Go'aanka
Baarlamaanka: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la qaban doono 30ka
April 2012
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo Khamiistii (23 Feb 2012) go'aan soo saaray ayaa
shaaca ka qaaday xilliga la qaban doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Wareegto rasmi ah (oo tirsigeedu ahaa Ref. XGB/29/12) uuna soo saaray
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG ee Soomaaliya, Madoobe Nuunnow Maxamed, ayaa si
qeexan u xustay in "Dood dheer ka bacdi fadhigii barlamaanka ee 23-02-2012 oo ay
ka soo qaybgaleen 278 waxaa loo codeeyey in doorashada madaxweynaha Federaalka
Soomaaliya la soo hormariyo laganadhigo 30-ka April 2012. Waxaana cod aqlabiyad
ah ku oggolaaday 269 waxaana diiday 6, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan."
Wareegtadu waxay si sheegtay in madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG ay
ku xadgudbeen awoodda sharcigu siiyey "Waxay si sharci ah u limiyeen xilalkoodii
madaxwetbe iyo Raiysal wasaare markii ay la bexeen saxiixayaal ayna saxiixeen
waxyaaba aan soo marin golaha xukuumadda iyo golaha baarlamaanka, taas oo ah ku
xadgudub awoodda sharcigu siiyey."
"Doorashada Madaxweynaha oo la qaban doono 30ka Abrill 2012, waxaa dooran
doonan baarlamaanka oo ah reform (dib uhabayn) lagu sameeyey, taasoo
baarlamaanku u arkay xalka siyaasiga ah ee xilligan kala guurka ah. Waa go'aanka
baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,
Madoobe Nuunow.
Wareegtadii baarlamaanka hoos ka akhri:


##Dhammaad##
- Waxaan ku baaqney in si buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka
Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of Conduct) iyo in la sameeyo
Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic Zone). Waxaana sugeynaa
waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu ka mid yahay kan
laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono Imaaraadka
Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.
War-saxaafadeedkii ka soo baxay shirkii London
lagu qabtay halkan ka akhri:
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2012
|