Home » Faallo »

Daba Qabashada Qaranka Soomaaliyeed | Muna Abshir

Daba Qabashada Qaranka Soomaaliyeed, Waxaa Ka Horeeya In La Qabto Damiir Laawaha Hunguriga Xun

By Muna Abshir Abdi Osman, Biomedical scienstist

Sunday 19 July 2010

Mahad oo dhan ilaahay ayey u sugnaatay, nabad galyo iyo naxariisna ha ahaato nabigeena suuban dushiisa (CSW). Qormadan hadii alle idmo waxaan ku lafa guri doonnaa qaybo ka mid ah dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed ee burburisey dalkoodii hooyo, walina hor taagan inay xal kama danbays ah gaaraan. Waxaan malin kasta maqlaa, akhriyaa ama  indhahayga ku arkaa dhibka Soomaalida haysta, dagaalka iska socda oo aan wax ula jeed ah lahayn, rafaadka iyo silica umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba haysta.

Waxaa qormadaan in aan qoro igu dhaliyey markaan arkay jaah wareerka umadda Soomaaliyeed haysta iyo beenta  lagu maaweeliyo malin kasta shacabka Soomaaliyeed aan arkay.  Markaan dhex galay arimaha Soomaalida waxaa ii soo baxday in umadda been lagu maaweeliyo oo aan xalku meeshuu jirayba laga raadin, ee darbi cidlaa madaxa lagu garaacayo !!!.

Tusaale ahaan qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, hadii la waydiiyo Soomaalidu maxay isku haystaan ama maxay la heshiin la yihiin wuxuu kuugu jawaabayaa isagoonba su’aasha ka fiirsan ‘’Soomaalida qabiil baa kala geeyey, in la kala dhex galo ma ahee iyagu ma wada hadli karaan, Madaxweyne haday doortaan iyagu cidna qiimaayn mayso, nacayb baa ka dhexeeya umada Soomaaliyeed  oo xal dhexdoodaa ma gaari karaan iwm’’.

Erayada noocaas ah baa hada Soomaalida dhexdeeda caadi ka noqday, kuna noqday arqalad weyn  heshiiska iyo xalka la gaari lahaa. Waxaaa is waydiin mudan nacayb Soomaalida saas u kala fogeeyaa ma dhex yaal ?, hadiise uu jira maxaa sababay ileen Soomaalidu waligood bay is layn jireen oo dirir iyo dagaal dhex marijiray Geelana waa kala qaadi jireen waana ayag ku maah maaha, ” Geel Doono Geesa Dhiiga ayuu dhalaa”, waligoodna qabiilo way lahaayeen, waana ka hishiin jireen dhib kasta oo dhex marana Geed hoostiisbay xaajooyinka maantay taagan ku gorfayn jireen ee waayahaan danbe maxaa ku soo kordhay.

Aqristoow adaan kuu daynayaa fekar-kaaga ku, aadan Soomaalida dhibka dhex yaal oo ay la jaahwareersan yihiin ilaa hada, balse anigu saan qabo qabiilku xalka Soomaaliyeed ma hor taagna, dhib iyo nacayb midna Kama dhex taagna qabaa’ilada Soomaaliyeed ee waa quraafaad ay sameeyeen dad shaqsiyaad ah oo iyagu markaas dano gaar ah ka leh arintaan. Waxaa tusaale fiican maskaxda fayow ugu filan: Soomaalidu waa iska guursadaan, waa wada dhasheen, waa is dhal dhaleen, waa isku luuqad, waa isku sinjiyad (homzygous), waa isku diin, waa isku dal, waa isku dhaqan, waa isu hiiliyaan, cidla iskagama tagaan, waa saaxiibo oo qof Soomaali ah oo qabiilka uu ka dhashay kaliya ku kooban ma jiro, hadduu jirana waa mid iska local ah oo aan qabiil kiisa dad ka baxsanba abid la kulmin.

Hadaba hadiiba ka soo qaad dadka Soomaaliyeed nacayb qabiil ku dhisan ka dhaxeeyo, intaas oo wanaag ah oo kor ku xusan ma dhex mari lahaa ? Meeshaas waxaa ka cad in umadda Soomaaliyeed oo walaalaha ah  uusan ka dhaxayn wax nacayb ah balse waxaa jira damiir laawayaal hunguri xun oo ku dhex jira umadda Soomaaliyeed, kana soo hor jeeda nabada iyo hormarka dalka, kuwaas oo ah rag dhamaantood u shaqeeya shisheeye iyo cadowga dalkeena. Ragaas iyagaa waxaay jecel yihiin had iyo goor in ay umadda walaalahaa kala dilaan oo xumaato iyo rabsho ka dhex abuuraan iyagoo hadalo huu haaya la dhex maraya shacabka si aay xumaato ugu kala dhex abuuraan.

Erayada damiir laawayasha hunguriga xun ku hadaaqaan waxaa ka mid ah:  reer hebel waa bay reer hebel xasuuqeen ee ma og tihiin?, reer hebel waa cadowga reer hebel, reer hebel hada ka hor bay reer hebel geel ka dhaceen, reer hebel hada ka hor bay reer hebel u gabyeen iyo sheekooyin la mid ah oo maalaa yacni ah.  Nasiib daro damiir laawayaasha hunguriga xun dadkii shacabka ahaa way ka caqli badiyeen oo dhamaan waxaay ka dhaadhiciyeen war cadowgeenu waa kan Soomaaligaa ee kula dhashay. Heer waxaay gaareen shacabkii Soomaaliyeed uu meeshuu cadowga isha ku fiirin lahaa uu kan Soomaaliga ah iska ilaaliyo, ileen waa nin loogu sheekeeyey kan baa ah kii ku cirib tiri laaheye.

Daamiir laawayaasha hunguriga xun qadiyad ma leh aan ka ahayn sidee baad wax u dhacdaa, sidee baad shacabka u kala iibsataa, sidaa baad kursiga ugu sii fadhisaa, sidee baad lacag ku heshaa iwm. Dhamaantood waa (selfinterested), kaligii taliye, kaligii cune, kaligii noolade, kama fekeraan guul darada ay umaddooda iyo dalkooda u soo hoyiyeen. Damiir laawayaasha hunguriga xun  waxaa ka mid ah ninka shacab kiisa cadowga u soo hogaaminaya, waxaa ka mid ah kan khayradka badeena ka gadanaya shisheeyaha,

waxaa ka mid ah kan shacabka maalin iyo habayn ay ka seexan waayeen oo hoobiyaha la dhex taagan, waxaa ka mid ah kan daawada dhacday ka ganacsada oo shacab kiisa ku baa’binaya isagoo shilimaadka markaas ka soo galaya u xilanaya, waxaa ka mid ah kan sunta (toxic-waste) baddeena in lagu shubo masuulka ka ah, waxaa ka mid ah daba dhilif shisheeyoo, daynaya shisheeyaha, dilayana walaalkiis, waxaa ka mid ah kan caruurtiisa gaystay wadanka dibadiisa, caruur uusan dhalina qaarna hoobiye la dhacayo , qaarna askar  ka dhigtay.

Damiir laawayaasha hunguriga xun umaddooda uma diir naxaan, waa wada dhuuni qaatayaal aan umadooda wax sharaf iyo wanaag ah midna ku dhex lahayn. Waxaay dhamaan ku midoobeen dhaca xaqa masaakiimta,  burburinta dalkooda iyo xasuuqa shacabkooda, dhamaantoodna hoostaas bay ka xariirsan yihiin, oo maalina waa col maalina waa heshiis. Waxaa is waydiin mudan kooxdaan aan damiir laawayaashe hunguriga xun u bixinay ma xishoodaan miyaa? Mida kale shacabku game ka ragaan ciyaarayaan ma fahmin miyaa wali?

Hadba mid miyaa dhahaya anaa madax  ahe i soo daba kaca markaas baay daba yaacayaan iyagoonba is waydiiin war ninkaan waa shaqsi ee horta yaa keensaday, yuu u ciyaaraa, yuu la shaqeeyaa, yaa hubka iyo lacagta siiyaa, yuu ku dilayaa hubka, yaa ninkaan hogaamiye ama madaxweeyne (leader or president) u soo doortay ma shacabka Soomaaliyeed mise belo kale oo aynaan aqoon? Inta aan ninkaan damiir laawahaa ama kooxdaan dhiig miiratadaa la daba yaacin soo ma wanaagsana in su’aalahaan la is waaydiiyo? Hadii shacabku markaas u arkaan in uusan ninkaan dan iyaga u wadin say uga hor tagaan oo war wax yeeladaada nala dhaaf u dhahaan, ileen mar hadii ninkii koox la hayb ah ama  la siyaasad  ah  sameysto  way adag tahay in bari laga hor tagee?

Teeda kale Soomaalidii hore waxaa ka kici jirey rag muwaadiniin ah oo neceb shisheeyaha jeceylna dadkooda iyo dalkooda. Maanta nin kasta oo umadda Soomaaliyeed u kaca maxaa ka dhigay daba-dhilif shisheeye, damiir-laawe iyo dad qal mid ayaa wata oo xabad iskuguna dhiibaya umadda Soomaaliyeed.  Soomaalida waxaa lagu yaqaanay dad firfircoon, fahan badan, geesiyiin ah, muwaadinin ah, isla weyn oo aan wax yaalaha qaarkood qaadan. Waxaa taas cadayn u ah sugaantii hore ee Soomaalida, sida gabaygaan uu tiriyey Ilahay naxariista jana ha siiyee abwaan Abdulkaadir Xirsi yamyam,

‘’ Sinnantaan la magac ahay, sanku neefle ma oggoli, inuu iga sarrayn karo, Ninkaan taydu soli karin, uma yeelo suu rabo, sida dunida qaarkeed ninna kabaha uma sido, Soomaali baan ahay’’, isagoo sii wada wuxuu ku daray ‘’inkastoon sabool ahay, hadana waan sarrigtaa, sacabada ma hoorsado, saaxiib nimaan ahay, cadowgayga lama simo, Soomali baan ahay’’.  Gabaygan wuxuu ka turjumayaa Soomaalidii hore siday isula waynaayeen oo aysan u qadaan jirin wax yaalaha sharaf dhaca ku ah dalkooda, diintooda iyo jiritaankooda.

Gunaanad : Maxaa xal ah?

Sida aan kor ku soo sheegnay Soomaalidu isma necba, xumaatana kama dhaxayso, waa dad ehel ah oo wiil iyo hooyadiis oo kale ah laakiin waxaa kala geeyey daba-dhilif shisheeye iyo damiir laawe imaan la. Dadka Soomaalida haddii laga reebo damiir laawayaasha hunguriga xun waxaay ku nool yihiin nolol aad u hoosaysa, dulmi, cadaalad daro, jahli, gaajo, cuduro isu kaashaday, qaxar iyo dhibaatooyin aan halkaan gaddigood lagu soo wada koobi karin. Soomaalida sumcadoodii wayka dhacday, waxaay maraysaa meeshii ugu hoosaysey.

Dalkoodiina Hooyo  waa burburay oo wuxuu noqday (War zone) goob dagaal waliba taas waxaa ka siidaran oo aysan ilaa hadda dadka Soomaaliyeed intooda badan dareensanayn dhaca iyo boobka dalkooda lagu hayo bad iyo biriba,  iyo waliba dulmiga dadka Soomaalidaa oo muwaadiniintaa shisheeyuhu ku hayaan. Hadaba waxaa muhiim ah in wixii hada ka danbeeya xalka meeshuu ku jiro laga raadiyo oo hadalada kutiri kuteentaa ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn sida reer hebel baa reer hebel neceb intaa la iska daayo xaqqa Allah loo soo noqdo, laguna dhaqaaqo shuruudahaas hoos ku qoran si xal kama danbays ah looga gaaro dhibaatada dhex taal Soomaalida oo 20 ka sano soo jiitamaysey:

  1. In marka ugu horaaysa Ilaahay (swt) la tala saarto oo xumaatada, dulmiga, dhaca, dilka, yasida, faanka iwm oo  loo gaysanayo qofkale oo Soomaali ah, Muslim ah la iska daayo, waayo Ilaahay ma ogola dulmiga iyo cadaalad darada.  Hada ka hor baa Sheikh Haji Ali Abdirahman (may Allah bless his soul) wuxuu yiri ‘’beeyteen mindhaa booligii layska burinmaayo, banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye (macnaha xoolo dadow baa la iska dhacaa), ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane, nina baadil yuu cunin dadow baadi baa tahaye’’.Qofka Muslimka ah waa in uu raadiyaa quud, cunto ‘xalaal’’ ah iyo guri‘xalaal’ ah iskana ilaaliyaa ama ka fogaadaa wixii’ xaraam ‘ah.  Qabyaaladu waa dulmi cid kasta oo raali ka ahna waa danbiilayaal, waxaayna xalaalsadeen wixii ILAAHAY xaraameeyey. Siduu Nabigu yiri (CSW) ruuxa Muslimka ah waa ka xaaraam muslimka xoolihiisa iyo dhiigiisaba, waxaana shar iyo dhibaato ugu filan ruuxa inuu xaqiro ama dulmiyo walaalkiisa Muslimka ah xaqiisa. Sidaa darteed ruuxa mu’minkaa waa inuu ka fogaadaa dhibka walaalihiisa Muslimka ah. Taas baana lagu gaari karaa cadaalad iyo sinaan.
  2. In umadda Soomaaliyeed cafis isu fidiyaan oo qofka bili’ aadamkaa waa khaldamaaye aan la iska aargoosan, aayaha dalkeenana aan ka tashano, iskana dayno dacayada beentaa sida ceebaynta, been abuurka, tuhunka, xaqiraada, mala awaalka iyo isjaajuusida galada loo kala dhuumanayo. Umada Soomaaliyeed waxaay aayahooda ka hadli karaan, xalna ka gaari karaan dhibaatada dhex taal marka ay iyaga ku kooban tahay balse marka 10 jaajuus, 10 cadowgooda ah iyo 10 daba-dhilif ku dhex jiraan heshiis ma gaari karaan mira dhal ah.Soomaalidaa horay ugu maah maahday Doon 2 naakhuuda leh waa jabtaa, Soomaalida xalkoodu wuxuu ku jiraa talo saarasho Ilaahay, cadaaladda, oo laga shaqeeyo iyo gar iyo geed hoostiis oo la tago. Waxaa taas tusaale inuugu filan inta jeer oo Soomaalidu shirar yeesheen (boorti-yeeri) shisheeyana dhex boodayeen dhamaanna fashilaad ku soo afjarmeen. Abwaan sangub baa hada ka hor gabay uu tiriyey waxaa ku jirtay
    ‘’ninkii dilayey baa u doodayee, nabadba yaaw doonay’’.  Waxaa kale oo iyana mudan in la sheego nin kasta oo madaxweyne loo doorto marka maantoo kale la doorto wuxuu diyaarad u sii saaran yahay wadan kale, wuxuuna wakhtigiisa dhan ku dhamaystaa ileen waa nin la hagayee Diyaraada duusha sii raac, Diyaarada Duusha soo raac.
  3. In la iska qabto dulmi wadaha umadda ku dhex jira oo danaha gaarkaa wata, kana shaqeeya xumaatada, isku dirka iyo burburinta dalka. Dadkaas iyaga ah ma aha in ay waxaan qabiil jeceyl u sameeyaan oo hadii ay qabiilkooda jeceyl iyo muxubo gaar ah u qabaan waxaad arki lahaydeen mid qabiil kiisa daaro dhaadheer u dhisay, iskuula geeyey, isbitaalo u dhisay, wax baray, nabad ka sameeyey meeshaay dagaan. Taas waligeed ma dhicin mana dhacayso in NiN qadiyadiisu qabiil, dhac, dil, qaxin iyo dulmi walaalkiis ku dhisan tahay uu horamar iyo rayn rayn uu u soo hoyiyo kuwa uu haybta la wadaago,waayo laba siyaabood baysan macquul  ku noqon karin : Waa mida koobaad e ninkaan iyo intii la fekerka  ah ee  iyagu markaas qabiil ku raacday kuna midoobey dulmiga qof kale oo walaalkood ah ILAAHAY hormar iyo wanaag ma siinayo waayo ILAHAY waa xaqsoore, xaqdarana laguma hodmo,  waa mida labaad ee nin dilaya walaalkiisa Soomaaliyeed ee la dhashay ee Muslim ka ah qabiil kiisa jaceyl umaba qabi karo, iyaguuna bari dilayaa haday ka hor yimaadaan. Waxaa jirta maah maah Soomaaliyeed oo oranaysa ‘’ labo xaqdaro ku midoowday, xaqaa iska hor keena’’, taasna waa xaqiiq in aay dhacayso.Hadaba waxaa muhiimadu tahay in dadka shacabkaa iska daayaan hadba nin kii durbaanka  u garaaca oo ay aayahooda ka tashtaan. Damiir laawuhu waa shaqsi dadka kale baa ka qaalisan.Dadkaan shaqsiyaadkaa oo nabada Soomaaliyeed ka soo hor jeeda si fudud baa lagu qaban karaa. Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa saaran xaq ah in uu walaalkiisa Muslimkaa dulmiga ka qabto.Waxaa jira Xadiith Nabigu SCW uu oranayo  walalkaa  2 jeer u hiili, marka la dulminayo kan dulminaya ka qabo , marka uu isagu wax dulminayana isaga qabo oo dheh war jooji waxaa wado ILAAHAY kama raali aha e.Ilaahay wuxuu qur,aan kiisa ku yiri ‘’kuwa xaqa rumeeyow ka  dhawrsada mala awaalka badan, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa danbi weyn, hana is jaajuusina, qaarkiinna qaar yuusan dulmiyin, miyuu jeceyl yahay midkiina inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Allah idin abuurtayna ka dhawrsada waa toobad aqbale naxariistee-suuratul all-hujraath’’. Sida aad ka aragtaan Ilaahay kalimaadkiisa wax yalaha dadka Soomaalidaa ay dhaqanka ka dhigteen sida xanta, beenta, isku dirka, jaajuusnimada, dulmiga oo aan la iska qaban, mala awaalka sida kan anaa og oo waa saas, anaa og oo saas buu damacsan yahay waa xaaraam, wana in aay dadka Soomaalidaa iska dayaan wax yaalaha noocaas oo kale ah, ilaahay waa danbi dhaafe ee ha u toobad keenaan.
  4. In si wadajir ah loo doorto Madaxweeyne cadaalad ah isagoon loo fiirin qabiil kuu ka soo jeedo ee kartidiisa, aqoontiisa, caqligiisa iyo waayo aragnimadiisa lagu doorto. Dadka shacab ka ahna waa in aysan ka hor imaan ee ay ka dhursugaan, waayo hadii qofka laga hor tago fiicnaantiisa iyo xumaantiisa maba la ogaan karo.
  5. Ugu danbaayntii waxaay muhiimada ugu weyn oo xal waara lagu gaari karo tahay in dadka laga wacdiyo wixii xun oo laga bilaabo caruurta yar yar oo hada soo koraysa lagana daayo dhega hadalka iyo erayada nacaybka, takoorka iyo hayb sooca ku salaysan, lana baro aqlaaqda wanaagsan, diinta iyo wadaninimada. Si ay u noqdaan fac ku barbaara barashada Qur’aanka kariimka iyo Sunnada NABIGEENII suubaanaa (NNKH) inagoon dayacayninna cilmiyada kale sida dhakhtarnimada, macalinimada, sharciyada, injineernimada, dhaqalaha, computerka iyo cilmi kasta oo ummada Soomaaliyeed anfacaya,wax kasta oo la baranayaa ha noqdeen Ilaahay wax lagu raali galinayo dadkeena iyo dalkeenana anfacaysa.

Taas waxaan uga bixi karnaa jahliga baahsan oo umaddeena dhibka weyn ku haya. Waayo jaahilnimo waa cudur xun oo aan dawo lahayn. Waxaa jirta maahmaah English ah oo oranaysa ‘’ there is nothing more frightful than ignorance in action’’ taas oo haddii Soomaali lagu macneeyo loola jeedo ‘ma jirto cabsi ka xun jahliga’. Waxaa kale oo iyadana jirta maah maah kale oo English ah taas oo oranaysa ‘’being ignorant is not so much a shame, as being unwilling to learn’’ oo macnaheedu yahay ma aha CEEB weyn in aadan aqoon lahayn balse waxaa ka sii CEEB badan in aadan Rabin in aad yeelati aqoon.Hadaba umadda Soomaaliyeed cida ay sugaysaa waa dhalinyarada, aqoonta leh mid diini iyo mid maadiba, dareensana awooda Ilaahay (swt), aan halmaansanaan aakhiradooda, wadankooda iyo hadafka nolosha loo keenay, dhawrsan oo ka dheer xummaato ee cilmiga ka dhigta hub, caqligana ka dhigta gaashaan adag.  Hadii aan lagu da’daalin da’ yarta soo kacaysa in jahliga iyo xumaatada laga wacdiyo la gaari maayo natiijada la higsanayo.

Wixii qalad iyo qallooc ah waa naftayda iyo shaydaan  Ilaahay iyo Rasuulkiisuna bari bay ka yihiin, marka ha la i soo cafiyo haddii hadal iga dhacay ama cid aan ku qaloociyey.

By Muna Abshir Abdi Osman
Biomedical Scientist ,  London

Wiixii fekrad ah ku soo hagaaji Munadecent@hotmail.co.uk

Waa Bilaahi Towfiiq

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Daba Qabashada Qaranka Soomaaliyeed | Muna Abshir "

  1. A/c bahda Soomalitalk! Aad baad ugu mahadsan tihiin qoralada wax ku oolka ah oo aad soo galisaan webkaan runtii aad baan ugu faraxsanahay in uu jiro web dhex dhexaad ka ah arimaha Soomaalida. Waxaan u mahad celinayaa gabadha qortay maqalkaan qiimaha leh Muna. Walaal muna aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay maqalkaan aad ku muujinaysi aragtidaada saliimka ah. Runtii inta aad sheegtay oo dhan waa jiraan waayo waxaa is waaydiin mudan dadka Soomaaliyeed yaa kala geeyey?? Yaa isku diraya?? yaa nabad u diidan? Waxaana ii soo baxday ka dib markaan maqalkaan aqriyey in Soomaaliya aay ka dagi la dahay dadkaas aad magacoowday ”damiir laawayaasha hunguriga xun” oo Soomaalidu u taqaan dhuuni raaca. Dhuuni raacyada dhaqanka xun hadii aan laga tashan Soomaaliya danbe lama maqli doono. Maqalka aad qortay iyo midka sheikh Mahamed idiris qoray Ilahay ha ka raali noqdee waa maqalo wax ku ool ah. Mahadsanid sis. Ilahay ha ku xifdiyo, caqligaagana ha kuu daayo.

    By gabayre