Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo laalay Qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah oo Khuseeya Qorshaha Road-Map-ka

Sheikh Shariif  oo la Wareegey Awoodii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya – 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG  Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo saarey Wareegto waxayne, Wareegtadaas u Qorneyd Sidatan:

Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012

Laalid Qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya

Markuu arkay: Qodobka 39,aad Farqada 2aad ee Axdiga KMG.

Markuu arkay: Qodobka 71aad Farqadda 2aad ee Axdiga KMG.

Markuu arkay: Xeerka Madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay Saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.

Markuu Ogaaday: in kala Fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.

Isagoo tix raacaya: Qodabbada Heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.

Markuu Garwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro Dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.

Qodobka 1aad

Waxuu Madaxweynaha laalay Qodobada 28{1}-33 Xarafka “C” iyo Qodobka 34 ee Axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo Qodobka 1aad ee heshiiska lagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.

Qodobka 2aad

Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo Qodobada qaarkood ee ku xusan Dastuurkii 1960kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 3aad

Waxaa kale oo uu laalay Qodobka 11 aad Farqadiisa 3aad Xarafka “B” ee Axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxin doona Golaha Ansaxinta Dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xuli doonaan Odayaasha Dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka Dhameystirka Qabyo QoraalkaDdastuurka iyo Habdhismeedka Baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa Xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laali doonaa Qodobka 29aad ee Axdiga KMG.

Qodobka 4aad

Xeerkaan waxay, Dhaqan galayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

### Dhammaad ###

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxweynaha DFKMG oo laalay Qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah oo Khuseeya Qorshaha Road-Map-ka "

  1. hubiye says:

    Axdiga Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka waa xeerka ugu sareeya oo ay hoos
    yimaadaan dhammaan dadka iyo hay’adaha awoodda leh wuxuuna ka dhaqan
    gelayaa dhamaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Sharci kasta oo aan la socon karin
    ama ka horimaanaya Axdigaan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan.
    .

  2. hubiye says:

    QODOBKA 3
    Madaxweynuhu sharcigaa aan soo koobiyeyey xaguu ka maray
    SARAYNTA SHARCIGA
    1 Jamhuuriyadda Federaalka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waxay ku dhisan
    tahay saraynta shardga, waxaana lagu dhaqi doonaa si waafaqsan Axdigan.
    2 Axdiga Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka waa xeerka ugu sareeya oo ay hoos
    yimaadaan dhammaan dadka iyo hay’adaha awoodda leh wuxuuna ka dhaqan
    gelayaa dhamaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Sharci kasta oo aan la socon karin
    ama ka horimaanaya Axdigaan wuxuu noqonayaa wax kama jiraan.
    3. Jiritaanka, shardnimada habka fulintiisa ama faafinta Axdigaan ma jirto maxkamad,
    waax ama wakaalad (Hayad) dowladeed ka horimaan karta.