Home » Warar »

Dr C/qaadir Garre oo saaka ku geeriyooday Jabuuti

Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso Dr. C/qaadir Maxamed Cabdalla ayaa saaka 8-dii subaxnimo ku geeriyooday Isbitaalka Djibouti Medical Center ee magaalada Jabuuti, isbitaalkaas oo shalay galinkii dambe la dhigay kadib markii uu wacyigu ka tagay.

Ilo goob joog ah ayaa Somalimirror u xaqiijiyay geerida Dr C/qaadir, waxa ay ilahaahis sheegen in shalay galankii dambe sida uu koomada u galay in markii uu soo miyarsadaba uu Towxiidka ku dhawaaqayay ,isla Ilahaasi waxa ay Somalimirror u xaqiijiyeen in Sheekha la doonayo in galabta lagu aaso Qabuuraha Magalada Jabuuti.

Dr-ku waxa uu bishii Shacbaan aakhirkeedii uu arimo caafimaad u aaday Wadanka Sucuudiga ,baadhitano lagu sameyay ayaana lagu xaqiijiyay in uu Sheekhu qabo cudurka loo yaqaano Beer Qolofow , waxayna Dhakhaatiirtu ku taliyeen in Beerka laga badalo.

Maalinimadii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa Dr-ka lagu soo celiyay Dalka Jabuuti si uu Fiiso uga qaato Safaarada Ingiriiska ee Jabuuti si uu u aado Isbitaal ku yaala Ingiriiska oo uu balan ku lahaa 12-ka Bisha November.

Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa Ragii Taariikhda dheer ku lahaa arimaha Dacwada Soomaaliya ,wuxuuna ka mid ahaa Aas aasayaashii Jaamcadda Bariga Afrika ee Gobolada Waqooyi Bari, wuxuuna Madax ka ahaa Jaamacadda mudo Sideed Sano ah.

Bahda Somalitalk.com iyo Akhristayaasheeda ayaa Tacsi u diraya ehelada Dr. C/qaadir Garre oo ku geeriyooday Jabuuti. Sidoo kale Culimada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ayaan uga tacsiyeynaynaa.

Taariikh nololeedkii Dr. Cabdulqaadir Maxamad Cabdullaahi

Alle ha u naxariistee Dr. Cabdulqaadir wuxuu ku dhashay magaalada gaalkacyo qiyaastii 1949kii, wuxuuna ku barbaaray dagmada eyl ee gobolka nugaal,waxbarashadii dugsiga hoose dhexe wuxuu ku qaatay, dugsiga hoose dhexe ee xamar, ka dibna wuxuu ka baxay mahadka kalkaalinta caafimaadka, wakhti koobanna wuxuu ku shaqeeyay kalkaaliyanimo.

Dugsiga sare ee 15may ayuu 1974kii ka qalanjabiyay, wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaradii xilli hore la jaanqaadday saxwada islaamga ah, wuxuuna 1976kii u baxdsaday dhinaca Kenya ka dib markii kacaanku olole xirxirid ah ku qaaday dhallinyaradii dacwada.

Diktoorku wuxuu arday ka noqday 1977kii jaamacadda umulquraa oo xilligaas loo yaqaannay jaamacadda malik Cabdil Casiis, gaarahaan kulliyadda shreecada qeybteeda dacwada, diraasaadkiisii sare sheekhu wuxuu ku dhammeystay isla jaamacadda ummulquraa ilaa uu ka qaatay shahaadaha diktooraada(PHD) wuxuuna ku takahasusay cilmiga caqiidada.

Sheekhu intii uu deganaa magaalada makka wuxuu hoy lagu soo hirto u ahaa dhammaanba dadka ducaadda ah oo gurigiisa soo tammadin jiray.

Sheekhu wuxuu sucuudiga ka soo noqday taariikhdu markii ay aheyd 1999kii xilligaas oo ay aasaaseen isaga iyo Dr. axmad xaaji C/raxmaan jaamacadda bariga afrika,waxaana loo doortay inuu madax ka noqdo jaamacadda, wuxuuna hogaaminayay ilaa sideed sanadood,xilliganna wuxuu madax u ahaa golaha aasaasayaasha jaamacadda.

Dr.Cabdulqaadir wuxuu ifka kaga tagay afar xaas iyo 15 carruur ah oo uu isagu dhalay oo ay 5 ka mid ah wiilal yihiin tobanka kalena ay gabdho yihiin, sidoo kale wuxuu sheekhu ka tagay 24 carruur ah oo uu awoowe u yahay oo ay carruurtiisu dhaleen.

Sheekh Cabdul qaadir wuxuu kaalin lama illaawaan ah ka qaatay faafinta dacwada waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaan waddanka sucuudiga o uu u badnaa isaga oo laf dhabar u ahaa ducaada soomaaliyeed ee ku sugnaa waddankaas, wuxuu sidoo kale si gaar ah dowr ballaadhan ugu lahaa caawinta dacwadii ka socotay waddanka soomaaliya gudihiisa.

Maalinimadii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa Dr-ka lagu soo celiyay Dalka Jabuuti si uu Fiiso uga qaato Safaarada Ingiriiska ee Jabuuti si uu u aado Isbitaal ku yaala Ingiriiska oo uu balan ku lahaa 12-ka Bisha November.

Sheekh Cabdulqaadir dadka yaqaanney waxey ku xusuustaan sifaad badan oo wanaagsan oo uu ka mid yahay xishood siyaado ah, tawaaduc,laabxaadhnaan,deeqsinimo,shaqo aamus lagu qabto, in loo adeego dadka musliminta ah iyo hammi dacwadeed oo aan damin

alle ha u naxariisto Dr c/qaadir Axmed Cabdalla raxmad waasic ahna ha siiyo ,waxaana ilahay uga baryaynaa in uu Ahlu Jano ka dhigo Amiin amiin.

Culumada Gobolada Woqooyi Bari oo tacsi u diray Eheladii & Asxaabtii Dr. C/qaadir Garre

“إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”

“إن لله ما أخذ وله ما أعطى، وكل شيئ عنده بأجل مسمى”

Ilaahay baa na leh, isaga ayaana u noqonaynaa. Allaah wuxuu leeyahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba, shay kastana agtiisa wuxuu ku leeyahay go’an.

Ishu way ilmaynaysaa, qalbiguna wuu tiiraanyoonayaa, mana oranayno wax Rabbi raalligaliya mooyee wax kale, geeridaadana waan ka murugaysanahay Sheekh C/qaadirow.

Intaa ka dib annaga oo ka murugaysan geerida ku timid walaalkayo Sheekh C/qaadir Maxamed C/laahi waxaan halkaan tacsi uga diraynaa eheladiisa iyo asxaabtiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, waxaana ugu yeeraynaa samir iyo ajar xisaabsi. Waxaan Sheekha Ilaahay uga baryaynaa in uu dambigiisa dhaafo, jannada Firdawsana siiyo, ehelka iyo asxaabtana uu badal khayr qaba siiyo. Aamiin.

1) Sh. C/qaadir Nuur Faarax

2) Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

3) Sh. Daahir Aw Cabdi Yuunus

4) Sh. C/naasir Xaaji Axmed

5) Sh. Xasan Xuseen Axmed

6) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim

7) Sh. Axmed-daahir Xasan

8) Sh. Axmed C/samad

9) Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

10) Sh. Bashiir Jaamac Kite

culimada iyo ducaadda gobolka togdheer ayaa shabakadda somalimirror soo gaarsiiyay qoraal tacsi ah oo ay u direen eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Dr. cabdulqaadir maxamad cabdullaah, wuxuuna u qornaa sidan

Culimada gobolka togdheer oo tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Dr.C/qaadir garre

إنا لله وإنا إليه راجعون

Ilaahay baa na leh xaggiisa ayaana u noqoneynaa, qalbigu wuu murugoonayaa, ishuna way ilmeyneysaa,Ilaahay wax aan raalli galineyninna odhan meynno.

intaas ka dib annaga oo ah culimda iyo ducaadda gobolka togdheer waxaan halkan uga tacsiyaynaynaa eheladii ,qaraabadii, iyo dhamaan ummadda soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Dr. C/qaadir Maxamed C/laahi

ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu naxariista jano ka waraabiyo sheekha , ummada muslimiinta ah ee uu ka geeriyoodayna ajarkooda wayneeyo oo samir ka siiyo.

Magacyada Culimada Tacsida diraya:

1- Sh. cali  warsame xasan

2- Sh. c/laahi Daahir Jamac

3- Sh. Cusmaan Maxamuud faarax

4- sh. C/qani Saalax Cali

5- Sh . yuusuf maxamuud Diiriye

6- Sh. Maxamed shukri Xasan

7- Sh. Mustafe aadam Maxamed

8- Sh. JaamacCali Cabdille

9- sh. Yuusuf Caddi Cawad

10- sh. Jaamac cismaan Axmed

11- sh. maxamed Cabdi Guray

12- Sh. Rashiid xaaji aadam

Isha: Somalimirror

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Dr C/qaadir Garre oo saaka ku geeriyooday Jabuuti "

  1. Ilahay ha u naxariisto Dr C/qadir Axmed Eheladiisa, Asaxaabtiisa iyo Ummadda Somaliyeed ee Shiikhu u adeegi jirayna samir iyo imaan Ilahay ha ka siiyo isagana Janadii Fardowza iyo naxariista Ebbe haysiiyo. Somalidu waxay ku maahmaahdaa WARIMAYSIDE WAR HA KAA HARO. Shiikhu waa inoo shaqeeyey waana shaqaystay Insha Allaah miraheedana wuu helin Amiin Amiin Amiin Yaa Allaah.

  2. Mohammed Hussein Hogato says:

    Ina lilah wa ina ilayhi raajicun ilahay ha unaxariisto shikh abdiqadir , waxana tacsi udiraya eheladi iyo qarabadi u ka geeriyooday shiikh ilahay samir iyo iiman ha idin ka siyo aamin aamin aamin

  3. Muwaadin says:

    Illaahay sheekha ha unaxariisto, samir iyo iimaana haka siiyo intii uu ka tegay, iyo umada oo idil. Eebe SWT anagana hanoo naxariisto. aamiin.

  4. Aisha says:

    Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. sheekh A.Qaadir allahayoow u naxariiso ,ummaadda soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka tegeyna raxmaanoow samir iyo iimaan alloow ka sii . aamiin

  5. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Michigan, USA says:

    Haddaan nahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Michigan, USA. Waxaan tacsi u diraynaa Qoyskii iyo Soomaalida oo idil ee ku kala nool Somalia iyo Dunidaba, taasoo ku taxaluqda geeridii ku timid Illaah ha u naxariisto Dr. Sheikh Abdulkadir Maxamed Cabdullaahi oo ahaa Caalim, Deeqsi, Naxariis badane, Soomaali, damiir weyne, hufane, waxgarad iwm. Geerida Sheekha waxay aad u taabanaysaa inta uu waxtarka u ahaa oo aan ku jirno qaarkeyn, ee ku soo arkay dawrkiisa shariifka ahaa markaan kula kulanay Boosaaso, Soomaaliya oo aan ku ahayn Jaar iyo xabiib dhaw. Sidaas awgeed waxaan leenahay Allow Qaadirow Sheikha ka waraabi Janatul Fardowsa, ehelkiisa iyo asxaabtiisina sabur iyo Iimaan kawada sii AAMIIN AAMIIN AAMIIN.إنا لله وإنا إليه راجعون
    إن لله ما أخذ وله ما أعطى، وكل شيئ عنده بأجل مسمى”

    A. Gayre and F.Barre

  6. kulu nafsin daa,iqatil mawt anidoo ah arday ka tirsanaan jiray jaamacada bariga afrika hadana ku nool wadan u.a.e waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii ,asxaabtii,iyo maamulka ,macalimiinta iyo ardadii jamacada waxaana leeyahay samir iyo iimaan aallaha idinka siiyo geerida Dr;C/QAADIR GARe isagana allahay janadii fardawsa ha geeyo aamiin aamiin

  7. Abdulkadir says:

    Sheekh C/qaadir Ilaahay Jannadii Ferdowsa ha ka waraabiyo. Qoyskiisa iyo qaraabadiisa iyo sidoo kale saaxiibadiisa Samir iyo Iimaan Alle ha ka siiyo.

  8. mohamed says:

    Illaah ha u naxariisto Sheikh Abdulkadir.
    Geeridu waa lama hurraan, Gurina waa kan Akhiro ee Allahayoow Sheikha Firdawsa geey.
    Ehell Iyo Asxaabna Sabar iyo Eimaan Illaaha Idankii.إنا لله وإنا إليه راجعون
    إن لله ما أخذ وله ما أعطى، وكل شيئ عنده بأجل مسمى”
    Moahamed

  9. innaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun,
    sheeqa allaha u naxariisto janadiisa fardowsa kuwa alle geliyo allaha ku daro intii uu dhaleyna samir allaha ka siio aammiin

  10. Xassan says:

    Innaa Lillahi wa InnaIleyhi raajiciim.