Home » Warar »

Xildhibaan C/lahi Cali Kaarad oo lagu diley Boosaaso iyo Macallin Dugsi Quraan oo lagu diley Garoowe

Xalay (Janaayo 5, 2010) Salaadii cishe ka dib waxaa magaalada Boosaaso lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanka ayaa magaciisu yahay C/laahi Cali Cismaan oo loo yaqaan Cabdulaahi Cali Kaarad.

Xildhibaanka waxa uu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka DGPL ka soo gala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Lama garanayo ujeedada ka dambeysey dilkaas. Waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in la qabtay dad lagu tuhunsan yahay dilka Xildhibaanka.

Marxuumku waa xildhibaankii labaad ee lagu dilo Puntland. Waxaa hore loo diley Xildhibaan Ibraahim Cilmi Warsame. Sidoo kale waxaa hore Puntland loogu diley Wasiirkii Warafaafinta DGPL, Warsame Cabdi Shirwac (oo loo aqoon jirey Seefta Bannaanka).

Marxuum Xildhibaan Cabdulaahi Cali Cismaan

Dhanka magaalada Garoowe ayaa wararka ka imanaya ay sheegayaan in magaaladaas Xalay lagu diley nin ahaa macallin dugsi quraan oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Axmed Maxamaed. Waxaana warar SomaliTalk soo gaaray ay tibaaxeen in fiidkii lagu diley gurigiisa hortiisa.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Xildhibaan C/lahi Cali Kaarad oo lagu diley Boosaaso iyo Macallin Dugsi Quraan oo lagu diley Garoowe "

  1. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
    WAXAAN ILAAH UGA BARYAYAA IN UU U NAXARIISTO MARXUUM CABDILAAHI CALI KAARAD. DHAMAAN EHELADII IYO ASXAABTII UU KA GEERIYOODAYNA IN ALLE SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO ,AAMIIN
    WAXAAN HALKAAN SI KHAAS AH UGA TACSIYAYNAYAA MR AHMED CALI KAARAD .

  2. انا لله وانا اليه راجعون
    waxaan tacsi tiiranyo leh halkan uga dirayaa xildhibaan marxuum c/laahi cal kaarad oo runtii ahaa nin aad u wanaagsan ehulu cibaada ah ,runtii waxaa dishay gacan ka gardaran waxaana ilaahay uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo eladii iyo qaraa badii uu ka geeriyowdana samir iyo ii maan kasiiyo aamin aamiin aamiin

  3. .. Inalilahi.wainailayhi rajicun waxan ugu baaqaya dowlada puntland inay gacan bir ah Kagahortagto dadka si waxash nimaleh ulaynaya dadka waxgaradka ah. Halmeelna loogasoo wadajesto fidmad wadayasha

  4. jekey says:

    inaa lilaaj wa inaa ilaahi raajacuun allaah samar iyo iiman ka siiyo eheladi iyo caruurti uu dhalay waa wax laga xumado qof aan wax galabsan in la dilo gacan ka gardaran aya dishay marxuunka insha allaah aqiro ayaa lagu xisaabtama

  5. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAJICUUUUUUUUUUUUUN. ALLAHA U NAXARIISTO MARXUUMYADA, SAMIR IYO IIMAANA HAKA SIIYO DHAMAAN EHELADII IYO QARAABADII AYKA GEERIYOODEEN, AAMIIN. ALLOOW SOOMAALI HADDEEY. AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN.

  6. maxamed says:

    dadka sida macno darada ah lolanayo waa wax lalayabo,misana aan lacadeynan sababta kadan baysa,waxaad moda in dhiga islamku noqday mulac layka dilo oo aan xunin lahan oo aan tiranyo lahan,away xukumadi wadnka udharatay ayaweye wax garadki udhashay wadanka reer puntland,maxaa helay maxaa lojojin layahay dhiga iska qubanaya maxse lo arki layahay dadka waxaan kadan beya oo maxkabad lokeni layahy,maxaa warkisa lomaqli layahy ninki wadanka lodrtay muxuse u;amusan yahay maxaa qofkii qof dila sow ma’aha in tirka lugu xiro,maxa lolayahay in ficil in lugu mujo waxii dhacay si dadka kale badbado ugu noqoto,sidas aya habon wadse moda in wax qaldan jiran wese sobixi donan.

  7. faay says:

    waxaan soo jeedin lahaa in la baaro cidda maalin walba hal doorka somaalida laysa malaha dalkan dad kale oo loo bannaynayo baa jira maadaama inta wax kala garanaysa laga dhammeeyo xaafoodkuna iso soo haro oo marka xaafoodka si sahlan la isaga weecin doono illeen awalba wax ma kala ogeyne. armaa la gaaraa in noloshu ceeb noqoto oo la quursadao inta nool illeen intii fiicnayd xabbad baa loola taagan yahaye. war dadow

  8. AANA says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN ALLAHA U NAXARIISTO MARXUUMIINTA XAQDARADA LAGU DILAY. CIDII DILKAA KA DANABAYSANA ALLAH SOO IF BIXIYO OO ALLAHA KASHIFO.