Home » Warar »

Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya

Iyadoo Wadanka Ereteriya ay saaran tahay Cunaqabateyn Caalami ah  waxaana Cunaqabateyntaas ku soo rogey Qaramada midoobey  ka dib markii lagu eedeeyey Ereteriya  in ay sii hurineyso Xaalada Soomaaliya isla markana la sheegey in Saanad Meleteri u dirtey Kooxaha ka soo horjeeda Dowalada KMG iyadoo taasi ay jirto islamarkaana Dowladda Ereteriya ay dafirtay  ayaa hadana wararka la heleya waxay sheegayaan in Dowladda Ereteriya looga maarmi waayey Xaaladda soomaaliya.

Waxaa dhawaan Dalkaas tagey wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Wakiilka gaar ah ee Soomaaliya Mr Mahinga waxayna kulamo qaatey dhowr saacadood ay la  qaateen Madaxweynaha wadanka Ereteriya Isayas Afawarki waxaana kulamadaas la iskula soo qaadey arrimaha Soomaaliya waxaana lagu waramey in Madaxweynaha dalkaas laga  codsadey in uu ka qaybqaato Xal u helidda arrimaha Murugsan ee Soomaaliya  iyadoo Mr Mahinga uu sheegey in Dowladda Ereteriya ay balan qaadey in ay gacan ka geysaneyso arrimaha soomaaliya hase yeeshee wuxuu meesha ka saarey Aqoonsiga Dowladda uu Hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikha Axmed. (5 September 2010  ayaa madaxweyne Isaias Afwerki waxa uu Casmara ku qaabilay ergeyga gaarka ee Soomaaliya Mahiga).

Madaxweynaha Ereteriya ayaa laga soo xigtey in uu sheegey in soomaaliya aysan ka jirin wax Dowlad ah isagoo sheegey in Sheikh Shariif uu ka qaybqaatey Wax uu ugu yeerey Xasuuqa Ummadda Soomaliyeed ka dib markii loo  adeegsadey Ciidamo shisheeye oo uu sheegey in ay shacabka ku xasuuqeen Hubkii ay heysteen”      Bal fiiri waxa Shacab ee ku dhimanaya dalka Soomaaliya Balfiiri waxa Isbitaaladda Muqdisho yaala “ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha dalka Ereteriya oo sheegey in haatan diyaar u yahay in uu ka qaybqaato sidii Xal Waafi ah looga gaari lahaa xaalada Cakiran ee Soomaaliya

Wafdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ee gaarey Wadanka Ereteriya ayaa ku soo beegmey xili Dalkaas ay saaran tahay Cunaqabteyn Caalami ah waxaa la sheegey tegista Wafdiga ay soo dedejisey markii Dalka Ereteriya looga maarmi waayey xalka soomaaliya oo la sheegey in ay feregelin uga imaaneyso qaar ka md wadamada deriska la ah Soomaaliya kuwaas oo qaarkood fergelin Meleteri ku sameeyey Soomaaliya Sanadihii la soo dhaafey oo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya  wuxuuna Madaxweynaha Ereteriya wafdigaas u caddeeyey inuusan waxba kala hari doonin sidii Soomaaliya u heli lahayd Dowlad loo dhan yahay  wuxuuna u soo jeediyey Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika in aysan waba kala harrin gacansiinta Shacabka soomaaliyeed

Madaxeynaha Ererteriya wuxuu sheegey in aysan waxba soo kordhin doonin Ciidamo shisheeye oo la geeya Soomaaliya wuxuuna ku taliyey in kuwa hadda jooga si deg deg ah looga saaro waayo ayuu yiri waxay maalin weliba Xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed

Warar Hoose ayaa sheegeya in Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay doonayaan in Dowladda Ereteriya  boos laga siiyo xal u helidda arrimahA Soomaaliyeed waxaana laga codsadey Dowladda Ereteriya in dowladda federaalk ku soo biiriso ururka Xisbul islaam maadaama Dowladda Ereteriya lagu xanto in ay taageeero weyn siiso Xisbigaas  hase yeeshee Madaxweynaha ereteriya ayaa sheegey in ay adag tahay in la isku keeno Dowladda Sheikh Shariif iyo  Hogaamiya Xisbu Islaam Shiikh Xasan Daahir  Balse Madaxweynaha Ereteriya waxaa uu soo jeediyey in la qabto Shir Dib u Heshiisiineed oo lagu dhiso Dowlada Soomaaliyeed iyadoo Wafdigii ka socdey Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey ay sheegey in ay si weyn isku afgarteen Madaxweynaha Ereteriya in u ka qayb qaato Xal u helidda Arrimaha Soomaaliya

. Wareegtooyinkii Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan ku dalbadeen in Dastuurka la ansixiyo ayadoo aan loo qaadin Afti Dadweyne

. Wasiir ka tirsan Xukuumadda FKMG oo ku Baaqay in Sharmarke uu is Casilo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan: Af-Soomaali ama English

Muxuu Salka ku hayaaKhilaaf Mar kale soo kala dhex galay Sheekh Shariif iyo Cumar C/Rashiid

Dastuurka cusub oo Khilaaf ka dhex dhaliyey Sheikh Shariif iyo Cumar C/rashiid

###

President Isaias Holds Talks With The Special Representative Of The UN Secretary General In The Somali Case

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Maxaa ka jira In Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ay Ereteriya ka codsadeen in ay ka qayb qaadato Xal u helida Somaaliya "

  1. jamaal says:

    Marka hore weji ma ku leeyihiin ay codsi ugu gudbiyaan Eriteriya? Sow kuwii la saftey Senawi iyo Museveni oo cuna qabateynta ku soo rogay maaha iyadoo Itoobiya weli haysato magaaladii lagu dagaaley ee Badme.