Home » Warar »

Guddiga South Central Aids Commission (SCAC) oo ka Warbixisey wax Qabadkeedii Sannadkii 2011 iyo Caqabadihii ka Hor yimid

“Soomaalida Qabta Cudurka HIV/AIDS oo Gaarey 35,175 qof” UN: “Haddii arrintu sida ay tahay ku sii socota waxaa dadka Soomaaliyeed ee cudurkaas qaba waxaa lagu qiyaasay in ay gaari doonaan 55,000 qof sannadka 2012…” SII AKHRI…


Warbixinta: Guddiga South Central Aids Commission (SCAC)

Waxaa Bishaan 20-keeda ilaa 21-da lagu qabtey Hotel Ambasadoor ee Magaalada Muqdiosho Kulan lagu soo bandhigayey Waxqabadkii Sannadkii 2011 ee Guddiga South Central Aids Commission ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SCAC iyo Waxyaabihii aan u qabsoomin sannadkaas , waxaana kulankaan ka qaybgaley Xubno ka socdey Lix Wasaaradood oo Dowladda Federaalka oo qaabilsan arrimaha Bulshada , Culimau’diuin, Daladda Dadka la nool Xanuunka HIV/AID S Xubno ka socdey Baarlamaanka ee qaabilsan dhinaca Xanuunkaan , Xubno iyana ka socdey Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Raiisul Wasaaraha , oo iyana qaabilsan Xanuunkaan, iyo Xubno ka socdey Hayadaha WHO.UNDP iyo Masuuliyiin ka soctey Guddiga SCAC.

Halkan ka daawo Sawirada

Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Guddiga SCAC oo sheegey in Sannadkii tagey Guddigu ku guuleystey in ay qabto Barnaamijyo Dhowr oo ku saabsan Xanuunka HIV/AIDS isagoo sheegey in ay qabteen Siminaaro , Tababaro la xiriira Xanuunka HIV/AIDS , sidoo kale Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in Xaruntooda ay ku qabteen Kulamo oo uu sheegey in Bishii dhowr jeer ay qabtaan una qabtaan Hayadaha Samafaka ee qaabilsan Xanuunkaan , Wasaaradaha Arimaha Bulshada halkaasuu uu sheegey in ay isku dhaafsadaan Arrimo la xiriira xanuunka HIV/AIDS iyo Heerka uu marayo.

Gudoomiyaha SCAC Sidoo kale wuxuu warbixintiisa ku xusey in Sannadkii tagey ay Guddiga SCAC ay ka qayb galeen Shirar, Siminaaro ka dhacay Wadamo fara badan oo Caalamka ah oo uu sheegey in looga hadlayey sidii looga hortagi lahaa Xanuunkaas iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS waxaa kale uu sheegey Wadamadaas ay ka soo faaiideyteen qaabkii ugu haboon ee loo xakameyn karo Xanuunkaas iyo sida Gacan loo sii karo dadka la nool Xanuunkaas.

Gudoomiye SCAC waxaa uu sheegey in sannadkii 2011 ay ay ka horyimaaden Caqabado fara badan oo la xiriira Xanuunkaan wax ka qabashadiisa, isagoo sheegey in Caqabadhaas ay ahaayeen kuwa u badnaa Dhinaca Dhaqaalaha ee Hayadaha Caalamka qaabilsan Xanuunkaan isagoo sheegey in Sannadkaan ay rajeynayaan in ay ka gudbaan Caqabadihii ka horyimid Sannadkii Tegey,

“Dowladda Adduunka waxay Boqolkii Soddon ku Caawiyaan Guddiga dhinaca HIV/AIDS-ka Qaabilsan sidaa darteed Dowladda federaalka waxaan ka helney Taageero dhinaca Siyaasada ah hase yeeshee kama helin Taageeradii dhinaca dhaqaalaha ee sida weyn loogu baahnaa waxaana rajeynaynaa in dhaqaalahaasi ay bixin doonaan sida ay u bixiyaan Dowladaha Caalamka kuna Caawiyaan Guddiga qaabisan HIV/AIDS- “Ayuu yiri Gudoomiyaha SCAC

Intii uu socdey Kulamadaas ayaa Qaybihii kala duwanaa ee ka qaybgaley waxay soo saareen qodobo Muhiim u ah dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS-ka kwaas oo ah sida loo caawini karo dadkaas ha noqoto Caafimaad, Waxbarasho Shaqo u abuuris iyo Taakuleyn kale iyadoo Xubnhii ka socdey Dalada dadka la nool Xanuunkaan ay si weyn u soo dhaweyeen Qodobadaas oo ay sheegeen in wax weyn ka taro Noloshooda sidoo kale Dowlada iyo Baarlamaanka ayaa loogu baaqey in il gaar ah ku hayaan wax u qabashada dadka la nool Xanuunka HIV/AIDS-ka islamarkaana Dowladda ku tir tirsiiyeen sidoo Boqolkiiba Soddon loo siin lahaa Guddiga SCAC.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.