki dib ula soo laabta asago raadinaya xaranti xaraan kawayn bal aan iswaydino ugaaskas ama oday dhaqamed masiir umaded ma lagu aamini karaa qof walba oo xamar ku ayaa arki kara ama maqli kara waxan kor ku soo xusay. {2 iga xaabso ii xulo xil ma dhibe aan xoolaha qaranka ku xaabsade kuwana waa nooc kale o kuwii hore ka liita kaliya wuxu donayaa inta uu xilmadhibaha yahay wax walba oo masiirka umadan ku saabsan intu fiirin lahaa xuman iyo samanba marka hore wuxu firinayaa jeebkisa haduu jeebka wax ka arko miiska waxa saran hadaytahay xataa somalia magaceda ha lagu badalo {tegree ama israil} asagon waxan jebka ahayn firin ayuu ku qowlaya wan codeyay dhinaceda kale hadi la keeno arin somali ay wada jeceshahay janaba ha ahaate ee aan jeebka wax logu ridin wuxu leyahay ma codayn taasna lagu arag kumeelgaradi tirada badnaa hal aan ka so qaato waxa cod looqaday xiligi sakin xabshidu oo la ogyahay waxa naga dhexeya masoogali karta dhulka somalia cod aqlabiyad ah aya logu codeyay waase la ogaa wixi dal iyo dadba gaarsiyen ogada dadkaygow wixi xaran ku yimaada xaran unbay kashaqayn waa la ogaa heshiski logu waqlalay heshiski kampala marki lahorgeyay xilmadhibayasha wixi dhacay inti meesha waji xumayd ayagon marna firin waxa ku qoran ayay ugu codeyen 100/98.9 cabadkedina lawada maqal o lawada arag an u gudbo ma xishodayasha 3aad waa kuwa kor usidhafaya 100ka maxishoode. Marqaati magale aan u degdego inan irahdo sariklawayaal haba kala danbi badnadane waxayse ka simanyihin hunguri ka raadinta qarankan burbursan iyo masakinta dacdaraysan dad qaar ayaa ku qaldama inay yirahdan musharaxin waxayse mudanyihin in logu yeero maxishodayaal waxad arkaysa maxishode goroonka maraku ka so dagaya laga horgaynayo gaadiid tiro badan iyo dad aan yarayn macnahu ma aha in gadidka iyo dadkuba ku yimaden jacayl ay u qabane kaliya waxa ka sobaxaya jebkisa taas waxa cadayn u ah waxad arkaysa gadiidki iyo dadki shalay maxishode hebel calemaha u lulayay manta midkale u sacabtumaya an kusoo gaabiyo eebow aduu wanag ku sugnaday somalina taladooda ku filan e talada noo hagaji