Home » Faallo »

Geela, diinta iyo dhaqanka soomaalida – Q.2aad | Dr Abdullahi-Spanish

 Qaybta 2aad: Caanaha Geela

Sidaynu hore u soo sheegnay qaybta 2aad ee qoralkan waxa aasaas u ah aayadda 66naad ee surat an naxal oo aynu isku deyi in aynu wax yar guud marno waxyaalaha ay inoo sheegayso oo ku saabasan samayska caanaha xoolaha, ka dibna waxaynu uga gudbi doonaa waxtarka caanaha geela ee dhinaca caafimaadka.

Waxaynu soo xusnay in Ancaam waxay carabtu u tiqiin uu ahaa geela, laakiin markii dambe waxa la wadaajiyey geela adhiga iyo lo’da. Ereyguna wuxuu ka yimi nicmada oo loola jeedo waxyaalah wanaagsan oo ilaahay dadka nicmada uga dhigay, kuwaas oo ay ka mid yihiin uguna horeeyaan kuwa la inoo geliyey xoolaha aynu dhaqano oo aan ku koobnayn caanaha e aynu ka xusi karno: hilibka, haragga, dhogorta, rakuubka, rarka, hebednimada la inoo duleeyey, baahidooda oo kooban iwm.

Hadaba, nicmooyinka ilaahay geela oo ancaamta ka mid ah inoo geliyey oo aynu qoraalkan kaga soo qaadan doono caanaha keliya inta aynaan u gudbin, waxaynu sharax kooban ka bixin doonaa aayadda aynu kor ku xusnay oo cibro qaadashada ka sokow, iyaduna inoo tilmaamaysa halka ay ka soo jeedaan caanuhu iyo waxa asaaska u ah. Hadaynu u macnaynu si toos ah aayddan waxa la odhan karaa: Waxaa idiinku sugan xoolaha (geela, lo’da iyo adhiga) cibrad wax lagu qaato ama waano iyo quduro qaadasho, waxaanuna idinka siinaa waxa ku jira calooshooda, kana soo dhex-baxa Uus iyo Dhiig, caano saafi ah oo u fudud una macaan cidda cabaysa. And verily in (camels, cattle, sheep and goats) will you find an instructive sign, from what is within their bodies, between chyme and blood, we produce, for your drink, milk, pure and agreeable to those who drink it.

Waxa xusid mudan aayadan in ay qaybta hore iskaga macne yihiin, aayadda 21naad ee surat al mu’minuun oo la inoogu sheegayo in ay cibradi inoogu sugan tahay xoolaha laynagana waraabiyo wax calooshooda ku jira, ayna inoogu sugan yihiin waxyaalo badan oo aynu ku intifaacno, cuntana aynu ka helo. Hadaba, sida aayadda hore, qayb aayadda dambe ka mid ahina waxay tilmaamaysaa caanaha oo ah wax aynu cabno caloosha xoolahana ka soo jeeda.

Marka laga eego dhinaca dhaqanka soomaalida, heesaha geela loogu heeso oo caanihiisa ka hadlaya laguna amaanayo, wanaagoodana lagu tilmaamayo, waxa ka mid ah kuwan soo socda:

    Leexa waaberi oo labxada guba laab qaboojay
    Caano saafiya oo aan saxar wadan oo aan lagu saxan waa na siin jirey.
    Afar foolaha aabe mooye aan af (ab) kale baran abaydimiyaay

Doorka Uuska iyo Dhiigu ka qaataan samayska Caanaha

Aayada aynu kor ku xusnay waxay inoo tilmaantay in caanaha laga soo dhexsaara uuska iyo dhiiga. Guud ahaan caanauhuu waxay ka kooban yihiin: biyo, borootiin (protein), kaarbohaydarayt (carbohydarte), cadiin ama baruur (fat), fiitamiino (vitamins) iyo curiyayaal fara badan oo uu u baahanyahay jidhka nafley kasta oo ilaahay ugu talo galay in ay caano cabto; dad, duunyo iyo dugaag mid ay u tahayba. Tan kale caanaha xooluhu waxay toos ugu xidhan yihiin caws, geedo iyo caleen marba midka ay xooluhu daaqaan iyo wixii kale oo xoolaha cunto ahaan loo siiyo.

Markii la baadhay waxa la ogaadey caanuhu in ay guud ahaan ka samaysan yihiin lixda wax ee aynu kor ku xusnay inkasta oo waxyaalo kale oo badanina ku jiraan, isla markaa dhamaan waxyaalahaas aynu soo tirinay oo caanaha ku jiraa waxay caanaha uga yimaadaan cuntada xooluhu cunaan. Hadaba, xididada caanuhu waxay caanaha ka helaan kuwa dhiiga wadnaha ka soo baxay soo qaada iyo kuwo sida waxa loo yaqaan (lymph) oo ah dareere laga soo saaray uuska caloosha, isla markaana aan midab lahayn. Caanaha waxa ku jira inta aanay jidhka ka soo bixin waxyaalo farabdan oo ka samaysmay uuska caloosha neefka ku qudhmay oo ay ka mid yihiin (fatty acids) kuwaas oo loo diro beerka, halkaas oo ay ku samaysantyo sonkarta caanaha (Lactose). Waxa kale oo hadda la ogyahay in borootiinka caanaha ku jiraa uu ka samaysmo “amino acids” uu sido dhiigu kana soo qaaday meesha uuska lagaga shaqaynayo ama caloosha neefka. Waxa iyana caanaha ku jira wax qaabilsan difaaca nafleyda oo loo yaqaan (Imunoglobulins) oo dhiigu si toos ah u geeyo xididada caanaha iyada iyo dambarka oo hadda la ogaaday in wax lagu daaweyn karo, uuna ku samaysmo meel ka fog candhada iyo naasaha oo marka dhalmadu soo dhowaato dhiigu soo qaado oo candhada keeno. Waxa iyana xusid mudan in subagga caanuhu sida waxyaalaha kale ee caanaha ku jira uu ka samaysmo dufanka ama saliidda ku jirta dhirta xooluhu daaqaan marka u horaysana uu ku samaysmo ama ku soocmo caloosha ama meesha uusku ku jiro. Waxa kale oo saynu soo sheegnay caanaha ku jira curiyayal farabdan oo iyagana laga soo dharuuro uuska ama calafka neefku cuno.

Waxa halkaa inooga muuqda in caanuhu ka samaysmaan uuska oo ka soo jeeda calafkii xooluhu cuneen, dhiiguna ka soo qaado waxyaalaha caanuhu ka samaysan yihiin caloosha uusku ku jiro, isla markaana keeno candhada iyo naasaha oo ah halka ay dibadda uga soo baxaan oo ama ilmuhu ka nuugo ama dadku ka maalo.

Hadaynu tusaale u soo qaadano geela, waxa hadda la ogaadey in godolka kasta oo hasho godlato 500 oo litir oo dhiig ahíay candhada hasha soo gaadhaan. Waxana intiisa badani soo martaa xididada waaweyn ee candhada iyo shafka inta u dhexaysa aad uga muuqda oo dadka qaar u yaqaan caana galeenka. Dhiigaas xididada buurbuuran ee caana galeenka soo maraa wuxu sidaa (proteins, carbohaydartes, vitamins, enzyms, fats iyo metalic & non metalic elements iyo biyo), kuwaas oo ah saynu soo sheeganay waxa ay caanahu ka samaysan yihiin.

Aayada aynu ka soo qaadanay suurat an naxal haddaynu dib u eegno waxa ilaaheen inoogu sheegay in Uus iyo Dhiig la inooga soo miiray ama la inooga soo dhex saaray caano saafi ah oo cabitaanka u fudud una macaan. Run ahaantii dhamaan dadka xoola dhaqatada ahi waa ogyihiin in caanaha iyo neefka laga lisayo waxa uu daaqaa ay isku xidhan yihiin oo marka ay xooluhu barwaaqo joogaan ay badiyaan marka cuntada ama biyuhu ku yaraadaana ay yareeyaan oo ay si toos ah calafka iyo caanuhu isugu xidhan yihiin. Laakiin waxa laga yaaba qofna in aysan caqligiisa ku soo dhicin in uuska iyo dhiigga laga soo miiray quraanka ka hor. Waxana dhic karta in dadka qaar hadday ogyihiin ayba ka wis wisi lahaayeen ama marka uu wax yar ku arko is odhan lahaa malaha qashinkii laga soo miiray baa qaar soo raacay. Cilmigu wuxuu hadda ogaadey in caanaha samayskooda iyo qaadistooda ay iska kaashadaan uuska iyo dhiiga, laakiin aayadda 66naad ee surat an naxal oo aynu kor ku soo aragnay waxa 14 qarni ka badan ka hor la inoogu sheegay xaqiiqdaas cilmiga casriga ahi dhowaan ogaadey.

Hadaba, caanaha geelu iyaga oo asalka kala mid ah kuwa xoolaha kale, waxa xusida mudan aayaddii hore ee surat al qaashiya, abuurtii gaarka ahayd ee ay geela inoogu sheegtay ay ka mid yihiin caanihiisa oo aynu waxtarkooda xagga caafimaadka beni-aadanka qaybtan soo socota wax yar kaga taaban doono haddii alle idmo.

Dawaaiga ku jira caanaha geela

Inkasta oo ayaadaha quraanka ah oo ilaahay xoolaha la dhaqdo oo geelu foolaadda u yahay kaga hadlay ama ku sifeeyey samayskooda ama waxtarkooda ay badan yihiin. Hadana waxaynu qoraalkan ku taabanay 3 aayadood keliya kuwaas oo si cad u tilmaamaya abuurtooda iyo waxtarkooda. Waxaynuse si gaara u dul joogsaney geela iyo abuurtiisa iyo samayska caanihiisa. Hadaba, aan ku laabto caanaha geela e, waxaynu kor ku soo sheegnay waxyaalaha ugu muhiimsan oo ay koobanyihiin. Waxaynuna soo aragnay in biyuhu ugu badan yihiin inta badan ka sareeyaan 85% mararka qaarna gaadha ilaa 90% ama ka badan. Waxa biyaha soo raaca sonkorta ama “lactose” oo inta badan u dhexeeya 3-5.5%, subag ama dufan oo badanaa u dhexeeya 3-5%, borootiin oo isaguna u dhexeeya 3-4%, Fiitamiino ka kooban jaadadka B (B12, niacin, thiamin, folacin, ribofalvin, pantothenic acid, lysine, tryptophan), Fiitamiin A iyo Fiitamiin C oo iyadu ugu yaraan ku saddex laabanta tan caanayowga kale ku jirta. Waxa kale oo ku jira curiyeyaal farabadan oo uu u baahan yahay jidhka ubadka naasleyda iyo kan beni-aadankuba waxaana ka mid ah Ca, Mg, Na, Zn, K, Mn, Cu, Se, Fe iwm oo badankooda ka sareeyo inta kaga jirta canayowga kale.

Hadaba, mar haddii dhismihii caanaha geela aynu aragnay, waxaynu uga gudbi waxtarkooda dhinaca caafimaadka inaga oo isdultaagayna haddii alle idmo qayb kasta oo ka mid ah qaybaha muhiimka ah oo ay caanuhu ka koobanyihiin, waxaynuna ugu horaysiinayna biyaha oo u badan.

  1. Biyaha
    Caanaha geela biyohoodu waa ka sareeyaan biyaha ku jira caanayowga xoolaha kala, waxaana ilaahay ugu talo galay in aan asqo iyo dhanqalan ku dhicin nirgaha yar yar oo caanaha nuuga iyo dadka dhaqda oo ku nool caanaha, sida geel jiraha soomaalida. Waxa kale oo loo raaciyey in ay biyhoodu bataan oo 90% kor u dhaafaan xilliga jiilaalka oo kulka iyo biyo la’aantu jirto. Caanaha geela waxa kale oo la xaqiijey in xilliga jiilaalka ay ku bataan “sodium” (Na) iyo “phosphates”. Isla markaa waxa ku yaraada “calcium” (Ca) iyo “magnesium” (Mg). Waxa kale oo la ogaadey in caanaha geela biyaha ku jiraa ay hoos u dhacaan xilliga dooga, isla markaana labada curiye ee jiilaalkii isdhimay (Ca iyo Mg) ay kor u kacaan.
    Si aynu u fahano isbedelkan rabaaniga ah oo caanaha geela ku dhacaya dooga iyo jiilaalka, waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa curiye ka mid ah kuwa aynu xusnay. Aan ka dhigno sodium (Na) tusaalaha. Hadaba, marka kulka badani jiro oo la dhidido, waxa dhididka raaca oo qofka ka luma curiyayaal badan oo raaca milixda jidhka ka baxaysa. Hadaba, Na waxay ka mid tahay kuwa ugu badan oo dhididka ku luma. Isla markaa jidhka beni-aadanku wuxu malin walba u baahan yahay 500 oo miligram oo (500 mg) oo Na ah. Si hadaba, ninka geela hayaa u helo ama u soo ceshado waxa ka lumay, ilaahay wuxuu u geliyey caanihii geela oo intii ku jirtey kor u qaaday. Dhan kale marka aynu ka eegnona, waqtiga aan harraad jirin oo jidhkiisa biyo badani ka lumin, caanihii uu dhamayey ee geela baa lagu yareeyey si aanay 500 oo miligram oo jidhku u baahna u dhaafin oo dhib dhanka caafimaadka ah ama geeriyi ugu iman.
  1. Subagga
    Dhinaca subagga, caanaha geelu aad bay uga subag yar yihiin caanaha kale. Waaxana taa daliil u ah intaan cilmiga casriga ah la gaadhin dadka soomaaliyeed ee xoola dhaqatada ahi way ogaayeen oo si kasta oo uu barwaaqo ugu dhalo geelu baruurna u leeyahay, caanihiisa lama lulo oo burcad iyo sixin midna lagama dayo. Taasina waxay caddaynaysaa in subaggu ku yar yahay dadka xoolaha dhaqdaana ay weligood ogaayeen. Waxa taa raacda oo hadda la ogaadey in subagga yar ee ku jira caanaha geela uu ka samaysan yahay nooca loo yaqaan “unsaturated fatty acids” iyo “linolenic acids”. Hadaba, dufanka ama “fatty acids” ka ayaa waxay u kala baxaan: “saturated” iyo “unsaturated”. Kuwa hore waxaysan lahayn waxa loo yaqaan; “double bond” oo isku xidha “carbón atoms” sida ku cad qaaciidooyinka hoose, halka kuwa dambe ay la leeyihiin doublé bond ama laba xidh u dhexeeya carbón atoms.
  •  
      Saddex tusaale oo u tagaan saturated fatty acids: CH3(CH2)10COOH, CH3(CH2)14COOH, CH3(CH2)16COOH
  •  
      Saddex tusaale oo u taagan unsaturated fatty acids oo double bond ka muuqdo: CH3(CH2)7CH=CH(CH2)7COOH, CH3(CH2)4(CH=CHCH2)2(CH2)6COOH, CH3CH2(CH=CHCH2)3(CH2)6COOH
    Hadaba, subaggaas ku jira caanaha geela waa mid guud ahaan caafimaadka u fiican, gaar ahaana kan wadnaha iyo xididada waraabiya. Isla markaana qaadashadiisu jidhka uga hawl yartahay subagga ku jira caanaha xoolaha kale. Waxa kale oo taa u raacda in nooca kale oo aynu kor ku soo sheegnay ama “linolenic acids” ay iyaguna ka caawiyaan jidhka sidii uu dufanka dhiiga la socda ama “cholesterol” hoos ugu dhigi lahaa, gaar ahaan tan loo yaqaan “Low-density lipoprotein, LDL” ama “bad cholesterol” oo aad ugu daran wadnaha iyo maskaxda xididada biyeeya, hadday badatona xidha xididada xanuuno badan iyo geerina sabab u noqota, gaar dalalka hore u maray.
  1. Laaktoos (lactose)
    Caanaha geela sonkorta ku jirta oo loo yaqaan “lactose” aad bay uga hoosaysaa tan ku jirta noocyada kale ee caanaha. Isla markaa, dadka reer magaalka ah oo socodku ku yar yahay waxyaalaha naaxiya oo caanaha ku jira waxa u horeeya subagga waxaana ku xiga “lactose ama sonkorta. Sonkorta caanuhu marka ay midhicirka gaadho, ayay waxay la kulantaa dhacaan uu soo daayo mindhicrku oo furfura una kalajebiya laba nooc oo fudud oo jiidhku qaadan karo: “glucose” iyo “galactose” waxayna ku biirtaa waxyaalaha tamarta siiya jidhka, laakiin haddaan tamartaas la adeegsan dhawr maalmood ka dib waxay isu rogtaa baruur. Marka caanaha geela maadaama subagga iyo sonkortuba ku yar yihiin uma baahna dadka cabaa in ay iyaga oo subagga la miiray (skimmed or semi skimmed) cabaan. Isla markaa, sonkortooda yari waxay jidkha ka caawisaa in uu helo tamarta yar oo uu uga baahan yahay laakiin aanay ka hadhin sonkor kayd noqota oo hadhow isu rogta baruur. Hadaba, sonkorta iyo subagga oo ku yari waxay qofka ka caawiyaan in uu ka nabad galo xunuunada dhaliya mowtul qaflaha oo qayb weyn oo ka mid ahí salka ku hayso xanuuno wadnaha la xidhiidha dufankuna lug ku leeyahay. Waxa kale oo taa u dheer in lagula dagaalamo xanuuno badan oo ay ka mid yihiin kuwa wadnaha iyo xubno kale oo muhim u ah caafimaadka iyo nolodsha qofka oo ay ka mid yihiin dhiig karka iyo kaadi macaanka, sida aynu gadaal ka arki doono.
  1. Borootiin
    Borootiin ka canaaha geela ku jira waxaa ka mid ah “lactoferrin” oo 10 jeer ka badan tan ku jirta caanaha lo’da, waa protein la dagaalanta “Bacteria iyo Virus” labadaba, isla markaana difaaca jidhka aad u xoojisa. “Lactoferrin” waxay leedahay weliba laba hab oo u gaar ah oo ay kula dagaalanto “Bacteria” oo marna xadiidka Fe oo bacteriada koritaankeedu u baahanyahay by ka ilaalisa oo iyadu qaadataa marna si toos ah bay xuubka dusha uga weerartaa oo u burburisaa. Waxay kale oo la dagaalantaa “virus”, “Fungi” iyo wixii la mid ah oo jidka lidi ku ah.
    Waxa iyana ka mid ah “protein” ka ku jira caanaha geela “Immunoglobolin” oo iyadu ka hortagta cudurada, kana duwan tan ku jirta caanayowga kale oo dhan. Waxaana hadda baadhitaan loogu jiraa in talaal looga halo cuduro badan oo halis ah oo uu ka mid yahay “Cancer” ka. Waxa iyana xusid mudan oo caanaha geela gaar u ah, in aysan xasaasiyad ka lahayn carruurta xasaasiyadda ka leh “protein” ka mid ah kuwa ku jira caanaha lo’da iyo adhiga. Carruurtaas oo hadda tiradoodu ku soo badanayso wadamada reer galbeedka loo yaqaan, una badan isla wadamadaas.
    Waxaynu kale oo soo tilmaanay in caanaha dhanaan ama karuurka ay aad ugu badan tahay “Bacteria” la dagaalanta jaadad badan oo baakteeriyada ka mid ah sida: Bacillus, staphylococcus, Salmonella iyo Escherichia. Hadaba, tan u dambaysa waxa xaqiijinaya tusaalahan soo socda oo aan dhaqanka soomaalida ka xusayo: Waxaan maqli jirey markaan yaraa hadal ku saabsan caanaha karuurka ah ee geela. Kaas oo aan maqlijirey marka qorraxdu meel ka soo gasho oo kulalayso ama maalinti la guuro oo caanaha qorrax lagu dedo marka la dego inta aqalka la dhisayo, qofka hadhow loo shubaa wuxu odhanjirey; war kuwan ma qaaxo ayaa lagu daweynayaa. Hadalkaasi markuu dhegahayga wax badan ku soo noqnoqday ayaan maalintii dambe dadkii iga weynaa waydiiyey. Marka waxa la ii sheegay in waagii hore marka qof qaaxo ku dhacdo loo daawayn jirey sida soo socota: (1) marka u horayso waa loo weel duwijirey si aanu dadka kale u qaadsiin inta wax la cuno. (2) waxa loo waabijirey geed weyn oo uu ku nasto, waxana loo qali jirey awr buuran oo weyn inta badana koran ah oo hilibkiisa iyo subagiisa inta la isugu bisleeyo la siin jirey. (3) waxa la siin jirey oo kale caano geel oo karuur ah oo qorraxda la dhigijirey.
    Hadaba, halkaa waxa inooga cad in soomaalidii hore, waa mare ay ogaayeen in qaaxadu tahay cudur fida oo lays qaadsiyo. Marka labaad waxay aaminsanaayeen in qofka qabaa u baahan yahay cunto fiican iyo nasasho. Run ahaantii waqtigan casriga ah waxyaalaha cilmiga saynska lagu ogaadey oo aan umadaha kale hore u aqoon bay labadaniba ka mid yihiin. Dhanka kale, waxaynu kor ku soo sheegnay in caanaha dhanaan ee geela ay ku jirto “bacteria” aad u fara badan oo la dagaalanta xanuuno badan, gadaalna waxaynu ka arki in qaaxadu ka mid tahay xanuunada lagu daweeyo caanaha dhanaan ee geela. Marka waxa laga yaaba in hadda ay ogaadeen wadamada aynu arki doonaa in caanaha geela ee dhanaani daawo u yihiin cuduro badan oo TB-du ka mid tahay. Waxaase halkaa inooga muuqanaya in awoowayaasheenii xoola dhaqatada ahaa ay caanahan dhaanaan iyo waxyaalo kale oo badanba ay ogaayeen aduunka kale oo ka indhala’.
    Waxa kale oo sanadahan dambe la ogaadey in xanuunada halista ah oo aan ilaa iyo iminka dawo loo helin sida: Cancer, HIV/Aids, Alzheimer iyo hepatitis C, dhamaantood lagula dagaalami karo laguna dawayn karo noocyo ka mid ah “antibiotics” ku jira caanaha geela, waxaana jira meelo badan oo hadda laga bilaabay in cuduradaas lagu daweeyo caanaha geela. Waxa kale oo baadhitaan rajo fiican laga qabo loogu jiraa in dawo looga helo Xanunada wadnaha.
    Sidaynu hore u soo xusnay, wadamo badan oo ay ka mid yihiin Ruushka, India, kazakhastan waxa jira dad buka oo badan oo dhakhtaradu u qoran ugu yaraan hal litir oo caano geel ah si ay uga biskoodaan xanuuno ay ka mid yihiin TB, Kaadi-macaanka iyo Crohn-Lesniowski. Xanuunkan u dambeeyaa waa xanuun ku dhaca xiidmaha iyo malawedka iyo dhamaan qaybaha jidhka ee cunta raqadka la xidhiidha, laga bilaabo afka ilaa halka u dambaysa. Waxaana sabab u ah difaaca jidhka oo wax ka khaldameen ayaa weerara meelaha cunto shiidka lug ku leh oo dhan. Magaca xanuunkuna wuxuu ka yimi laba dhakhtar oo midna maraykan yahay midna u dhashay wadanka “Poland”, wuxuuna aad ugu dhacaa dadka u dhashay wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
    Ugu dambayn markii la ogaadey faaiidoonka aan la soo koobi Karin oo ku jira caanaha geela, waxa jamciyadda quruumaha ka dhexaysaa ugu baaqday dawladaha hore maray ama reer galbeedka in ay dhamaan caanaha geela. Waxana jira waqtigan la joogo shirkado fara badan oo ku hawlan sidii loo iib geyn lahaa oo tayadooda maanta la wada ogaadey tiro loogu dari lahaaa. Isla markaa qaar kale oo isla reer galbeedka ahi waxay baadhitaan ugu jiraan sidii ay waxyaalaha dawaaiga ah ugala bixi lahaayeen oo markaas iyagu waqti yar ka dib mukhtbatarda ama meelaha wax lagu baadho ay ugu samayn la haayeen, dabadeedna u odhan la haayeen maandeeqey mahadsanid. Taasi waxay dhacaysaa haddii ay u suurta gasho in ay ka maarmaan oo samaystaan markay ogaadaan ka dib waxayaalaha caafimaadka u wanaagsan ama cudurada daweeya ama ka hortaga oo caanaha geela ku jira. Haddii taasi suura geli weydo wax laga yaaba dagaalka shidaalka in uu ku xigo dagaalka caanaha geelu oo wadamada hore maray dadkoodu aad ugu baahan doono waqti aan fogayn. Waxa iyana hadda la ogaaday in dambarka geelu leeyahay nafaqo aad u saraysa oo soo celin karta dadka kwal deyska noqday oo si daran ay cunto xumo ama cudur u wiiqay. Wuxuu kale oo aad ugu fiican yahay dadka lafuhu lismaan ama cufkoodu isdhimo.

Waxtarka Kaadida geela

Lagama war hayo in soomaalidu kaadida geela wax ku daaweyn jirtey diinta islaamka ka hor, laakiin waxa hubaal ah intii ka dambaysey in ay daawo ahaan u adeegsanayeen kaadida geela soomaalida iyo dadyow badan oo muslin ahiba, gaar ahaan dalalka carabta. Hadaba, daawada taariikhdeeda la hayaa waxay ka soo bilaabatay xilligii nebi Maxamed (SCWS) noolaa. Waqtigaas oo la weriyey in ay xanuunsadeen dad nebiga (SCWS) ugu yimi Madiina, nebiguna ku yiri Caano Geel iyo Kaadi Geel cabba, ka dibna ay ku caafimaadeen (Bukhaari iyo Muslim). Tilmaanta ku xigta oo maanta la soo xigan karo waxa ka tegey dhakhtarkii caanka ahaa ee loo yiqiin Ibn seena (Avicenna in Spanish) oo sheegay in kaadida geelu ay cudurada qaar daawo ka tahay, wuxuuna si gaara u tilmaamay xanuun wadnaha ku dhaca in ay daawo u tahay.

Hadaba, waqtigan casriga ah ee cilmigu hore maray, dhakhaatiir iyo aqoonyahan kale oo badan oo u dhashay wadamada carabta ayaa iyaga oo raadka hore guraya, isla markaana ka arkay dadka xoola dhaqatada ah oo kaadida geela isku daweynayaa, si gaar ahna ugu gaadanaya xanunada caloosha iyo maqaarka. Dhakhaatiirtaas iyo aqoonyahankaasi waxay ku talaabsadeen climi baadhis ay isku waafajinayaan dhaqankaa hore ee diinta ka soo jeeda oo xidiisku aasaaska u yahay iyo kan baadiyaha oo ku caana maalay welina isku daweeya iyo cilmiga.

Hadaba, aniga oo aan ku dheeraan waxan si kooban u soo bandhigayaa haddii alle idmo, waxyaalaha ilaa hadda cilmigu ogaadey oo kaadida geelu daawo ka tahay:

Guud ahaan waxa lagula dagaalami karaa jaadad badan oo “Bacteria, Virus, Fungus & Yeast” oo beni-aadanka xanuuno ku dhaliya, waxayna daawo u tahay nabarada jidhka korkiisa.

Dhakhaatiir u dhalatay wadanka Suudaan waxay ku daaweeyeen dad beerka aad uga liita oo u bukey “cirrhosis”waxana la xaqiijey in 15 casho gudohooda markii la siiyey caano geel oo inyar oo kaadi geel ah oo lagu daray ay calooshoodii halkeedii ku noqotay. Isla markaa waxa beerkoodii si dhamaystiran uga bogsoodey xanuunkii hayey 75 casho ka dib, xilligaas oo dhakhaatiirtii xaqiijeen in uu beerkoodii noqday mid caadi ah oo an wax cudur ah qabin.

Isla wadanka suudaan cilmi baadhayaal u dhashay waxay caalamka u soo bandhigeen cilmi baadhis ay kaga gun-gaadheen xanuuno kale oo kaadida geelu daawo ka tahay oo ay ka mid yahay Dropsy, kaas oo ka dhasha dareeraha jidhka oo ku biira meelo ka mid ah jidhka, kana dhasha yaraanta ama la’aanta K iyo Borootiin la yiraahdo Albumine. Waxayna tilmaameen in awooda uu geelu u leeyahay ilaalinta biyaha jidhkiisa ay dhalisay in kaadidiisa ay ku bataan K iyo Albumine sida darteedna ay daawo u noqotay kaadida qaalmuhu xanuunkaas ka dhashay yaraanta curiyaha iyo borootiinka aynu xusnay.

Ugu dambayntii cilmi baadhyaashaas u dhashay wadanka Suudaan waxay cadeeyeen in kaadida geelu daawo u tahay xanuunada caloosha, mindhicirka iyo malawedka. Waxayna xuseen in dadka geela dhaqda ee wadankaasi ay si aada ugu adeegsadaan kaadida qaalmaha daaweynta xanuunada ka qabta caloosha iyo qaybaha la xidhiidha, xiiqda iyo kaadimacaanta. Waxay kale oo sheegeen inay u fiicantahay koritaanka lafaha carruurta.

Waxa iyana cilmibaadhis ay sameeyen soo bandhigay dhakhaatiir u dhalatay wadanka Sucuudiga. Dhakhaatiirtan dambe waxay kaadida geela ka soo saareen “antibiotic” ay sheegeen in lagula dagaalami karo xanuuna badan oo ay ka mid yihiin: kuwa maqaarka ama jidhka korkiisa (Skin diseases), Saradaanka (Cancer), Jooniska (Hepatitis) iyo bararkii aynu hore u soo xusnay ama (dropsy) iyo xanuuna badan oo indhaha ku dhaca.

Waxay kale oo soo bandhigeen in kaadida geela lagu daaweyn karo ama lagu ilaalin karo in xinjiro ku samaysmaan dhiiga dhexdiisa.waxay markaa xaqiijiyeen in “Fibrin” oo ah waxa sababta u ah in dhiigu xinjiro sameeyo cuduro badan iyo dhimashona dhaliya ay daawo u tahay ama lagaga hortegi karo “Urokinase” oo laga soo saaro kaadida. Dhakhaatiirtaasi waxay kale oo xaqiijiyeen in kaadida geelu daawo u tahay cudurada timaha ku dhaca iyo holobta madaxa ayna ka hortagto dhicista timaha iyo bidaarta, caawisona bixitaankooda.

Hadaba iyada oo aan hubo in aan waxtarka geelu intaa iyo inta aan gabayga soo socda ku shegi doono ku dhamayn, waxan jeclaystay mar labaad in aan ku soo celiyo aayadii quraanka ahayd oo aynu ka soo qaadanay suurat al qaashiya oo la hayd:

Waxaana qaybtan ku soo xidhayaa waxtarka caafimaad ee hilibka geela oo hadda loo qalab qaatay, ilaa iminkana la xaqiijey in uu daaweeyo xanuunada dhabarka iyo cudurada ku dhaca kadi mareenka oo ay ku jiran kuwa ay dhaliyaan (bacteria, Virus iwm). Hadaba, haddii soomaalidu hore u tiri: faanoole fari kama qodna, waxa aan run ahaantii fari ka qodnayne waa abuurta gaarka ah oo ilaahay geela ku manaystay iyo waxtarkiisa dhanka caafimaad oo ilaahay nicmo inooga dhigay, ilaaheen baana mudan in loo mahadnaqo. Waxana idin odhan lahaa war geela ha la ogaado oo aduunka inaga ayaa ugu badina uguna geel badani yaan asaageen inooga sheekayn e ha loo soo jeesto nicmadan ilaahay ina siiyeeyey oo halkii noloshiisu ku haboonayd ina dejey laakiin aynaan ku mahadniqin, isla markaa aqoon la’aan inaga haysa darteed yaynaan wax kale oo ka liita ku bedelan ama la inoo dhaafin.

la soco qaybta 3aad

Qaybtii hore ka akhri: https://somalitalk.com/web/tag/abdullahi-spanish/

Dr. Abdullahi Hassan (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.