Home » Faallo »

Dhaqamadii Qoyska ee iigu yaabka badnaa wadanka Pakistan!

“Qof aan dhul marin Dhaayo maleh”

Hordhac/Gogoldhig

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaah ha yeelo.

Marka qofka wadankiisa ka tago ee uu dhex galo Ummad ka midab, dhaqan iyo luqadba duwan, mararka qaarna ka Diin duwan, wuxuu arkayaa waxyaalo waligiis uusan arag, waxyaalo ka yaabiya, mararka qaarna kaba nixiyaba.Waa hubaal in Ummad kastaahi leedahay dhaqamo wanaagsan iyo kuwo xun intaba, dadkaa dhaqankaa leh sida eey rabtaba ha ula muuqatee! Faa’iidada ugu weyn ee eey leedahay ogaanshaha jiritaanka dhaqamadaa kale ayaa waxeey tahay, ku baraarugida jiritaan dhaqan kale oo inbadan ka duwan kaada, wax ka ogaashihiisa oo tacliin kale ah iyo bal isu barbardhiga dhaqankii aad laheyd ee aad kula soo nooleyd wadankaadi hooyo iyo midkan meeshan yaalla.

Qormadan waxaan uga hadlayaa dhaqanka qoyska ee wadanka Pakistan, sida eey u kala sareeysiiyaan wiilasha, gabdha iyo hooyooyinkooda intaba, guurka iyo waxyaalaha la xiriira, furiintaanka, qaab dhaqanka, wada noolaashaha qoysaska iyo arimo kaloo xiiso badan. Fadlan kusoo dhowoow adigoo mahadsan.

Kala sareynsiinta wiilasha, gabdhaha iyo hooyooyinkoodaba

Dhaqanka Pakistan qoyska maalintii Wiil uu u dhasho waa maalin dabaal dageed, boodbood iyo farxad ayaa laga dhigayaa maalintaa oo dhan. Maalintii Gabari u dhalatana waa maalin murugeed, mugdi iyo naxdin badan. Waxaana sabab u ah dhaqanka Pakistan oo aan waxba ka duwaneyd kan wadanka Hindiya (India). Hooyada marka eey gabar dhasho waa laga nacaa qoyska.Hadii gabar kale eey kusii dartana kaba sii daran. Hadii gabdho dhalkeeda sii kordhana/batana waxeey gaarsiisaa in eey Adoon (slave) dhab ah ka noqoto qoyska guud. Marka hooyada wiil dhasho darajo aan caadi aheyn, jaceyl iyo Ixtiraam gaar ah ayey ku kasbataa, markastoo will hor leh eey dhashana awoodeeda ayaa si weyn u kororta, illaa heer la gaarsiiyo in waxkasta oo eey dhahdo aan mayaba la dhihikarin, ha ahaato dhinaca ninkeeda iyo reerkiisaba intaba.

Wadamada qaar ee dhaqankan kala midka ah Pakistan sida wadamada ku yaala Koonfurta Aasiya (South Aisa) ee aan Muslimiinta aheyn sida India, inta Uurka eey ku jirto ayaa la isku dayayaa in la ogaado, hadii Gabar/Gabadh eey tahayna weey soo ridaan/tuuraan (Apportion) oo wadanka India waxaa la sheegaa in daqiiqad kastaa dhowr gabar oo Sabi/Caruur aan waxba galabsan ah waalidkood ku dilaan/Uurka kasoo tuuraan.

Mushkilada nin ugadida gabdhaha Pakistan (Dowry/Jeheez)

Dowry ama Jeheez: waxaa la yiraahdaa Hantida/Maalka gabadha laga doonayo marka laguursanayo, hadii aan si kale u iraahdo waa Dhaqaalaha nin loogu gado gabadha si eey guur iyo calaf u hesho.Hantidaas waxaa ugu horeeya “waxkastoo guriga la dhigi lahaa” ee reerkaa uu ku dhaqmi lahaa, mararka qaarna waxaaba soo raaca Guryo, iyo Baabuur, waxeeysey ku xirantahay hadba heerka darajeed ee labada qoys ee kala guursanaya mujtamaca ka gaarsiisanyihin ama kaga jiraan.

Odey aan mar daris aheyn ayaa waxaan si gaar ah u dareemey in uu markasta murugeeysanyahay, hoos fiirinayo, sida qof Waalanraba kaligiis wadada iskula hadlo, mid aan saaxiibo aheyn oo daris ahaa ayaan weydiiyey waxa ninkan ku dhacay, wuxuu iigu Jawaabey, “Wuxuu dhalay Shan gabdhood oo aan wiilna ku jirin”-Subxaanallaah!”. Macnaha hadii uu wiil ku jiro, waxaa loo keenayaa isagana dowry culeyska ayuuna ka fududeeynayaa.Waxaa ugu naxdin badan kuwooda Iimaankooda liito, dhamaan gabdhaha iyo hooyadoodba inta laayaan/wada dilaan ayey iyagana is dilaan ama Police-ka isu soo dhiibaan.Waxa dhacdooyin nuucaan ah ee sawiro naxdin badan wata ee joornaalada kusoo baxaya maalinkasta waad qaracmeysaa xaqiiqdi.

Nuucyada Guurka ee wadanka Pakistan

Pakistan waxaa ka jira laba nuuc oo guur ah oo lagu kala magacaabo A-Guur waalidka qaabeeyey (arranged marriage) iyo B-mid Lamaanayaasha is jeceli is doorteen (love marriage).

A-Guurka waalidka doorteen waa kan loo badan yahay wadanka Pakistan, waa kan kaliya ee la aqbali karo ee aan cidina ka hor imaankarin. Gabadha iyo Wiilka is guursanaya wax kaalin ah kuma laha, doorasho ama wax ka hadal ah ma jiro- Waloow eey ku kala duwan yihiin qoysaska kuwaasoo ku kala ad adag kaalmaha eey kala qeybsanayaan waalidka iyo labada la isku aroosinayo. Waana midka sida weyn labada qowsba ugu wada dabaal dagaan, ugana wada qeyb qaataan.

B-Kan kale ee Love-marriage-ka la dhoho, badanaa wuxuu ka dhacaa Maxkamadaha, Waxaana gala labada hubta in la isu diidayo ama kazoo jeeda Qoysas aan isku heer aheyn , ileyn heer/class ayey qoysaska Pakistan isaga kala guursadaane. Hadii eey Tuulo ama Baadiyaha kale tahayna waxaaba macquul ah in midkood ama labadoodaba lawada dilo/laayo. Inta bandanna qoysaska wey jaraan/gooyaan oo xiriirka u jaraan lamaanahaa, Geeri, Tacsi iyo Aroos toona reerka lama qeybsan karaan, qaarka ugu xagjirsana xitaa Dhaxalka qoyska ayey ka saaraan, Nasiibdarada jirata! Hadana iyagoo ka dharagsan ciqaabaadkaas aadka u xanuunka badan, ayaa qaar u bareeraan. Laga yaabe in eey rajo ka qabaan in waalidka cafiyo oo waxba eeysan is badalin, weyna dhacdaa marar badan. Nasiib darase inta badan wey ku hungoobaan.

Caateeysiinta gabdhaha wadanka Pakistan

Pakistan gabadhu waa in eey caato (thin) tahay.-Dumar Buuran wadankaas balaayo ayaa ku aragtey- si gabadha caato looga dhigana waa in cuntadeeda aad loola socdaa, oo waxaa laga eryayaa mararka qaar marka ey nafta uun ceshato ama iyadaaba isa Soomineeysaba. Nasiib daro! Cudurada nafaqo-darada eey keento iyo u dhiigbaxa iyo ku Umulraacashada cunuga ugu horeeya waa waxa laaya/baabi’iya dumarka wadanka Pakistan, maxa yeeley dumarku Nahalba ma leh,waa wada naxiif u jilicsan waxkasta oo dhibba ah.

Mushkilada Furiinka Dumarka wadanka Pakistan

Nasiib darrada ugu weyn ayaa waxeey tahay gabadhii waalidkeed dhaqaalahaa xooga badan nin ugu gadeen, waxaa macquul ah in uu soo Furo, hadii mar lasoo furana nolosheeda inta ka dhiman nin kale ma guursanayo. Bal ka waran! Hadii gabdhaa 16-jir lagu guursadey ama ka yarba, Sanad kabacdina lasoo furey, cimri dheerna Allah siiyo? Waxaa intaa sii dheer in aan loo ogoleyn oo aan lagu casuumeeynin Aroosyada, waxaa la leeyahay waa “Qumayo” oo waxaa laga baqayaa in qoyskan cusub imaanshaheeda darteed uu u burburo, cidi ma oga waxa keeda ka burburiyey,waxa sababta aheyd iyo iyadaba in eey tahay Dhibanaha dhabta ah, oo Ninka uu sababtaa lahaa, maadaama ninka dhiba iyada qabsanaya uusan qabsaneynin.Ogoow! Isaga wuu kasoo qeyb gali karaa arooskaase!

Nasiib darada jirta ayaa waxeey tahay tani waxeey keentaa in tiro aan caqli gal aheyn oo dumar ah “Duurka galaan”.

Waa wax caadi ka ah (common) in aad maqasho Islaan ninkeeda eey isu dhaceen ama xitaa isku qeyliyeen oo kaliya oo dareentey ama isugu sheekeeysey in uu Furi rabo ee is Daldashey ama si uun isu dishey ama gabar og dhaqaalo xumada waalidkeed iyo in gaddho badan la dhasheen sidaa daraadeedna iyadoo is dhaheeysa guurba nasiib uma yeelaneysid waligaa sidaa isu disho (Suicide).

Dhaqanka wadanoolaashaha Qoyska (joint family system) ee wadanka Pakistan

Waxeey arinta Furiinka iyo dhaqaalo yaraantaba ku daaweeyaan/kula tacaalaan in eey Ilmo adeerta iska guursato oo waliba qaab is dhaafsi ah u kala guursadaan.Waa wax iska caadi ah in aad aragto walaalo ilmahooda oo dhan iyaga uun isu wada guuriyey oo xitaa ilma adeerta koobaad eeysan u gurbin, si qoyskaa iyagoo nin iyo naagtii ah hadana dad walaalo ah oo isu naxaya u noqdaan, gaar ahaan ninka, ileyn isageey walaashiis tahaye. Waxeey sidoo kale ku xalliyaan in eey wada noolaadaan waalidka iyo wiilashooda qoysaska eey sameysteen si waalidiintana ugu dhex jiraan oo xalka iyo isku dhaqidaba u dhextaagnaadaan. Dhaqaalo ahaana nolosha isaga kaashadaan iskana warhaayaan. Dhibka jira ayaase wuxuu yahay haba weeynaadee, marka hal guri, la isugu keeno dumar farabadan oo aan is dhalin, dagaal iyo nuxnux ma dhamaato, hadii qoys is qaba xaajo ka xumaatana, wax Sir ah ma jirto (No privacy) ileyn wixii oo dhan ayaa hal guri ehe. Waxa lagu daweynayo ayaase waxkasta ka muhiimsan.

Waxaa intaa kasii daran reerka wiilashooda gabdhaha eey soo aroosaan waxeey ku wada qabaan guriga aabahood iyo hooyadood. Waxaa boqorad u ah wiilasha hooyadood, waxeey dhahdo ayaana kama dambeys ah, howsha guriga sida loo kala qeybsanayo iyadaa go’aanka ugu dambeeya ka gaarta, xaasaskaa oo dhan waxeey ula dhaqantaa una canaanankartaa sidii kuwa eey iyada dhashey. Marka iyadaa loo kala ordaya, lakala shukaansanayaa, meeshii Marwo kasta gurigeeda boqorad iyo marwo ku sharfan oo u madaxbanaan ahaan laheyd.Waana waxyaabaha dumarka Pakistan badanaa ka qeyliyaan.

Xaqiiqda jirta ayaa waxeey tahay dhaqanka nuucan oo kale ah, ma aha mid laga soo minguuriyey/ku qotoma ama laga keeney Diinteena sharafta badan ee Islaamka, maxaa yeeley Owlaada waa hibo qaali ah oo uu Allaah bixiyo gabar iyo will intaba, ogow qofkastaana nasiiba uma yeesho. Culuumta Genes-kana waxeey cadeynayaan in hooyada eeysanba shuqul ku laheyn gabar iyo wiil toona marka Ugxaanta/Ukumaha isku milmayaan oo eey isbacriminayaan si cunug u sameysmo. Nasiibdarrase waa dhaqan ku xidideeystey wadamada South Asia haba kusii kala darnaadeene.Waa hubaal qofka Aqoonta leh, mid diini ama mid maadi ha ahaatee in uu ka xuroobayo, waadna arkeysaa in badan oo dhaqanka nuucaas ah yaseysa wadankaba ha u dhasheene.

Isu barbardhigida Dhaqankeena Soomaaliyeed iyo dhaqankaa Pakistan

Inkastoo eey jiraan waxyaalo kale oo ka khaldan dhaqan-qoyska Soomaaliyeed hadana kuwa kor aad kusoo aragtey oo kale ma aha. Odeygii gabdho badan Allaah siiyo oo eey u wada wanaagsanaadaan, ugartaanna in eey waalidkooda sharfaan kana dambeeyaan, iska daa in uu dhaqaalo uu nin ugu gado ka fikiree isagaaba Sooryo ka dharga oo raga kala xodxodanayaan una soo kala dhuumanayaan. Sidoo kale dumarkeena ma heysato nasiib darada taalla Pakistan ee ah in aan laguursaneyn mar hadii la furo, oo Dumarka Soomaaliyeed qaar ayaa dhaha “War i fur hadii aad i furto ma Feero ayaa iga jabaya” waase nasiibdarro in burburinta qoys dhan uu sidaa inoola fududaado.Waa dhab in qeybo Soomaalida kamid ah kala sareeysiiso wiilasha iyo gabdhaha Miyiga/Baadiyahaba ha u badnaadeene, hadana wax heerka Pakistan iyo mid u dhow toona ah ma aha. Waa eey iska jecelyihiin in eey wiilal badan dhalaan kuwaasoo sii wada magaca iyo taranka qoyska si Isirkaa usii jiro.Waloow wax badan hada is badaleen hadana dhinaca kale Caateyn iskaba daaye Dhaqanka Soomaali ayaa waxaa ka buuxda Amaanta dumarka Xusul-Baruurta ah ee Cabaaryo laalaaban iyo Meelkastoo buuran leh.

Marka aad aragto dhaqankaa ka jira Pakistan iyo wadamada la midka ah soow kuuma muuqaneeyso in dumarkeena ka nasiib badanyihiin dumar badan? Dhaqankeenana waxyaabo badan uga wanaagsan yahay dhaqane kale oo Ummado kale eey leeyihiin?

Afeef

Wixii khalad ah ee qoraalka uu leeyahay nuuckasta ha ahaadeene, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh aniga oo kaliya. Waxaan soo dhaweynayaa si Kal iyo Laab ah, waxkasta oo su’aalo, sixid, talo iyo tusaaleynba ah. Fadlan adoo mahadsan iigu soo dir e-mailka hoos ku qoran.

Mahadnaq

Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqabaa Injineer Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur” ee jaamacada UET, Peshawar-Pakistan iyo Mr.Maxamed-Amiin Cabdi Cismaan (Amiin Yare) oo qeyb libaax ka qaatey qormadan. Wabillaahi Towfiiq.

W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor

PhD-Candidate

MBA (Marketing)

BBA (Marketing and finance)

abdulkadirphd@hotmail.com

Kuala Lumpur-Malaysia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Dhaqamadii Qoyska ee iigu yaabka badnaa wadanka Pakistan! "

  1. Abdi says:

    Asalaamu Calaykum
    Abdi boqor walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay xogta aad naga siisay Wadanka Pakistan ee ku saabsan dhaqanka guurkooda. Runtii aad ayaan uga naxay sida dumarkaas u dhiban yihiin iyadoo cida masuuliyada u qaadaysa ayna wax cadaalad iyo sharci u eegayn. Kolay sidaad sheegtay diinteena qaaligaa meel ama boos kuma leh waxyaalahaas jaahiliga ah.
    Alxamdulillaah annaga ka soomaali ahaan nasiib ayay gabdheheena sharafta leh u yeesheen inaysan dulmigaas tirada badan galin. Way iska dhici kartaa gabar Soomaali ah oo dulmi lagu hayo laakiin kolay waxa meeshaas ka dhacaya waa wax aan wadankeena ka dhicin. Gabdheheena Soomaaliyeed waxaan oran lahaa Ilaahay ku mahadiya idinka badbaadiyay dulmigaas. Dhaqanka Soomaalida way jirtaa in la iska jecel yahay wiilasha laakiin taasi ma ku xambaarto soomaalida inay gabdhaha si xun ula dhaqmaan. Inta burburka ah ayaa waxaa aad loo ogaaday in gabdheheenu ay yihiin qaar karti leh oo waliba meel uga soo baxay dadkoodii xagga waxtarka. Wadamadaan dibada hadaad fiiriso iyagaa uga badan ragga xagga shaqada iyo waxbarashada labadaba. Xagga wadenkeenii nimankii waxay noqdeen intooda badan losers jaad iska cunaya halka haweenku ay soo shaqaynayaan biilka caruurta. Gabdheheenow dhaqankiina iyo raggiina aad u adkaysta oo ogaata dhibka gabdho badan ku haysta caalamka oo Ilaahay idinka badbaadiyay.
    Mahadsanidiin
    Abdinasir

  2. walaal aad ayaad ugu mahadsantahay sida wanaagsan ee aad noogu
    sharaxaday dhaqanka pakistaan iyo dalalka ku xeeran ee aasia aad baan
    uga xumahay in waqtigaan oo diinta islaamku aad loo fahmay in wali ay jiraan dalal islaam ah oo sidaas u dhaqmaya ilaahay ha fahamsiiyo diintooda qiimaha badan tan kale ka waran sida ay uga guursadaan dadka soo galootiga ama ajnabiga ah sida ay u tixgaliyaan mar labaad aad aya u mahasantahay

  3. shabaab says:

    waa erayo qurxan, ee allaha ku daayo saaxiib

  4. Cabdiboqor says:

    Dhamaan walaalihii qoraalkii aan soo qorey wax ka tiri waad ku wada mahadsantihiin waqtigiina qaaliga ah, dhiiragalintiina iyo ereyadiina wanaagsan intaba.

    Waa muhiim in qoraaga aqriyo waxa dadaalkiisii ummada ka tiri, waana wax farxad badan sida wanaaga badan ee aad qoraalkaa usoo dhaweyseen, iyo intii aad ka tiraahdeenba. Waan dadaalayaa intii tabar ah, Allaahna waxaan inooga wada baryayaa in uu Towfiiqda ina wada waafajiyo, aduun iyo aakhirana wadada toosan iyo raali’ahaanshihiisa inoo hibeeyo.Aamiin

    Mar kale mahadsanidiin walaalayaal.

  5. Gelle says:

    Walaal aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay waana qormo wanaagsan mana ahan sida aad sheegtay wax islaamku shaqo ku leeyahay ee waa caado xun oo la mid ah tii Quraysh iyo Arabi ku dhaqmi jireen islaamka ka hor. Haddaba arrinta muhiimka ah oo in muslimiinta lagu baraarujiyo u baahan waxay tahay haddii aan dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay dulmiga laga dayn waxaa dhici doonta ama haddaba marar badan iyo meelo badan ka dhacday in iyaga xagooda caalamul islaam laga soo galo iyadoo loo muujinayo in dhibkaas iyo dhaqamadaas bani aadanimadda ka baxsan ee lagula dhaqmayo laga xoraynayo

    Dhinaca kalena waxaan leeyahay dhaqankeena wanaagsan ee gabdhaha ku aadan aynu ku mahadino allihii ina waafajiyey, waxii khaldana aynu iska saxno, waxii xaq daro ahna oo hore inooga dhacayna aynu alle subxaanu wa tacaalaa uga toobad keeno

    Walaal mahadsanid walaal mar labaad

  6. boqor aad iyo ad ayad ugu mahadsantahay, si wacan oo noogu bayanisay dhaqanka reer bakistan, insha allah wa filayaaa in hablaheenu ay dareemi doonan in dhaqankoodu uu midka rasmiga ah ee ku saleysan dinta islamka..cadaladina ay ku jirto…thnx

  7. jacfar says:

    thanx boqor saab. WAxaan jira wax la yiraahdo marriage shoping oo ah marka wiilka loo raadinayo gabar. waxaa masuuliyadaas qaada wiilka hooyadiisa ayadoo albaab kasto u garaacda si ay wiilkeeda gabar lacag leh oo oo JEHEEZ-ka iska bixi karto ugu hesho. source: my profesor.

  8. aadbaad u mahadsan santahay walal warbixintaa aad nooga soo gudbisay wadankaa dadkiisu muslimka u badan yihiin laakiin walalahay aadbaan uga murugooday indhahayga ilmaa isku soo taagtay jirkoo dhan baa i ijiricoodaywaana wax qofkastoo dareen baniiaadamnimo kujiro uu ka xumaado iska daa qof muslim ah o dareemaya dadkaa sidaa u dhiban in ay yihiin walaladiis runtii waxa kajira waa sida aad sheegtay oo diinta islaamku wax shaqo ah kuma leh in kostoo dadku muslimiin yihiin waxa halkaa gaarsiiyayna waa jahliga diintooda ka haysta Rabi waxan waydiisanaya in uu muslimiinta diintooda fahamsiiyo

  9. edil says:

    Masha allah walaal aaad iyo aad ayad u mahadsantahay sida wacan ee aad u falanqaysay qoraalka ka hadlaya dhaqanka pakistaan iyo sida aa isugu bar bar dhigtay dhaqankeena..Runtii waa xaqiiq inaan dhaqan wanaagsan leenahay, dumarkeena somaaliyeedna aan nasiib badan nahay. Mararka qaarkood dadku dhaqankeena ayey cilad u yeelaan balse u malayn mayo mid ka fiican inuu jiro haddi aduunka oo dhan loo barbar dhigo…

    mahadsanid ayaan ku leeyahay mar labaad

    well done

    Edil