Home » Warar »

Safiirka Somaliya ee Kenya oo casuumaad u sameeyey Safiirka cusub ee Dowladda Shiinaha

Safiirka Somaliya ee Kenya Ambassador Maxamed Cali Nur Ameriko ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Shiinaha u magacowday Somalia Iyo Kenya, Sabti October 2, 2010.

Mudane: Liu Guangyuan waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliya Ambassador  Maxamed Cali Nur Ameriko Iyo Ku Xigeenkiisa, Mohamed Cismaan Adan”Edson”.

Labada Safiir ayaa ka wada hadlay xidhiidhka dheer ee ay  labada dal  leeyihin  iyo taageerada ay dadka iyo  dawladda Shiinuhu siiso dawladda iyo dadka Somalia, iyadoo Safiirka Somalia Ee Kenya, Mudane Mohamed Cali Ameriko uu uga mahad celiyey xidhiidhkaas dheer iyo taageerada aan  kala go’a lahayn ee ay dawladda Shiinuhu  la garab taagan tahay dowladda iyo dadka Somaliyed.

Safiirka Somaliya ayaa ku ammaanay dawladda Shiinaha xidhiidhka ganacsi ee ay dalkeeda ka samaystaan ganacsatada Somaliyeed, iyo sidoo kale soo dhaweynta ay u fideyeen dadka Shiinuhu, waxana uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ka dawlad ahaan  taageerada bani’adinaimo ay siiyaan dadka Somaliyeed.

Safiirka Cusub Ee Shiinaha ee Somaliya Iyo Kenya,Ambassador  Liu Guangyuan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan dawladda iyo dadka Somaliya iyadoo uu xusay inaanay dawladda Shiinuhu marnaba kala gaban doonin teegeerada ay taageerto Dadka iyo Dawladda Somaliyeed, waxana uu sheegay inay sii laba jibaari doonaan taageeradaas, iyadoo uu xusay in Somaliya ay kaga jirto taariikhda Shiinaha meel aad u culus.

Gebagabadii kulanka ayaa wuxuu ku soo dhammaaday jawi aad u degan oo farxadeed, waxaana ay labada dhinacba isla garteen in la sii laba jibaaro taageerada ay dawladda Shiinuhu siiso Somaliya.

##

Bandhigga Carwada ugu weyn adduunka ee Shanghai oo Soomaaliya ka qayb gashay

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Safiirka Somaliya ee Kenya oo casuumaad u sameeyey Safiirka cusub ee Dowladda Shiinaha "

  1. kamaal says:

    Safiirka af-somaliga ku hadla ee ugandha u fadhiya kenya dhaha markaad ka hadlaysaan reerkaan soo shaqada tagay ee u maleeya in musaveni askartiisa lagu noqon karo safiir…
    Kuwaan wajigooda inaad somalida hor keentaan maha…..