Home » Warar »

Muqdisho: Xildhibaan lagu Dilay Qarax loo dhigay Gaarigiisa…

Mid ka mid ah Raggii ku Dhawaa ama Gacanyaraha u ahaa  Madaxweyne Shiikh Shariif oo   maanta Qarax lagu Khaariyey

 

Waxaa maanta (Isniin July 16, 2012) Magaalada Muqdisho Qarax lagu Khaarijiyey miud ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka horen u soo noqdey Wasiirkii Ganacsiga  Maxamuud  Cabdi Ibraahim  (Gar weryne ) ka dib markii Gaarigiisa loogu rakibey Waxyaabaha Qarxa mar uu ku sugnaa Degmada Xamar weyne

Qaraxaan ayaa waxaa kalo ku dhaawacmey laba ka mid Ilaalidii Xildhibaanka iyadoo goobta uu ku qarxay Gaarigaas ay soo gaareen Cviidamo ka tirsan Dowladda Federaalka kuwasoo halkaa ka bilaabey Baaritaan waxaana Baaritaankaas lagu xirey Mid ka mid ah Ilaalada Xildhibaanka oo ka badbaadey Qaraxaasi.

Muxamuud Garweyne wuxuu ka mid ahaa ragii sida aadka ugu dhawaa Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Ilaa Maxaakiimtii sidoo kale wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Jabhadii Xoreynta ee lagu dhisey Magaalada Casmara ee Dalka Ererteriya  iyadoo warar aan la xaqiijin  ay sheegayaan in xiligaan uu ku Howlanaa  sidoo mar kale Madaxweyne Shiikh Shariif uu ugu guuleysan lahaa Xilka Madaxtinimada.

Shiikh Maxamuud Garweyne waxaa kaloo uu ka mid ahaa Bahda Waxbarashada wuxuuna mudo uu ka soo shaqeeyey Dugsiyada iyadoo Geerida  Maxamuud ay tacsi u direen Madaxda kala duwan ee Dowladda Federaalka waxaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


War saxaafadeed
Tacsi Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ka Tacsiyeyanaya Geeridii Xildhibaan Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyn

Innaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Muqdisho, July, 16, 2011—— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janadii geeyo Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo maanta Qarax miino kula geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadu ayaa sheegay iney aad saaxiibo u ahaayeen Marxuun Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo uu sheegay iney Xukuumadii hore ay iskala soo shaqeeyeen, oo ay safaro wada galeen.

“Innaa Lillaahi Wa inaan ileyhi Raajicuun, Geeriduwaa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuuJanadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

-DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.