Home » Warar »

Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda waa sharci darro

Golaha Wasiirada DFKMG oo Ka Hadlay Arimaha Amniga iyo Soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka

Shirkii ay  isniin Agoosto 13, 2012 yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG ayaa markale ku celiyey “In Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo dowladda.”

Dhanka kale Golahu waxa uu “soo jeediyay in Gudiga Farsamada ee u xilsaaran saxida xubnaha loo soo xulayo Baarlamaanka cusub ay soo gudbiyaan xubnaha Barlamaanka ka hor 15 August si loo bilaabo diiwaan gelinta iyo bixinta Aqoonsiga.”

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay  shirka Golaha Wasiirada DFKMG ka akhri:

Ref: XRW/OM/PR 00228/08/12 Date: August, 13, 2012

Shirkii Golaha Wasiirada ee Maanta oo Looga Hadlay Arimaha Amniga iyo Soo Xulista Xubnaha Baarlamaanka

(Muqdisho, Isniin, 13 Augst 2012) Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Amniga, Soo xulista Baarlamaanka iyo Arrimo kale.

Ugu horayntii Waxaa Goluhu warbixin ku saabsan dhanka Amniga ka dhageysteen Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna Golaha u sheegay in xaaladda amniga ay marayso meel wanaagsan loona baahan yahay in la sii adkeeyo.

Goluhu isagoo dareensan xaaladda amniga ayaa waxaa la isugu yeeray laamaha qaabilsan amniga sida Booliiska, Nabad sugidda iyo Laanta dambi baarista, waxaana Goluhu waydiiyey su’aalo laamaha amniga iyagoona is dhaafsaday talooyin lagu xoojinayo amniga wuxuuna Golohu hoosta ka xariiqay in amniga gacan bir ah lagu qabto si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Goluhu farey hay’adaha wada shaqayntu ka dhaxayso laamaha amniga in ay la yimaadaan wada shaqayn joogta ah si loo gacan siiyo lamaha amniga.

Golaah Wasiirada DFKMG: File photo

Sidoo kale Goluhu waxay warbixin ka dhageysteen Wasiirka Dastuurka iyo Dib-U heshiisiinta wuxuuna ka warbixiya halka uu marayo soo xulista Baarlamaanka iyo dhameystirka marxaladda isbedelka ee hay’adaha dowladda. Warbixinta kadib Goluhu wuxuu isku raacay inay ka go’an tahay in xilligii loogu talagalay in laga gudbo KMG uu ku eg yahay 20, August, 2012.

Wuxuuna Goluhu soo jeediyay in Gudiga Farsamada ee u xilsaaran saxida xubnaha loo soo xulayo Baarlamaanka cusub ay soo gudbiyaan xubnaha Barlamaanka ka hor 15 August si loo bilaabo diiwaan gelinta iyo bixinta Aqoonsiga.

Ugu dambeyntii Goluhu wuxuu isla gartay iyadoo la ilaalinayo dhameystirka Roadmap-ka ee dhinaca dowladd wanaaga, Dib-u heshiisiinta iyo ilaalinta kalsoonida Shacabka ayaa goluhu go’aansaday.

In Digreeto kasto oo soo baxday oo aan soo marin Golaha Wasiiradda, Sida magacaabista Degmooyinka, Xilalka, Dalacsiinta iyo IWM iney tahay sharci darro waxayna keeni kartaa iney lunto Kalsoonida Shacabka uu ku qabo dowladda.

###DHAMAAD###


Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia


AKHRI: Madaxweynaha DFKMG oo Degmooyin cusub magacaabay, Halka Golaha Wasiiradu sharci darro ku tilmaameen wixii degmooyin la magacaabay laga soo bilaabo… – Agoosto 10, 2012


Guddoomihii hore ee Baarlamaanka DFKMG Shariif Xasan oo u hanjabey Wasiirka Dastuurka DFKMG Xoosh

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.