Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q:21-aad


Suurada 72aad Al-Jinni:

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah ay uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay bartamaha Qeybta Labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Jinni:

Suuradan waxaa ay Guud ahaan la mid tahay Xaga Manhajka Suuradaha Madaniga ah waxa ayna faahfaahisaa Asalada Caqiidada sida Toowxiidka, Risaalada, Soobixinta iyo Abaal marinta Malinta Qiyaamaha.

Suuradan waxaa ay si gaar ah uga hadashaa Jinniga oo ah Abuur Xaqiiq ah oo ka mid ah Abuurada Alle (Cw) Abuuray ee Caaqiliinta ah sida Maalaaigta iyo Insaanka oo kale.

Jinniga inuu yahay Abuur jira waxaa Daliil u ah Nusuusta Sharciga (Kitaabka Sunnaha iyo Ijmaaca) iyo Waaqica Insaanka ku nool yahayba.

Abuurka Jiniga:

Jiniga Asal ahaan waxaa laga Abuuray Dab halka Insaanka laga Abuuray Ciid  Malaaigtana Nuur, arintaas waxaa ay Muujineysaa in ay sadax Caalam kala yihiin oo kala Duwan maadaama ay Abuur ahaan kala Duwan yihiin, sidaa darteed waxaa laga Maarmaan ah inaan Xaqiiqda Jinniga ka Faaloono Maadama uu yahay Abuur aan Indheena lagu arki Karin sidaba Malaaigta aan loo arki Karin oo kale.

Goorta la Abuuray Jinniga:

Jinniga waa Abuur ka mid ah Adoomada Alle waxaa uuna ka kooban yahay inta Dadka Insaanka ah ka kooban yihiin oo kale Muslimiin, Mushrikiin iyo Ahlu-Kitaab waxaa uuna Abuur ahaan ka Horeeyay Insaanka taas waxaa Daliil u ah Markii uu Alaah (Cw) Abuuray Aadam waxaa joogay koonka hortiis Ibliis oo ka mid ah Jinniga ayadoo ay Culimada qaar yiraahdaan Ibliis waa Asalka Jinka kasoo jeedo, Markii la yiri u Sujuud Aaadam waa kii Diiday oo yiri Anaa ka Kheyr badan, kuna Faanay in Asaga Dab laga Abuuray.

Sababta loo Abuuray Jinnga:

Jiniga waxaa loo Abuuray inuu Alle Koonka ku Caabudo sidaba Insaanka Cibaadada Darteen loogu Abuuray, sidoo kalana Koonka oo dhanba waxaa uu Allaah u Abuuray Cibaadadiisa Darteed, mana jiro wax Koonkan ku Dhex jira oo anan Alle Cabuudin ha ahaado Malaaig, Insaan Jinni,Geedo, Biyo, Xawayaanada kala Duawan Shimbira iyo Xasharaadka.

Waxaana xasuusin Mudan wax Caasinimo la yimaada ama ilooba Cibaadada ama ka Kibra Cibaadada Alle (Cw) waxaa ka jira Qaar Insaanka iyo Jiniga ka Mid ah sidaa darted ayuu Allaah waxaa uu Naarta u Abuuray inuu ka Buuxiyo Jinni iyo Insaan Fara badan oo Caqligooda iyo Aragooda iyo Maalkooda iyo Mansabkooda ku Kadsoomay oo diiday in ay Allaah (Cw) kaliya Caabudan.

Jinniga Noocyadiisa:

Jinniga waxaa uu ka Kooban yahay noocyo kala Duwan Xag walba hadey tahay Xaga Jinsiga hadey tahay Xaga Imaanka iyo Kuafriga, xaga Faqriga iyo Maalka, marna waxba kama Duwana Insaanka iyo Noocyada uu kala Qeybsamo.

Tusaale ahaan Jiniga waxaa uu leeyahay Lab iyo Dhedig waxaa uuna u Farcamaa sida Dadka u Farcamaan oo kale, Xaga Diinka iyo Imaanka waxaa ka mid ah kuwa Ahlu Towxiid ah oo Toosan, kuwa Gaalo ah (Yuhuud Nasaaro ama Mushrikiin) waxaana xasuusin mudan Gaalada oo dhan iyo kuwa ka Hor yimid Diinkii Nabiyada in uu Hogaaminayo Maalianta Qiyaamaha Marka la tago Ibliis oo ay Calankiisa ku hoos Safan Doonaan, taasoo Macnaheedu yahay Ibliis oo ka mkid ah Jinniga inuu yahay kan ugu sareeya ugu Madaxsan Gaalada oo dhan.

Awooda Jinniga uu leeyahay:

Jiniga waxaa uu Allaah Awood u siisay in ay Hawada ku Dhex duulaan, ama in ay is Dul koraan ilaa ay isku dayaan in ay soo Dhageystaan Malaaigta samada joogta, walow markii Dambe ay Culeysyo kala kulmeem koritaankii Samada, taasoo keentay in ay Baaraan sababta loogu Diiday iyo waxa soo kordhay, waxaana Baaritaankii ay Dhulka ka Sameeyeen ku Ogaadeen in Nabi Cusub lasoo Saaray.

Xaga Muuqaalka Jinka:

Jinniga Xaga Muuqaal ahaan Insaanku ma awoodo inuu arko taasna waxay tuseysaa Alle Awoodiisa weynideeda, iyo inaan Ogaano Alle waxuu Abuuray waxey ka Kooban yihiin wax aan Awoodno inaan aragno iyo wax aanan arki Karin.

Waxaa daliilada Shareecada ku buuxa Nusuus fara badan oo uu Allaah kaga hadlay inuu Ibliis yahay wax aad u fool xun Ibliisna waxa uu ka mid yahay Jinka kuna Abuur yahay arintaasana waxay muujineysaa inaysan Abuur Quruxsaneyn Jinka, halka Insaanka uu yahay mid Quruxsan Allaahna uu ku tilmaamay inuu ku Abuuray Suurada wanaagsan, waxaase kasii Qurux badan Malaaigta oo ah Abuur aad u Qurux badan waxaana xasuusin mudan Nabi yuusuf oo ahaa Qurux ahaan mid si aad ah u quruxsan in Dumarkii la yaabay Quruxdiisa ee la yaabay farahana iska jarjaray ayagoo ismoogaa yiraahdeen kanu maba aha Insaan ee waa Malak wanaagsan.

Jinka iyo Cilmiga Qgeybka ee Caalamka ka qarsoon:

Jinniga Maadama uu yahay wax Insaanka ka Qarsoon waxaa ay Dadka qaar u Qaateen arintaas in ay ka Dhalaneyso inuu Jinniga ogaan karo wax badan oo uusan Insaanka ogeyn, taasna waa Arin gaf ah maxaa yeelay jiniga waxaa uu ogaan karaa waxuu Arko ama Maqlo ama loosoo tabiyo kaliya sidaba Insaanku u ogaan karaan, laakiin waxa qarsoon ee anan Cidi ogaan Karin sida Berito waxa dhici Doona oo kale waxba kama ogaan karaan Jinniga ,

waxaana Qur’aanka Allaah ku Sheegay markii Nabi Suleymaan Geeriyooday in Jinniga uu ka mid ahaa Ciidan Howlo u hayay Nabi Suleymaan, Howshiina aysan joojin ayagoo u Heesta Nabi Suleymaan inuu Nool yahay, hase yeeshee inuu Geeriyooday waxa ay ogaadeen Markii ushii uu Cuskanaa Aboorka Cunay, taasoo muujineysa in aysan ogaan Karin waxa qarsoon ee uu Allaah (Cw) kaliya yahay kan ogaan kara iyo Rusushiisa wixii uu waxyi ahaan ku Gaarsiiyo maahane.

Jiniga iyo Gaarsiinta Dacwada:

Jiniga waxa ay Dacwada ka qaataan Insaanka Nabiyada loosoo diro sida Saxiixa ah, waxaana Arintaas Daliailka koowaad u ah in Dacwada Diinta Islaamka ka Qaateen in ay Maqleen Nabiga (Scw)oo Salaad Subax ku Tushinaya Suuqa Cukaatha qaar ka mid ah Saxaabadiisa taasoo keentay in ay Dacwada Diinta Islaamka ku dhex faaftay markaas wixii ka dambeeyay.

Xiriirka Insaanka iyo Jinniga waqtiyadii hore:

Intii anan Nabi Muxamad la soo saarin Dadkii ku Noolaa Jaziirada Carabta oo Diin ahaan ahaa Dad Mushrikiin u Badan ayaa waxa ay Aaminsanaan jireen in Jinnigu leeyahay Awood weyn, sidaa darteed markii ay Safarada galaan ee ay Dhulka Banaanka ah ku Safrayaan waxa ay Magan ka Dalban jireen Jinniga Banaanadaas dagan, aygoo Dhahaya waxaan Magan u Nahay Boqorka Jiniga halkaan Dagan si uu nooga Ceshada Ciidankiisa in ay Dhibaato noo geystaan, taasoo sababtay in Jinnigii Kibir iyo Xad gudub usii Kordho.

Waxa hada jira dad Badan oo Xoolo siiya ama u Goowraca ama Cunooyin u Daadiya ayagoo magan iyo Nabad ka Dalbanaya Diintey Doonaanba haku Abtirsadeene, waxaana Caadi ah oo la yaqaan inuu Jinniga Maalinba Maalinta ka Dambeysa ku sii Kordhiyo Dalabaadkiisa iyo Culeyska uu ku haayo si ay usii Badiyaan Xoolaha ay u Bixiyaan, marka waxaa wanaagsan in dad Muslmiinta ah ay ka Digtoonaadaan inay Mushrikiin u Dhaqan ekaadaan.

Daaweynta dadka Jinku wax gaarsiiyo:

Waxaa waaqicyan loo arkaa in Dadka qaar Bukoodaan ayadoo Jirida heysana aysan aheyn wax Muuqda ama la Taaban karo, waxaana Dhici karta in Qof la waasho jirooyinka Noocaas ah, ama Xubno Jirkiisa ka mid ah Dareenka ka tago, ama Lugaha laabmaan ama Gacmaha ayadoo aysan heynin Cudaradii Neervo ahaan sababi karay xanuunadaas, marka hadii ay sidaas oo kale Dhacdo waxaa loo baahan yahay in Qofkaas loo Daaweeyo Ruux ahaan, oo lagula Dadaalo in Dad Dhowrsoon oo Cilmi iyo Diin leh Qur’aanka Saaraan (ku Tufaan) ayadoo laga Fogaanaya wax walba oo sababi kara Jinka inuu kusii Xidideysto Ruuxa Bukaanka ah sida in Xoolo loo Gowraco ayadoo Caafin iyo Raaligalin looga dalbanayo, ama Cunooyin loo Kariyo ama Xaflado lagu Durbaantunto loo Sameeyo maxaa yeelay taas marna Daawo uma Noqoneyso.

Waxaan kusoo Koobayaa Qoramadeydan Dadka Muslmiinta ah waxaa looga baahan yahay in Diinkooda Daawo ka Dhex raadsadaan, waxaana Tijaabo ahaan la arkay Dad badan oo Dhakhaatiir Caan ah ka daaleen Dalka gudahiisa iyo Debadiisaba in ay ku Bogsoodeen Qur’aan lagu Tufay kaliya, ayadoon Daal iyo Waqti badan intuba ku Bixin, Gaf iyo Dembina aan Allaah (Cw) laga galin.


W/Q:Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.