Home » Faallo »

Qodobada Heshiiska DFKMG iyo Kenya

Waxaa magaalada Nairobi heshiis ku saabsan ciidanka militariga Kenya ee galay gudaha dalka  Soomaaliya uu dhex maray ra’iisul wasaaraha DFKMG iyo ra’iisul wasaaraha Kenya.

Heshiiskaas dhexmaray Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Railla Odinga oo ka kooban 11 qodob :

Qodobada Heshiiska Nairobi ee October 31, 2011 HALKAN KA AKHRI

Waraaqda heshiisku u qoran yahay oo ay tusayaan saxaafadda Nairobi, Oct 31, 2011

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

40 Jawaabood " Qodobada Heshiiska DFKMG iyo Kenya "

  1. Osman says:

    Dawladda Uganda waxaan u sheegi lahaa Haddii dawladda Somalia ay ka taageertey iska dhicinta habaab macnaheedu ma aha in maalin walba wax aysan laqi karin oo dacarta ka qaraar ku qulaamiso.
    Waxaan oganahay marki Shekh Shariif iyo Farmaajo ay is qabteen ergayga xoghayaha guud waxay ahayd Uganda wixi ku cadaadisay in raiisulwasaare Farmajo la casilo sabab la’aan, weliba intaas ugama harina Xamar uga daba yimid raiisulwasaarihi Somaliya kana tiriyey xilka.
    Hadda marki uu madaxweynaha Somaliya ku dhawaaqay arrimo quseeya qarannimada dalka iyo ilaainta xaduudihiisa, waxa Uganda qaabishay wafdigi wasiirka arrimaha dibedda Kenya oo ku dhawaaqday in Kenya ku saxan tahay gelitaanka Somaliya ayagoo iska illoobay booqashadi madaxweynaha Somaliya hore ugu tagey, haddana intaas ugama harine wafdi ayay usoo direen Xamar si mar kale madaxweynaha loogu cadaadiyo inuu Kenya u tago oo hortooda ka qiro inuu oggolyhay hawgalkooda kana cudur daarto hadalkiisi hore.
    Waa su’aale kaalamada Uganda ma ninki reer baadiyahay ahaa oo ninka reer magaalka ah neefka maalin u qalay oo maalin walba kusoo wax doonan jireybaa. Mase u qalantaa kaalamada Uganda in madaxdeennu wax waliba u iloobaan oo iska yeelaan xataa haddii waxa lagu gorgortamayo tahay qarannimada iyo jiritaanka dalkeenni?

  2. Abdirisaq says:

    Madaxweyne Kibaki waa madaxweynaha qaranka Kenya.
    Madaxweyne Shariifna waa madaxweynaha qaranka Somalia.
    Waxa kibaki xaduudaha Somalia lasoo jibaaxayo oo Uganda, Burundi iyo Tansaniya wafdiyadiisu u wareegayaan uguna dhawaaqayaan mawqifyada taageeradiisa ah, waa danaha qaranka Kenya ee uu matalo mas’uulkana ka yahay.Waana ku amaanayaa sida uu shaqadiisa qaran u u qabsanaayo oo dadkiisa iyo dalkiisa ugu shaqaynayo.
    Waxa isweydiin leh Madaxda Somaliyeed ma raalli gelinta dalal kale iyo ururro caalami ah iyo isgadgad shaqsi ah ayaa shaqadooda iyo xilka loo dhaariyey ah.Mise danta iyo dalka qaranka Somaliyeed inay ka shaqeeyaan ayay u dhaarteen’.
    Waxan maqlay Uganda iyo Burundi inay taageereen mawqifka Kenya. Taasi marna waxba kama baddalayso sharciyadda soo gelitaanka iyo mawqifka la gudboon shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda Somaliyeed ee ilaalinta sharafta, qarannimada siyaadada iyo jiritaanka qarannimada Somaliyeed. Maxaa yeelay baaqyadaasi wada jirka ah waa ra’yigooda shakhsiga ah, mana khusayso hawlgalka Midawga Afrika ee uganda iyo Burundi ay ka qayb qaadanyaan iyo xaqa Somalia u leedahay ilaashiga qarannimadeeda.
    Haddaba waxaan si adag ugula dardaarmayaa Sheikh Shariif inuu laba kala doorto:
    a) Inuu mawqifka shacabkiisa iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo waajibka saaran ku adkaysto, una sheego madaxweynaha Kenya haddu shabaab la dirirayo inuu kusoo biiro hawlgalka loo ciidan waayay ee midawga Afrika si nadaam caalami ahna uga qaybqaato hawsha ay horseedka xukuumadda Somaliya ka tahay markaas meeshi looga baahdo haka hawlgaleene.waa haddi dhab ay ka tahay inay wax la qabtaan dalka iyo dawladda Somalia ayna dagaal shabaab ka dhab tahay ha yimaadaan meesha dagaalku ka socdo oo laga hoggaminayo.sifo qaanuuni ahna haku yimaadaan.
    Haddiise uu ka diido ha yimaado shekh shariif baarlamaankiisana ha u sheego inay go’aan cad ka gaaraan joogitaanka askariga Kenyaanka ah carriga iyo ciida Somaliya.Hana qeexaan inaana cidna xaq cugu lahayn ciida iyo calanka Somaliyeed inay soo jiiraan saba iyo magac kasta hallo bixiyee haddi aanan la haysan oggolaansho qaanuuni ah oo baarlamaanka Somaliyeed ka soo baxay.
    Kenyana waxay masuul ka noqonaysaa dhimasho, dhaawac iyo qax iyo burbur hantiyeed wixi meeshaas ka yimaada waxayna noqonaysaa dal ku duulay qaran madax bannan oo ku xadgudbay qawaaniinta qaramada midoobay ee madaxbannanida iyo wada noolaansha dawladaha deriska ah.
    b) Inuu sidii hebello qaarkood iska gadgado dawladaha hadda taageeraya mawqifka kenya iyo madaxweyne asagu u xarbinaya danaha dadkiisa iyo dalkiisa oo qarannimdi dalkeena gacanta si sahlan uga bixiyo asagoo maanta ku fadhiya kursigi ugu sarreeyey qaranka.
    Haddaba shacabka iyo baarlamaanka Somaliyeed waa inay isha ku hayaan halka uu istaago Shekh Shariif madaxweynaha qaranka Somaliyeed iyo sida uu u guto xilka qarankiisa iyo shgacabkiisa ka saaran xaaladdan adag ee xasaasiga ah.

  3. qooqani says:

    waxaa la dagaalamayo waa al shabaab oo somaliya inteeda badan haysato
    oo ann rabin dowladnimo iyo sharaftii somalia in ay soo noqoto diidan marka waa in saas wax loofahmo meteeda kale waxaa la sameeyey DKMG ah oo tastuurkeeda lagu soo dhisay inbagaati kenya ninkas oo somalia ah xaqbuu u leeyahay in uu raaco tastuurkaas waa in ciidamo la suubiyaa oo dowlada raacsan waa in la suubiyaa dowlad goboleed oo la soo celiyaa kala danbeentii iyo shaqooyinkii dadka u qabjireen dowlada
    marka AZaania intaas bay rabtaa in ay suubiso marka waa in la taageero waxfiican ayey soo wataa somalida ayaana ka faaii deysanyo,

  4. cabdiqani says:

    waa yaab + yaabkiis.
    soomaalidu way wareersantahay marka aad dhinac kasta ka fiiriso, afkaartooda, mudo 20 sanno ah ayey wareegeysanayaan, isdiidan yihiin,isdilayaan, qaxayaan iwm.dhibaatada soomaaliya ka jirta waxaa sabab u ah soomaalida, ma fiicno in had iyo jeer la calaacalo,oo been la isu sheego,wadan hebel ayaa nagu soo duulay,cadawgeeniiyaa wadanka qabsanaya:- waxaa la yaab ah haddii aad ruux kasta oo soomaali ah wax weydiiso ood tidhaahdo maxaa kaala quman dhibaatada wadanka ka socota wuxuu odhan dalka waa lagu soo duulay, faragelin shisheeye ayaa jirta, haddii aad tidhaahdo ka waran haddii la isu tanaasulo, wuxuu ku odhan yaan u tanaasulaa ma madaxweyne ree hebel ayaa i xukumu ? no,no,no, taas ma yeelayo, reerkaas waxaa naga dhaxaysa colaad marna ma ogolaanayo in nin ree hebel ah uu i xukumo, mida kale bulshada xamar ku nool sina waa laga waayey, soomaalidu waxay tidhaahdaa:- ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis,dowlad kasta oo soomaaliya loo sameeyo waxay ka socon la dahay ama fashilaya ree xamar,daawo loo waa.mida kale shariifku dantiisuu maxay tahay marka uu leeyahay dowlada keenya ma soo gali karto soomaaliya, amisom horta dalka ha ka saaro, itoobiyana dalka ha ka saaro wataas joogta luuq,kalabaydhka,guriceel,markay doonto way soo gashaa waligeedna lagama maqal shariif oo leh itoobiya dalka soomaaliya maxay u soo gashaa,micnuhu soo ma aha alshabaab waa saaxiibaday ee yaan laga saarinjubooyinka iyo gedo ha iska mushaaxaan,kkkk. ilko abeeso hoos ka xidhiidhsan, waase lagu fahmay qabyaaladaada shariifoow, waxaanse odhan lahaa cid kaa akhrisaneysa ma jirto, mida kale soomaalidu waxay tidhaahdaa:- baha hiigle afqudhmuun ku wada joogi weysay kalgacaylna ku kala tagi weysay,soomaalidu waa dad tiih qaba wayna adagtahay si daawo loogu helo, ninaan dooneyn dowldnimo cantara baqash iyo qabyaaladna aan joojineyn waa xaajo ugub ah.waxay ila tahay bal marka hore soomaalidu ha isasaxdo si ay u hesho ama ugaadho danaheeda, hana heshiiso,cid soomaalinimo iyo wax udhowtoona doonaysaa ma jirto marka laga tago qabyaalad iyo fadhi ku dirir mooyee.

  5. khadar waddani says:

    waxaan aad ulla yaabay shakhsiyan iyo inta ila fikirka, in maddaxdeenu waa maddaxwaynaha iyo raysalwasaaraha waddankeena in ay isku af dhaafeen galitaanka cidamada kenya ee gudaha waddankeena usoo galay haddaba shacab waybaha soomaaliyeed ma waxay u arkaan dad aan caqli lahayn marka uu leeyahay madax waynuhu kenya ciddankeeda waxba kama ogi, isla markaana muddane c/wali uu leeyahay heshiis aya na dhex maray kenya, waxaynu lawada soconaa kol hore heshiiskii badda ee fashilmay heshiiskan dambe maxaa loo horkeeni waayay baarlamanka waddankeena mida kale waxaa runta loo sheegi waayay ee loogu meeraysanayaa ciidanka kenya waxay baacsanayaan alshayaadiin ilma afduub takale een la yaabay kenya waxay difaacaysa waddankeeda markaa gudaha waddankaygu ma kenya mise waa soomaaliya mida kale inaga waddankena yaa difaacaaya maadama oo waddankeena lagusoo xadgudbay illa xad, waxaan lee yahay waddanka soomaaliya waxa iska le shacabkiisa ciidanka kenya hadday wax difaacayaan haku ee kaadeen xadkooda waayo maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd (nin wayni wadkii waa yaqaan) waxaan ula jeeda shacabka soomaaliyeed iyo labada naaagood ee kenya lagasoo afduubay iyamaa muddan walle maanta taynu maraynaa waa wax aad looda xishaado in laga sheekeeya, maadama oo cidanka kenya diyaarado u isticmaalayaan dad rayida oo bara kacayaal ah kuna leenayaan xeryo qaxaanti markaana ay marmarsiiyo ka dhiganayaan dadbaa lagasoo afduubay kenya oo gudaha soomaaliya lagu hayaa waxaasi wax cagliga ka fog weeyaan marka waxa waxa labaneesanaya dhiiga umada soomaaliyeed waxaan ku talin lahaa shacabkaa soomaaliyeed hayku tashado ha dareemaan caddowgooda meel howgasoo horjeesteen iyagoo muujinaaya midnimo kaamil ah

  6. Bilqeyr says:

    (Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu)

    salaan kadib waxan jecelahay in aan ka dhiibto fikradeyda somalitalk.
    waxayna ku saabsan tahay maamulka dalka madaxweynaha talada haya iyo mustaqbalka danbe.

    somalia waxay soo martay dagaalo qabiil iyo mid Alqaacida ah oo muddo badan socanaye hadda waxad umoodaa in laga ilbaxay dagaaladdii qabiillada oo loo weecday mid siyaasadeed iyo mid argagaxiso midka siyaasadeed waxa looga gudbi karaa ayadoo uu xilka sii haayo shiiq sahriif ilaa 10sano si loo helo dowlad sal leh oo maamusha dalka oo idil.
    sababtuna waxay tahay shiiqshariif dowladiisa ka hor waxa nasoo martay sedex dowladood wax ay qabteen oo dil iyo dhac aheynin majiraan tan hadda jirtaana waxay uga duwan tahay magaaladii oo xasilooni yar heshay shacabkiina uu ku farxay muqdisho oo xasiloon waxay lamid tahay dalkii oo dhan oo xasilay goboladana waa la xasilin doonaa sida hadda iimuuqata.
    shiiq shariif haddii ay udhamaato mudadii uu xilka haye waxa fiican in markale loo dhiibo waayoo waa ninka ugu aqayaarsan oo daacadnimadiisuna ku shaqeysta shacabka wax ay ka damqanayaana aan sameyneynin markas kadina waxa la dooran karaa dowlad dimoqraadi ah oo lagu dooran karo dalka gudahiisa ayadoo shisheeyaha taladiisa laga maarmi karo waxa muhiim ah in uu xilka hayo shariif sheeq Axmed ilaa dalka oo idil laga saaro Alqaacida iyo ururo siyaasadeedka ee hadda soo curanayo.

    dhanka argagixisadana waxan leeyahay waxa iska saari karta somalia oo kaliya sida ay muqdisho iskiiga saartay oo kale bey iskaga saarayaan kenyana dalkeeda ha ku ekaato waayoo waxay wado maahan shawaab la dirir oo kaliya waana wax laga shalaay doono kenya heshiiska lala galey haddii aan laga hor tagin dadka somalida ah ee ku sugan dalka gudahiisa abaar iyo colaad ayey ubaaba’een haddii loogu daro in la rusheeyo ama la ugaarsado dad badan baa ku le’anayo ninka heshiiskaas la galayna ma ahan soomaali dhalad ah ee halaga noqdo kenya heshiiskeeda.

  7. Haddii aynu qubno qaadka lacagta xaddigaas le’eg waxaynu ku qabsan karnaa wax weyn .. tusaale waxaa lagu dhisi karaa Hospitals ama lagu qodi karaa ceelal, ama waddooyin ayaa lagu bixin karaa ama beero ayaa lagu falan karaa. billah calaykum qaadka quba..

  8. waddaniyad says:

    ASC

    Waxaan Ilaahay ka baryaa in cawaanta dhulkayaga iyo dadkayaga u heshiiyey ay sabab u noqdaan in:

    1) Dadkayaga qorigan ibliis ku lamaanan (qaadka) ay iska turaan;
    2) Dadkayaga ay mid noqdaan (insha’allah`), dheg iyo qalbi qura wax ku maqlaan;
    3) Dadkayaga qabsadaan xarigga Allah (arrinkaas oo sababeeyey inay Somalia ku noqotay dhul Islaam ah).

    SC

  9. Xujaale says:

    Dulmiga Kenya dameeraha xitaa ma dhaafin, berina Geela iyo Lo’da ayaa hubka lagu daabulaa way soo socotaa, oo waa duqeyneynaa iyaga la leeyahay. Waa wax lagu qoslo, waxaase yaabka yaabkiisa ah, in Dowlad kmg waxa ay masuulka ka yihiin, Kenya dhulkeeda, dadkeeda, xoolaheeda, martideeda, dalxiiskeeda intaba way u danqatey, maxay tahay waxa dowladaan kmg dalka ka hayso! Haddii waxii la rabo wadanka laga sameysan karo iyadoo loo soo marmarsiinyo laga dhiganaayo dano dowladuhu leeyihiin.

  10. Cabdiraxman says:

    ASC walaalayaal waxaa ka sii daran waxa kenya sameysay oo ah in eey doon batrool wada ku gubtay badda dhexdeeda waxa ka dhalan kara saliidaas badda ku butaacday in qeyraadkii badeena dhibaato ku dhacday.Waxaa laga yaabaa in eey ku dhinteen saliidaas malaayiin tón oo kaluun ah iyo dabeecadda badda oo is bedel ku dhaco.Taasi walwalkeeda wuxuu iiga yaalaa wadnaha.Somalitalk aad iyo aad ayaad u degteen qalbiga umadiina waana in leeydinka abaal mariyaa .fadlan moowduuc ka keena badaan lagu daadiyey batroolka.Waxeey aheyd in eey soo qabtaan doontan ayadoo wax gaarin.waa in kenya lagula xisaabtamaa dhibta eey baddeena gaarsiiyeen iyo dhimashada shacabka .

  11. Ascw salaan kadib waxaa la yaab igu noqonin markaan arkay maqaalka ku xusan kor ee ah askarta keenya oo baacsan doonta dameeraha soomaaliya.

    Waxaan xusuuustaa qiso qosal leh oo ka dhacday mandheeraa keenya, markii uu askari markaa ahaa waardiye uu dareemay socod uu u malaynayay ciidan weerar ku soo ah, markii qoobka dameeraha oo ku dul socday laami korkiisa uu la noqday buud askareed oo ku soo socda. markuu dhowr mar yiri waa kuma, istaag, oo uu wax u jawaaba waayayana cabsidii haysay uu ku furay baas, kasoo anfariirku riday saaxiibadiisii hurdayay oo ay ku wada jireen waardiyaha habeenkaa,oo ayagoon wax hubsana halkii askarigu hubka ku riday u wada furay hubkii ay haysteen iyagoon wax hubsan, halkaana ciidamadaa ku soo foolka lahaa ay noqdeen 21 dameer oo wax dhaawaca iyo wax dhintay laga dhigay.

    Taasi waxa ay na tusaysaa kaliya cabsida ciidamadaa galay dalkayaga oo xataa awoodin inay kala soo caan dhaqaaqa dadka iyo xawayaanka.

    Mahadsanidiin

  12. said says:

    said
    asc. waan kawada dhargsanhey shirqooladii uu soo maleegayey cadow midka soomaliga ah iyo kan dibada ka sooduulahey ee doonahey in uu xalaaleysto dhulka iyo dadka soomliyeed in maal ahaan loo qaato, hadii umadii sooomalieed sidii xeeradii la iskugu tagahyo ,ilaahey ayaan leenahy, diidin markii habar dugaag u tashey ee la soo gaarsiiyey fariintii waxaa uu yiri ilahey soo ma joog marka angan ale swt, ayaa talada u deyney waxaan uma u sheegahyaa ciidan aan alshabaab ka aheyn ciidan nooma ahn ayaga waa in aan biyah iyo caanhy garb xoog iyo xool waa in aan iskugu geynaa
    Eebow na samtbix labda daaroode .

  13. C/llaahi says:

    Kenya iyo dowladaha dariska la ah soomaliya waxa ay doonayaan in ay la wareegaan Somaliya waana howl soo taxneyd muddo dheer oo la doonayey in lagula wareego Dalka

    In la dumiyo Dowladii somaliya isla markaasna qabaa’ilka loo adeegsado bur burinta dalka oo ay hogaaminayaan Qabqablayaal dagaal waxa ay ahayd hor dhac lagula wareegayo Somaliya

    in la qayb qaybiyo Somaliya somaliland’Puntland,Lnad ………………….
    waxa ay ka mid ahayd hordhac la doonayo in lagula wareego somaliya

    in lala dagaalo wadadada oo ah cidda kaliya ee wax fahmeysa iyaga iyo wixii wadni ah waxa ay ka mid ahayd hordhac la doonayo in dadlka lala wareego

    Hadaba waad u jeedaaan ee Dalka ha la difaaco

  14. Nasir Cali says:

    Salaam,
    Duulaanka kenya sidaad ogtihiinba ma ahayn wax hiyi la kac ah ee waa qorshe socday muddo laba sano ku dhow, dhowr waxyaabood ayaana u baahan in la isweydiiyo: horta yaa lala dirirayaa? inta hadda dagaalka iskala soo horjeedase waa ayo? yaase loo diririyaa ama loo hiillinayaa? Si kasta oo hadalka loo dhigaba waxaa cad in Alshabaabna dhibaato iyo talo xumo weyn ay somalida ku hayaan, Kenyana ayanba soomali wax haba yaraatee dan ah u hayn, wax dan Somaliyeed ahna aan meesha lagu hayn.
    Mase la qiyaasay danta dhaqaale ee kenya ugu jirta dagaalka?
    Qaybta ugu weyn dhaqaalaha kenya waa dalxiiska waxaana lagu qiyaasaa $750M/sannad, qaadka somaliya ay dirto kama yara $400M/sannad. Waxaa shaki iiga jiraa inay kenya xitaa qorsheyneyso kismayo, waxa kaliya oo ay rabtaa waa qalalaase iyo arbushaad Alshabaab ayna u diiddo inay nidaam salka u dhigaan.
    Waxaan u malaynayaa in Somali badankeed isku raacsan tahay waallida iyo dhibta alshabaab inayan dan iyo diin midna wadin, waxaase ka sii liita kan muciin iyo rajo agdhigtay una malaynaya in kenya dan u soo waddo.
    Waxaa la galay waayihii jahawareerka iyo tiiha, lana wada garanayo maslaxadda laakiinse gaaristeeda iyo cidda siddo lagu wareero. Eebbow samata bixin labada daaroodba

  15. xagaleey says:

    igaraali ahaada marlabaad ayaan kusoo noqday kadib markaan arkay sawirka aad maanta cinwaanka nooga dhigteen oo aan filaayo inuu noqon doono mid taariikhda galo diyaarad iyo kaare duulaan ku ah dameero.
    lo`da ,ariga iyo geela soomaaliyeed ayaa mooshin kadhan ah dameeraha ugu gudbiyey dowladda kenya,ayagoo eed uga dhigay inuu dameerku reer magaal yahay waxwalbana ay kasuurtoobaan,oowna kanabad galay weerarada joogtada ah ee duurjootu kuheyso duunyada kale, dameerkuna wuxuu marqaati uqabsaday ari carbeedka oo ay isku xaafad yihiin.

  16. xagaleey says:

    bacda salaan:
    dowlada somaaliya weli kama tacsiyeen dadkii lagu xasuuqay duqeymaha isdaba jooga ah ee laga wado jobooyinka.taa waxaa kasii daran cidda duqeyneyso lama yaqaan,yacni dowladda iska leh diyaaradaha.taas maloo fasiran karaa ineey dowladu dadka goboladaas degan ay mucaaradnimo kuxumubtay? duqeyntqqn soow baabiin meyso dacwadii kufurneyd janaraal m.cali samatar oo aaney cidna kucadeyn karin inuu asagu amray ciidamadii duqeeyey walaalaheena reer hargeysa? mase dhici kartaa in xildhibaanada soomaaliyeed ee kujira baarlabaanka kenya ay si aan toos aheyn uga faaiideysanaayaan ciidamada alshabaab si lookiciyo reer NFD.
    magaceygu waa xagaleey. mahadsanidiin.

  17. scw wr wb , faragelinta kenya ee soomaaliya ma aha mid lagula dagaalamaaya shabaab, ee mid lagu qabsanaayo somaliya , taasna waxaa a dambeeya wadamada shisheeye, waxaa tusaale kaaga filan ,, markii uu sheeq shariif yiri,,, raali kama nihin kenya ciidamdeeda ,, durbadiiba waxaa isla qeyliyey amerikaanka iyo reer yurub,, oo ku yiri , sheqq shariifoow ka cudur daaro hadalkaas,,, dib dambe lloma maqal hadalkaas,, taasi waxeey ku tusineeysaa in somalia weerar lagu yahay oo lagu qabsanaayo, marki tallada waxeey u taalaa hadda waa soomalida wadaniga ah ee difaacanaaya wadankkoda , somalia waxeey ku socotaa wadadadii falastiin lagu siiyay , yuhuuda ,, waa tabtaas oo kale ee hurdada halaga kaco

  18. sadaam says:

    ad iyo ad bad ugu mahadsantihiin somalitalk oo ah websatka kaliya ee wadaniga ee umada somaliyeed wax kaqarson uso bandhiga ad bad marlabad umahadsantihin.
    somaliya waxay manta marasa ciidamadii kenya ee an amar la’anta uga gudbi jirnay xadkooda haday isa sotagana inta lalaayo laga gudbo o an layswayndiinjirin manta ay hawada iyo dhulkaba naga garacayn dad ayagu mesha kensadeena madax nooyihiin.

  19. RUN SHEEGE says:

    Runta aay Kenya aay Somaaliya ugu soo duushay waa tan hoos ku qoran.

    1. Mohamed says:
    Saturday, June 5, 2010 at 9:59 am
    Magaceygu waa Maxamed Xaaji Xusseen, waxaan ahay Muwaadin Somaliyeed,
    Waxaan aad u xasuustaa 2003 dii Habeen aan daawaday TVga NTV Kenya anigoo jooga
    Nairobi wexey wareysanayeen Nin Kamida Shirkad baareysa Shidaalka kenya halka
    ugudhaw ee Kenyanku aay kasoo saaran karaan Shidaalka,
    Ninkaan Jarmal ayuu ahaa wuxuu leeyahay waxaan tegay Lamu, Mombasa, iyo Gobolka
    Somalida ee North Eastren oo uu katilmaamay Mandheera,

    Wuxuu sheegay nin Mandheera Shidaalka kenya ugubadan uu kujiro laakiin baarid
    dheer kadib aay shirkaddiisu ogaatay Afga Shidaalkaasi in uu kuyaalo LUUQ, aad
    ayey yaab iigu noqotay wariyihii ayaa weydiiyay Su’aal ah oo LUUQ waa Somalia ee
    sidee kusuurtageleysaa? wuxuu ugu jawaabay Dowladda Kenya ayaa taas Jawaabteeda
    laga doonayaa ee Shirkaddeyna wexey leedahay Sheegidda halka ugu dhaw Shidaal,
    iyadoo aay intaas maskaxdeyda kujirto ayaan maqlay wax loogu yeeray IS AF GARAD,
    usameyn xuduud badeed 50 sano kadib!!! aad ayaan ulasiiyaabay una soo xasuustay
    sheekadii Shidaalka Kenya Afkiisa LUUQ ayuu jiraa,

    Waxaan doonayaa in aan halkaan ugu sheego Dhamaan Muwaadniinta Somaliyeed
    inDhulkeynu yahay Dhul u wada calaameysan Cadowgeena iyo Shirkado lana doonayo
    marba kiisoofuula Kursiga laga saxiixdo meeshii ladoono marka waa in aan
    sameynaa sidii aan uga hortegi laheyn,
    wexeyna ilatahay in Baarlamaanku uuqabankaro oo uu joojinkaro heshiisyada
    qaarkood sida hadaba dhacday in kastoo laftiisu uu hurday oo mardambe uu kusoo
    baraarugay.
    Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Saxaafadda Soomaaliyeed ee ka dhiidhisay Boobka
    Dhulkeykna, iyo Aqoonyahanada soobandhigaya sirta Dalaalada doonaya iibinta
    Hanti Qaran, Taariikhda ayaa xusi doonta intii ka dhiidhisay Xadgudubka aan
    gabashada laheyn,
    Maamulka Sare iyo Dhamaan Qorayaasha Somalitalk waxaan leeyahay
    leeyahay Iga Gudooma Abaal marin taas oo ah in aad hesheen Dhamaan inta Qalbi
    wanaagsan ee Somaliyed in aay kadaawatay Webkan been xaduudeedka ah, waxaan
    tegay Mogdishu 2009 awalkiisii Bari ayaan tegay Woqooyi Djabouti, South Africa,
    DUBAI Mexcio oo aan hadda Joogo intii aan arkay wexey kadaawadeen Somalitalk,
    waana dadaalka aad sameyseen taariikhda ayaad Baal dahab ah Kagasheen ee siiwada
    Horumarka..
    By: Mohamed Haji Hussein.

  20. libaax says:

    Waxaan arkaan in masaxweeyne shariif uusan rabin umada soomaaliyeed hesho dawlad shaqaysa oo hanata amaanka si loo soo celiyo sharafkii dawladnimo ee burburay.

    Waxaad moodaa in uu raacsan yahay 21 sanadood amaan darada ka jirtay xamar ee soomaali u xayirayd inay sii socoto uun hadaba waxaan orankaraa amaan daridii casimada tiil unbuu qaybkayahay. waxaana naga yaabisay in uu hore u aqbalsanaa in amisom iyo dawladaha afrika ay ciidamo usoo diraan haday ahaan lahayd kenya iyo itoobiya si buu yiri wax looga qabto argagixisada. waxaa tan cadayn u ah maalmo kahor iyo intii mudo ahba waxa uu taageeri jiray in kenya lagu soo tababarayo ciidamo ah dawlada kumeel gaarka ee soomaaliyeed kuwo kasocda oo kamid ah!!! wuu sheegan jiray raalina wuu ka ahaa inagoo ogsoon in ciidankaas ahaa ciidan AZANIA hoosyimaada kenyana caawiso.

    Waxaan shacabwaynaha JUBOOYINKA IYO GEDO fahmi waayeen argagixisada xamar halaygalasaaro laakiin juboooyinka iyo gedo ha joogeen!!? Waxay ilatahay madaxweeynuhu wuxuu fahmay in shacabka jubooyinka iyo gedo garteen dantootii oo u istaageen inay samaystaan maamul lamid ah kan somaliland iyo puntland markaana umada soomaaliyeed ay u jabayaan dhankaa dhulka barwaaqada ah ayagoo ka cararaya dhibka iyo gaajada xamar taala tanuu diidanyahay hadii maamulkaan hirgalo looma baahna xamar danbe iyo sheeg sheegeed waxaan qabaa in ninkii gobol soomaali kamid ah nabad ka dhigaa in uu wax taray guud ahaan soomaali sidaa somaliland iyo puntland oo hadaba somaali oo dhami ku nooshahay.

    21 sanadood aduunyadu waxay tiraahdaa somaaliya nabad maha waa run laakiin dhabtu waa xamar shacabkeeda kaliya ayaa loo xayiranyahay oo diidan dawladnimadii waayo waa casimada ay dagan yihiin dhibtu soomaalina hada kahor katashan waysay. waanu soo dhawaynaynaa dawlada kenya in ay gacan walaalnimo nagu siiso in la dhiso maamul jubooyinka iyo gedo katibna baydhabo ilaa afgooye oo walaalahayo raxanweeyn ka dhisato maamul kadibna waqti lasiiyo bal inay isamaan galiyaan qolyahan xamar dagani cidna aysan isku mashquulin sidaasaa danta soomaaliyeed ku jirtaa sidaasay ilatahay

  21. gaani says:

    Waa yaab dawlada kumelgarka ah rajadi laga qabay way dhumisay markay heshiiska indho la aanta ah saxiixday.

    Toban magalo hadii duqayn aan loo meldayin lagu garaaco shacabkina mesha ku dhamado aaway dowladii masuulka ha ahayd. Aniga dowlad kuma tilmami karo ee waa koox maafiyo ah oon waxba ka naxayn.

    War caqligu ha shaqeeyo xabadu Alshabab ma taqaane.

    Hadda sida muuqata shacabka ka hosbixiya oo ha qaxeen weeye lkn shacabku waxay u jedaan dadkii macaluushu heshay sidii loolo dhaqmay markay maafiyada hoosyimadaane dowladda isugu sheegay.

    War is casila oo madaxiina naga qariya. Hadad dacad ku shaqaynaysaan cid walba idinka ayay idin hoos iman lahayd shacabkuna wuba ka so qixi lahaa cid walba o cadadis ku haysa lkn nasiib daro fursado badan baad lumiseen.

    Kenya marki hagardamadeda iyo damaceda la arkana shababku janno ayuu noqon.

  22. Abaleey says:

    Waxaan aad iyo aad uga xumahay duulakan gardarada ah ee laguhayo gayiga Somalia dhulka anaga iska leh hadii ay Kenye cadaw ladirireyso
    waxa kufilan in ay xuduudeda xirato cidii usotalowdana gafuurka jabiso
    lakiin arintu intaa wey ka gudo weyntahay waxad mooda in wadankii la
    qatay oo laqeybsaday alle umaqan umada somaliyed.

  23. Xujaale says:

    Waa yaab, Kenya iney ku xadgudubta madaxbanaanida Somalia waxaase ka daran, iney ay tiraahdo waxaan duqeynayaa 10 magaalo continously, dadka meelahaas ku noolna ha ka tageen iyadoo sabab uga dhegeysa Alshabab ayaa halkaas ka taliya. xagey rabtaa Kenya iney dadkaas masaakiinta ah ee 20 sano iyo wax ka badan ku dulman aadaan, miyeysan arkin dadkii horey guryahooda looga barakiciyey in waxyeelo iyo dhibaato aysan ka soo kabsan karin loo geystey.

  24. wiil somali says:

    Waxaa ii muuqato in dadka madaxda sheeganaya in ay yihiin dad khaa’inul wadan ah in ay yihiin oo kaliya ku mashquulsan in ay badda gataan marna ay cadaw soo jiraan ah waddanka u soo hor kacaan, kenya oo dhul hore naga heysata ayay rabaan midkii xurta ahaa in ay ku daraan, laakiin waxay ilowsan yihiin in wadanku leeyahay wadaniyiin geesiyaal ah oo cid kasta oo ku soo gar darroota af ciidda u dara. kuwa dulliga ah ee u maleeyo in madaxtinimo lagu gaaro cadaw lasoo hogaamiyo, kuwaasina wey eedayaan insha allaah. ayaga iyo oo dulleysan ayaa dib u carari doona. dadku ha is diyaariyaano in ay la diriraan kenya iyo inta la socoto.

  25. Musefoollow says:

    Asc.waxaan salaamayaa umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto,waxaan ilaahay ka baryi in dhibka ina haysto ilaahay naga saaro aamiin,
    intaas ka dib waxaan leeyahay umada soomaaliyeed in ay iyada isku tashato ma ahane cid ay wax ka sugto ma jirto,umada masiirkeeda in maalinba nin meel looga saxiixto waa wax anaka nalaka arkey ee soomaaliyey aan dfaacano diinteena,dalkeena.iyo dadkeeda,iyo badeena,maalin in ethioipia iska soo gasho iyo kenya waa wax aan sabab u nahay ee ilaahay aan u toobadkeeno,in dalkeenii hal magaalo labo maamul yeelato yaa iska leh?cid kasta in ay ska soo gasho yaa ska leh?in basriis maalin ah la dhaafsado dalkaan yaa iska leh?Amisom ,ethiopia,kenya,yaa keensadey waa USA, welina in wax nabad ah ka dhalato soomaaliya isagaa diidan iyo kal daadsanaateena
    Yaa u maqan wadankaan qaniga ah? waa inakee kaalaya aangarbaha isqabsano oo aan cid kasta dhulka ku jiidno,arinta kenya waa mid salka ku haysa shidaalka kismayo ku jira in ay France noo soo saar oo wax yar iga sii tiraahdo,anana refuge camp qamadi dhacay nala ku gumeysto. ilaahow dowlad soomaaliyeed oo caadil ah oo dadkeeda iyo diinteeda difaacdo ayaan ku weydiisaneynaa .qofkasta oo soomaali ahna waxaan weydiisanayaa marka aan salaadaha tukaneyno in ilaaahay aan u barino in arimaheena toosiyo,dalkeena nabad ka dhaliyo,qabiilkana naga daweeyo

  26. farah says:

    Asalaamu calaykum wr.wb.
    salaan kadib waxaan rabaa inaan xasuusiyo walaalaha soomaalideed marka labo dowladood ay kala saxiixanayaan heshiis in meesha laga wada suro labada calan oo muujinayso labada wadan ee heshiiska kala saxiixanayo, markii aan arkay sawirada qofwalba waxbaa umuuqanayo aniga waxaa markiiba ii muuqday in halwadan uu heshiis galayo laakiinse yuu lagaayaa heshiiska koox,mise qolo,qbiil.mise dowlad marka hadii ay moodeen qolooyinkaan heshiis iska saxiixayo in soomaali aysan damiir lahayn oo muwaadinimadii ay ka dhamaatay ha ogaadaan inaysan dhamaanin oo wali dad badan oo nool inay jiraan ayagana iyo kuwo uga horeeyay wadadaan inay taariikhda ugashay sawirkaas goor ay noqotana lala xisaabtami doono,waxaan kaloo rabaa inaan soomaali xasuusiyo wadankeena inuu dego waa naloo diidan yahay oo lama rabo inuu dego waxaana daliil kuugu ah markii uu ay yimaadaan dad daacad oo ka hormarinaayo danahooda gaar ah danta guud in markiiba jagada laga qaadayo ama labahdilaayo,waxaanse idiin sheegayaa in tan Alle ay soconayso waxa uu ugu talagalay umaddaas.

  27. qore says:

    ASC aniga waxba oran maayo lakiin tariikhdu iyadaaaaa is qorta sawaxaan idiin hubaaaaaa haddii uu eebo edmo in uu quuyruku soo dhawyahay.

  28. Osman says:

    Heshiiskaan waa heshiis farsamo oo sida kenya wax u damacsantahay iyo kaalinta beesha caalmka laga rabo ayaa ku qoran.
    Haddii qodobka 51aad u oggolyahay Kenya inay isdifacdo, Somaliya inay xaduuddeeda difaacato oo ka hadasho miyuu qodobkaas diidayaa?
    Midda labaad shabaab wuxuu yahay iyo dawlad waliba waxa kala gudbon waa meesheeda, ee Dawladda Somalia ciidanka soo galay dhulkeeda oo dhacabkeedi diyaaradaha ku laayay mandateka ay haysteen aaway oo kusoo galeen dalka, yaa laga ansixiyey maxay ku joogaan hadda an ka ahayn waa isdifaacayaan, meeqa ayay joogayaan, sharciga iyo amarka ay ku shaqaynayaan waa kee, shacabka dhulka ay ka hawl galayaan sharciyada kal xaddidaaya ayaga iyo shacabkaas waa kee, taliska guud iyo amarka xaggay ka qaadanayaan, hadday dhib gaystaan marjaca loola noqonayo waa xaggee.Dawladda Somalia ma leedahay amarka inay ku amarto inay baxaan mase aqbaleen inay u hoggaansamayaan dawladda dalka leh hadday baxa dhahdo inay baxayaan?
    Meesha la qabto yaa maamulkeeda iska leh oo looga damveynayaa.Ciidanka Kenya iyo kan Somalida siday isula shaqaynayaan.Maxaa loo qeexi waaya qodobbada Somalia ka hadlaya horta intaan tan Kenya laga hadlin.
    Muxuuse la aamusanyahay madaxweynihi shalay buunka afuufay oo dadki kiciyey mieyey isku afgarteen asaga iyo raiisulwasaarihiisa arrinkaan mise waa kor iyo hoos ayaa laga canaantey oo lagu aamusiyay?
    Muxuu yahay haddaba mawqifka guud ee dawlada Somaliya aawayse Baaralaamaanki.walaalo is nacay waa xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan ayaya somali hore u tiri.Kolleey sidaan dawlad laguma noqdo qayrkeena wax kulama qaybsan karno ee madaxda waxaan leeyahay aan maqalno iscasilaaddiina ceeb intaan noogu filane.

  29. Abdirisaq says:

    Meeshaan cay wax ma tarto iyo oohin.
    Tan iyo maalinkii uu Cumar Carte Qaalib galab ku dhawaaqay ciidanka xoogga dalka Somaliyeed oo la dhisay 12 april 1960gii halla tirtiro oo hubki qaranka somaliyeed oo intaas oo maal ah laga bixiyey intaas oo ciidan ahna min jana istraatiijiyad iyo hawlgelin soo bartey iyo sarkaal madaafiicda goobta, taamgiga, miinada dhulka, gantaallaha iyo madaafiicda difaaca cirka , dayuuradihi iyo duuliyayaashoodiba, iyo maraakiibti difaaca badaheenna ragaas oo ka koobnaa dhamaan Somali oo dhan isla markaasna lagu baxshay hanti min dableydooda ,alifleyda iyo sraakiishoodaba inta hal mar hubki laga qaado in reer baadiye qabiil isku bahaystey oo wax ciidan la yiraa aan aqoon xirfadaysan ka aqoon hallagu warejiyo yiri Muqdishana u mashxaradaysay, lagu xijiyo maalinki taangi Axmaaro wasaaradda Gaashaandhigga muqdisho lasoo dhigay ilaa maanta oo heshiis maskiinnimo ka muuqato o ninka saxiixaya inuu dawlad ka socdo iyo inuu gobol ka mid ah gobollada Kenya ka socdo aan la kala aqoon oo Calanweyn oo Kenya leedahay hoos fadhiyo waa taxane taariikheed oo waxa aan nahay ka tarjumaysa.
    Somalidu wax kasta oo dhaca waxay u tarjumataa qabiil projection qabiil ayayna wax ku cabbirataa madaxdi dalka, aqoonyahanki, maamul goboleedyadi ,xildhibaanadi iyo xataa wiilashi dhaalinta yaraa ee website-yada iyo wargeysda qorayay waxaa saameeyey cudurkaas oo aad ka dheehan karto mid walba hadalkiisu meesha uu u biyo shubanayo.
    Calaa kulli xaal Somali Shabaab oo aan waxba ka maqlayn tiisu u caddahay, caalamki oo sabab iyo marmarsiyo ka dhiganaya, quwad qaran oo aan isku difaacno oo codkeenna lagu maqlo iyo calaf aan wax ku hawl gashanno oo aanan haysan, aqoon darro baahsan oo dawladnimada iyo xuquuda asaasiga ah iyo xirirka caalamiga ahba naga saaran,iyo qabyaalad daah bir ah xaqiiqda iyo xaqa naga saareysa ayaa nagu kulmay.Hadalkeenna iyo ficilkeenna iyo rabitaankeennuba waa isdaba marsanyihiin ilaa aan gaarnay wax noo dan ah iyo wax noo daranba ama cid noo roon iyo cid noo daranba inaan kala garan weyno.Waana nasiib daro aad u weyn.
    Waxaan qabaa in bal dib aan isugu noqonno oo qaabka wada shaqaynta ee xukuumadda aan saxno oo code of conduct ama xeer nadaamiye shaqo aan u sameyno xafiisyada madaxweynaha, kan raiisulwasaaraha, kan guddomiyaha barlamanka, iyo wasiirradaba oo markaas aan garanno qofka wax qaladaya oo shaqadiisa meel ka baxsan galay ciqaab ay ku jirto xil ka xayuubin, xasaanad lumin iyo maxkamdeyn intaba waa inay ku caddahay xeer nidaamiyaha si qof waliba sax ugu guto shaqada qaranka huhaada iyo is garabyaacuna meesha uga baxdo.
    Heshiiskana waxaan leeyahay khubaro somali ah haloo bandhigo marka ay report ku lifaaqaan ay ku qeexayaan faaiido iyo dhib waxa somali ugu jira baarlamaanka kolkaas halla horgeeyo haduu daaqadda ka tuurana kuwi badda umbuu usna raaci doonaa umaddana allah wuu uga raaxayn,hadii la ansixiyana dee hadal kama dambeeyo oo waa in la ixtiraamaa waayo qaraar iyo macaanba kala dambynta iyo isku duubnida iyo ismaqalka ayaa ka weyn inti buuq iyo fawdo la geli lahaa waa isaga qasbanaanaynaa inaan indhaha isku qabanno oo sidi xabbad chloroquine malaria ah inaan laqno..

  30. c/risaaq says:

    Assalaamu calykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu,
    meesha heshiis kama dhicin ee wadaniyad yaraanta iyo aragti gaabnida reer wasaaraha iyo dowladdiisa ayey ku tusaysaa waayo ciidan dhulkaygii soo galay baan heshiis la galayaa macnaheedu waa waan isdhiibay dhulkaygiina waan hibeeyey.
    Shabaab iyo Cabdiwali Gaasba wey tegi doonaan kenyana iyadaa u harin jubbooyinka. Runtuna waa sidaas ee Soomalaay tasho oo waddankaaga saad uga difaaci lahayd kuwa danaha gaara leh intay goori goori tahay oon talona faraha ka bixin u wada istaag oo maantay bay dabaqabasho leedahaye diid oo meel kasta kaga mudahaarada hibeynta C/wali Gaas ee jubbooyinka.

  31. Bariir says:

    Waxaa ah wax laga xumado in la dhiifaaco shacabka kenya, shacabkeenana uu uhanjabo afhayenka ciidanka kenya kuna amray inay ka qaxaan 10magaalo. si ay qaxoodi u ku noqdan kenya. Somaliya wa meel ciidamada dunada dababar lagu siyo hubkana lagu tijaabiyo rabiyo noo garkar. R/g wa khaladki 3aad ugalo, khutbadisi ugu horeysay e barlamanka u ku dagerayay accordki kampala, marna wa khaladki new york, hadana wa kana asago hilmamay calankeni hos daagana kii kenya. Hadhow markay saxafada wey diso ha inkiro

  32. c/laahi sufi says:

    Asc, waa wax laga xumaado ah,dadka madaxda ah o leh, inay kenya is difaacdey xaqbey u leedahay,hadana ah madaxd soomaliyed, meshi laga rabay inay difaacan sharafka iyo madaxbananida soomaliya,waxay ka dorbiden in nacamleye u noqdan kuwi horay dhulkeni u dhacay,badenana fakadka u ah,balse mahmahda ciyalka xaafada aya ahaeyd, “wax badso wax beeley leedahay” n.f.d’qaabkan ku so ceshan laheyn ayay bilow u tahay ilahay idanki, waxay mareysa nin walbow madaxaga meyrax ku duubo,inta damirka leh e somalinimo ku dambeysow an wada difacno dalkena,qaab kasto an awod iyo aqon u lenahay an ku difacno.Ogaadana,in cadaawada nalo qabo ay tahay mid ka weyn so galida kenya,waxa dawladahan cawaandiga ah gadal ka so riixaya wa kuwa ugu tunka weyn dunida,waxa ey horay nogu reebten ma jirto,e anaga ah, Alah aya wato oo wehel uma baahna, tusale waxa nogu filan,dowlada Mareykanka ujeedoyin badan ayu ka laha askarta u dalkena so galiyay,balse waxyaba badan u ku fikirin ayu kala kulmay sida dagal lala galay ciidamadu bunbuninayay e “raanjariska”iyado hadana ay qaaten in badan o ka mid ah ciidamadisi diinta ay la dagalamaye ee islaam ka , iimanka,geesinimada,niyad wanaaga, kartida,soomaali ilaah ku maneystay iyo u sabarka dhibaatada baaxada weyn e heysato, aya tusale wanagsan u noqotay,ciidanku keenay dalkeena,eebana ku hanuuniyay,marka yan la niyad jabin,sey raban socon meyso e su alah ka dhigo ayay noqon. Insha alah.

  33. Asc.

    Shabaab iyo Kenya ha isku jabeen; alloow labo dibi isku jaan qaad aan jiljilannoo jeeni ka cunnee – markay isku jabaan ayaa Jamhad waddani ah soo bixi doontaa taasoo Kenya, AMISOM iyo Shariif meesha kasaari doonta idinka Ilaahay. Waa jamhaddaas tan dalka isu keeni doonta, jaalleyaalow u diyaar garooba in aad is qortaan si mutadawacnimo ah marka ay Jamhaddaas soo ifbaxdo.

    Isbuucii hore waxaan tababar iskula jirray koox keenyaati ah oo 4 xubnood ah, kulligood waxay daqiiqad daqiiqad u aqriyayeen website yada kenya iyo Soomaaliya, mid ayaan is waraysannay oo aan ku iri maxay tahay sababta aad ugu duusheen Soomaaliya, wuxuu yiri waxaan rabnaa in aan buffer zone ka samayno si aan isu ilaalino, markaa waxaan weydiiyay haddii ay Kenya xakamayn weyday cudduudda North Eastern ma waxay awooddaa in ay ilaaliso dhul ballaaran oo Soomaaliyeed? wuu qoslay. Wuxuu kaloo ii sheegay in qarashka uga baxa Kenya dagaalkaan ay kasoo ceshan doonto dhulka ay qabsato oo maamulka ka dhisto, taas macneheedu waa ama Dekedda kismaayo ama shidalak badda Soomaaliya.

    Dalkaan wiilkii reeryada Gumaysiga ka ridi lahaa Allaha soo bixiyo,,,,,,aamiin.

    Asc.
    Wa billaahi towfiiq.

  34. Said says:

    Wager ! waakaa lashiray oo calankii Kenya ka babanayay qolka shirka ee meeyay kaayagii Somalia, Raysal wasaare, calankaygii meesha malaga hilmaamay mise Kenya ayaanu ka mid noqonay?

    Calanku waa astaan u taagan xornimo, waa sumad matasha ummad leh wadan u gaara oo MADAX BANAAN kana mid ah QARAMADA aduunka..

    Bacdama Calankii Somalia uu hishiiskaas ka maqnaa, soo tuhunkii banaanka soo dhigimayso… yaa hishiiyay, side buuse hishiis noocas oo kale ansax ku noqon karaa..

  35. ibnu xusseen says:

    ACW

    Sidii dowladii somaliya u burburtay ilaa mudo dhaw rajaan qabnay in somaliya marun soo noqondoonto. laakiin hada sadaasha muuqata rajadu aad bay u xuntahay, Raga talada somaliya hada hayana rag damiir somalinimo leh maha, wadaninimo iskabadaa. bal ninka shacabkiisii oo laxasuuqayo, gaalkii xasuuqayay la fadhiyo oo inkiraya inuu xasuuq gaystay iyodoo caalamkoodhan laga sheegayo….!

  36. Mahad says:

    Ha hilmaamina raad raadinta ay Kenya raadinaysay sida ay ugu soo durki
    lahayd badda Soomaaliya xiligii dowladii Cumar C/rashiid.
    Ha hilmaamina beryahaan danbe in aan maqlaynay in ay Kenya soo taageraysay Sheikh Axmed Madoobe oo ay ku meeraysanaysay xad beenaadka ay Sooomaaliya la leedahay waana saddexdii sano ee uugu danbaysay.
    Ha hilmaamina wixii dhaxmaray C/llahi Yuusuf iyo dowladii Mengistu Haile Mariam horaantii 1980s markii SSDF ay qabsatay Galdogob iyo Balan Bale oo labaduba ahaa dhulka Soomaaliya.
    Marka dadka maan gaabka ah oo ka dhashay umada Soomaaliyeed ee u ahaysta in Kenya ay u caawinayso derisnimo,saaxiibtinimo iyo walaalnimo waad khaldan tihiin hana hilmaamiina taariiqda iyo xiriirka anaga iyo Kenya,dib u fiiri siday u xasuuqeen Soomaalida reer Wajeer iyo Gaarisa,iyagoo ilaa iyo hada loola dhaqmo second class citizen oo iyaga iyo Soomaalida ku ah qaxootiga Kenya aysan waxba is dhaamin.
    Soomaaliyey hurdada ka kaca,yaana la idin qaldin,kuwa adinka idin ka dhashay ee wax ma garadka ah u duceeya si Allah qalbadooda uga soo jeediyo gumaysi raaca iyo maan gaab nimada.
    Soomaaliyeey i su naxariista ana waxaan idinku ducaynayaa in Allah isu kiin soo jeediyo qalbadiina oo aad isu naxdaan.
    Asalamu Calaykum.

  37. Ninkii sahanka u ahaa ABRAHA(xabashigii kuduulay Kacbada,sanakii maroodiga)-waxaa la odhanjirey Abuu riqaal’
    Inaka abuuriqaalkeenu waa C/weli.

  38. Heshiiska C/Wali iyo Mr odinga
    1) In Kismaayo kuukuuyada loo gacangeliyo
    2) In bada loo sixiixo kukuyada
    3)in xildhibaanada doofaareey dib loogu celiyo kenya
    4)in Muqdishu maqaayadaheeda Ogaali laga kariyo
    5)in qaadka qiimahiisa kor loo qaado si ay kukuuyada uga macaashto
    6)in Danjire Cali obasiibo loo daayo xilkiisa madama uu si cad duulaanka kukuyada u taageray.
    7) in UN ta xaafiisyadeda loo daayo kukuyo land
    8)in daqliga dakeda kismayo kukuyada 100% lagu wareejiyo.
    9)in qaxootiga Soomalida ee jooga kenya la laba jibaaro si kenya uga macaashto .
    10) in ugaarta duurjoogta ee ku hartay Soomaliya dhamaan lagu wareejiyo kuukuyada.

    saxiixa
    Mr C/Wali taksiile
    Mr Odinga Ogaali

  39. Ilyaas says:

    Waxaa la yaab leh in Dowladda KMG
    A)- ayadoo og in Kenya aay baddii Soomaaliya heshiis caalami ah kula gashay Shirkado shisheeye,
    B)- ayadoo og in aay kusoo duushay dhulkii Soomaaliya si qasab iyo bareer cad uga soo tillaabsatay xuduuddii, dayaaradana ku rusheysay magaalooyin aay shicibka Soomaaliyeed dagganyihiin oo dad Soomaaliyeed ku dhinteen,
    C)- ayadoo og in duullaankaas aay soo qaaday uu yahay in si xoog ah ku
    qabsato dhulkaas Soomaaliyeed oo shiidaalku ka buuxo.,
    ayaa hadda waxaa R.Wasaaruhu waxuu u saxiixay in aay weerarkii sii wadaan, meeshii laga rabay in uu marka hore dib ugu celiyo xuduudoodii,
    kaddibna uu kula xisaabtamo baddii Soomaaliyeed oo aay xoogga ku qabsadeen oo heshiisyo la galeen.
    Sheekada shabaab baa la bursanayaa wey ka weyntahay arrintu ee R.Wasaaruhu asagaa hadda matalaya rabitaanka shicibka ee wax
    shicibka Soomaaliyeed u cuntama ha usoo hoyo, haddii kale ha iscasilo
    rag la xisaabtama Dowladda Kenya lama weynayee.

  40. Adam Zaki says:

    Dharaar baa iman doonta hadaan Eebahay ceymin -afku uu hadal daayo-Imaaraadka sidoodiyo ninba aag ku go’doomo.