Home » Warar »

Baaqa gunaanadka nadwada Gaalkacyo ee bisha luulyo 2011

Muxaadarooyinka culimadu soo jeediyeen intii Kulancilmiyeedku socday waxaa ka mid ahaa: walaalnimada islaamka, khatarta qabyaaladda, xaaraanimada dhiigga muslimka, ka dheeraanshaha fitnada, islaaxa (heshiisiin) iyo qadarinta culimada.

  • Cillad xagga internetka G/kacyo ah aawadeed,waxaa dhowaan soo gaaray shabakadda warbaahinta ee Somalitalk bayaan laga soo saaray nadwadii ka socotay masjidka Ramadaan ee magaalada G/kacyo oo lasoo gabagabeeyay habeenkii khamiisti dhoweyd ay soo galaysay, taariikhduna ahayd 20/07/2011 kaas oo ahaa kulancilmiyeedkii afraad ee cinwaankiisu ahaa: ”Ilaahay ka baqa oo waxa idin dhexyaal ka heshiiya”.

Kulkancilmiyeedka oo muddo lix cisho ah ka socday masjidka weyn ee Ramadaan waxaa ka qaybqaatay qaar ka mida culimada magaalada iyo culimo ka timid magaalooyinka kale ee dalka iyo dibeddaba, waxaana ka mid ahaa Sh. C/qaadir Nuur faarax, Sh. Xasan Maxamed Ibraahim, Sh. Maxamuud Axmed xasan (Abu Sheyba), Sh. Axmed C/Samad iyo Sh. C/Qani Qorane Maxamed.

Intii kulan-cilmiyeedku socday culimadu waxay kulamo kala duwan la yeesheen ducaadda magaalada, maamulka gobolka iyo degmada Gaalkacyo, Isimada iyo cuqaasha, aqoonyahanka iyo qaar ka mida waxgaradka magaalada. Waxaa kale oo culimadu muxaadarooyin ka jeediyeen idaacadda Alxikma. Waxay kale oo ku qabteen masjidka Ramadaan dowro (Seminar) ku saabsan guurka iyo islaamka. Waxaa soo xaadiray duruusta dadweyne farabadan oo rag iyo dumarba leh, waxaana ka qaybqaatay baahinta duruusta kulancilmiyeedka seddex ka mida idaacadaha Gaalkacyo oo ay si toosa uga la socotay ciddii masjidka imaan kari weyday.

Gabagabadii kulancilmiyeedka culimadu waxay soo jeediyeen baaq ka kooban 20 qodob oo ay kaga hadleen arrimo farabadan, wuxuuna u qornaa sidaan:

بسم الله الرحمن الرحيم

Baaqa gunaanadka kulancilmiyeedka Gaalkacyo 2011

Allaah baa mahad oo dhan iska leh, nabadgalyo iyo ammaanna nabigeennii Muxammad ahaa, eheladiisii, asxaabtiisii, atbaacdoodii iyo intii wanaag ka raacda tan iyo qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Intaa ka dib waxaan naftayada iyo dadkayagaba u dardaarmaynaa ka dhowrsashada Alle iyo cabsidiisa goor iyo ayaanba.

Ujeeddada kulankan

Ujeedooyinka kulan cilmiyeedkaan loo qabtay waxaa ka mid ah:

b) In culimadu gudato xilka weyn ee Ilaahay ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta ummadda.

t) In dadweynaha Soomaaliyeed loo soo bandhigo aragtiyo ku qotoma diinta Alle oo iftiiminaya sida loo xallin karo dhibaatooyinka haysta ee saameynta foosha xun ku yeeshay qaab nololeedka iyo hab fikirka bulshada intaba.

j) In dadka loo tilmaamo in ay yeeshaan doonis iyo rabitaan dhab ah oo ay ku doortaan sida wanaagsan ee Ilaahay la rabo ee ay ku jirto maslaxaddooda adduun iyo aakhiro.

  • Baaq guud

1)   Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed inay Ilaahay u noqoto, ayna ka toobad keento dhammaan danbiyadii sababay hoos ugu hoobashada heerka liita ee ay Soomaali maanta marayso.

2)   Waxaan ugu baaqaynaa Soomaali inay midoobaan, si wadajir iyo kali kali ahna u qabsadaan xarigga Ilaahay oo ah kan kaliya ee ay ku badbaadi karaan, ayna xeer ka dhigtaan ku dhaqanka shareecada islaamka: heer qof, heer qoys, heer qabiil, heer bulsho iyo heer dawladeedba.

3)   Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ugu yeeraynaa in ay ka waantoobaan dagaalada sokeeye ee halista ku ah diintooda, jiritaankooda, dadnimadooda iyo midnimadoodaba, dagaalladaas ha ahaadeen kuwo Siyaasadeed, kuwo Qabyaaladeed, annagoo bulshada ku adkeyneyna in ay ka korto dhaqanka is-gumaadista iyo is-barakicinta, khilaafaadka dhexyaalna ay ku xalliyaan wadahadal daacad la isaga yahay Islaamnimaduna saldhig u tahay, taas oo keeni doonta kalsooni, walaalnimo, iskaashi iyo midnimo.

4)   Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa ilaalinta amniga iyo wax walba oo kaalmo u ah xasilloonida, annagoo ogeysiineyna in dhulku ku filan yahay haddii amni jiro, haddii la waayana aanan lagu wada noolaaneyn.

5)   Waxaan ogeysiineynaa dadkeenna xuquuqda walaalnimo ee Ilaahay ka dhexeysiiyay, annagoo ugu baaqeyna in ay baadi doonaan walaalnimadoodi dhaawacantay, ayna garwaaqsadaan in la waayay wax loo dhigo in ay walaalo ahaadaan.

  • Culimada

6)   Waxaan ugu baaqeynaa culimada Soomaaliyeed in ay ku midoobaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. gutaanna xilka Ilaahay ka saaray bayaaninta xaqa iyo dhibaato ku xallintiisa, una weelqaadaan isu soo dhoweynta, dhexdhexaadinta  iyo heshiisiinta beelaha, kooxaha iyo maamullada dagaallamaya ee dhiilladu ka dhex aloosan tahay.

  • Madaxda qabaa’ilka

7)   Waxaan madax dhaqameedka qabaa’ilka ugu baaqeynaa Alle ka cabsi, iyo in ay si dhab ah qabaa’ilka ugu maamulaan kitaabka Alle iyo sunnada nabiga s.c.w. kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara ka fogaanshaha Alle iyo ehelka ay deriska yihiin, deegaankana wadaagaan.

  • Beelaha diriraya

8) Waxaan ugu baaqaynaa beelaha walaalaha ah ee is leynaya annagoo Ilaahay ku dhaarineyna in ay si deg deg ah ku joojiyaan dhiigga xurmada leh ee ay sida xaqdarrada ku daadinayaan, gaar ahaan qabaa’ilka ku dagaallamaya gobollada Koofurta Mudug & Galgaduud, Karkaar iyo Bari.

  • Aqoonyahanka

9)   Waxaan ugu baaqeynaa aqoonyahanka iyo qalinleyda Soomaaliyeed in ay aqoontooda wax ugu qabtaan dadkooda ee aysan noqonin gudin lagu jaro dadkooda iyo dalkooda, annagoo xasuusineyna in ummad walba ay wax ku tahay inta u kacda iyaguna ay yihiin ubadkii Soomaali u kacay.

  • Ganacsatada

10)               Ganacsatada iyo maalqabeenka waxaan ugu yeereynaa in ay dhaqaale muuqda ku bixiyaan danaha guud ee bulshadam sida: waxbarashada, caafimaadka, nabadgalyada iyo daryeelka danyarta iyo dadka tabaaleysan ee walaalahood ah, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo gaajada.

  • Dhallinyarada

11)               Dhallinyaradu waa awooddii ummadda, ummad walbana mustaqbalkeedu wuxuu ku xidhan yahay Alle ka sokow kaalinta wanaagsan ee dhallinyaradeedu qaadato, sidaa aawadeed waxaan dhallinyarada ugu baaqeynaa:

b) In ay ku dadaalaan barashada diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda iyagoo diinta ka qaadanaya culimada sida dhabta ah u taqaan, kuna dhaqanta

t) waa inay ka digtoonaadaan in ay qeyb ka noqdaan dagaallada sokeeye ee dalka rogay, haddey yihiin kuwo leh magac qabiil, magac kooxeed iyo magac diimeed

j) In ay ka dheeraadaan dhaqannada doolka ah ee duminaya dadnimadooda iyo anshaxa islaamnimo ee bulshadeennu ku dhaadato

  • Dumarka

11) Dumarka Soomaaliyeed oo ah madrasada jiilasha oo duullaanno ad-adag oo meelo fog fog laga soo qaaday ay ku wajahan yihiin waxaan ugu baaqeynaa:

b) In ay Ilaahay ka baqaan diintoodana bartaan kuna dhaqmaan si ay u gaaraan raalli ahaanshaha Rabbi ee lagu helo harumar adduun iyo mid aakhiro intaba.

t) In ay ka digtoonaadaan shirqoollada cadowga Islaamku u maleegayaan dumarka ee loogu suurad xumeynayo diinteenna xaniifka ah ee uu Alle galiyay sharafteenna.

j) In ay xil adag iska saaraan barbaarinta iyo tarbiyeynta ubadka si ay berri u noqdaan kuwo qaada xilka diineed iyo ummadeed.

  • Maamullada

12)Waxaan ugu baaqaynaa dadka masuuliyadda Ummadda haya in ay Ilaahay uga cabsadaan ummaddooda, danta ummadana ay ka hormariyaan danahooda gaar ahaaneed, ayna ogaadaan in aakhiro lagala xisaabtami doono xilalka ay hayaan.

  • Dhinacyada isku maandhaafsan siyaasadda Soomaaliya

13)Maamullada dalka ka dhisan iyo ururrada hubeysan ee ay siyaasadda isku hayaan waxaan ugu baaqeynaa annagoo Alle ku dhaarineyna:-

b) In khilaafka ka dhexeeya ay ku dhammeeyaan wadahadal, is afgarad iyo isu tanaasul.

t) In dalku waa deeqaaye ay dad & deegaanba nabad u ogolaadaan, xil & xulquun wixii ay isku hayaanna ay si cadaalad ah u qeybsadaan, shacabkana xaqooda iska dhowraan.

j) In ay ka digtoonaadaan in loollankooda foosha xun uu sababo in lagu waayo jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

  • Dilalka qorshaysan

14)Waxaan ka digeynaa dilalka qorsheysan ee halakeeyay amniga iyo xasilloonida bulshada Soomaaliyeed ee muslimka ah, ha ahaado mid loogu marmarsooday diin, siyaasad ama qabiil, annagoo caddeyneyna in uusan dhaqan islaam iyo mid Soomaaliyeed toonna aheyn, Ilaahayna aan loogu dhowaan dilka qof muslim ah oo aan muteysan in la dilo, dadka falalkaas ku lugta lehna waxaan xusuusineynaa in Ilaahay weydiin doono waxa ay ku banneysteen xurmada kalimada tawxiidka.

  • Burcad badeedda

15)Waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa ka hortagga burcad-badeedda dhibaatooyinka faraha badan u soo jiiday dalka, diinta, dadka iyo sharaftaba, lana hor istaago anshax xumada iyo fusuqa ay dalka keeneen burcaddaasi, sida: daroogada, zinada iyo dhaqandoorinta. Waxaa kaloon caddaynaynaa in ay xaaraan tahay in lagula macaamilo burcad-badeedda xoolaha boolida ah ee ay soo dheceen.

16)Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay dhinac uga soo wada jeedsato ilaalinta iyo badbaadinta dhulka, biyaha iyo kheyraadka dalka, cidkastaana ay xilkaas ballaaran ka qaadato kaalinta ay ku leedahay, annagoo si gaar ah farta ugu fiiqeyna in ay bulshadu ka feejignaato damac-xumada ay dowladda Kenya wali ku dooneyso in ay la wareegto qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed iyo kheyraadka ku jira intaba.

17)Waxaan bulshada uga digeynaa khataraha kasoo fool leh maraakiibta fadhida biyaha Soomaaliya ee marmarsiiyada ka dhiganaysa la dagaallanka burcad badeedda, geysateyna dhibaatooyin badan oo lasoo darsay bay’ada, isla markaana hordhac u ah mowjado cusub oo shirqool oo shisheeyuhu ku doonayaan in Soomaaliya aysan cagaheeda isku taagin.

  • Mukhaadaraadka

18)Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u caddeyneynaa xaaraamnimada wax walba oo maanka dooriya, sida qaadka, khamriga, xashiishka iwm, annagoo ugu baaqeyna dadka ku ibtiloobay maandooriyeyaashaas in ay Ilaahay uga towbad keenaan iskana daayaan. Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa maamullada dalka ka dhisan in ay mamnuucaan ka ganacsiga iyo isticmaalka mukhaadaraadkaas ay diintu xarrimtay.

  • Gurmadka abaaraha

19)Waxaan  ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka Ilaahay ku galladystay maalka in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed ee abaaraha ba’ani nugleeyeen ee kasoo qaxay deegaannadii ay ku dhaqnaayeen kadib markey xoolihii dhaafeen, gaar ahaan deegaannada aan helin roobabkii guga sida Bay, Bakool & shabeellaha hoose iyo kuwa la midka ah. Waxaan ku baaqeynaa in loo xoologooyo dadkaas qoys walbana biilkiisa bar ka siiyo dadka tabaaleysan.

20)Shucuubta muslimiinta waxaan ugu baaqeynaa inay walaalahooda Soomaaliyeed lasoo gaaraan gurmad isugu jira mid muuqda iyo mid mooral, iyagoo ugu turaya tixgalinayana walaalnimada diineed ee Ilaahay ka dhexeysiiyay iyaga iyo shacabka Soomaaliyeed ee dabargo’a halista u ah.

Gabagabo

Waxaan Ilaahay ka tuugeynaa in uu ummadda Soomaaliyeed ka tawbad aqbalo kana dulqaado dhibaatooyinka ragaadiyay ee dad iyo duunyaba halakeeyay, isaga ayaa wax walba awoodee.

Culimada bayaanka saxiixday:

  1. Sh. C/qaadir nuur Faarax
  2. Sh. Maxamed Macallin Axmed
  3. Sh. Maxamuud Axmed Xasan (Abu Sheyba)
  4. Sh. Xasan Maxamed Ibraahim (Abu xassaan)
  5. Sh. C/risaaq Warsame Fiqi
  6. Sh. Mahad C/laahi Maxamed
  7. Sh. C/qani Qorane Maxamed
  8. Sh. C/wali Axmed Muuse
  9. Sh. C/casiis M. Cali M. Axmed
  10. Sh. Axmed C/samad

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.