Home » Faallo »

Difaaca Nabiga Suuban waa ku Waajib Muslimiinta.

Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeelee) Xaqiiqdiisa ma jirto cid ka taqaan Rabiga Caalamiinta Abuurtay marka koowaad asagaana cadeyn ugu filan iyo Daliil inuu ku sheegay Kitaabadii uu ku soo dajiyay Nabiyada oo dhan magac ahaan ama tilmaan ahaan sidaan soo sheegnay.

Suurada AS-Saf Aayada 6aad: Xusuusta markii {Nabi} Ciise Ibnu Maryamaku yiri Banii Israa’iil: waxaan ahay Rasuul Alle idiin soo diray oo Rumeyn Kitaabkii Towraad ee horeeyay, kuna Bishaareyn Rasuul gadaasheyda imaan oo Magaciisuna yahay “Axmad” markuu Xujo cad ula yimidna kani waa Saaxir cad.

Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeele) xaqiiqdiisa hadii aan wax ka tilmaano faahfaahin ahaan waxaa uu ku dhashay Magaalada makah asagoo Agoonim ah, Aabihiis waxaa uu geeriyooday asagoo Caloosha hooyadii ku jira, Hooyadiina waxa ay geeriyootay asagoo aad u yar, waxaa uu ka dhashay Qabiil Qureysh loo yaqaan oo Dhalash ahaan kasoo jeeda Asal ahaan Nabi Ismaaciil Ibnu Ibraahiim.

Waxaa uu ku barbaaray Magaalada Makah iyo hareraheeda waxaa uuna raaci jiray Ari asagoo aad u yar, waxaa uu lahaa Adab iyo Amaan dadku yaqaaneen, weligiisna kama safrin Magaalda Makah laba jeer maahane Nabinimadiisa ka hor, mar waxaa uu u raacay Adeerkiis Abuu Dhaalib dhanka Shaam mana ka harin ilaa uu ka soo laabtay waxuuna ahaa markaas saqiir, marna waxaa uu la safray Meysara oo ahaa Qaadimkii Khadiija Bintu Khuweylid oo Ganacsi ahaan u raacay, asagoo xiligaas laabatan iyo Dhowr jir ahaa, labada marna waxaa uu tagay Shaam marna kulamo iyo fadhiyo gaar ahna lama galin Culimadii yuhuuda iyo Nasaarada ee joogtay Dhulkaas, mana ka baran Diin iyo Cilmi ay gaar u lahaayeen, kaliya waxaa jirtay Markii uu la socday Adeerkiis asagoo Wiil yar ahaa ayaa waxaa arkay Raahib Buxuyra la dhihi jiray Caalamadaha Wiilkan yar ee muujinaya Nabigii Mustaqbalka la sugayay inuu yahay markaa ayuu Adeerkiis faray: [in ay ku celiyaan wiilkaan Magaaldiisii si aysan u arag Yuhuuda joogta Shaam si aysan Dhibaato ugu geysan] islamarkiina Nabiga Suuban Adeerkiis Cabsi ayuu dareemay Hadalka Raahibka dartiis waxuuna goostay inuu dib u celiyo, arimahan waxa ay Cadeyn u yihiin Nabiga asagoo yar ama Qaan gaarayba inuusan Cilmi u doonan kana qaadan Culimadii Yuhuuda iyo Nasaarada midnaba.

Suurada An-Naxl Aayada 103aad: Waxaan Dhab u ognahay inay Dhihi waxaa Bara Nabiga Quraanka Dad, Carabkey ku leexin waa leexin (kuwa ay leeyihiin wuu ka Cilmi bartay) waa Cajami kanna (Quraanka) waa Af Carabi Cad.

Aayadan waxay Daliil u tahay in ay been Abuurad tahay dooda ay qabaan Xaq diidyada oo ah inuu Nabiga Culimada AhluKitaabka ka Cilmi qaaday, waayo kuwa ay tilmaamayaan inuu Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeelee)

Diinka ka bartay waa Cajam Nabiga Suubana waa Carab Fasiix ah oo aan Afka Cajamta iyo Xataa Qoraalka afka Carabiga wax ka aqoon, Nabi Muxamad waxaa uu ahaa Ummi waxna ma qori jirin mana aqrin Karin, marka sideebey suuragal ku tahay in uu ka Cilmi qaado dad uusan luqad aqoon ama dad uusan weligiis waqti gaar ah ku bixin?!

Suurada Al-Cankabuut Aayada 48aad: Ma tihid mid wax aqriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada markaas ayay Shalkiyaan kuwa Baadilka (Xumaanta) ku socda.

Weliba waxaa xasuusin mudan Qoomka uu ka dhashay Nabi Muxamad (Nabad iyo naxariis korkiisa Alaha yeelee) xataa waxa ay ahaayeen dad harsan xaga Aqoonta Maadiga ah iyo Mida Diineedba suuragalna ma aheyn inuu helo fursad uu kaga barto Diin iyo Cilmi dad ayaguba aan Diin heysan wax aqoona laheyn.

Suurada Al-Jumca Aayada 2aad: Alle waa Kan usoo bixiyay kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku aqriya korkooda Aayaadkiisa (Quraankana) bara iyo Sunada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwa Baadi Cad ku sugan.

Marka Nabiga iyo Qoomkiisuba waxa ay ahaayeen dad ahaan dad Ummiyiin ah aqoon aan u laheyn Diimihii ay heesteen Ahlu-kitaabkii joogay Xiligaas, xataa hadii ay dhihi lahaayeen Nasaarada Maanta joogtaa dood ahaan Culimo Masiixiyiin ah ayaa Cilmi bartay waxaa naqdin ugu filan hadii ay Masiixiyo Diin bareen halkuu kala yimid Nabi Ciise inuusan aheyn Illaah iyo Wiil Allaah dhalay lana Salbin? halka Masiixiyadu ka aaminsan yihiin inuu yahay Nabi Ciise Illaah, Wiil Allaah dhalay lalana Salbiyay?.

Halkuuse ka kala yimid Nabi Muxamad inuu cadeeyo inaad been ka sheegteen Nabi Suleymaan ama Nabi Nuux ama Nabi Luudh Nabu Haaruun iyo dhamaan Nabiyada Kitaabadiina lagu Dhaliilay in aysan Dhaliilahaas laheyn?.

Sideyse suuragal ku tahay haduu Culimo Yuhuud ama Nasaara ah ka Cilmi bartay inuu Sheego dhaliilihii waaweynaa ee Ahlu-Kitaabka Diinkoodii ka galeen ama Kitaabadoodii ama Shuabadii raacsanaa ka galeen?!

Siduu ku awooday Nabi Muxamad haduu Culimadii Ahlu Kitaabka ka Cilmi qaaday inuu Cadeeyo faahfaahino ku saabsan Qisooyinka Nabiyada gaar ahaan Nabi Ciise iyo Hooyadiis Maryama si aysan Kitaabada Ahlu kitaabka uga hadlin?!

Sideebuu ku awooday inuu faahfaahiyo Arimaha ku saabsan Janada, Naarta iyo Qiyaamaha si ka badan sida Ahlu-kitaabka Kitaabada ugu qoran haduu Ahlu kitaabka ka Cilmi qaaday?!

Sideebuu ku Awooday inuu soo Tabiyo Umado iyo Taariikho aysanba qorin Kutubada Ahlu-Kitaabka sida Reer Caad iyo Reer Thamuud iyo Taariikhdii Xadaarada Labadaas Umadood iyo Nabiyadoodii iyo Cadaabkii ku dhacay kuwii labadaas Nabi Beeniyay iyo sidii ay ku Badbaadeen kuwii Raacay Labadaas Nab?

Siduu kusoo tabiyay Dhacdooyinkaas haduusan Waxyi ahaan ku ogaan Taariikhdaas aysabna Sheegin Xataa Kitaabda Ahlu-Kitaabka?

Hadiise ay sax tahay in ay Ahlu-Kitaab Cilmi bareense maxey ku ogaan waayeen ayaga Naf ahaantooda Taariikhdii Umadahaas iyo Nabiyadaas Quraanka lagaarka yahay?.

Suurada Huud Aayada 49aad: Kaasi waa warkii Maqnaa (Geybka) oo aan kuu waxyoonayno maadan aheyn mid Og Adi iyo Qoomkaagu midna kan (Quranka) hortiis ee Samir Ciribta (Fiican) waxaa leh kuwa Dhowrsada.

Jawaabaha Su’aalahaas waxay muujinayaan in Nabi Muxamad Diinka iyo Quraanka lala soo dirayba yihiin wax ka yimid xaga Rabi oo aysan aheyn wax uu naftiisa ka Aliftay ama uu ka Dhaxlay Culimo Diimeed ka horeeyay, waayo suura gal ma aha inuu Nabi Muxamad Cilmi ahaan si Shaqsiya kaga hadlo ama Ogaado arimaha waa weyn ee Quraanka ku Quran haduusan waxyi ku heli laheyn.

Hadiise Nabi Muxamad uu ka Cilmi bartay Ahlu Kitaabka siduu ku awooday inuu ku khilaafo Caqiido ahaan, Taariikh ahaan iyo Sharci ahaanba?!

Qofkii aad u Baara Quraanka Kariimka waxaa u soo baxaya inuu Quraanka aad ugu Badalan yahay Kitaabda Ahlu Kitaabka ugana saxan yahay, Quraanka waxaa uu Xambaarsan yahay Caqiido tan ugu saxan oo ah in la Caabudo hal Ilaah kaliya kaasoo ah Rabiga Koonka Abuurtay ee Bilaabay Abuurka Koonka Maamulana, Xaga Taariikhadana Quraankan waxaa uu xambaarsan yahay Taariikho ay Kitaabda Ahlu Kitaaba si gaabis ama Gabood fal ku jira usoo gudbiyeen ayagoo faahfaahsan si saxan oo dhab ahna loo taxay, Dhanka Sharcigana Quraanka Nabi Muxamad lagusoo dajiyay waxaa uu Xambaarsan yahay Sharciyo aysan ka duwan kuwa ku Qoran Sharciyada ku yaal Kitaabada Ahlu-Kitaabka kana Sahalan.

Arimahaan oo dhan iyo kuwa kalaba waxa ay marqaati kacayaan Nabi Muxamad inuusan awoodin shaqsi ahaan inuu Aqoonta Quraanka ka buuxda u awoodin isla markaana inuusan ka baran Aqoontaas dad kale ha ahaadeen Ahlu-Kitaab ama Mushrikiin waayo ayaguba ma laheyn Aqoon intaas gaarsiisan.

Waxaa kaloo Nabiga Muxamad inuu ahaa Nabi Wayi ka helay xaga Allaah muujinaya Cilmiyada ka buuxa Quraanka kuwaasoo uusan awoodi Karin ruux joogay mudo laga Joogo iminka 1400 sano ka hor, Cilmigaas oo isugu jira kuwa aan weli la ogaan iyo Kuwa la Ogaaday qarnigaan 20aad biloowgiisii ama Dhamaadkii Qarnigii 19aad waxaana ka mid ah Cilmiyada Nbai Muxamad Quraanka kusoo tabiyay kuwan soo socda.

1- Abuurka Cirarka iyo Dhulalka waxaa Quraanka kasoo tabiyay inuu ku Biloowday in ay Samada iyo Dhulka ahaayeen wax isku dhagan ka dibna la kala fujiyay, arintaas oo ah waxyaabaha ay Culimada baara koonka ogaadeen Qarnigaan gudihiisa…

2- Abuurka Uurku jirka Quraanka waxaa uu ka bixiyay Faahfaahino ay aad ula yaabeen Culimada Qarnigaaan 20aad ee Cilmigaas ku taqasusay markii loo sheegay inuu Quraanka Nabi Muxamad loo waxyooday ka hadlay marxaladaha Insaanka Abuur ahan soo maro 1400 sano ka hor..

3- Waxaa kaloo ka buuxa Cilmiyo weli Insaanka aysan gaaran ama aysan ku gaarin baaritaan laakiin Quraanka ku dhex jira.

Marka ma aheyn Risaalada uu Xambaarsanaa Nabi Muxamad wax uu asaga Aliftay ama Alifan karay mana aheyn wax uu ka bartay Dad kale oo Cilmigaas iyo xaqiiqooyinkaas Dhabta ah sidaas u yaqaanay, laakiin Risaaladiisa waxay aheyn mid kaga timid Xaga Rabi waxyi ahaan, hadii ay ahaan laheyd wax uu Naf ahaantiisa Aliftayna waxaa u Sahlanaan laheyd inuu Badalo markuu doono ama la yimaado Risaalo kale oo Khilaafsan Risaaladii hore, sidaa darteed ayuu Alle kusoo Arooriyay Quraanka in Gaaladii Markii Quraanka lagu akhriyay diideen ayagoo leh noo keen Quraan aan kan aheyn ayagoo u heesta inuu yahay Quraanka wax uu Naftiisa kala yimid,..

Suurada Yuunus Aayada 15aad: Marka lagu Akhriyo Korkooda Aayaadkeena oo Cad Cad waxay Dhahaan kuwaan Rajeyneyn la kulankeena Aakhiro: Noo keen Quraan aan kan aheyn ama Badal, waxaad dhahdaa igama suurowdo inaan ka badalo agteyda, waxaan uun Raacaa waxa ley waxyoodo, waxaanan ka Cabsan hadaan Alle Caasiyo Cadaab Maalin Weyn.

Aayadan waxey Daliil u tahay kuwa Inkirsan Xaqnimada Quraanka in ay yihiin kuwa aan dhab u rumeysneyn Maalinta Qiyaame in ay hor istaagi doonaan Rabigood waana sababta ku dhiirisay Caasinimada Rumeyn la’aanta sababtayna Shakiga inuusan Quluubtooda ka baxeyn hadii si walba loo hor dhigo Xujooyin Cad Cad.

Aayadan waxay kaloo daliil u tahay inaysan Nabiga Xagiisa ka imaan Aayadaha Quraanka awoodna uusan u laheyn arintaas, waxaa kaloo xasuusin Mudan Nabiga inuu Quraanka kusoo tabiyay in Ahlu Kitaabka Kitaabkooda Gacmahooda ku Qorteen Axaadiis badana ku faahfaahiyay Habka ay u badaleen Diinkooda ayagoo Gacmahooda waxii ay ku qorteen yiraahda waxaa uu ka yimid xaga Alle, marka sidey suura gal ku tahay inuu Nabiga ku dhaliilo Dhaqan Xumi ay sameeyeen Yuhuud iyo Nasaaro kana digo Xumaantooda asagana la yimaado waxuu dadka uga digaayay?!

marka waxaan kusoo gaba babeynaa Qormadaan Xaqu inuu Cad yahay suura galna ma aha in Aflagaado iyo Inkirid lagu qariyo ama Lacag lagu lagu Iibsado, ruuxii uu Allaah kheyr la doono kaliya ayaana Xaqa haleeli doono, kiise Naar u qoran tahay Cidu ma Hanuunin karto xataa hadey ku bixiso waqtigeeda iyo Maalkeeda oo dhan.

DAAWO HALKAN: http://somalitalk.com/mohamed/

W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.