Home » Warar »

Dastuurka oo Si Kumeel Gaar ah loo ansixiyey ayadoo ay madasha ka maqnaayeen 180 xubnood oo kamid ah Ergeydii 825 ahayd

Waxaa maanta (Arbaca Agoosto 1, 2012) magaalada Muqdisho si kumeel gaar ah (KMG) lagu ansixiyey Dastuurka Soomaaliya.

Goobka Dastuurka KMG lagu ansixiyey waxaa soo xaadiray 645 ergey oo kamid ah 825 ergey ee la donayey in ay Dastuurka u ansixiyaan si KMG.

Waxaa markaas, ayadoo goobta ay ka maqnaayeen 180 ergey, cod loo qaaday ansixinta Dastuurka KMG. Waxaana 645 ergey ee soo xaadiray madasha ay u codeeyeen sidan:

  • “HAA”: 621 ergey
  • “MAYA”: 13 ergey
  • “KA AAMUSAY”: 11 ergey
  • “Ka Maqnaa”: 180 ergey

Sidaas ayaa markaas waxaa madasha looga dhawaaqay in Dastuurka loo ansxiyey si kumeel gaar ah (Dastuurka KMG), taas oo macnaheedu yahay in dastuurkan KMG lagu sii dhaqmi doono ilaa inta ay wax ka bedelayaan Baarlamaanka cusub ee la soo xuli doono, kadibna afti dadweyne loogu codayn doono.

Sidaas ayaa markale Soomaaliya waxay ku yeelatay Dastuur Kumeel Gaar ah (Dastuur KMG).

Dastuurkan ayaa waxaa ku jira qodobo badan oo ay culimada Soomaaliyeed ka hadleen oo aan u cuntamayn mujtamaca Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa ku jira qodob muran gelin kara dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

DFKMG ee hadda jirta ayaa horaanntii 2009 waxaa lagu soo dhisay magaalada Jabuuti. Bilo kaddib, ayaa Fadhi ay Golaha baarlamaanka DFKMG Sabti April 18, 2009 ku yeesheen xaruntii hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayey guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha baarlamaanka DFKMG, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa lagu ansixiyay in Dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Laakiin isla bilo kaddib (Nov 2009) ayaa Madaxweynaah DFKMG waxa uu beesha caalamka u xaqiijiyey in Dawladdiisa oo uu markaas ugu yeeray “Dawladda Midnimo Qaran ee Soomaaliya waxa ay noqoneysaa Cilmaani (Secular),” Sidaas waxaa wakiilka AU u “xaqiijiyey” Sheikh Shariif Sh. Axmed…. Akhri (VOA). (Secular: waxaa lagu qeexaa aan diin iyo aakhiro toona shaqo ku lahayn). Midowga Afrika (AU) waxay Agoosto 1, 2012 soo saareen warsaxaafadeed ay ku muujinayaan hambalyo in la ansixiyey Dastuurka KMG , Provisional Constitution, (Akhri Hakan)

Baarlamaankii Ansixiyey in Shareecada Islaamka lagu dhaqo Soomaaliya waxaa laga dhigay hawl-gab ayadoo aysan jirin meel lagu kala diray, ayaa waxaa la soo xulay odayaal la isugu keenay Muqdisho, kuwaas oo la hor dhigay in ay ansixiyaan Dastuur kaduwan (kii xitaa guddigii madaxa bannaanaa soo diyaarinayeen muddada).

Lama dhegeysan shacabka Soomaaliyeed iyo culimadooda oo si weyn uga soo horjeestey dastuurkaas iyo weliba qodobo ay culimadu ku qeexeen in ay ka hor imanayaan Shareecada Islaamka iyo qodobo uu kamid yahay qodobka 7aad oo muran gelinaya dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Qodobkaas oo lagaga soo daray Nairobi, taas oo in badan indheer garadka Soomaaliyeed ay u fahamsan yihiin qodob daba socda heshiiskii Is-afgarad ee DFKMG iyo Kenya kaas baylahda gelinayey badda Soomaaliyeed, balse qodobkan 7aad uu dhulka Soomaaliyeed in muran la gelin karo. Waxaana xusid mudan in baarlamaankii diidey heshiiskaas uu yahay kan hawlgabka laga dhigay, si xeeladaysan.)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Dastuurka oo Si Kumeel Gaar ah loo ansixiyey ayadoo ay madasha ka maqnaayeen 180 xubnood oo kamid ah Ergeydii 825 ahayd "

  1. caamir says:

    ass/clykm.
    soomaaliyey laxwalbii shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaa , dhimataye allaah hakuu naxariisto.
    midda kale siyaad barre maw aydeen walow aniguba aan mucaarad ku ahaa , shiikh shariif meedey diintiisii , miyaanu ahayn ninkii shareecada ku xukumay wiilkii toorayda wiilka kale ku dilay sanadkii 2002dii isagoo ag taangnaa shareecadana ku fulinayey, intuu baddeenii iibiyey ayuu maantana dastuur gaalo keentay odayaashii ku khasbay.
    soomaalay waa kuu dhamaatay , baarlamaanka oo socdaana wuxuu ku dari doonaa dastuurkan waxaad la fajacdaan.
    mahadsanidin.

  2. sheegoow says:

    ASC, Ramadaan kariim all somalian. Dastuurka La ansixiyey maba Jirto oo sharciyan ayuuba qaldanyeahy hadii aan y eegno Xitaa heshiiskii eey soo saxiixeen kuwaan baaboya Somali taladeeda ee ula baxay Roadmapka. Becouse heshiis u danbeeyay 5 nin somaali jeebka gashatey taladeedi waxeey sheegayeen odayashaan ineey wax ansixin ama diidmo eeysan shaqo ku laheen eey uun tahay shaqadooda ineey soo xulaan dadkii shaqadaas qaban lahaa. Su’aaashu waxaa weeye Goormee isku badaleen ansixiya yaal? Mise marka eey Rabitaanka Burcada rabto ineey dalka bobaan uu ee ugu horeeyaan dowledaha deriska Danahooda markeey meel mareyso dadkii la diidana ineey wax diidaan waa eey ansixin karaan? Umada Somaliyeed waa ummad 100% Muslim ah manaqaadan doonaan Dastuur diinteeda xaniifka ah ka hor imaanaayo Danaha Dalka iyo jiritaanka somaaliya ka hor imaanayo waxaan sugeynaa xiliga shacabka somaliyeed uu gaaro xili uu sheegan karo inuu danahiisa iyo dalkiisaba difaaco waana imaane mar dhoow insha allaah.

  3. Saallixi says:

    Jaallayaal

    Waayeel ‘Wax-garad’ waxaa la yiri waa innaga oo aan is yeelyeelayn. Miyaynu illownay in dal iyo DASTUUR aan leennahay inta annagoo aan u kala harin gabagiisiiba gubnay. Ma illownay in Sharcigii Alle iyo mid kaloo aadane qortayba inta la dacal baabay aan deris, xigaalo, dumar iyo carruurba wixii la ogaa aan ku dhignay. Arrin kalena isu diidnaye waa xaq in Mahiga iyo dirkiisa aan ku khasbanaano. DADKAAGA DHINAC KA RAAC.

  4. Caaqil says:

    Marka hore waxaa isweydiin mudan Dastuur daaqud ah qofka xaq ka sugaaaya, halkee ayuu ku uloobay kitaabka Allah uu aamin sanaa ? mise dhakarta gaalada ayuu si indho-la’aan ah ugu dhacay, waa su’aal isweydiin mudan. Diinta Islaamka maxay ka qabtaa waxa loogu yeero “Dastuur Gaaleed-ka”? Ummad Islaam ah oo Diinta ka run sheegaysa Maku dhaqmi karaan Allah Xukunkiisa wax kasoohara? Allah cidda kagahaboon sida adoomadiisa ay u noolaan lahayeen waa ciddee? Gaalada waan garanay xaalkooda meesha u gaaray laakin kuwa Islaamka sheeganaya hadana gaalada xukun daaquud-
    horboodaya dulli ayay ku danbeendonan hadii aysan ka toobad keenin.

    Allah waxaa ka baryaynaa in ummada caqiidadooda toosiyo. Amiin

  5. Rashid says:

    salaan kadib
    anigu waxaan qabaa in dawlad layeesho waxaan maanta nahaay dhaanyaa siday rabto ha u e kaato.
    wadaadada hawshii shacabka ay idmedeen way kasoo bixi waayeen Baabuurkii waa ka dhaqaaqaye gadaal intay kasoo fuulaan kalsoonidii shacabka hasoo kasbadaan.
    waqtiganse iyagiibaan kala qabqabanaynaa marka maxay waxnataraan anaga
    mahadsanidiin

  6. ABDI says:

    WALLAAL DAS TUURKA WAXAA LAGU ANSAXIYEY FAD AMA HAFADIN WAA LAGU FADSIIN MANA AHA DASTUUR AY SOOMAALI DOORATAY WAA DASTUUR LAGU WADO LACAG IYO CAGA JUGLAYN RUNTA WAXAY TAHAY SOMALIDA OON WELI GARAN QAYBI OO XUKUN SIYAASADAASI AYAA SOOMAALIYA LOO ISTICMAALAYAA 2012 WAA CEEB ADUUN IYO MID AAQIRO ILAAHEEY HANAGA QABTO SHARTA DHAGAR QABAYAAASHA WAXAY U EGTAHAY SOOMAALIYA IN LA GATAY OO AY GATEEN WADAMADA DERISKA AH KKKK

  7. Cusmaan says:

    SCW,
    Waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo intii dhibaatadu jirtey wadan aan ka bixin wixii hagardaamo iyo burburdhacayeyna qaybina si shakhsiya ugu dhacday kuwa kalena arkayey ama maqlayey waqtiga ay dhacayeen iyo sida ay u dhacayeen aniga oo aan halkan ku soo koobi karin.

    Waxaase waxaas oo dhan isku fuuqsatay maanta iyo maalmihii ka horeeyey ka socdey Xamar oo wax dastuur lagu sheegay oo waxgaradkii ummadu diideen caamadiina aan wax la weydiin la yiri waa ansax.
    Dadkii akhriyey oo dhaliilaha u soo jeediyey waxay isku raacsan yihiin in aanay Ummada Soomaaliyeed ugu jirin:
    1. Dan diineed
    2. Dan dal/dhul
    3. Dan dad/Ummadeed
    4. Dan dawladnino iyo madaxbanaani
    5. Dan Dhaqaale
    Habada yey dani ugu jirtaa. Teeda kale dawlada Norwey oo heshiiskii is-afgaradka lagu sheegay sixiixiisa maalin ka hor Xamar ma’uulka sare u soo dirtay haddana ansixintii maalin ka hor mas’uulka kale u soo dirtay maxay tahay sonkorta Soomaaliya kaga daatay.

    Waxaa fiican in la kala saaro dawladbaan jeclahay inaan helaana rebaa iyo nooca aad rabtid inaad dawladnimo u noqotid. Soomali weligeed ummad ayey ahayd waana ahaaneysaa “siday u il-xuntahayna uma Alle la’a”

    Ogaadana xaqa ayaa aakhirka guusha yeelanaya baadilkuna waa harayaa,
    Eebena xaqa ha inaku sugo

  8. liibaan says:

    as wr wb
    dowlad diidku maanta wuxuu ku qeylinayaa kitaabkaa ladiiday
    adeer somali inta wanaagsan waa socotay

  9. Waxa layaab ah in oday shalay layiri waxba madiidi kartid in hadana layiraahdo waxbu ansixiyay oo hadana la arko odaygi oo sabcinaya ninkii shalay yiri aqriyayaal unbaad tihiin kaba sii daran kii shalay lahaa aqriyayal unbaadtihin oo hadana maanta leh waad ku mahadsantihin sidan u ansixisen midse ma oga odayasha waxa loga mahadcelinayo inay tahay aasidii dal iyo dadka ay sheganayan inay matalan oday shegtow mid aan ku iraahdo waxba madan ansixine qaranimadii qowmiyada soomaal ayad ceel ku riday. waxaase iga su.aal ah qabyo iyo qamaarey qowmiyada soomaal maloo qaadi karaa?

  10. @ Yusuf
    Kala dambeynta dastuur(buug la qorey) ka timaado ee waxey ka timaadaa garaadka dadka dalka wada leh oo ku wada nool. Dadkana waxaa haga waxa ay aminsanyihiin ayna u wada heelan yihiin. Soomaalidu bal ila eeg maxey isku raacsanyihiin? Diin waa lagu abtirsadaa oo la iskuma raacsana. Xeer Soomaali la iskuma raacsana iskaba daayee buugan lasoo dhoobdhoobey oo qoladii ansixintiisa mushqaayada lagu siiyeyba ay isku haystaan. Wallee maxey Soomaalidu indha la’aan iney socoto oo ay meel gaarto isku dayeysaa!

  11. Maxamed Aadan says:

    @ Cabdishakuur Siciid
    Haddii aad u doodeyso una riyaaqeyso dastuur uu ku jiro qodob dhulka soomaaliyeed muran gelinaya. Reer Goldogob cid uga il daran ma leh waayo adinkaa Xuduud degen oo Itoobiya idin sheegan doontaa. Soomaalida hadda joogtaa badankooda waa juhalo is moodey iney wax garanayaan. Balse waa maangaab. Ma xili dastuur ayaa lagu jiraa? Kii lixdankii maxaa lagu diidey? Diinta maxaa lagu diidey oo xeer Soomaali lagu diidey????? Maxey QM iyo Midowga Afrika(Itoobiya oo shaar kale gashan) soomaaliya dastuurkeeda u sameynayaan. Soomaalida ma dalalka kale ayey la sameeyeen dastuurkooda?

  12. shamsa says:

    waa wax loo baahnaa dastuurka cusub in ummaada soomaaliyeed yeelato anigu waxaan qabaa yaan laga hor dhicin umalayn maayo in ay dadkaasu ansixiyeen wax diinta islaamka ka soo hor jeeda soomaaliya waa wadan dadkiisu 100% islaam sunni ah yihiin waxaan kaloo culimada soomaaliyeed u soo jeedin lahaa in aysan hada meeshaas belaayo ka hurin waxay ummada u sheegayaa in ay noqoto wax ay hubaan kuma jiro hal sheekh oo helay buuga dastuurka midkasta meel ayuu wax uusan hibin lataagan yahay waxaan leeyahay ilaahay ka cabsada oo waxaad hubtaan ummada usheega fadlan WAXAAN NAHAY UMMAD LEH DIIN IYO DADBA MAASHA ALAAH

  13. Calasow says:

    Dadka hormuudka inoo ah war uma hayaan siyaasadii dibadda ee dawladihii ay u dambeysay tii Siyaad Barre. Mathalan: Siyaad Barre wuxuu soo saarey xeer oranaaya dhul badeedka Somaliya waa 200nms. Ula jeedada maxey ehey… Bal fiiri Jaziiradaha Suqadara waxey gudaha ugu jiraan dhul badeedka Somaliya ee 200nms… Waagii Siyaad Barre joogey waxey ka tirsanaayeen dhulka Somaliya (illaa hadana sharci ahaan waa dhulkeena), inkastoo Yamantu ku doodi jireen anagaa leh. Wixii 1991 ka dambeeyey, jaziiradahaas waxaa toos ula wareegey Yaman, illaa hada Qof Somali ah looma ogola, oo waa ka mamnuuc. Xataa kallumeysatada Soomaaliyeed hadey habow ahaan ku tagaan, isla markiiba waxaa loo gudbiyaa Yaman. Intaas waxaa dheer, Yamantu waxey soo dirtay kumanaan dadkeeda ah oo deegaan ahaan usoo dagey jaziiradahaas… Xataa kuwii dhulka daganaa ayaa hadda laga tira badan rabaa… That’s what commonly known as Colonisation…. Intii ay Somali doodi laheyd, waxaamba joognaa in aan dhahno 12nm uu aduunka inoo ogolaadey, ee ha la samro…. Waxa laga samraayo qiimo intee le’eg ayuu jaarkeena ugu fadhiyaa? Maxaase inoo diidey in aan sidaaso kale u qiimeyno?

  14. cabdishakur saciid says:

    asc
    anigoo ah muwaadin soomaliyeed oo ku nool magaalda galdogob waxaan aamin sanahay in ay ahayd arrin loo baahnaa in dalkeenu yeesho dastuur kaas oo ka tarjumaya rabitaanka umaadeena soomaaliyeed taas hadda waxay iila muuqataa mid qayb ahaan aan ku guulaysannay maadaama aay hadda ergadii ansixiyeen dastuur .
    laakiin haddana waxaa muuqata in ummaada soomaaliyeed aan arintaa loo gacan bannaynin oo faragalin badan lagu sameeyay oo ay gaartay in nalaga dhigo sidii ardo hadda la barayo sida dal loo dhiso taas oo ah arin gaf nagu ah .laakiin waxaan walihaysannaa fursad aan oo ku talin karno sidaaan rabno maadamaa dastuurka uu wali yahay mid qabyo ah oo ubaahan afti shacab lana dalban karo in wax laga baddalo

  15. Yusuf says:

    Waa maalin wanagsan, maadama dastuurkii loogu codeyey HAA, waana xili qof kasta oo somali ah oo wax garada uu fahmi karayo, macnaha ku jira ansaxinta dastuurkaan ku meel gaarka. maaha in aan leeyahay waa dastuur dhamaystiran, hase yeeshee waxaa lagu gaarayo mid aan ku meel gaar ahayn.

    Kuwa nidaamka iyo kal danbaynta u diidan ayaa ka maqanaa goobta ama diiday ama aamusay,. waxaan leeyahay kuwaa illaahay somali ha ka dher saaro siday u dhan yihiin, maaha kuwa hanuusamayee.

  16. Cumar says:

    ASW, Ramadaan kariim,
    Goor kastaba waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida habboon ee arrimaha xasaaasiga aad shabakadaan Somalitalk ugu soo gudbisaan.
    Walaalyaal shaki kama nooleyn sida wax loo waday in loo gabagebeeyay (maxaa yeelay shirqoolada min bilow illaa dhammaad) taariikh ahaan waa ay iska caddaayeen.
    Waxaa si buuxda laysugu kaashaday aaska jiritaanka Caqiiqdada islaamka iyo qaranimada dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, taasoo loo maray dariiq kastoo gurracnaa meelmarinteeda sida kuwa iimaankooda daboolay kursi jaceyl, qabyaalad, hanti goobid xaaraan ah kuwani baal madow ayay taariikhda ka galeen.
    Laakiin shacabka Soomaaliyeed waa ka weyn yahay inuu garan waayo iskana caabbin kari waayo Mahiga iyo cawaankiisa soomaalinimada sheegta iyo cadaw dibadeed oo boob iyo qeybin iska hor keen iyo gunnimo doon ah.
    Waxaan ku soo ebyi waxa kan la leeyahay waa dastuur iyo ansixintiisuba habka loo maray waxa uu ka soo horjeedaa shareecada Islaamka, qaanuunada caalamiga iyo qaanuunyadii dawliga ahaa ee aan hore u degsanay taa oo qeybaha shacabka muujiyeen diidmadiisa laakiin si xeeladeysan laysu marsiiyay, waliba lays cabburiyay.
    HADDII AANAD DOONEYNIN DIIN LA’AAN IYO DAL LA’AAN MAXAA DAN NOO AH???!