Home » Warar »

Waxyeelooyin kala duwan oo ay ciidamada Gumeysigu u gaysteen dad rayid ah

 Ciidamada qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyey qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gumaysiga Itoobiya.
— Masuuliyiin ka socotay gumaysatada itoobiya iyo dabaqoodhi hor ordayay oo loo diiday inay shir ku qabsadaan hotel ku yaala magaalada Mineapolis.
— Qorshayaal cusub oo gumaysigu doonayo inuu ku cunaqabateeyo shacabka si ay gaajo ugu le,daan.
–Dil iyo dhaawac loogu kala gaystay labo muwaadin oo re eogadenya ah dalkaasi koonfur afrika.
— Jaamacada caalamiga ah ee afrika oo lagu qabtay nadwo lagaga hadlayay saxaafada gayiga soomaaliyeed.
================== Warkii oo faahfaahsan ===================

Radio Xoriyo Codka shacabka Ogadenya

Barnaamijka idaacada
19 April 2010.

Ciidamada qalabkasida ee Xoreynta Ogadenya oo cagta mariyey qaar kamid ah saldhigyada ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Isla Horraantii bishan oo ku beegnayd 5/4/10 ayaa gobolka Shabeele siiba meesha la yidhaahdo Haar-Baaris waxaa ciidamada cadowga itoobiya lagaga gubay booyad ah kuwa biyaha qaada oo ay dhaansan jireen, deegaanka Budhle, oo katirsan isla gobolkaasi Shabeele, ay cwxo weerar la beegsadeen Koox Dabaqoodhiga Hawaarin ah oo halkaasi ku sugnaa 13-04-10.waxaana halkasi lagaga dhaawacay kooxdaasi Hawaarin 3,halka gacanta lagu dhigay 7 kale, Dabaqoodhigan Haawaarin oo markay Arkeen C.X.O. kala firxaday ayaa waxaa lagala wareegay Hubadan oo ay kamid yihiin 3 Qoryaha Cul culus ee P.K.M. ka ahi kujiraan, Waxaana dhaawacii iyo kuwi la qabtay lagu wareejiyay odayaashii degmada kadib markii la waaniyey.

Dhankaas iyo gobolka Qoraxay na deegaanka Dhalaal oo ka tirsan degmada Shilaabo oo ay ciidamada geesiyiinta ahi ku weerareen ciidan gumaysi oo fadhiyey meel shidaal laga baadhayo 08-04-10 ayay kaga dileen inta lahubo ee maydkooda la arkay 3 wayaane oo uu kujiro sargaalkii haystay ciidankaas,waxaana kadib goobtii ka kala cararay ciidankii intii soo hadhay

Cutubyo katirsan Ciidamada sida gaarka ah u Tababar ee Xoraynta Ogadenya ayaa-8/4/10- weerar mirr ah ku Qaaday Xerada Ciidanka Cadawga ee Missionka oo kutaala Magaalada Dh/buur, waxaana saldhiga Wayaanaha loogu gaystay Khasaare lixaadle oo aan wali laga helin faa faahin buuxda,balse wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in burbur culus soo gaadhay saldhigaasi,
Isla-8/4/10 San malmale, oo G/Nogob katirsan waxaa cadowga laga dilay dagaal halkaasi ka dhacay 4 askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale.
11/4/10- Ciidamada Xooga Dalka Ogadenya ayaa Bulaale, oo G/Jarar, katirsan ku Qaaday Dagaal Mir Culus ah waxaana halkaa loogu gaystay Ciidankii guymaysiga Jug wayn.

Xidhay balaadhan iyo Waxyeelooyin kala duwan oo ay ciidamada nacabka ahi u gaysteen dad rayid ah.

Ciidamada itaalka Daran ee Wayaanaha ayaa Caadadoodu tahay inay ka aar goostaan dadka shacabka markaste oo looga itaal roonaado goobaha dagaalka waxayna Tacadiyadii u dambeeyay ka gaysteen meelo kala duwan oo Wadanka Ogadenya.

20/3/10- Deg. Shaygoosh ee G/Qoraxay, waxay Ciidanka Cabudhiska ee Gumaysiga Wayaanuhu ku Xidh xidheen.

1- C/lahi Xasan Adan
2- Rashiid dayib iyo
3- Cabdi Xasan Yusuf.

21/3/10 Dhadhame oo katirsan Deg. Baali, waxay Xidhig iyo xukun isugu dareen .
1- Faarixi C/wahab oo lagu xukumay 6 sano oo xaq dara ah.
2- Badri Cabdi Guhaad,
3- Aamin Cabdi Guhaad
4- Muxyadiin Axmed Guure
5- Mahad Cabdullahi
6- Axmed Cabdullah iyo – Ardo C/qani.
Daruur oo katirsan Degmada Baabili waxay 25/3/10- Jidh dil fool Xun ugu gaysteen,
1- Cabdi JIbriil iyo
2- Abukar Ibrahim.

3/4/10 Caado, oo G/Doollo katirsan waxaa laga soo xidhay oo la keenay magaalada War Dheer dadka kala ah.

1- Xalimo Cabdi Macalim
2- Nimco Sayid
3- Farxiya Cabdi Xirsi iyo
4-C/lahi Deeq Maxamed.

7/4/10 Yucub, oo G/Doollo katirsan waxay Ciidanka Nacabka ah ee itoopia ku dileen Allaha u naxariistee. Xayi Axmed Caabi.

10/4/10- waxaa isla Magaalada Q/Dahare, lagu Xidh xidhay dadka kala ah.
1- Ruqiya Sheikh Dayib
2- Geri Nabadiid
3- Mahad Xasan Weli
4- Maxmaed Cali Abshir
5- Maxamud Gani Dhegoole
6- Shukri Cabdullahi
7- C/Wahab C/lahi Geele
8- Canab Weli Mursal iyo
9- Ubax Weli Mursal.

Masuuliyiin ka socotay gumaysatada itoobiya iyo dabaqoodhi hor ordayay oo loo diiday inay shir ku qabsadaan hotel ku yaala magaalada Mineapolis.

Jaaliyadaha Ogadenya iyo Oromia ee gobolka Minisota siiba magaalooyinka mataanaha ee minyaabulis iyo sambowl ayaa ka war helay shalay qaar kamid ah dabqoodhiga u adeega gumaysiga oo doonayay inay shirk ugu qabtaan hotel ku yaala magaaladaasi wafti ka koobnaa afar ruux oo uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka gobolka Oromia ee gumaysiga itoobiya uga wakiilka ah gobolkaasi,shirkaas oo ay ababulkeeda lahayd safaarada gumaysiga ee maraykanka ayaa waxa akamid ah gacanyarayaashii hoos ordayay gumaysiga itoobiya .
Mowliid Faysal,Faarax Dhuub,Ahmed Haadi ,Maxamed Bade,iyo Cabdi MahadBanaanbaxayaashii ayaaa kala hortagay shirkaasi mudaaharaad iyo diidmo waxaana halkas isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ka cadhaysan dabaqoodhigas u adeegaya wayaanaha iyo waftigaas ka socday xukuumada gumaysiga itoobiya.
Banaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid ahaayeen : Xaarwayaane, Guumaysi raac, dulaysane, Dabaqoodhi, iyo eraya kale oo badan
Axmed-haadi Bile oo ka mid ahaa dabaqoodhiyadaas ayay bananbaxayaashii ku qamaameen kadibna cabsi darteen ula galay baabuurkii nal guduudan oo ka xidhnaa halkaas oo naftiisii iyo laba oday oo baabuurka la saarayd ku khatar galiyey.

Qorshayaal cusub oo gumaysigu doonayo inuu ku cunaqabateeyo shacabka si ay gaajo ugu le,daan.
Xukuumada cadowga ah ee gumaysitada itoobiya ayaa soo saartay qorshayaal cusub oo lagu cunaqataynayo shacabka si gaajo loogu laayo,waxaana kamid ah qorshayaalkaas cusub:
1. In gobol walba laga sameeyo iska kaashato ganacsi oo iyaga kaliya ka ganacsada gobolkasi kana kooban dadka cadowga u shaqeeya ee ka qayb qaata gumaadka shacabka,gobol gobolka kale u gudbi karana am xidhiidh ganacsi la yeelana kara uusan jirin.
2. In Mucaawimaada aduunku bixiyo dadka lagu gumaysto si ay u balan qaadaan inay dawladda la shaqaynayaan, dantii laga lahaana la ogolaysiiyo sida doorasho ku sheegta iyo in qoraalo laga saxeexo, kadibna aan raashin la siinin.
3. In dadweynuhu xoog ku dhiso meelihii la gubay si aan caalamku u arag calaamadaha tuulooyinkii iyo guryihii la gubay. Taas oo ay ka baqayaan in caalamku u soo diro wofti baadhayaa dhibaatada ka taagan Ogadenya.
4. In dadweynaha hab qasab ah dhaqaale oo ay gumeysatada itoobiya ku taageerayaan looga uruuriyo.
Jaamacada caalamiga ah ee afrika oo lagu qabtay nadwo lagaga hadlayay saxaafada gayiga soomaaliyeed.

Jaamacada caalamiga ah ee africa oo ku taala wadanka Sudan ayaa habeen hore lagu qabtay Nadwo ama aqoon isweydaarsi lagaga hadlayay Xoriyada saxaafada ee gayiga Soomaaliyeed.

Nadwadaas oo ay kasoo qayb galeen dad buux dhaafiyey hoolkii ay nadwadu ka dhacaysay ayaa waxa alagu marti qaaday Wariye Maxamed Cadoow oo ka socday Telefoshinka caalamiga ah ee Al-Jazeera qaybtiisa afka ingiriiska iyo wariye Yuusuf Xassan oo ka socday bbc laanta afka soomaaliga.

Aqoon isweydaarsigaa oo ku qotomay saxaafada gayiga soomaaliyeed iyo caqabadaha hortaagan ayaa waxaa hadalkii lagu bilaabay laguna soo dhaweeyey wariye Yuusuf Xasan oo ka socday BBC-da laanta afk soomaaliga wuxuuna ka waramay saxaafada Soomaaliya hadalkiisiina u badiyey Muqdisho iyo waxyaabaha ka dhaca halkii laga sugayay inuu guud ahaan ka hadlo saxaafada ummada Soomaaliyeed.

Kadib waxaa microphone ka lagu soo warejiyey wariyaha caanka ah ee Talefishinka caalamiga ah ee al-jazeera qaybtiisa afka ingiriiska Maxamed Cadow oo hoolkii oodhan u usacabeeyey wuxuuna hadalkiisii ku bilaabay : qofka somaliga ahi waa kee ma ka baasaborka somaliga wataa ,maka jabhuuriyada somaliya ku dhashaa mise waa ka afsoomaaliga ku hadla
kadib isagaa ka jawaabay oo yidhi somalinimadu waa hayb waxayna kul misaa qofkasta oo ku hadla afka somaliga meel uu doono hajoogee

kadib waxaa la guda galay su, aalihii oo ay qayb libaax ka qaateen ardayda u dhalatay Ogadenya ee wax ka barata dalkaasi Sudan oo nadwadaasi ka qayb galay.

Labadii suaalood ee ugu horreysay waxaa nasiib uyeeshay oo la siiyey ardayda Ogadenya waxayna waydiiyeen wariyihii ka socday bbc-da Yusuf xasan suaashan? bbcdu ma waxay ufuran tahay gobalada qaarkood mise somali oo idil hadiise ay somali oo dhan ufuran tahay maxay wax uga sheegi la dahay ogadenia ? su,aashii labaadna waxay ahayd: ma itobiyaad ka qaadataan guno oo aad wax uga sheegi la dihiin ? iyo suaala kale
Wariye Yuusuf Xasan intuu garan waayey wax uu ku jawaabo ayuu yidhi mar dambe wariye kuma lehin ethiopia sababtay dooni ha ahaatee laakiin sikastoo aanu wax uga sheegno waan is ku daynaa sida hadii kililka la doorto , waxbarashada iyo waxyaabo kale,isagoo sii wata hadalka ayuu hadana yidhi laakiin way nagu adagtahay sidaan wax uga sheegno mucaaradka oo uu kawaay jwxo ,markuu hadalkaasi afkiisa kasoo yeedhay ayaa waxaa halmar isla gariiray hoolkii ay nadwado ka dhacaysay oo ay ka buuxeen ardaydaya u dhalatay Ogadenya oo diidan hadalkaas wariye Yuusuf.

kadibna waxaa is hayn kari waayey Wariye Maxamad Cadow oo la wareegay makarafoonkii wuxuuna yidhi ogadenia waxa kadha ee tacadiyo ah kama dhoco afganitaan iyo ciraaq oo la isu geeyey waxaana ka dhaca wax uuna u adkaysan karin qalbiga bini aadamku hase ahaatee waxaa ka hortaagan saxaafada caalamka waa qolada ku amar ku taaglaysa wadankaas aniguna shakhsiyan waxaan kadalbaday zinaawi anigoo hor fadhiya inaan booqdo ogadenia ilaa hadana jawaab kamahayo waa dhawayd oon utagay inaan kasoo duubo gobolka koon fureeed ee itoobiya majaco ka dhacday ayaa waxaa la idaba dhigay afar baabuur oo iga ilaalin haysay inaan ku leexdo ogadenia
laanta bbcda ee soomaaligana waxaa kasaaran gobalkaas waajib gooniya maa daama ay tahay idaacad loogu talagalay dadka af somaliga ku hadla
kadib ayaa waxaa sacabeye dhamaan dadkii dhagaysn hayey
yusuf xasana wuxuu kakacay meeshii uu fadhiyey isagoo wajigiisu aad umadow yahay
markay dhamaatey nadwadiina dadkii oodhan waxay ku urureen maxamad cadaw meel lakala maro ayaa la waayey Yuusuf xasan na wuxuu istaagay meel cidla ah oo uu waayey wax la hadla

Radio Xoriyo 19 April 2010

Cabdinuur Sh.Maxamed

Raadioxoriyo@yahoo.com or Radioxorio@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaan maalmaha
Isniinta & Jimcaha 5 :30 – 6:00 PM waqtiga afrikada bari

F Mawjada 19 Meter Band
FInternetka : www.Ogaden.com & www.Radio xoriyo.com
FPhone ka : +16417153800 Access Code 5126014 #
FYoutubka : www.Youtube.com/user/Radioxoriyo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.