Home » Warar »

Shir Jaraa’id ee RW Abdiweli – geeridii Mowliid Macaani iyo Faysal Xaaji Cilmi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamud iyo Faysal Xaaji Cilmi.

SHIR JARAA’ID

TACSI QARAN – 08 APRIL 2012

MUDANE MOWLIID MACAANI MAXAMUD

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN

Ugu horreyn waxaan si guud tacsi qaran halkan ugu dirayaa shacabka soomaaliyeed, gaar ahaana eheladii, qaraabadii, iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamud iyo Faysal Xaaji Cilmi oo labadaba ku geeriyooday Isbitaalada magaalada Nairobi.

Geeridu waa xaq, noole walbana waxuu marayaa dhimasho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkoodana gacanta midig ka siiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.

Mowliid Macaani Maxamud iyo Faysal Xaaji Cilmi waxey ku dhaawacmeen falkii waxashnimada ahaa ee ismiidaaminta ee 4tii April ka dhacay Tiyaatarka Qaranka. Labada Marxuum waxaa isla maalintaas la dhigay Isbitaalada Daara Shifa iyo Medina oo aan ku booqday 6dii April 2012. Mowlid iyo Faysal waxaa loo qaaday Nairobi shalay 07dii April oo la dhigay Isbitaalada Nairobi.

Faysal Xaaji Cilmi waxuu ku geeriyooday Isbitaalka Aga Khan ee Nairobi xalay fiidkii 7dii April 2012. Mowlid Macaani Maxamud waxuu ku geeriyooday Isbitaalka Nairobi West oo uu saakay aroortii saacadu markey aheyd 05:30 subaxnimo ku geeriyooday.

Mowliid Macaani Maxamud waxuu ahaa ruug caddaa siyaasi Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan u huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed. Mowliid waxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii dhexe ilaa iyo hadda oo uu heer agaasime ilaa iyo heer wasiir soo qabtay. Mowliid waxuu kaloo waqtigiisa u huray horumarinta Isboortiga Soomaaliya oo uu ahaan jirey Garsoore Caalami ah ee kubadda Cagta, si fiicanna loogu xasuusto cayaarihii horyaalada, Jeneral Daud iyo kuwii goboladaba.

Mowliid waxuu in muddo ah soo ahaa Xildhibaan Qaran oo marwalba lagu xasuusto cod-karnimadiisa iyo sida uu marwalba u jeclaa inuu arko Soomaaliya oo gaarta dimoqraadiyad rasmi ah. Mowliid waxuu hormuud u ahaa u ololeynta sidii loo heli lahaa caddaalad, sinnaan iyo horumar.

Faysal Xaaji Cilmi waxuu ahaa La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Isku xirka Bulshada, waxuuna ahaa xubin aad iyo aad u firfircoon, howlkar ah isla markaana ku dadaali jirey isku xirka bulshada iyo Xafiiskeyga. Faysal waxaan ku soo wada kornay Dhusamareb oo aan qoyskiisa si gaar ah u garanayo, waqti fiicanna isla soo qaatay, isla markaana u leh aqoon qoto dheer. Faysal waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan u leh howlshiisa si wanaagsanna uga soo dhallaalay.

– DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +25261 547 9911
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.