Home » Maqaallo »

Yaa Mudan Hogaankeena | Cabdullaahi Siyaasi


Fariin furan ee ku socoto Wasiirka Kowaad Mudane Maxamed .C.Farmaajo

Ma harsan mana hergelin Soomalida inta jecel in laga baxo dhibaatada dadkeena iyo dalkeena dul taal ee labaatan jirsatay tan iyo inti Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo laguu magacaabay xilka wasiirka Kowaad, wadnaha ayey farta ku haayeen inta uu barlamaanka ka ansixinayo dowladi aad soo magcawday . dadka kuwooda wanaagsan marnaba kama raja-dhigaan raxmada Ilaahey iyo in mar uun la heli doono rag dusha u rito qaadashada mas’uuliyada loo xilsaaray si dhab ah oo xilkasnimo ku jirto iyo ku soo dabaalida wadankeena Nabad iyo sharciga oo lagu dhaqmo.

Fariintan kuugu socoto ka hor waxaan halkan ugu mahad-naqaynaa Madaxweynaha Dalka Mudane Shariif Shikh Axmed oo si aad ah markan isaga xilsaaray in uu soo magacaabo nin ay ummadda intooda badan aad u soo dhaweeyeen iyaga oo wasiirka koowaad ee la magcaabay ka dhadhansaday hadaladi uu durbaba u jeediyay saxaafada gudaha iyo dibadaba in uu yahay ruux ay aad uga muuqato astaan ah in uu yahay nin mas’uul ah ee xilkan culus dhabarka u dhigan karo, si buuxdana uga soo bixi karo howshi loo igmaday .Madaxweynaha horaan ugu soo dirnay fariin xambaarsanaeyd ,dhiirigelin,tilmaan iyo xasuusin, cinwaankeeduna wuxuu ahaa ” Afeef Kuuma Laabno Ee U Fiirso Magacaabista Wasiirka Kowaad. Fariin ku socoto Madaxweyne Shariif Shikh Axmed “.

Hordhac gaaban keddib mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo mas’uuliyada aad dhabarka u dhigtay qaadideeda, ma’ahan mid adiga kuugu gaar ah waa haddii aad si wanaagsan u adeegsato awoodaada maamul, lana kaashato adeega guud ee dowladda dad ay ku dheehan-tahay daacadnimo, howlkarnimo, iyo amaano , aadna diyaar ugu ah in ay kaa kaalmeeyaan sidi dhaqsi dalkeena loogu soo celin lahaa nabad waarto ee uummadda Soomaaliyeed oo dhan ku degaan ,diifta ku dheeraatana kaga baxaan.

Mudane Farmaajo Mas’uuliyada aad qaaday ma’ahan mid ku kooban oo kaliya howlaha fulinta ee wasaaradaada ee waa mid taarikhiya ,guusheeda iyo fashilkeedana uu saameynayo Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo dhan maadaama ay dowlada ka kooban tahay aqoonyahana Soomaliyeed gaar ahaan sideed iyo tobanka wasiir ee ah asaaska dowladaada. Macnaha gunta hadalkan waa in ay dadka Soomaaliyeed ka quusteen qabqable dagaal, adeege qabiil, wadaad xume iyo calooshiis la ciyaar doonayo qaadista mas’uuliyada ummad ay dhan walba ka hareeraysay dhibaatooyin kala duwan.hadaba sidaa darteed Mudane dadaalkaada ha ka mid ahaado sidi aad uga dheeraan lahayd fashil ku yimaado howlaha loo igmaday xukuumadaada, waayo taas waxay sabab u noqon kartaa in ummaddeena is weydiiso su’aal in muddaaba jawaab loo la’aa, Rabow yaan u ciirsanaa ee nagu hogaaminayo mar kale dalkeena oo ku soo noqdo nabad iyo sharciga oo lagu dhaqmo?.waxay abuuri kartaa in aqoonyahanka Soomaaliyeed isagana lala meel dhigo kuwa xun xun ee aan kor ku soo xusnay iyagana dowr weyn ku lahaa dabadheeraashada dhibaatada ummaddeena ku habsatay.

Mudane fariinteena waxaa ka mid ah cadowga dalkeena in uunan ahayn oo kaliya calooshood u shaqaystayaasha dibada inooga yimid iyo kuwa ay ku adeegtaan, doonayana in ay ummaddeena ku beer laxawsadaan waxaan idiin wadnaa diinta Islaamka oo lagu dhaqmo iyada oo ay taariikhdeena na barayso in ay ummaddeena nasiib u heleen sanada badan ku noolaashaada diinta kaliya ee Ilahey aqbalayo oo iyada ah Islaam. Mudane cadowga dalkeena ma’ahan oo kaliya mucaaradka iyo kuwa hubka sido ee dagaalka kula jiro dowlada.

Mudane cadowgeena ugu daran waa dad badan oo si aad ah ugu dhax-milmay hay’adaha dowlada labaatanki sano ee dagaalada wejiyada badan dalkeena ka socdeen,dadkan ma aqbalayaan imaantinka, helitaanka ama dhab noqoshada dowlad dalka iyo dadkiisa ku maamusho sharciga oo ummaddeena lagu kala hago.Mudane raggaan aan tilmaanay kaama fogo, villadeey wax ka joogaan,wasaaradaha dowlada ayey ka mid yihiin, hay’adaha amniga kuwooda milatariga iyo booliskaba waa ku jiraaan, qaar ka mid ah Barlamaanka ayey xubno ka yihiin, garsoorka kama marno, irid walbo waa taagan yihiin waxayna dagaal ka yihiin curinta dowlad Somaaliyeed oo awood leh dhalashadeede waayo dadkaan waa dad is og in ay dadka iyo dalka denbiyo badan ka galeen haddaba sidaa darteed waxay dagaal ka yihiin ka guul keenida dowlad xisaabiso oo looga ashtakooda dhibkey horay u geysteen.., mudane garshada cadowgan ma’ahan mid sahlan waayo waxay leeyihiin wejiya badan oo ay isugu ekeysiin karaan in ay yihiin dad san oo diyaar u ah in ay si wacan idin-kala shaqeynayaan howsha la idiin igmaday dhamaan ragiina wejiyadooda ku cusub yihiin dowladan.

Mudane cadowgeena ugu daran waxaa iyagana ka mid ah aqoonyahano shakhsiyadooda qof’ahaaneed ay aad daciif u tahay iyo kuwa aqoon sheeganayaba aadna u aaminsan in dadkeena aynan mar kale lugahooda ku istaagi Karin haddii aynan kaalmo ka helayn dowladda shisheeya weliba kuwa reer galbeedka iyo dowladaha deriska nala ah, xitaa haddii kaalmadaas ay ku xiran tahay shuruudo meel ka dhac ku ah ummadeeena. ayaga kuwan waa sahal arkidooda waayo ma qarsadaan ,hadlkoodana ceeb ma moodaan ,mana ogo falkooda in uu yahay denbi jaajuusnimo ,kuwan waxay ku hadaaqaan annaga shaqada ha naloo diro waxaan aad isugu fiicnahay dowlad hebel iyo dowlad hebel. fariintan macnaheeda ma’ahan la dagaalanka caalamka diyaar u ah in uu Soomalida ka kaalmeeyo in ay ka baxdo dhibaatadan nagu dabadheeraatay laakin gunta hadalka waa “aduunka wixi ku kaalmeynayo ku tasho, kana tasho wixi karaamda ummaddeena meel uga dhacayo”.

Mudane jabka cadowgaan aan kor ku soo sheegay dhamaantood wuxuu soo dedejinayaa jabka cadowga dagaalka kula jiro dowladda ,wuxuuna aad u yaraynayaa faragelinta culus oo ay dowladda badan ku haayaan arrimaha dalkeena iyaga oo wax walba ka fiirinayo dhanka danahooda oo ka horeeyo guul ay ummadda Soomaliyeed ka gaarto nabad ku soo dabaalida dalkooda ka hor.

Mudane howsha laguu igmaday waxaan filayaa in ay aad uga culustahay waxay in badan oo ummaddeenaa ka mid ah maanka ku hayaan, kaana sugayaan. Mudane waa in aad maskaxdaada ku haysaa dagaalka ugu horeeyo ee dowladaada lagu qaadayo in uu yahay xumaynta amniga khaaska ah ee xubnaha wasiirada ka ah dowladaada si loo soo dedejiyo niyad jab ku dhaco guud ahaan dowlada iyo dadka Soomaliyeed dhamaan.
Mudane waxaan kaa filaynaa in howshaada si garba siman ah aad wax uga qabato dhowr arrimood oo isa saaran.
1) Kaalmeysiga aduunka adiga oo haddana ka feejignaanaayo debandaabyo dib loogu dhigaayo howlahaada.
2) Ku dadaalista soo celinta amniga caasumada iyo dalka guud ahaan adiga oo taa ku dhinac wadaayo hagaajinta hay’adaha amniga sida milatariga iyo booliska iyo mushaarkooda oo meel lasaaro si rasmi ah .
3) Dib u dhiska garsoor wacan adiga oo haddana iska ilaalinayo ku soo xaluulashada cadowyada dowlada ku dhax jiro oo aan kor ku soo xusnay iyo nin aanan daacad ka ahayn fulinta cadaalada siday tahay.
4) Abuurista safiira cusub oo la jaan qaadi karo dowlad wanaagsan oo aad abuurto laakin taa waa in ay ka horeyso gacan ku dhigida caasumada iyo amnigeeda si uunan safiirka la soo beddalo ugu mar-marsoon dalka nabad kama jirto.
5) Ku adkaynta wasiir walbo in uu horta u istaago dib u dhiska goobti uu ku shaqayn lahaa ,taana waa in aad ku dhinac wadaa ku ilaalinta wasiir walbo siduu uga soo baxay howsha loo xilsaaray.
6) Mudane la shaqaynta Madaxweynaha ,Barlamaanka iyo Garsoorka waa in ay ahaato mid ku dhisan ixtiraam iyo is-dhaafsiga wada shaqayn hufnaan iyo toosnaan salka ku hayso.
7) Is-xasuusin!, Mudane Baasaboorka Somalida waxaa la siiyaa dad badan oo aanan Soomali ahayn ,Baasaboorka diblomaaigaana waxaa wato dad badan oo Somali ah mas’uuliyadiisana aan qaadi Karin,sidaa darteed waa in ay dowladaada la timaadaa xal looga gudbo dhibaatadaas meel ka dhac weyn ku ah ummaddeena ,waxaa iyadana jirto safiiro badan oo Somalida u joogo dalka debadiisa in ay u badan yihiin kuwa safaaradaha dalkeena ka dhigay goobo ay ayaga shakhsiyan u leeyihiin siday rabaana ugu shaqaysto.taa iyadana waa in aad xal u heshaan.

Mudane Somalida waaxay tiraahdaa “hadal haan ma buuxsho”, waxaansa rabaa in aan kuu sheego ,kuna xasuusiyo in ay dowlada aad hogaaminayso ay tahay dowlad uu waqtigeeda aad u yar yahay ,waxa laga sugaayana ay ka badan yihiin dhamaan wixi laga sugi jiray dowladahi kaa horeeyay geddigood.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa ,Alah ha kuugu garab galo howsha weyn ee aad mas’uuliyadeeda dusha u ridatay ,Soomalina allah ha ka dhigo meel nabadeeda lagu soo hirto,lagana sheekeeyo sida looga sheekeeyay nabad daradi na soo martay welina aan ku dhax jirno,Aamiin. ogowna Mudane Maxamed Cabdullahi haddii aad la timaado niyad san iyo doonista in aad ummaddaada wax fiican u qabato in ay hubaal tahay in Ilaahey kuugu garab gelaayo ,Ilaahey Idinkiis. 29/11/2010

Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi).
Moallem10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Yaa Mudan Hogaankeena | Cabdullaahi Siyaasi "

  1. abdifitaha says:

    waxaan kaliya oo aan angu kuleeyahay farmaajo iyo wasiirada cusub in uu ilaaheey lagarab galo haawshaan culus iyo soomaalidaan xumaant u badatay oo ay kasoo hartay waa reer qurba joog,waxba kam bailikaraan ,way fashilantay,cideena wasiir fiican lama siin ilaaheey ha idin garab galo sharkoodana ha idin dhaafiyo

  2. SU’AAL FARMAAJO SIDEEBU KUHELAA FIKRADAHA DADWAYNAHA? MASA JIRAA MAQAAL UU KASOO JAWAABAY? WAAN OGAHAY INUU MASHQUULSANAHAY LAAKINSE WAA INUU SAMAYSTAA DHALANYARO UKUURO GASHO FIKRADAHA DADWAHANA.

  3. Togane says:

    Nin aad u niyad wanaagsan ayaad tahay oo rajo xoog leh galiyey dowlada iskugu wanqashay DOWLADII AQOONYAHANKA!

    ILLAAHEEY waxaan ka baryayaa in warkaagu uusan la mid noqon (sida malaheyga uu yahay) HAL BACAAD LAGU LISAY!

  4. asc,salaan sare bahada saxaafada,
    aad baad ugumahadsantahay mudan c/laahi -siyaasi maqaalkaaga kooban oo runtii intii dawalad wanaag lagarabay ay kudhan tahay waxaana rajeeynayaa mudan raiisal wazaare farmaajo inuu noqdo mid qaato talooyinka aad u jeedisay adiga iyo inta kaala qeeb qaadatay fariinta.
    mahadsanidiin
    wasalaam