Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegey in Dowladiisa ay soo Dhaweyneyso Duqeymaha Cirka ee Gobolada Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo iminka ku sugan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya iyo waxyaabaha Saldhigga u ah.Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo martay Labaatan Sano Dagaalo wejiyo kala duwan lahaa kuwaasoo isugu jiray dagaalo Sokeeye, Siyaasad iyo haatan oo Dagaalo Diini ah ay ka socdaan.

Cabdweli Maxamed Cali Cali gaas ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa ka codsaday Beesha Caalamka in Soomaaliya lagu caawiyo si wax looga qabto dhibaatooyinkii soo maray adduun Lacageed oo gaaraya Toban Bilyan oo Doolarka Markaynka ah taasoo uu sheegey in ay wax ka qaban karto arrimaha dhaqaalaha darida haysata Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa Beesha caalamka weydiistay Mashaakiilka Soomaalida in xiligan Soomaaliya oo keliya ayan wax ka qaban Karin sidaa darteedna loo baahan yahay in Caalamku gacan ka gaysto sidii dhibaatooyinka Soomaalida wax looga qaban lahaa.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu sheegey in ay soo dhaweynayaan Duqeyn dhinaca Cirka ah ee lagu qaado degaanada ay ku sugan yihiin Xarakada Shabaab isagoona codsaday in ay jeclaan lahaayeen in taa ay dhacdo iyadoo aan shacabka wax dhibaata ah loo gaysanayn.

Gaaz ayaa sheegey in Xarakada Shabaab ay qayb ka yihiin Mashaakilka Soomaaliya isla markaana mashaakilkoodu uusan haatan ahayn oo keliya mid ku gaar ah Soomaaliya balse ah mid caalamka oo dhan gaarsiisan.Ra’iisul wasaare gaas ayaa soo jeediyay in xukuumaddiisu diyaar u tahay in ay la shaqayso Beesha Calaamka kalana shaqayso sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka Soomaaliya.

Dhinca kale Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada London ayaa ahaa Soorya Casha Sharaf ah ugu sameeyay Magaalada Londdon ee Carriga Ingiriiska .Munaasibaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay Xubno ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya Shiikh Shariif, Ra’iisul Wasaaraha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya Cabdiweli maxamed Cali, Shariif Xasan, Madaxweynaha maamulka PuntLand Faroole, Madaxweynaha Gal Mudug State Caalin iyo Wakiilka ahlu sunna wal jamaaca.

Madaxweynaha DFKMG Shariif oo Munaasibaddaas ka hadlay ayaa sheegey in la xadidayo Waqtiga AMISOM isla markaana Hoggaanka ay yeelanayaan Ciidamada Soomaalida.Sheikh Shariif ayaa intaa ku daray in qorshuhu ahaa in Ciidamada Shisheeye ay dalka ka baxaan marka ay dhamadaan Dagaalada Sokeeye sidii dhacdayba markii Ciidamada Itoobiyaanku ay ka baxeen Soomaaliya Sedax sano ka hor .

Sheikh Shariif ayaa soo hadal qaaday Guulaha ay gaareen Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed isagoona farta ku fiiqay in guulahaas si loo sii adkeeyo loo baahan yahay in beesha caalamku gacan ka gaysato sidii horumarka muuqda loo taageeri lahaa. Madaxweynaha DFKMG Shariif ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii lagu gaaray London gaar ahaana arrimaha ka gudubka ku meel gaarka iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Qaranimadii Soomaaliya.

Ugu danabayntii ayuu Madaxweynaha DFKMG waxa uu Jaaliyadda Soomaalida ee Magaalada London ka codsaday in ay gacan ka gaystaan horumarka Dalkooda.Sidoo kale Cabdiraxmaan faroole Madaxweynaha Puntland oo halkaa ka hadlaya ayaa ammaanay Shirkaas iyo natiijooyinkii ka soo baxay isagoona sheegey in shirkaasi Natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo baxeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la qaban doono 30ka April 2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.