Home » Maqaallo »

Afeef Kuuma Laabno Ee U Fiirso Magacaabista Wasiirka Kowaad. Fariin ku socoto Madaxweyne Shariif Shikh Axmed

Arrintu waa dhanaantahay ,muqdisho dabka ay saaratahay kulayl uma dhino , kar-karkaas waxaa u dheer dhagar qabe, mid dhiiga ummaddeena ka taajira, mid warka iyo dad isku dirkooda ka taajira iyo mid xoola ceebeedka tuuksika lagu soo helay derbiyadeeda u taagan.

Madaxweyne Shariif Shikh Axmed, sharafki aad ku heshay Xabashi bixideeda shidda badan ayaa laga helay . horaba dhib, rafaad iyo dhiig daahira oo maalin walba dadkeena laga daadsho indhaheena hortooda kama maqnayn, laakin Xabashi bixideeda keddib waxaa raja weyn naga gashay in ay imaan doonaan dabaylo xoog badan ee afka u dhigto qabqable dagaal, wadaad xume, taajir xume ,oda-xume ,weji-badne, afmishaar iwm, qabintaanki rajada weyn waxaan sabab uga dhignay iyada oo Soomali badan ay kuugu tebayeen karti, howlkarnimo, daacadnimo, geesinimo iyo in aad tahay afmaal hadalkiisa miisaanan-yahay.

Ka daroo debi dhal, adiga, Shariif Xasan iyo walad cabdalle showrki aad ina cabdirashiid kula soo shir tagteen iyadana shidda badan ayaa laga helay, waxaa laga helay shataat(kala tag kooxdi wada socotay) ,shahaada-zuur(been ha loogu marqaati furo) ha loo doono qabyo dastuur iyo shacabki lahaa yaanan wax laga weydiin, waxaa laga helay wasiirka Koowaad shaqadiisa waa ka soo bixi waayay iyo muddaad wada joogteen mas’uuliyadeedi wax qabad la’aan kaligiis dusha ha loo saaro.

Eryidi ama ku awr-kacsiki is-casilaad ee ina Cabdirashiid iyadana shida badan ayaa laga helay ,waxaa laga helay Shariifka joogo Shariifka maqan inuu shirqool uga dhigo gudiga qabyo dastuur ha la marsiiyo barlamaanka, laakin taa ma shaqayn waayo makrika ummaddeena lala rabay Ilaahey ayaa ka reed baxay oo waxaa isku jabay golihi shacabka(Sacabka) ,isla fahmi waayayna sirta Shariif Xasan ee shisheeyaha dabada ka riixaayo iyo siduu wax u rabay, waxaa iyadana nagu maqaala gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Villada waa kaaga deris guuryay oo shidow u istaagay.
Hadda iyo dan ,hadda iyo gunta fariintan ,”hadal haan ma buuxsho”,’hadalkana looma dhaho ha lagaa yeelo ee waxaa loo yiraa ha la maqlo, Somalida waxay tiraahdaa “Geeridi galbeed laga sheego gondahaada ka filo”.
Madaxweyne adigaa u qoolan ,cid kale kula qaadi-mayso mas’uuliyada fashilka ku yimaado wasiirki kowaad ee aad soo magacawdo haddii uu howshiisa uga soo bixi waayo sida ummaddeena u oomanayd oo iyada ah in si dhaqsiya dalkeena nabad loogu soo dabaalo guud ahaan iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Codsigaadi aad barlamaanka ka horjeedisay, kuna aadanaa in aad doonayso in isbedel lagu sameeyo xukuumadi Cumar Cabdirashiid waxaa ka mid ahaa adiga oo aanan toos u xusin shaqsi ahaan wasiirka kowaad “qof kasto howl buu ku fiican yahay sidaa darteed qofka waa in loo diraa howl uu ka soo bixi karo”. Waxaan uga dan leeyahay jagada wasiirka koowaad waa jago uu soo magacaabo Madaxweynaha, keddibna la horgeeyo barlamaanka, haddaba soo magaacabidaada salka ha ku hayso shakhsiga aad markan u magacaabeyso howshan in uu ahaado ruux howsha loo igmaday u gudan karo sida looga rabay. Xusuusnow Madaxweyne ,annaga oo og in ay tahay arrin loo baahan yahay in aad la tashi la sameyso xubnaha barlamaanka ,dowladaha deriska nala ah,dowladaha waaweyn ee arrimaheena faraha kula jiro iyo cid walbo oo aad ku tebayso in ay kaa gacan-siin karto in aad howshan u soo magacawda ruux ku haboon markaan, ayaan haddana waxaan ku xasuusinayaa mas’uuliyada koowaad iyo mas’uuliyada ugu dambeyso in aad adiga leedahay ruuxaas aad soo magacawday haddii uu wanaag la yimaado iyo sidi Somaliweyn kaa sugaysay iyo haddii uu ku fashilmaba howshii loo igmaday .

Madaxweyne fariimaha iyo codsiyada ku soo gaarayo waa badan yihiin , dadka howshaan isu soo sharaxayna ma fara yaro,waxaa kuwada jiro mid ka soo bixi kara ,mid aanan ka soo bixi karin iyo mid halagaa sheego isu soo sharaxay iyo haddii aad tan weyso wasiir ka dhax doono is-sharaxaadan ,waxaa iyagana jiro rag iyo dumar karti u leh qabashada howshaan kana dhowrsaday in ayanan magacoodo ku ceebayn meel aynan xog badan ka hayn sida loo maareeyo ,ninki qaban lahaa jagadan allah weyn ayaa ku caalim ah.

Madaxweyne waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa maadaama aan si cad farta ugu fiiqnay in aynan beri jirin cid ka dhegaysanayso uma maleyhaynin in uu sidan noqonayo ninkaan soo magacaabay , Madaxweyne wasiirka kowaad magcaabidiisa wuxuu ku xiran yahay masiirkaada taariikheed sidaa darteed ha u marin caadifo, nin jeceyl iyo saaxibtinimo ,dhowritaanka reer hebel ama reer hebel . magcaabistaada waa in ay ahaato mid aad aad uga fiirsatay, la tashi badana aad kala sameysay dad badan ,xitaa ninki kaaga soo dhax baxo dadka lagu soo xulay waa in aad taariikhdiisa ka xansataa dad badan oo kale duwan mid jecel iyo mid neceba .

Madaxweyne waxaan iyadana kaa codsanaynaa in aad u istaagto sidi aad uga dhigi lahayd fariiq(Koox) kaliya oo wada shaqeeyo ,adiga ,gudoomiyaha barlamaanka ,xubnaha barlamaanka ,wasiirka kowaad ,golaha wasiirada iyo hay’adaha dowlada oo dhan. Madaxweyne waxaan iyadana ku soo xasuusinaynaa ninki ay la taliyayaashiisa fiicnaadaan in ay howhiisa guul ku dhamaaneyso Ilaahey idinkiis.

Adiga oo wanaag ku doono shakhsiga wasiirka kowaad iyo Towfiiqda oo allah ku waafajiyo waa guusha danta guud ee ummaddeena.

Madaxweyne ma ahan fariintan in aan taageera gaar ah kuu hayno laakin waa in aan is-tusaaleynayno ruux walbo oo Somaali ah in uu dowr ka qaato sida dib loogu soo noolayn lahaa sharafki iyo haybadi ummaddeena ,hadaba aan mar kale ku soo sheegno, adiga noqo kii nagu horkaco in uu wanaag wax ku maamulo ,annagana waxaan kuu balan qaadaynaa in aan kaa kaalmeyno wixi naga tabar ah oo aan kula qaban karno. 02\10\2010

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi).
Moallem10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.