Home » Faallo »

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q: 4aad

Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka,….

 

Suurada 5aad Al-Maaidah:

Suuradan waa Suurada 5aad marka loo eego Musxafka Quraanka, waxaa loogu magac Daray Al-Maa’idah si ay u Waarto Xusuustii Mucjizadii la siiyay Nabi Ciise Markii Israaiiliyiintii Su’aasheen in uu Allaah Cirka kasoo Dajiyo Xeero Cunto ah, taasoo laga aqbaly Nabi Ciise Markuu Allaah ka Baryay ayadoo isla markaasna loogu Goodiyay hadii ay Caasin dambe la yimaadaan la Cadaabi doono Cadaab anan horey loo Cadaabin wax Caalamka ka mid ah.

Suuradaan waxa ay ka mid tahay Suuradaha soo dagtay Markii Magaalada Madiina loo Hijrooday ka dib, waxayna ka mid tahay Suuradaha dhaadheer, Aayadaheedu Tiro ahaan waa 120, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Fatxi ka dib, Suuradan waxay ku Bilaabataa Qaab ah Naadin ku Socota kuwa Mu’miniinta ah, waxeyna Suurada ku beegan tahay Juzka 6aad Badankiis ilaa Juzka 7aad Biloowgiisa.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Maadama ay Magaalada Madiina kusoo Dagatay waxay Xooga saartaa Dhinca Sharciyada Diinta Islaamka sida lagu yaqan Suuradaha Madiina kusoo dagtay, ayadoo ay u dheer tahay in ay ka Hadasho si aad u xeel dheer Arimaha Caqiidada iyo Qisooyinka ku Saabsan Ahlu Kitaabka.

Caalimka la yiraahdo Abuu Meysarah waxaa uu yiri: {Suuradaan Al Maa’idah waxay ka mid tahay Suuradaha Qur’aanka kuwii ugu Dambeeyay ee soo dagtay, mana ku jiro Aayadaheeda Mid la Nasaqay Xukun ahaan, waxeyna Xambaarsan tahay ilaa 18 Waajib}.

 

Sababta ay kusoo Dagatay Suurada Al-Maaidah:

Suuradaan Biloowgeeda waxay soo dagatay Xili Muslimiinta ay ka yimaadeen Magaalada Madiina ayagoo Doonayay in ay Cimreestaan ay Gaaladii Makah Joogtay ka hor Istaageen Cimrada, aydoo Muslimiinta aad u Careysan ayay waxay arkeen Koox Mushrikiin ah oo doonaya in ay Makah ku Cimreestaan, taasoo keentay qaar Muslimiinta ka mid ah damcaan in ay Horjoogsadaan sida ayagaba Mushrikiinta Maka u Horjoogsatay Maadama kuwaan ay yihiin Mushrikiin kale, taasna Allaah wuu ka diiday waxaana Soo dagtay Biloowga Suuradan oo loo Sheegay in ay ka Hor leexdaan kuwa Makah ku socda Gaalaba ha ahaadeene.

Suuradaan Qeybo ka mid ahna (Aayada 3aad) waxey soo dagteen Sanadkii 10 ee Hijriyada Markii uu Nabiga (SCW) Xajinayay Xajkii Sagootinta, taasoo nin Yuhuud ah uu yiri: Hadii Aayadaan ay Nagusoo dagan laheyd Anga Yuhuuda ah waxaan ka Dhigan laheyn Maalinkaas Ciid ,.. waxaana uu Cumar Ibnu Khadhaab (Alaha ka raali noqdee) ugu Jawaabay waxey soo dagatay Goor la joogay Carafo Maalin Jimco ah,…taasoo uu Cumar ula jeeday waxey noogusoo Beengantay laba Ciidood oo waa weyn.

 

Suurada 6aad Al-Ancaam.

Suuradaan waxa la yiraahdaa waxaa loogu magac daray Al-Ancaam, maxaa yeelay Magacaas ayaa aad ugu soo noqnoqda dhexdeeda, ama waxey Suuradaan aad wax ugu Sheegtay Xoolo ay Mushrikiintii Makah ku bixin jireen Sanamyada in ay ku Caabudaan.

Suuradaan Al-Ancaam waa Suurada 6aad ee Musxafka Qur’aanka waana Makiyah Badankeed, marka laga reebo Aayado kooban oo kala ah: Aayadaha: “20,23,91,93,114,141,151,152,153,” kuwasoo kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxeyna ka mid tahay Suuradaha aadka u Dhaadheer, Xaga Tirada Aayadaheedu waa 165, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Xijri ka dib, waxa ayna ku Bilaabataa Hab ah Amaanta Rabi.

Suuradan waxey Kitaabka kaga Aadan tahay Juzka 7aad intiisa Badan ilaa laga gaaro Kaloo barka Juzka 8aad.

 

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ancaam:

Suuradan waxay ka Hadashaa Caqiidada iyo Asalada Diinta maadama ay ka mid Tahay kuwii kusoo tagtay Makah, Suuradihii ka Horeyay waxey kaga Duwan tahay in aysan ka hadlin wax ku Saabsan Arimaha Nidaamka Sharciga iyo Axkaamta sida Soonka iyo Xajka, maxaa yeelay Muslimiinta Xiligaas Cibaadooyinkaas laguma Waajibin, sidoo kalana kama Hadasho Suuradaan Arimaga Dagaalka iyo Xiriirka Debada ka ah Muslimiinta sida Ahlu Kitaabka iyo Munaafiqiinta wax ku saabsan.

Suuradaan Kaliya waxa ay si Faahfaahsan uga Hadashaa Arimaha kala:

1)- Allaah kali ahaan-shihiisa waxa Quseeya.

2)- Arinta ku Saabsan Soo dagitaanka waxyiga.

3)-Arinmaha ku Saabsan Soo Nooleynta iyo Abaal Marinta Maalinta Qiyaame.

 

Suuradan Al-Ancaam Markii ay soo dagteen Aayadaheeda aadka u faahfaahiyay Xalaasha iyo Xaaraanta waxaa Dood aad u weyn ka Dooday Mushrikiintii Makah ayagoo la Doodaya Nabiga Suuban (SCW)  ayaga oo ka xun in Xaaraan lagu tilmaamo waxa Bakhtiyay, waxayna Naiga weudiiyeen Su’aalo ay Xujo ugu Raadinayaan Baqtigu inuu Xalaal yahay, waxay yiraahdeen: Neefka Dhintay yaa Dilay? waxaa uu Nabiga Suuban ku Jawaabay: Waxaa dilay Allaah. waxay yiraahdeen Neefkii uu Allaah dilo (Kii Bakhtiya) Xaaraan Miyuu noqonayaa, kii aad idinka Disheena (Gooracdeen) Ma Xalaalaa ?….waxaa uuna Allaah jawaab uga dhigay inuu soo dajiyay Aayada 122 ee isla uuradaan.

 

Fadliga Suurada Al-Ancaam:

Suuradaan waxaa ay kusoo dagatay Nabiga Xili uu joogay Magaalada Makah waxaana wehlinayay (Galbinayay) 70.000 Malaaig ah ayagoo aad u Tasbiixsanaya, markii uu Nabiga (SCW) Maqlay Shanqarta Tasbiixdooda aad waxa uula yaabay fara badnida Malaaigta Galbineysa waxuuna u dhacay Sujuud ilaa loogasoo dajiyay Suurada.

Arintaas oo muujineysa Macnaha weyn ee ku dhex jira Suurada iyo Muhiimada ay leedahay Arimaha ay aadka u faahfaahisay ee aan horey usoo sheegnay.

W/Q: Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.