Home » Warar »

Dagaal adag oo ka dhacay meel u dhow magaalada Qabribayax, Jigjiga

  • Weeraro mir ah oo lagu burburiyey saldhigyo door ah oo gumaysigu ku lahaa ogadenya
  • Ku dhawaad 30 gaadhi oo siday raashin ganacsi oo ciidmaada gumaysigu ku xayireen magaalada Shilaabo.
  • Hogaanka warfaafinta ee jwxo oo soosaaray bayaan uu kaga xaal waramayo xaaladaha halganka kagana digayo shirqooolada cusub ee gumaysiga itoobiya.
  • Xarakada al-shabaab oo maanta ka mamnuucday meelaha ay xukumaan in laga dhagaysto idaacadaha FM-da ee bbc da soo daaya.
  • Saado Cali Warsame oo waraysi lala yeeshay ku muujisay taageerada ay u hayso halganka Ogadenya.

Radio Xoriyo Codka shacabka Ogadenya
Barnaamijka idaacada
09 April 2010.

======== Warkii oo faahfaahsan ============

Weeraro mir ah oo lagu burburiyey saldhigyo door ah oo gumaysigu ku lahaa ogadenya

Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa bilaabay weeraro qorshaysan oo ay ugu tala galeen burburinta cududa milatari ee ciidamada gumaysiga itoobiya ee ka howl gala ogadenya inta ka horaysa doorashooyin ku sheega la filayo inay si cadaalada ka fog uga dhacaan itoobiya.

Taliska guud ee ciidamada xoreynta Ogadenya ayaa mar uu saxaafada la hadlay u sheegay inay diyaariyeen istiraatiijiyad cusub oo lagu quusinayo ciidamada nacabka ah ee gumaysiga itoobiya.

Dabayaaqadii bishii hore oo ku beegnayd 27-03-10 ayay ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ku qaadeen weerar hor dhac ah ciidamo gumaysi oo ku sugnaa meesha la yidhaahdo Qararo oo u dhow magaalada Gunagado ee gobolka Jarar waxayna kaga dileen weerarkaasi 5 wayaane halka ay 4 kalana ay kaga dhaawaceen.

28-03-10 oo ahayd habeenkii ka dambeeyey weerarkaas hor dhaca ah ayay falaadh ka tirsan ciidanka qalabka sida weerar mir ah la beegsadeen xerada ciidanka wayaanha ee magaalada Gunagado,sawaxanka iyo daryaanka madaafiicda ay N/Hurayaashu ku garaaceen xeradaas ayaa laga maqlayay magaalooyinka ku dhow,waxaana baaxada khasaaraha ka dhashay weerarkaasi laga dareemay magaalada aroornimadii kadib markay ciidamada wayaanuhu kula dhaqaaqeen dadka shacabka ah waxyeelooyinka kala duwan,waxay sidoo kale ciidanka xoreynta Ogadenya mireen habeenimadii axadii aan soo dhaafnay isla saldhigaasi Gunagado waxaana lagu soo waramayaa inuu burbur xoog leh gaadhay xeradaasi.

Cutub ka tirsan ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya oo si casri ah u qalabaysan ayaa si ku tala gal ah jidgooyo ugu sameeyey meesha la yidhaahdo Bulxan oo u dhow Bulaale 02-04-10 ciidan wayaane oo aad u fara badnaa,N/hurayaasha geesiyiinta ah ayaa ka war helay in ciidankaas gumaysigu ay ku wajahan yihiin Bulaale si ay u usoo dhibaateeyaan dadka shacabka ah,dagaal adag ka dib oo ay ciidamada xoreynta Ogadenya jilibka u aasteen ayay kaga dileen ciidamada wayaanaha 9 askari halka ay 13 kale oo qarakood hddawacoodu halis yahay ay kaga dhaawaceen.

Dhankaas iyo gobolka Qoraxay-na waxay ciidamada sooma jeestayaasha ah ee xoreynta Ogadenya mireen saldhiga ciidamada gumaysiga itoobiya ee Haarcad 03-04-10,khasaaraha ka dhashay garaaca saldhigaas ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u balaadhnaa,waloow aanaan faahfaahin rasmi weli ka haynin,balse warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in maydad fara badan oo qaar saraakiil yihiin la geeyey magaalada Qabridahare.

Dagaal adag oo ka dhacay meel u dhow Qabribayax laguna jabiyey ciidanka cadowga .

Wararka nagasoo gaadhaya magalada Qabribayax ee gobolka Jigjig ayaa sheegaya dagaal culus oo shalay aroornimadii hore ka dhacay duuleedka Tuulada Hora khaliifo oo aan sidaa uga sii fogayn degmada Qabribayax , dagaalkan oo daryaankiisa laga maqlayay meelo fogfog ayaa dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadeniya iyo Ciidamada wayaanaha oo ay weheliyeen kuwo dabaqoodhi ah .

Sida uu noosoo xaqiijiyey wariyaha RX ee magaalada Jigjiga dagaalkaas ayaa socday muddo isla markaana cagta la mariyay Ciiadnkii wayaanaha iyo dabqoodhigii layska horeysiinayayba, khasaarahas oo isugu jiray dhimaso lagu qiyaasay 30 iyo dhaaawac kor u dhaafay 50,ayaa waxaa goobtaas lagaga furtay ciidamada wayaanaha hub aad u tiro badan iyo qalab kale oo ciidan.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhaawicii dabaqoodhiga la geeyay magaalada Qabribayax iyagoo qaarkood aad u liita, halka dhaawicii wayaanahana loola cararay magaalada Harar.

CWXO ayaa si aad ah maalmahan u laba jibaaray dhaqdhaqaaqooda Ciidan iyaadoo loo aanaynayo in ay dhoolatus iyo fashilin u tahay xiligan kala guurka ah ee nagusoo wajahan iyo qorshayaalka gumaysiga itoobiya.

Ku dhawaad 30 gaadhi oo siday raashin ganacsi oo ciidmaada gumaysigu ku xayireen magaalada Shilaabo.
Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa shalay ku xayiray degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay ku dhawaad 30 gaadhi oo siday raashin ganacsi ah.

Gaadiidka ku raran badeecada noocyadeeda kala duwan ee ku xayiran degmada Shilaabo ayaa lagu soo waramayaa inay gaadhayaan 36 gaadhi kuwaasi oo isaga kala gooshayay gobolada Ogadenya.
Qaar ka mid ah wadaayaasha gaadiidka ee lagu xanibay degmada Shilaabo oo Subaxnimadii hore ee shalay la hadlay saxaafada ayaa sheegay in waqtiyadii ugu dambeeyay uu yaraaday ganacsigii isaga kala gooshayay gobolada Ogadenya.

Wararku waxaa ay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Ethiopia ay xireen qaar ka mid ah ganacsatadii ay u rarnaayeen gaadiidkaasi iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn xsiday xaaladoodu ku sugan tahay.
Hogaanka warfaafinta ee jwxo oo soosaaray bayaan uu kaga xaal waramayo xaaladaha halganka kagana digayo shirqooolada cusub ee gumaysiga itoobiya.

Hogaanka Warfaafinta ee jwxo ayaa malintii shalayto ahayd soo saaray bayaan uu kaga xaal waramay xaaladaha halganka hubaysan ee loogu jiro xoreynta Ogadenya.

Bayaankaas ayuu hogaanka warfaafintu ku tilmaamay in maanta uu halganka Ogadenya marayo meel lagu faani karo,kuna talaabsaday guushii lagu hanan lahaa Ogadenya,isagoo dhanka kale bayanakaas ku cadeeyey in gumaysiga itoobiya uu ku guuldaraystay qorshayaalkiisii cadowtinimo ee uu ugu tala galay gude iyo dibadba.

Hogaanka warfaafinta ee jwxo ayaa guulahaas la gaadhay ku cabiray kadib markay jwxo xooga saartay isku xidhka howl-wadeenada halganka ee gudaha ogadenya iyo dibadaba.

Bayaankaas ayaa lagu sheegay dacaayadaha iyo qorshayaasha cusub ee gumaysigu hada suuqa gashaday, waxaana kamid ah dacaayadahaas in in cadawga iyo JWXO uu wadahadal u socdo, arintaas oo ay JWXO beenisay waa hore,xili wadahadal ku haboona uusan ahayn xiligan iyadoo xididada loo siibayo gumaysiga itoobiya waqtigiisiina gabogabo marayo.

Hogaanka Warfaafinta ee JWXO ayaa bayaankaas uu soo saaray shalay ku booriyey dhammaan shacabka Ogadenya gude iyo dibadba:

· In ay sii dar-dar galiyaan dadaalka ay ugu jiraan xornimo gaadhsiinta Ogaadeenya si dhab ahna loo tuuro geedka liicsan ee u baahan in guntiisa la arko (Itoobiya)

· In ay iska ilaaliyaan dabinada uu gumaysigu maleegayo ee beenta & dacaayadda ah kuwaas oo uu xilgan naf biday.

· In ay sii laban labaan taageerida Halganka xalaasha ah ee maanta maraya halkii ugu dambaysay.
· In ay Dhamaan Jaaliyaddaha Ogaadeenya ee dibada ka howl gala sii dar-dar galiyaan howlaha ay hayaan isuna dheeli tiraan halganka gudaha iyo midka dibada.

Xarakada al-shabaab oo maanta ka mamnuucday meelaha ay xukumaan in laga dhagaysto idaacadaha FM-da ee bbc da soo daaya.

Xarakada Al shabaab ayaa xayiraad rasmi ah kusoo rogtay maanta dhamaan idaacadaha FM-yada ee BBC-da ee ka shaqeeya meelaha ay ka taliyaan.

Xafiiska warfaafinta ee xarakada Al-shabaab oo ayaa shaaca ka qaaday saaka in hawada laga saarayo FM-yada BBC-da, wixii qalab ah oo ay leedahayna lala wareegayo.

waxaa shabakadaha warbaahinta ee qandaraaska kula jira hay’adaha BBC iyo VOA lagu wargelinayaa in wixii maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay ku tebiyaan wararkooda sidaasna waxaa lagu qoray go,aankaas ay soo saartay xarakada Al-shabaab

Xarakada ayaa u cuskatay go,aankan ay ka gaadheen aamusiinta BBC-da qodoba ay kamid ahaayeen

· Inay tahay idaacad laga leeyahay dalka Ingiriiska islamarkaana ah codka koowaad ee qaabilsan fulinta ajandayaal gumaysi iyo jahawareerinta shacabka

· Inay borobagando u samayso dowlada kumeel gaadhka ah ee hay,adaha ree galbeedka,dagaal xoogana ay BBC-du kala soo horjeedo islaamka iyo muslimiinta.

Radio Xoriyo 09 April 2010

Cabdinuur Sh. Maxamed

Raadioxoriyo@yahoo.com or Radioxorio@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaan Habeenada
Talaadada & Sabtida 21 :15:00PM – 21:45 waqtiga afrikada bari

F Mawjada 41 Meter Band
FInternetka : www.Ogaden.com & www.Radio xoriyo.com
FPhone ka : +16417153800 Access Code 5126014 #
FYoutubka : www.Youtube.com/user/Radioxoriyo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.