Home » Warar »

Khilaaf u Dhaxeeya Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Gaas uu Sababey in uu Baaqdo kulan ay Isugu Imaan lahaayeen Hayadda Culimada Soomaaliyeed..

Maanta (Sabti June 16) ayaa waxaa lagu wadey in Xarun ku taal Xeradii xalane ee magaalada Muqdisho kulan isugu yimaadaan Culama’udiin ka socda Hayadda Culimada Soomaaliyeed waxaana kulankaas soo qaban qaabiyey Guddiga Dastuurka Qabyada si Culamada uga tala bixiyaan Dastuurka qabyada oo maalmahaan Murankiisu uu socdey ka dib markii qaar ka mid ah Bulshada ay sheegeen in ay ku jiraan Qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka.

Markii Goobta ku soo xaadireen Culamau diinkii ka socdey Hayada Culimada Soomalaiyeed oo uu horkacayey Gudoomiyahooda Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa Xubno ka socdey Guddiga Dastuurka waxay u sheegaan ka qaybgalayaashii in maanta aysan suurta gal ahayn in laga doodo Dastuurka Qabyada iyagoo sheegey in ay jiraan Arimo farsamo , waxay Guddiga ay sheegeen in Sabtida Soo socota Culimada la horkeeni doono Dastuurka qabyada si ay iyana uga doodaan qodobada Qaar.

Qaar ka mid ah Culamadii dooneysey in ay ka qaybgalaan Dooda Dastuurka ayaa si weyn uga caroodey Baaqashadaas waxayna Codsadeen in loo faahfaahiyo arrimaha Farsamada ee baajiyey Kulanka hase yeeshee Guddiga Dastuurka ayaa ku gaabsadey in kulanka uu u baaqey arrimo farsamo , waxay kaloo ay sheegeen Guddiga in labaatanka Bishaan la soo badhigi doono Magacyada 850 Xubnood ee Ansaxinaya Dastuurka iyadoo 1 Luuliyo si rasmi ah loo ansaxin doono Dastuurka

Warar aan helney ayaa sheegaya in Baaqashada Kulankaan loogu yeerey Culimada in ay ka Tala bixiyaan Dastuurka Qabyada in ay ku timid Khilaaf u dhaxeeyey Madaxda Sare ee Dowlada gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha DFKMG ka dib markii ay isku qabsadeen hadal ka soo yeerey Wasiirka Dastuur Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ee ahaa kala diristii Gudigii Dastuurka iyo kii khuburada iyadoo Madaxweynaha uu diidey kala diristaas, halka Raiisul Wasaaraha uu la saftey Wasiirka oo iyaga ku doodaya in Guddiyadaan uu dhamaadey Waqtigoodii.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa u baaqdey iyadoo khilaaf uu u dhaxeeyo Guddiga Diyaarinta Dastuurka iyo Khubaradii eegeysey Dastuurka ,waxaana lagu Waramey in laba dhinaca mid weliba uu soo diyaarsadey Dastuur u gaar ah oo mid weliba wax laga badeley iyadoo Khilaafkaan u dhaxeeya labada dhinac uu soo jiitameyey maalmahaan.

Qaar ka mid Culimada oo aan la kulaney ayaa noo sheegey in Guddiga Dastuurka uu wax badan uu qarinayo oo la xiriira dastuurka Qabyada, sidoo kale waxay sheegeen in aysan ka qayb gali doonin Kulamada Soo socda haddii Guddiga Dastuurka aysan Sharaxaad dheeraad ah ka bixin sababaha uu u baaqdey kulankii maanta iyadoo Sababaha Guddiga Diyaarinta Dasuurka ay Culimada ugu yeereen ama u hordhigayaan ay tahay sidii ay u joojinn lahaayeen Cabashada ka soo yeereysa Bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan Dastuurka.

Dastuurka Qabyada oo muddo Saddex sano ka badan lagu howlanaa Diyaarintiisa ayaa qaar ka mid Bulshada Soomaaliyeed waxay qabaan in Ummada Soomaaliyed Aysan u baahneyn Dastuur noocaan ah waayo waxay sheegeen in Dastuur uu Ilaah u soo dejiyey kaas ayey sheegeen in ummada Soomaaliyeed ku kala badbaadi, karaan marka Howshaan ku saabsan Dasuurka waa mid shacabka lagu daalinayo laguna Jahwareerinayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.