Home » Warar »

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka hadlay Geerida ku timid Dr C/qaadir Garre

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa maanta Salaadii Duhur ee Magaalada Boosaaso waxa uu kalmad uu uga hadlayo Noloshii iyo dhaqankii Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla ka jeediyay Masjidka Ramadaan .

Ugu horeyn waxa uu Sheekh Daahir ka hadlay wakhtigii ay si barteen iyo mudadii ay is yaqiineen ,wuxuuna Sheekh Daahir uu sheegay in xiligii ay is barteen isaga iyo Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla ay ahayd 1974 wixii mudadaas ka dambeeyayna ay ahaayeen labo Saaxiib oo aad isku dheer inta ay is yaqaanana ay ku dhowdahay 30 Sano hadii aysan kor u dhaafsiisaneynba.

Sheekh Daahir waxa uu tibaaxay in Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla lagu xasuusto waxyaabo badan sida dalqaad, niyad sami ,deeqsinimo wuxuuna Sheekh Daahir tilmaamay in mudo badan uu Dr-ku sugnaa Dalka Sucuudiga mudadaasina uu ku howlanaa arimaha dacwada iyo soo dhaweynta dadka u soo martiya wuxuuna Sheekhu intaa raaciyay in waxyaabihii uu Dr C/qaadir ku arkay ka mid ahayd in dadka u soo martinaya ama soo booqanaya inta uu howlahooda ku guda jiray uu fursad u wayay in uu diyaarsado Waajibaadkiisii xagga waxbarashada gaar ahaan Maajisteerka iyo Digtooraadaba (PHD) taasina ay tusineyso sida uu dadka ugu niyada samaa tantiisana uu uga hormarin jiray tooda si uu uga qabta waxa ay doonayaan

Intaa kadib waxa uu Sheekh Daahir u galay sida ay ku soo gaadhay geerida ku timid Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla wuxuuna Sheekh Daahir xusay in maalin dhaweyn oo uu Sheekhu la hadlayay waxa uu weydiiyay ay ahayd dhulkii roob ma ka da’ay iyo xaaladda ay dadku ku sugan yihiin iyo wixii ka dambeeyayba ,wuxuuna Sheekh Daahir xusay in uu qaadan wayay markii loo soo sheegay geerida Dr C/qaadir ayna ku noqotay lama filaan kuna dhalisay murugo aad u weyn wuxuuna Sheekhu tilmaamay in Dr C/qaadir uu ahaa gacantiisa midig sina uusan ku ilaawayn xasuustisa iyo wakhtigii ay soo wada qaateenba.

Intaa kadib waxa uu Sheekh Daahir xusay in Dr C/qaadir uu ahaa dadkii dacwada ku soo barbaaray wax badana uu ka soo qabtay wuxuuna Sheekhu xusay in sababta Dr C/qaadir loogu bixiyay Garre ay tahay in uu ahaa Shakhsi ku caan ahaa gadhkisa magacaasina uusan Garre ahayne ee uu yahay Gadhle balse sidaa loo isticmaaalo wuxuuna intaa ku daray in sababta uu caanka magacaas ugu noqday ay tahay xiligii kacaanka oo aan la aqoon gadh labixid in uu Dr-ku Gadhka la baxay balse wakhitgan la joogo la helayo dad ka gadh weyn .

Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu mar kale dib ugu laabtay Diin jacelkii ku jiray Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla iyo sidii uu ugu dadaali jiray in dadka diinta loo gaadhsiiyo ,wuxuuna intaa sii raaciyay in Dr-ka uu baneeyay furin sidoo kalena uu la geeriyoday cilmi badan oo uu lahaa wuxuuna Sheekhu soo qaatay xadiiskii Nabiga SCW ee ahaa “”إنَّ الله لا يقبض العلم انتزاعاً ينتزعه من العباد ولكن يقبض العلم بقبض العلماء، حتى إذا لم يُبْقِ عالماً اتَّخذ الناس رُؤساءَ جهالا فسئلوا فأفتوا بغير علم فضَلُّوا وأضَلُّوا ( أخرجه البخاري في العلم، باب كيف يقبض العلم)

Waxa uu Sheekh Daahir Jamacaada ku tukatay Maanta Salaadii Duhur Masjidka Ramadaan kula uu uga tacsiyeey gaarida ku timid Dr C/qaadir Maxamed Cabdlla in uu Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo wuxuuna tacsidaa mid la mid ah u diray Ehelkii iyo Qoskii uu Dr-ku ka geeriyooda wuxuuna Ilaahay uga baryay in uu u dambi dhaafo Janadiisa Firdowsa ahna uu ka waraabiyo Amiin Amiin

Isha: Somalimirror

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ka hadlay Geerida ku timid Dr C/qaadir Garre "

  1. yacqub says:

    allah janna hasiiyo allahumma aameen

  2. Mohamed Abdullahi says:

    Asalama calaykum.

    Inalilahi wa ina illeyhi raajicun. Waxan Allaah ugu baryeyna in Dr.Cabdiqadir janadii fardowso siiyo, acmaashisa kheyrka ahayd waafajiyo. Waxan wada joognay xaramka bishii Ramadan meeshas oo runti aniga uu ugu rebay daren dacwo iyo diin maadama u arinka Shekha ku weyneyd sida qof kasta o muslim ah laga rabo inta u Allahisa la kulmayo. Illaahayow u naxariso, oo u danbi dhaaf, oo u waasici qabrigisa, janadina sii.

    Wabilaahi atawfiiq