Home » Warar »

Shirkadda Golis oo daah-furtay Gurigeeda Qardho.

Xaflad si weyn loosoo agaasimay oo isugu jirtay daah-furka guriga Golis iyo soo dhawaynta macaamiisha ayaa lagu qabtay magaalada Qardho.

Halkan ka daawo Sawirada furitaanka guriga Golis…

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan shirkadda Golis ee uu hogaaminayey C/casiis guureeye kaarshe gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis Telecom Somalia iyo maareeyaha guud ee shirkadda Cali Xaaji Warsame.

Sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa xaflada madax ka socotey Puntland ee uu hogaaminayey wasiiro dowlaha sharciyada Jeneral Yuusuf Axmed kheyr.

Waxaa kale oo madasha ka soo qayb galay madax kale oo shirkadda Golis ka socotey sida: gudoomiye ku-xigeenka gudiga sare ee shirkadda Luqmaan Xaaji Maxamuud iyo maareeyihii hore ee shirkadda Golis Aadam sheekhdoon Cali iyo madax kale oo ay ka mid yihiin hogaamada shirkadda Golis Telecom Somalia.

Ugu horayntii ayaa xaflada waxaa ka hadlay Axmed Cawaale maamulaha shirkadda Golis ee Qardho.cawaale ayaa waxa uu ka sheekeeyey heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha shirkadda Golis soo maray,isagoo sheegay in dhismahaan uu yahay mid ay shirkaddu in badan ku hawlanayd in ay dhisto si loogu adeego bulshada reer karkaar.

Halkan ka daawo Sawirada furitaanka guriga Golis…

Kalmada maamulaha Qardho ka dib, ayaa xaflada waxaa ka hadlay Cali Xaaji Warsame maareeyaha guud ee shirkadda Golis,maareeyaha ayaa sheegay in shirkadda Golis had iyo jeer u taagantahay raali galinta macaamiisha.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha cusub ay shirkadu ka dhistay magaalada uu ka qayb qaadan doono kor-u-qaadida bilicda magaalada Qardho.

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Mudane/Cabdi Casiis Guureye Kaarshe gudoomiyaha gudiga sare ee shirkadda Golis. Guureeye ayaa sheegay in shirkaddu ay iska leeyihiin bulsho weynta puntland.

Xaflada ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay madax ka tirsan shirkadda,dowladda,odayaal-dhaqameedka,iyo aqoonyahano ka soo qayb galay xaflada daahfurka guriga.

Ugu danbeyntii hadiyado ayaa nasiib u helay qaar ka tirsan ka soo qayb galayaasha xaflada,waxaana sidoo kale dhamman ka soo qayb galayaasha loogu shubey lacag dhan 5 Dollar oo ku hadal ah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.